Burundi oo ka soo horjeesatay ciidamo ka socda Midowga Afrika oo la keeno

0
Saturday December 19, 2015 - 19:49:31 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burundi oo ka soo horjeesatay ciidamo ka socda Midowga Afrika oo la keeno

    Dowladda Burundi ayaa ka hor-timid qorshaha Midowga Afrika uu ku doonayo in ciidamo nabad ilaalin loogu diro, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah. Afhayeenka Madaxweynaha Burundi ayaa ku tilmaamay soo jeedinta Midowga Afrika ee ciidamada loo dirayo B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Burundi ayaa ka hor-timid qorshaha Midowga Afrika uu ku doonayo in ciidamo nabad ilaalin loogu diro, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah. Afhayeenka Madaxweynaha Burundi ayaa ku tilmaamay soo jeedinta Midowga Afrika ee ciidamada loo dirayo Burundi inay tahay sheeko been abuur ah oo ku saabsan xasuuqa laga sheegayo.

Willy Nyamitwe ayaa wareysi uu siiyay Barnaamijka Focus on Africa ee BBC-da ayaa meesha ka saaray inuu jiro xasuuq la abaabulayo inuu ka dhaco dalka Burund.

Waxaa uu sheegay in dadka ka hadlaya xasuuqa ay yihiin cadawga Burundi, isagoo xusay in dadka Burundi ay ku nool yihiin Nabad.

Midowga Afrika ayaa sheegay inay diyaarinayaan ciidamo loo diro dalka Burundi, iyadoo aan xitaa fasax laga heysan dowladda.

Qalalaaso iyo rabshado ayaa ka jiray Burundi tan iyo bishii April, markii Madaxweyne Peirre Nkrunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isu taagayo madaxtinimada, taasoo mar dambe doorasho muran badan la geliyay uu ku guuleystay mar kale xafiiska.

Dagaalo iyo dilal badan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Bujumbura, iyadoo la weeraro xarumo Milateriga leeyahay.

Madaxda Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu shir deg deg ah ka yeesho xaalada sii xumaanaya ee ka taagan Burundi, iyadoo dadka ajnabiga ee ku sugnaa laga daad-gureeyay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip