Waa Bilaabatay !!!!! ( SOS).

0
Thursday March 08, 2018 - 23:43:50 in Wararka by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Bilaabatay !!!!! ( SOS).

    Aamin ama Ha Aaminin sidaan ayaa jirta, hana u qaadan iska hadal iyo kicin siyaasaded ee waa xaqiiq raad raac leh. Mar hore ayaa Sarkaal ka tirsan madaxda sirdoonka Sucuudigu Shir caalamiya ka yiri: Somaliya waa in la qayb qaybiyaa, kadibna laga d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aamin ama Ha Aaminin sidaan ayaa jirta, hana u qaadan iska hadal iyo kicin siyaasaded ee waa xaqiiq raad raac leh. Mar hore ayaa Sarkaal ka tirsan madaxda sirdoonka Sucuudigu Shir caalamiya ka yiri: Somaliya waa in la qayb qaybiyaa, kadibna laga dhigaa qayba ka mid ah wadamada deriska la ah , ugu yaraan 5 ka mid ah 7da wadan ee khaliijka ayaa fekerkaa taageersan, ileyn danahooda dhaqaale ee mustaqbalkooda ayaa ku xirane.

Khilaafka Badda ee Kenya nagala dhaxeeyo waxa maal galinaya shirkado shidaal oo waddama kale ka diiwaan gashan,laakin saami culus ay ku leeyihiin wadamada khalijka qaar.

Qorsha waqti hore la dagay ayaa ahaa in marka hore maamul gobaleedyada lagu dilo dowlada dhexe, kadibna iyaga la dilo, lana adeegsado habka qabiilka oo somalidu u nugushahay, Hanti iyo handadaad .

Mushkiladu ma ahan shirkadda DP world ayaa Berbera loo saxiixay, arrintu waa ka weyn tahay shirkad heshiis caadiya lala galay, ee waa bilawgii tirtirida qaran Somali oo dambe, xatta Somaliland lafteeda ayaa qorshuhu yahay in seddax imaarad loo qaybiyo, weligedna ayna aqoonsi helin. Maamul gobaleedyada kale ee hadda dalka ka jirana in laga dhigo kuwa loo sii maro wadadaa burburinta qaran,madaxdoodana loo balan qaado in Haddii uu fashilmo qorshuhu deggan ay ku amaan galaan laga siinayo wadanada khaliijka,haddii uu guuleystana ay noqdaan Boqora yar yar oo ilmahoodu ka dhaxlaan,haddana la sii siiyo Lacag, hub u gaar ah iyo mashaariic dhalanteed ah.( sida isticmaarkii reer galbeedku markuu Afrika soo galayay, boqoradii markaa jiray ayaa la siin jiray wax dhaldhalaalaya –sida kuul qoorta loogu xiro, dhar ama macmacaan sida nacnac ayna hore u arag, maanta isla tii oo la casriyeeyay ayey wadamada khaliijku isticmaalayaan).

Mar hore ayaa diblomaasiyiintoodu Gobalada xiriir la sameeyeen iyaga oo aan sii marin wasaarada Arrimaha dibada ee somalida.

Caalamka Maanta waxaa xakuma shirkada waaweyn iyaga ayaana wadamadooda u tilmaamayo halka danu ugu jirto, xattaa hadeey khalad iyo sharci daro waddan kale lagu baabinayo ay tahay, waa lagu taageerayaa shirkadaha dantooda gaar. Somaliyana hadeyna dadkeedu fekerin waxa ay u dhimaneeysaa, danta laga leeyahay hodonnimadeeda qarsoon.




Si, kala qaybintu u hirgasho, waxaa la maalgalinayaa nabadgalyo la’aan ka dhacda Somalia, khilaaf diineed, madax maal doon ah, dowlad aan damiir laheeyn, khilaaf siyaasadeed iyo in la abuuro lana maalgaliyo kooxo iska soo horjeeda, welibana saameyn in lagu yeesho wax barashada lana taya tiro iyo dhaqaale dhalanteed ah oo gacma kooban lagu shubo,lana sii marsiiyo hayada samafal carbeed.

In aan laguu ogolaan ciidan kaa amar qaata, oo ciidamadaada oo dhan laga dhigo Mushaarkood u shaqeeysta yaal,iyo midkoodna in uuna tagin xuduuda wadanka. In gobal waliba yeesho miisaaniyad u gaar ah iyo siyaasad arrima dibadeed oo ka madax banana dhowlad somaaliyeed.

UN, EU,AU, IGAD,AL waxa ay wada aqoonsanyihiin in midnimada somalidu ay tahay lama taabtaan, waase haddii la arko adigaoo sidaa ku adkeeysanaya.

Waxaan cadwtinimadaa ka magan galeynaa: Allah, waana in ay dadaal muuiyaan Baarlamaanka iyo shacabka.Hadda waxaan saaranahay Ambulance xaaladduna waa SOS. SAVE OUR SOMALIA.

Somaliyeey, walaalayaaloow haddii aan dhimaneeyno aan dhimano anaga oo og in aan dhimaneeyno, yuuna yaasiinku na dhaafin.

Horaa abwaan somaliyeed u yiri: (Nin dharbaaxa ceebeed qarsaday , dhaqashadeed maalye, dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhowrataa abide).

Aniga oo og tabar yaradeeyda qofeed, anniga oo og dhibaatada iga soo gaari karta ka hortaga arrintaan, haddana qoraal kaliya kuma ekaan doono ee wixii aan qaban karo waa ka qayb qaadanaya si dalku u badbaado.

Aamin ama ha aamini, xaalku waa sidaa, ogowna in qof ahaan aad ka qayb qaada karo wax ka qabashada arrintaan, qalbiga ha iska dilin, hana quusan.

FG: wixii aan ka qalday iga sax, wixii ka dhiman ku Dar,arrigtidaadu waa muhim walaal.


Qore:Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip