Maqaal: Wax badan ka ogoow daaha gadaashiis

0
Tuesday March 13, 2018 - 20:13:29 in Wararka by
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Wax badan ka ogoow daaha gadaashiis

    Maalintii aan maqlay/arkay magaca shirkadda DP World ayaan raadiyay xog wal oo ku saabsan waxa ay waxani tahay, iyo sidoo kale dadka maamulaa waxa ay yihiin. Kolleyna badankiinnu i la mid baad ahaydeen. Haddaba sow ma aydaan helin xogtii aan maalm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintii aan maqlay/arkay magaca shirkadda DP World ayaan raadiyay xog wal oo ku saabsan waxa ay waxani tahay, iyo sidoo kale dadka maamulaa waxa ay yihiin. Kolleyna badankiinnu i la mid baad ahaydeen. Haddaba sow ma aydaan helin xogtii aan maalmahaa helay ee ahayd, DP World asal ahaan in ay tahay shirkad uu qoyska Imaaraadka xukumaa lee yahay (Dawladda Imaaraadka), ee aanay marnaba iyo weligeedba ahayn shirkad ka madax bannaan?

Sidii aan maalmahaa taariikhda shirkaddan ku arkay, asal ahaan wax ay ahayd hay’ad ka mid ah hay’adaha boqortooyada Imaaraadka, oo ka shaqayn jirtay dhisidda guryaha, kirayntooda, iibsigooda iyo iibintooda (sharikat caqaaraat). Toban sano hortood ayay kacday shirkaddii caynkaa ahayd, dabadeed magacii baa la ga beddelay oo loo bixiyay Sharikat Dubaay lil-Mawaani – Shirkadda Dubay ee Dekedaha (Dubai Ports World). Hay’addaa dawladdu lahayd ee kacday lacagta la gu nooleeyay ee la gu maalgeliyay iyo doorinta magaceeda iyo hawsheeda, waxaa lahaa isla Dawladda Imaaraadka.

Maxaa haddaba shirkaddan magacii iyo waxii ay ka shaqaysan jirtay loo ga beddelay, loo guna sheegay shirkad madax bannaan oo dunidq ka shaqaysata? Laba sababood:

1. Weerarkii ay niman Carbeed ku qaadeen Maraykanka sannadkii 2001 waxaa ku jiray wiilal Imaaraadka u dhashay, oo weliba lacagta weerarka bixiyay. Markaa Imaaraadku wax uu ka mid ahaa dalalkii uu judhiiba Maraykanku bartilmaameedsaday Sacuudiga ka dib. Laakiin dalkaa in la qabsado, sidii Afgaanistaan iyo Ciraaq la gu sameeyay, waxaa ka badbaadiyay in uu isku furtay lacag xaddigeedu garashada aadamiga ka baxsan yahay. Tabtii Sacuudiga. Shirkaddan haddaba berigaa baa loo beddelay in arrimo siyaasadeed Maraykanka iyo Israa’iil u gu shaqaystaan, tabtii hay’ado diineed iyo samafal oo Sacuudi ah la ga yeelay.

Markaa DP World in maanta la gu sheego shirkad madax bannaan oo dunida oo dhan ka shaqaysata, waa xayaysiis been ah oo sirdoonku u sameeyay, si dalal iyo dadyow loo dan lee yahay loo gu farageliyo. (Ogow oo qasab ma aha in dal wal oo DP World ka shaqayso la ga lee yahay dano faragelineed, wax ay se xoojisaa ujeedka asalka ah, oo garashada dhow baa ku madalhufaysa fahanka ah ‘shirkaddani dalal waaweyn bay ka shaqaysataa’).

Taariikhda xun ee shirkadda waxaa ka sii xun taariikhda ninka taliyaha ka ah ee la yidhaahdo Suldaan Axmed bin Suleym, oo la sheegay in uu dhashay 1955, dabadeed maalmo la gu soo edbiyay jaamacadda Maraykanka ee Temple University, ee dhaqaalaha. Sida muuqata tacliin ma uu soo baran ee wax uu ka mid yahay kumannaan qof oo dunida sookoraysa u dhashay, kuwaas oo Af Ingiriisida la yara baro, lana siiyo shahaadooyin aan dhab ahayn aqoon ahaan laakiin loo ga dan lee yahay in sirdoon ahaan loo gu adeegsado kolka dadyowgii ay u dhasheen la gu celiyo.

Suldaan ka mid ma aha qabiilooyinka xukuma toddobada imaaradood ee dalkiisa, laakiin kibirkiisa iyo awoodihiisa wax aad ka arkaysaa in uu dhab ahaan lee yahay awoodo ka baxsan qoysaskaa oo dhan. Hadalkii dhiirranaa ee uu Dawladda Soomaaliya u gu jawaabay ayaad taa ka arki kartaa.

Xabashida oo ay dawladaha waaweyn ee Masiixiga isku xidhan yihiin, ninkan iyo shirkaddiisa wax ay u adeegsanayaan rumaynta riyadii soojireenka ahayd ee Xabashidu ku doonaysay xeebaheenna.

Qore: Hawd



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip