WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Monday September 14, 2015 - 10:20:22 in Wararka by
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    DOWLADDA SOOMAALIYA OO KU DHAWAAQDAY XILLIGA AY FURMAYAAN WADA TASHIYADA DOORASHADA 2016-KA Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Cumar C/ra shiid ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey in 20-ka bishan Septe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DOWLADDA SOOMAALIYA OO KU DHAWAAQDAY XILLIGA AY FURMAYAAN WADA TASHIYADA DOORASHADA 2016-KA Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Cumar C/ra shiid ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey in 20-ka bishan September, 2015-ka ay magaalada Muqdisho ka billaaban doonaan kulamada Wadatashiga hanaanka doorashada iyo Aayaha siysaa sadeed dalka ee Sannadka 2016-ka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay go’aankaan kaga dhawaaqay Kismaayo, ka dib kulan gaar ah oo Wadatashi oo dhex marey madaxda Qaranka iyo kuwa maamullada dalka qaarkood ay ku yeesheen Kismaayo.

Kulanka ayaa Madaxda Waxay isku Af-garteen in Maadaama Waqtiga haray uu yar yahay, hawlo badanna ay dalka horyaalaan loo baahan yahay dardar-gelinta Qorshaha siyaasadeed ee dalka oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed laga Qaybgalinayo.

Sidoo kale, kulanka ayaa laga sheegay in dalka aysan doorasho Qof iyo Cod ah aysan dalka ka dhici karin Sannadka 2016-ka, iyadoo lagu Wado in Shirka soo Socda in looga Tashado nooca doora sho ee dalka ka dhici karta marka la gaaro Sannadka 2016-ka.

Ugu dambeyn, hadalka Madaxda Qaranka ayaa Wuxuu imaanayaa Xilli uu Dib u dhac ku yimid kulanka wadatashiga Madaxda dalka iyo kuwa maamullada dalka ka jira uga Furmi lahaa shalay maga alada Kismaayo, ka dib khilaaf iyo Aragti kala duwanaasho soo Dhexgashay madaxda dalka iyo kuwa Maamullada KMG ah ee Soomaaliya ka jira.

YUUSUF XAAJI "MADAXWEYNE MA AHAN SHAAR SUBIXII LA GASHANAAYO OO GALABKII LA ISKA BADDALAAYO, MADAXWEYNAHA

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Dowladda Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa ku baaqay furs ad in la siiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xiliga joogitaanka xafiiska ay uga hartay hal sano.

Maxamed Yuusuf Xaaji, wuxuu sheegay dadka oo dhan inaysan wada noqon karin Madax, balse Madaxweynaha uu yahay hal ruux oo kaliya, muhiimna ay tahay in fursad loo siiyo waqtiga shaqada.

Yuusuf Xaaji, waxa uu sheegay haddii Madaxweynaha Soomaaliya xilka laga qaado ay adag tah ay in dalka la gaarsiiyo Hiigsiga 2016-ka, sidaasi awgeedna ay fiican tahay in carqalada siyaasadeed laga daayo Madaxweynaha.

"Madaxweyne ma ahan shaar subixii la gashanayo oo galabka la iska baddalayo, madaxweyna ha waa in fursad la siiyaa,” Ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo ka hadlaayay Xafladii Caleemo Saarka Madaxwey naha Jubbaland.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga dalka Kenya, wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay soo celiyaan sharaftii ay laheyd Soomaaliya, sidoo kalena ay ka dambeeyaan madaxdooda.

"Ka dambeeya madaxdiinna, nin walba madax ma noqon karo, Madaxweynaha Soomaaliya hal ayuu ahaanayaa,” ayuu yiri.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u soo jeediyay Madaxwe ynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado Madaxweynaha.

SOOMAALIYA OO SEDDEX IYO TOBAN SANNO KA DIB GARSOORI DOONTO CAYAARAHA FIFA

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, ayaa hambalyo u diray guddiga garsoorka, ka dib mar kii ay muujiyeen shaqo wanaag dalka iyo dibad ah, waxana ay dhawaan garsoori doonaan cayaaraha isreebreebka koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab, ayaa gaarsi iyay dhambaal niyad dhis ah garsoorayaasha kubbadda cagta Soomaaliya, kuwaas oo isagu jiro qeyb kala duwan.

"Ka xiriir ahaan waxaan farxad la qeybsaneynaa garsoorayaasha kubbadda cagta oo muujiyay dadaal aad u sarreyo iyo dulqaad ay kusoo gaareen meesha ay manta taagan yihiin, waxaan kale oo mahad celin u jeedinayaa xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA, oo muddo seddex iyo toban san no ka dib noogu yeeray inaan dhexdhexaadino cayaaraha waa weyn ay qabtaan, waxaana ku rajo we eynahay in howshooda ay sii wanaagsanaato oo ay kasoo muuqdaan koobka adduunka ee la qaban doono 2018-ka.”Guddoomiye Cabdiqani ayaa sidaasi ku yiri warsaxaafadeedka.

Kulan ciyaareedka ay dhexdhexaadin doonaan garsoorayaasha ayaa waxa uu dhexmari doonaa Tan zania iyo Malawi, lugta hore ee kulanka ayaa waxa ay ka dhici doontaa dalka Tanzania, 7-da bisha October ee isla sannadkan.

Garsoorayaasha qaban doono ayaa waxa ay kala yihiin:- Xasan Aadan Xaaji Yabarroow, Xamza Xaaji Cabdi, Saalax Cumar Abuukar iyo Bashiir Colaad Carab, waxana tani ay guul u tahay dhamaan bahda cayaaraha.

Ciyaaro noocan oo kale ah Soomaaliya inay qabato waxaa ugu dambeysay sannadii 2002, oo haatan laga joogo seddex iyo toban sanno, garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa xilligaa waxa ay dhexdhexaadiyeen kulan u dhaxeeyay Eretria iyo Suudaan, waxana ay kala ahaayeen dadka kulank aasi qabtay Cabdi Cabdulle Axmed (Basaalle), Bashiir Shire Xeydar (Bootaan), Cusmaan Cabdi Cus-maan iyo Axmed Xuseen Cumar (Axmed Keey).

TALIBAN OO WEERARTAY XABSI AFGHANISTAN

Ururka Taliban ayaa waxa ay weerareen xabsi ku yaalla magaalada Ghazni ee bartamaha Afgh anistan, iyagoo ugu yaraan dilay 4 boolis ah halkaasina ka sii daayay 350 maxaabiis ah.

Kuxigeenka barasaabka gobolka Ghazni ayaa BBCda u sheegay in weerarka uu dhacay saaka aroortii.

Maxamed Cali Axmadi ayaa sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay aad u nidaamsanaayeen ayna xirnaayeen darayska milateriga.

Mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku qarxiyay albaabka xabsiga, taasi oo koo xda inteeda kale u suuragalisay in ay xoog ku galaan xabsiga.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujaahid ayaa xaqiijiyay in kooxda ay weerarkaasi ka dambe ysay.

Taliban iyo kuxigeenka barasaabkaba waxa ay xaqiijiyeen in saddex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday la dilay. Barasaab ku xigeenka ayaa sheegay in 7 askari oo boolis ah iyana ay dhaawacmeen.

SAXIIXAYAASHA MOOSHINKA MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY.

Warsaxaafadeed ay soo saareen saxiixayaasha mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay ku soo dhoweeyeen maareynta mooshinka laga keenay Madaxweyn aha oo uu soo bandhigay guddoonka baarlamaanka.

War saxaafadeedkan oo 14 qodob ayaa saxiixayaasha Mooshinka waxa ay ku sheegeen in ay ku qanacsan yihiin shuruudaha wadahadalka ee ku xusan warsaxaafadeedka ka soo baxay guddoonka baarlamaanka. Saxiixayaasha ayaa bogaadiyay in Madaxweynuhu uu oggolaaday in wadahadalka balse waxa ay ka muujiyeen walaac in in Ra’iisul Wasaaraha wada hadalka ku matalo Madaxweynaha.

Saxiixayaasha ayaa rumeysan in aanay munaasab ahayn, maadaama uusan mooshinka ahayn mid codka kalsoonida ah lagu helayo, balse uu yahay eedeymo fal dambiyeed culus oo ka dhan ah Madaxweynaha JFS. Waxayna sheegeen in taasi ay abuuri karto faham qaldan oo ah in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Golaha Fulinta, kaasi oo aan meesha ma oolin.

Haddaba halkan ka aqriso warsaxaafadeedka saxiixayaasha Mooshinka ka dhan ka ah Madaxweynaha.

SAXIIXAYAASHA MOOSHINKA XILKA QAADISTA MADAXWEYNAHA JFS

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Soomaaliya

September 13 2015

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

  1. Xubno ka mid ah Golaha Shacabka ayaa Mooshin Xilka Qaadis oo ka dhan ah Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, u gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka bishii Ogosto 12, 2015.
  2. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Cusman Jawari, ayaa daraad 12 Sebtembar 2015, soo saaray War Saxaafadeed uu ku sharxayo sida loo maareynayo Mooshinka Xilka Qaadista ee Madaxweynaha.
  3. Waxaan soo dhoweyneynaa baaqa Guddoomiyaha in ay labada dhinac wada hadal dhab ah ka galaan eedeymaha culus ee Mooshinka ku xusan, waxaana diyaar u nahay in aan si niyad sami ah u galeyno wada hadalka.
  4. Waxaan magacaabi doonaa guddi nooga qeybgalo wada hadalka sida uu Guddoomiyaha soo jeediyey.
  5. Waxaan soo dhoweyneynaa in hoggaanka Golaha Shacabka (Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen) ay noqdaan dhexdhexaadiyayaal inta uu wada hadalka socdo.
  6. Waxaan ku qanacsanahay shuruudaha wada hadalka ee ku xusan War Saxaafadeedka Guddoomiyaha, gaar ahaan, in labada dhinac aysan wax xanaf leh oo ku saabsan arrimaha Mooshinka Xilka Qaadista warbaahinta kala hadal ama aysan sameeyaan oraahyo keeni kara xasaasiyad.
  7. Waxaa kaloon oggolanahay shuruudaha ku xusan War Saxaafadeedka Guddoomiyaha ee uu ku caddeyey in haddii uu wada hadalka fashilmo eedeymaha Mooshinka Xilka Qaadista loo gudbiyo maxkamadda ay khuseyso dhageysiga iyo go’aan ka gaarista eedeymaha mooshinka Madaxeynaha JFS.
  8. Waxaan u boogaadineynaa Madaxweynaha JFS oggolaansha uu oggolaaday in uu si niyad sami ah u galayo wada hadalka.
  9. Waxaan rumeysanahay in aanay munaasab ahayn in Ra’iisul Wasaaraha wada hadalka ku matalo Madaxweynaha, maadaama aynu mooshinka ahayn mid codka kalsoonida ah lagu helayo, balse uu yahay eedeymo fal dambiyeed culus oo ka dhan ah Madaxweynaha JFS.
  10. Waxaan rumeysanahay in wada hadal lala galo Ra’iisul Wasaaraha ay abuureyso faham qaldan oo ah in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Golaha Fulinta, kaasina meesha ma yaallo.
  11. Waxaan rumeysanahay in Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiiradu ay horyaalaan ajeendayaal iyo qorshe hawleedyo waqtiyeysan oo muhiim ah, una baahanyihiin in ay hawlahooda ku mashquulaan oo aanay ku mashquulin wada hadal siyaasadeed.
  12. Waxaa kaloon xubnaha kale ee Golaha Shacabka uga mahadcelineynaa taageeradooda in hawalaha Golaha lagu saleeyo Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha.
  13. Waxaan u mahadcelinaynaa shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo dulqaadkooda waqtiga culus inta uu socdo.
  14. Gunaanad, waxaan u mahadcelineynaa saaxiibadeena beesha caalamka talooyinka iyo taageerada ay bixiyeen dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. Wa Billaahi Towfiiq,

JARMALKA OO HAKIYAY QAABILIDA QAXOOTIGA DALKIISA KU SOO QULQULAYA

Dowlada Jarmalka ayaa siku meelgaar ah u joojisay gaadiidka tareenada ee ka imanayay dalka deriska la ah ee Austria iyadoo ay qaxootiga weli ay ku soo qulqulayaan dalkaas.

Mas’uuliyiinta wadanka Austria ayaa xaqiijisay in howlihii tareenada isaga kala gooshayay dalka Austria iyo wadanka Jarmalka ay joogsan doonaan gelinka dambe ee Axada shalay ah iyadoo aan la ogeyn xiliga ay dib u bilaaban doonaan tareenada.

Wasiirka Arrimaha Dibada Thomas de Maiziere ayaa sheegay in dalkiisa uu soo saaray in konta rool lagu sameeyo xadka uu la wadaago Austria si loo yareeyo tirada soo raadsanaysa qaxootinimada ee soo gaareysa dalka Jarmalka.

Inkabadan 13,000 oo raadinaya magangalyo ayaa gaaray magaalada Munich sabtidii oo kaliya iyadoo gaartay tirada dadka gaaray dalka Jarmalka illaa iyo 450,000 oo ruux sanadkan kaliya.

Ururka caalamiga ah ee qaxootiga ayaa sheegay Jimcihii in tiro ka badan 430.000 oo ruux ay ka gudbeen badda Meditereenenka iyagoo galay qaarada yurub sanadkan oo kaliya, halka ay ku dhinteen 2,700 oo ruux intii ay wadada ku sii jireen.

CIIDAMADA JABUUTI EE AMISOM OO DIB U DHISAYA GAROONKA MAGAALADA BUULO-BURTE

Ciidanka Jabuuti ka socda ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dib u dhisayaan garo onka diyaaradaha degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, si loo Fududeeyo in Gar-gaarrada Bani’aad amnimo iyo Ganacsiga ay Degmadaas gaaraan, iyadoo Magaalada ay tan iyo Sannadkii Hore Go’do omin ku haysay Al-shabaab.

Sidoo kale, Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa Sheegay inay Degmada ka Hirgeliyeen Isbitaal loogu Adeegayo Haweenka iyo Carruurta, ayna gacan weyn ka geysteen hirgelinta idaacadda Buulo-burte. Sidoo kalena ay shan ceelbiyood ka qodi doonaan Degmada.

AMISOM ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay Shalay ku sheegtay Intii aan Al-shabaab laga qabsan degmada Buuloburte bishii May ee 2014-kii ay Buuloburte u ahayd xarun ay weerarradooad ka abaabulaan. Laakiinse markii laga Qabsadanayna ay Kooxdu billowdo inay go’doomin geliyaan Degm ada ayna weeraraan cid walba oo doonaysa inay soo gasho.

Dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Buuloburte ayaa la sheegay inay qayb ka tahay sidii loo fududeyn lahaa in gargaarrada bani’aadamnimo ay soo gaaraan degmada, sidoo kalena uu ganacsigu si caadi ah ku yimaado.

Askar ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ah la sheegay in la Geeyay Buulo burte si ay gac an uga geysteen dayactirka Garoonka Buulo burte si ay u Fududeeyaan in Shacabku ku nool degma daas ay u isticmaali lahaayeen garoonkooda. Iyadoo Garoonku uu isku xiri doono; Buulo-burte, Muqd isho, Baladweyne, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo.

Taliyaha Aagga Afaraad ee Ciidamada AMISOM, Col. Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil iyo Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan, Col. Cismaan Dubbad oo ay Wehliyeen Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa Booqday Degmada, si ay u Indho indheeyaan Xaaladda nololeed ee shacabka ku nool Buulo-burte.

"Ujeeddada aan u nimid Degmada Buulo-burte Waa sidii aan u Kormeeri lahayn Xaaladda Shacabka Degmada iyo Howlgallada ciidamada AMI-SOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee Buulo-burte ku sugan. Marka labaad waxaan kulan la qaadannay maamulka Magaalada, Shacabka, od-ayaa sha iyo Saraakiisha Magaalada Buulo-burte ku sugan; kuwaasoo aan kala Hadalnay Xaaladaha Degmada ka jirta iyo Caqabadaha haysta. Waxaan kaloo Booqannay Garoonka Diyaaradaha Buulo-burte oo saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay AMISOM ka wadday Dayactir; waxaana rajeynaynaa in dhawaan lasoo gaba gabeyn doono dib u dhiska lagu sameynayo garoonka uun howlgalo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM, Col. Cismaan Dubbad.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte, C/casiis Dulow Cabdi ayaa ka Mahad celiyay Taageerada Ciidamada AMISOM ee dhinacyada xoojinta Ammaanka Degmada iyo Dib u dhiskeeda.

"Waxaan saraakiisha AMISOM kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay dib u dhiska ay ka wadaan Garoonka diyaaradaha Buulo-burte oo aan horay uga Dalbannay. Dayactirka garoonkana degmada wuu socdaa,Waxaanan Rajeynayaa inay dhawaan Diyaaradaha soo Cago-dhigtaan. Sidoo kale Saraakiishu waxay booqdeen xarunta Idaacadda degmada oo ay AMISOM naga Taageerayso Xoojinteeda. Waxaan kaloo booqannay Isbitaalka Haweenka iyo Carruurta oo ay dhistay AMISOM oo xarigga laga jaray, iyadoo isbitaal noocan oo kale ah aysan Magaalada horay u lahaan jirin. Saddex Me elood oo kalena Kormeerro ayaanu ku tagnay,” ayuu yiri C/casiis Dulow.

Ugu dambeyn, Taliyaha ciidamada Jabuuti ee AMISOM, Col. Cismaan Dubbad ayaa xusay in Booqa-shadooda ay Guul ku soo Dhammaatay. Isagoo Ciidamada Jabuuti ee Buulo-burte ku sugan ku Amaanay inay Qabteen Hawlo wanaagsan oo ay ka mid yihiin sugidda amniga iyo Gacan ka Geysa shada Waxyaabaha ay u baahan yihiin Shacabka Buulo-burte ku nool.

KENYA: HOWLGALLO LAGA BILLAABAY DEEGAANO LAGU TUHMAYO XOOGAG KA TIRSAN XARAKADA AL-SHABAAB

Dowladda Kenya ayaa billowday Hawlgallo ay kaga Sifeynayso Deegaanka Kaymaha badan ee Boni oo ku Taalla Xeebta Kenya, Halkaasoo ay Sheegeen Saraakiisha Kenya inay ku Dhuumaaleysa nayaan Xoogagg ka Tirsan Al-shabaab, kuwaasoo Weerarro ka geysta Deegaano dalkaas ka tirsan.

Wasiirka Amniga Gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaisserry ayaa Sheegay in Hawl-galkan lagu beegsanayo 13 tuulo oo ku kala yaalla Bariga degmada Lamu iyo deegaano ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi bari Dalka Kenya oo ay ka mid yihiin; Holugho, Galmagala, Sangilu, Ijara, Bodhei, Milimani, Baurre, Basuba, Mangai, Malalani, Kiunga, Ishakani iyo Dares-Salaam.

Dhammaan Deegaannadan Ha-wl-galka laga Fulinayo Waxaa Qabanaya Sharci Gaar ah oo Dhawaan ay soo Saartay Xukuumadda Kenya - 02, September 2015, kaasoo tirsigiisu ahaa 93.

Sidoo kale, Hawlgalkan ayaa la sheegay inay ka Qayb-qaadanayaan Ciidamada Millateriga Kenya iyo Booliiska sida Millateriga loo tababaray. Kuwaasoo howlgalka si wadajir ah uga fulinayay deegaannadan.

Xukuumadda Kenya ayaa shaacisay in Xoogagga Al-shabaab ay Saldhigyo ka Sameysteen keynta Boni soo galeen, kaddib markii lagu soo jabiyay Gudaha Somalia, sidaasi darteedna ay qosheynayaan inay ka saaraan deegaannadaas ay ku dhuumanayaan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay Weerarro ka Geysanaysay Gudaha dalka Kenya tan iyo markii Xuukumadda Kenya ay kumannaan ciidamadeeda ka tirsan u soo dirtay Soomaaliya dhammaadkii sannadkii 2011-kii si ay ula dagaallamaan Al-shabaab oo ay ku eedeysay Af-duubiyo iyo dilal ka dhacay gudaha Dalkeeda.

GOLAHA GUURTIDA OO SOO DHEX-GALAY KHILAAFKII SHIR-GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND

Xaaladda Golaha Wakiillada ayaa shalay deganayd kaddib markii daraad gacan ka hadal uu dhex maray Guddoomiyaha Golaha & Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha.

Xeyndaabka Golaha ayaa waxa Amaankiisa sugayey Ciidammo badan la keenay, waxaana mar kiiba labadda dhinac la hadlay shirgudoonka guurtidda oo codsaday in muddo fasax la gallo.

Sidoo kale, 13 xildhibaan ayaa golaha keenay mooshin ay ku codsanyaaan in muddo fasax la gallo si loo kala dhexgalo shirgudoonka.

Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Yuusuf ayaa shalay Shir-gudoominayey, Waxaanu ka Aqbalay 13-kii Xildibaan ee codsaday in fasax la gallo si khilaafka shirgudo onka loo soo afjaro, sidaasna wax ka caqballay golaha iyo shirgudoonkaba.

Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee golaha Cali Yuusuf ayaa sheegay in ilaa Ciidda Goluhu Fasax yahay, isla markaana bacdda ciida Carafo la isku iman doono.

Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa xafiisyadooda ugu tagay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo ku xigeenkiisa si Xaaladda loo dajiyo.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan kala erdheeyey guddoomiye CIrro iyo Baashe ayaa salka ku haya danaha xisbiyadda ka soo kala jeedaan ee KULMIYE iyo WADANI, sidoo kale, shirkadaha doo naya inay hamaha shiidaalka la wareegaan ayaa iyaguna saameyn ku dhex leh xildhibaanadda golaha Wakiiladda taasina ay keentay in khilaafka goluhu cirka isku shareerto.

Xildhibaanada Daraad keenay Mooshinkii lagu Taageerayo Heshiishkii Xukuumadda ay la gashay Shirkadaha ayaa ahaa badankoodu isla kuwii hore u Laalay Heshiishkaan oo fikirkooddii hore bedelay, hadana tageersan in heshiish lala gallo shirkadaha. Xisbiyadda mucaaradka gaar ahaan gudoo miyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isagu khaladkii golaha ka dhacay ku eedeeyey gud oomiye ku xigeenka, Baashe Maxamed oo uu sheegay inuu ixtiraami waayey gudoomiyihiisa.

"Horta Wakiillada Wixii daraad ka dhacay Boqolkiiba 80%, Waxay Dusha ka saaran tahay guddo omiye xigeenka. Sida uu daraad u macaamilay si odaynimo ah iyo si sharci ah midna ma ahayn. Guddo omiyuhu isagu Sharci ayuu cuskaday oo wuxuu yiri; wuxuu qorayaa xeer hoosaadkeenu mooshinka fa dhigan lagaga dooday in fadhiga dambe la keeno, dee arrintu halkaas bay ku dhammayd ee laakiin in Makarafoonka la qabsado oo lagu dagaalamo ma ahayn, wixii halkaas ka dhacayna inta badan waxay dhakada ka saaran tahay guddoomiye xigeenka”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

CIIDANKA XERADA 54-AAD EE GAROOWE OO SAMEEYAY GADOOD AY KAGA CABANAYEEN MUSHAAR LA’AAN

Ciidamada Xerada 54-aad ee Garoowe ayaa Shalay sameeyay Gadood, ka dib markii sheegeen in Mushaaraadkoodii aysan ka helin Maamulka Puntland muddo Siddeed bilood ah.

Gadoodka Ciidamadaan ayaa yimid ka dib markii uu Burburay kulan dhexmaray Shalay subaxy Saraakiisha Xerada 54-aad iyo Maamulka Lacagta ciidamada Puntland; iyadoo saraakiishu ay shee geen inaysan gacan ku hayn Mushaarkii ay ka Dalbadeen Maamulka Puntland.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaa rasaasta kala duwan cirka u ridayay intii uu socday gadoodka ay sameeyeen Shalay subaxy; iyadoo sidoo kale Wararku ay intaas ku darayaa in xerada ay xireen ciid amadan gadoodka sameeyay. Askarta gadoodka sameeyay shalay ee ku xareysan xerada 54-aad oo duleedka Garoowe ku taalla ayaa waxaa intooda badan lagu soo tababaray waddanka Itoobiya, iyagoo sheegay inaysan Mushaar helin tan iyo markii Xeradan lagu Xareeyay.

Gadoodka Ciidamadaan ayaa imaanaya Maalmo ka dib markii Ciidammo ka Tirsan kuwa Birmad ka Puntland ee ka Howlgala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kuwaasoo intii uu Xilka hayay Mad axweyne C/weli Gaas Dhibbada loo Taagay ay xireen Barkontrool oo ku taalla Boosaaso.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soo cadde oo Warbaahintu ay wax ka weyd iiyeen Gadoodka ciidamadu sameeyeen ayaa beeniyay inaysan jirin mushaaraad ka maqan ciidamada Puntland.

Dhinaca kale, Ciidankan ayaa Gadoodkoodu kusoo beegmayaa xili Ganacsatada Puntland ay ka Cawdeen lacago Cusub oo Shillin Soomaali ah oo Suuqyada Puntland lasoo galiyay; taasoo Maamulka Puntland uu beeniyay.

Gadoodkan ayaa wuxuu sidoo kale imaanayaa xilli Madaxweynaha Puntland uu ka maqan yahay Garoowe, isagoo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Soomaaliya ee Kismaayo uga Qayb galay daraad Xafladdii Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, garoodka ciidamadan ay shalay subax ka sameeyeen Xarunta Puntland ee Garoowe ayaa kusoo beegmaya Xilli bilhii lasoo dhaafay Sidaan oo kale ay u sameeyeen Gadoodyo.

ASKARI KA TIRSAN NABAD SUGGIDA OO LABA NIN OO BISTOOLADO KU HUBEYSNAA SHALAY GALAB SUUQA BAKAARAHA KU DILEEN,.

Askari ka tirsan nabad suggida oo laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa shalay galab suuqa bakaaraha ku dileen ,Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa shalay galab waxay Suuqa Bakaaraha dhinaca Degmada Hawlwadaag ay ku dileen mid ka mid ah Ciidanka Nabad Suggida, ee ka hawlgala Suuqaasi.

Askariga oo aan wax hub ah wadan, balse xirnaa dareyska iyo kabaha Nabad Suggida, ayay raggaasi u toogteen si boobsiis ah, iyadoona uu askarigu ku dhintay halkii lagu beegsaday.

Raggaasi, ayaa waxay ka baxsadeen goobtii ay askarigu ku dileen, waxaana adkaatay sidii caa dada ahayd in gacanta lagu soo dhigo dembiilayaasha.

Askar kaloo ka tirsan Nabad Suggida, ayaa meydka ninka askariga ah u qaaday goobaha caafi maadka, si loogu diyaariyo aaskiisa.

Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku dhex dhuumaleysanaya Suuqa Bakaaraha, ayaa mararka qaarkood waxay ka gaystan dilal qorsheysan.

Ragga bistooladaha dadka ku dila, ayaa inta badan waxaa lagu fashilmaa in gacanta lagu soo dhigo, waxaadna arkeysaa in ay ka baxsanayan gacanta sharciga.

WASIIR SHAAHIYOW "WAXAAN WADNAA QORSHE TAMAR LOOGA DHALINAYO CADCEEDDA IYO DABEYSHA”.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa sheegtay in mustaqbalka ay damacsatantahay in Sooma aliya ay ka hirgeliso mashruuc Tamar looga dhalinayo qoraxda iyo dabaysha, taaso wax weyn ka tari doonta haqabtirka Tamarta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Mudane Maxamed Xasan Aadan Shaahiyow ayaa til maamay in ay xooga saarayaan sidii looga faa’iidaysan lahaa Tamarta laga dhaliyo cadceedda iyo dab aeysha,waxaaana gacan ka geysan doono shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ah oo lagu magac aabo CGCOC oo qaabilsan arimaha Tamarta, isagoo intaa ku daray in bulshada ay si weyn uga faa-’iideysan doonaan

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya biyaha ee magaal ada Muqdisho inay ku dadaalaan sidii biyo nad-iif ay u siin lahaayeen bulshada, isla markaasna kuwa adeegyada korontayda bixiya in dhankooda ay qiimo dhimis ku sameyaan adeegyada ay shacabka u hayaan.

  1. Waa talaabo horay loo qaaday hadii lagu guulaysto mashruucan ay waddo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee ku aadan ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Alle ku maneystay.

 

 

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN

{SHEEKO TAXANE AH}

Q/58-aad

waxa badan waxaan maqli jiray sheekooyinka laga soo tebiyo aroosyada iyo laba walbo oo nolosha guri qura ku wadaagay,qaar ayaa noloshooda waxaa ay aheyd mid aan la qaadan karin labada shaqsina mid baan qanacsaneyn oo aan ku samirsaneyn la noolaanshaha qofka kale ee dhiddigga ah dhiggiisa ah , waa jirtaa marka hore inaadan aqoon badan aadan u laheyn amba aad ka xishooneysidin maaddadaas cashar buuxa laga siiyo, walaaloow wa ddamada qaarkood waliba kuwa sheegta horumarka inay siiyaan wiilashooda iyo gabdhahooda casharro buugaag ku qoran iyo koorsooyin ah al punno la daawado bilaa mac allin ah lammaanaha is guursanayana tababbar ku saabs an arrimaha xiriirka gogosha iyo sida lo guto caafimaad ko oda wacyi gelin guudiyo cuntooyin caawiya ruuxa awood iisasoona jiita lammaanihiisa kale.



Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane waxaa jira Or aah Soomaliyed oo Dhaheysa {afar waxyaabood weji macb uus ayey kaa dhigaan:-

1-bentaada badan

2-kibir badan

3-su;aasha badaniyo

4-biyaha wasaqda ah oo la fariisto}

Midda kale Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane Addu unyada waxaa ugu macaan habeenka ugu horeeya ee Aq al galka seey iyo afadiis macaanka adduunka oo la sheeko waa midkaas mid kale oo la sheego ma jiro

Erayadaan Miida iyo Mlabka ka macaan waa hadiyad qiimo badan oo aan adiga kuugu tala galay oo aan waliba aan doonayo in aan qalbigada quruxda badan aan ku qa boojiyo.

 Midda kale C/qaadir Abboowe Macaane wax walboo guul iyo guul darro ah oo xagaada ah ku tala gal ku wuu ig u jiraa waana aan ku seexdaa habeenkii, maalintiina waan ku soo toosaa, mar walbana indhahaada farxsan iyo qalb igaada deggan firaashkooda nadiifka ah ayaan dhex hur daa mana aan jecli inaan ka talo qaato maskax aan taada aheyn macaan macaan gooyaheygiyoow, waana maskax lagu kalsoonaan karo ilaa iyo xad gacaliye, maadaama ay jirto xikmad soomaliyeed oo dheyso{Qalbiga Caaqilka waa sida SanduuqSirta lagu qarsankaro},{ Aragti waa hal Maal in Aqoonna waa Abid ilaa yowma diin}.

C/qaadir:-Gacaliso Xul-Beella Hadalladaada Miidda Malabka ka Macaan waa kuwo mudan in fiiro loo yeesho maxaa yeelay,macaanto hadallada aad igula hadleysiddhammaantood qoimo badan oo aan la qiyaasi Karin ayey ba iigu fadhiyaan keydka xusuusteyda ayaana aan ku bor ogaraamiyey anigaxaggeygana dareen keyga oo dhan ayey wada dhaqaajiyeen, waayoo weligeeyintaan ifka ku noolaay {mylife} ma aanan la kulmin gabar leh dabeecada ada wanaagsan iyo habkaada macaan ee naxariista insaan innimo ey ku dheehan tahay ma aanan arag nolsheydaii mid laguugu soo hadal qabsan karo xagga quruxaada ama xagga xarraga, ogoowna gacaliso Xull-Beella iny jirto Murti Soomaaliyeed oo dhaheysa{Far kalligeed Fool ma dhaq do}, {UNINON IS STRENGTH}. Gacaliso Xul –Beella ogo ow waxaan{tahriib} dheer u soo maray waddada jaceylkaa da loo maro si aan kuu hanto Xul –Beella waxaad tahay ca drad fiican, deggan, asluub gabarnnimana leh noloshalala wadaagi karo hadalkeedana waxa uu igu abuuray hammi iyo farxadaan la maleyn Karin waxaana ii bidhaamaya waddo mustaqbalkeenna, shakina kuma jiro inaan maqlay muddo badanamshalayada , shalayna aan arkayo qur uxdaada il qabadka leh ee indhaha basharka ey ku raaxee staan , ogoownamacannto Gacaliso Xul –Beella in ay jirto murti oraneyso {ruuxii wixii caafimaadkiisa ah ayaa ruux kale suntiisa ah}.

Midda kale Gacaliso Xul-Beella dhibkaada ma aha bar aaraheyga, ogoowna macaanto in aad tahaymidda kala ee aan gabdhaha soomaaliyeed aan ka soo dhex xushay haddane aan ugu jeclahay, waxaadna tahay inanta kaliya ee qalbigryga daqiiqaddiiba kun jeer ku soo dacda C/qaadir:- Gacaliso Xul –Beella macaanto waxaan rabaa in aad noqoto lammaanaheyga dhabta ah oo aan la jilo jac eyl guul ku soo af jarma iyo nolol daacad ah, mase og tah ay Gacaliso Xul-Beella waqtiga aan ku arkay ilaamaa iyo shalay in aan adiga ku jecelaa,.

C/qaadir:-Gacaliso Xul-Beella Walaaleey hana dhayal san warkeyga maxaa yeelay indhaheygu waxaa eey arka an waa adiga ,ogowna inaad tahay furihii qalbigeyga ha I dayicin macaanka haddaad aadmi jira ama qofbuuxa oo alle dhan kasta ka dhammeystiray aad tahay,Gacaliso og owna in aad tahay gabadhii aan ka xushay cadradaha ma gaalada jooga hana noqon macaanto mid meel geeri go;an ah iiga tagta.

C/qaadir:- Gacaliso Xul -Beella Midda kale markii aan ku soo booqanaayo waxaa aan jeclahay inaan kuu kee no xirmo ubax ah iyo shoobbin laga soo xulay macdaarada ama carwooyinkamuqdisho ku yaalla , mar kastana waxa an jeclahay inaan kuugula hadlo hadallomacaan oo laabta ada qaboojiya,farxad heer sarena kugu beera……....La soco isninta danbe hadduu alle idmo

 

W/Q C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB}

Tel:-0618455506

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip