
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 4-TA FEBARAAYO 2018-KA
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa
ayaa ka qeybgalaya shir looga hadlayay arrimaha wadamada soo koraya oo
Soomaaliya ay kujirto ee sanadkan 2018ka,kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Banggiga
Adduunka.
Waxaa
la filaya in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ay kulamo kala
duwan la yeeshaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi,waxayaabaha ugu badan oo
diiradda u saran waf diga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah
dadaalada Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in deymaha laga cafiyo.
Safarka
Ra’isalwasaare Kheyre ee Mareykanka ayaa ku soo beegmaya maalin un kaddib
markii uu ka soo laabtay Imaaraadka halkaas oo uu booqasho labo cesho ah ku
joogay.
WASIIR CABDI XOOSH
IYO GUDOOMIYE ENG. YARIISOW OO KAWADA HADLEEN ARRIMAHA DASTUURKA
Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah Lataliyayaasha
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa waxa ay kulan la qaateen Gudoomiyaha Gobolka
Ban aadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.
Yariisoow) oo ay wehliyeen KuXigeenadiisa.
Kulanka
oo ka dhacay xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa waxa ay masuuliyi inta
kaga hadleen hannaanka dhameeystirka Dastuurka.
Wasiir
Cabdi Xoosh oo Guddoonka cusub ee Gobolka Banaadir u sheegayay sida ay uga go’ antahay
in wadashaqeyn ballaaran ay dhexmarto Wasaaradda iyo Gobolka ayaa yiri "Waxaa
naga go’an sidii wadatashiga Dastuurka hoos loogu daadajin lahaa loona gaarsiin
lahaa ilaa heer deg mo si ay uga qeybqaataan shacabka Gobolka Banaadir, taasina
waxay ku imaan kartaa marka in aga iyo Gobolka aanu wadashaqeyn dhaw yeellanno
Wasaarad ahaanna waa ay naga go’antahay in aan si wanaagsan u la shaqeeyno Maamulka
Gobolka Banaadir”.
Dhanka
kale, Gudoomiye Eng. Yariisoow ayaa Wasiir Xoosh iyo masuuliyiintii la socotay
uga mahadceliyay booqashada ay ku soo booqdeen xarunta Gobolka waxa uuna
dhankiisa ballanq aaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyn doonaan hawlaha baaxadda
leh ee ay Qaranka u heyso.
Ugu
dambayn, kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara Wasaaradda iyo Guddoon
ka Gobolka Banaadir ee dhawaan la wareegay maamulka Gobolka waxa ayna billaw u
ahayd kulamo wadatashi ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto dhamaan degmooyinka
Gobolka Bana adir.
GUDDOOMIYAHA
GOBOLKA BENAADIR OO SHAQADA KA JOOJIYEY SHAQAALE BIXIYEY SHATI GANACSI OO BEEN
ABUUR AH
Guddoomiyaha
Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cus maan (Eng. Yarisow)
oo shaqada ka joojiyey mid ka mid ah shaqaalaha Gobolka ayaa sheegay in
sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha sameynta dukumiintiyada
ganacsi ee been abuurka ah.
Guddoomiyaha
ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo qeybta Maamulka iyo Maaliyadda
Gobolka in ay soo xiraan xarumaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been
ab uurka ah, iyadoo uu ku amray in ay la socdaan xarumahaas. Sidoo kale Madbacadii
sameysey tii mbaraha been abuurka ah iyadana waxaa laga hakiyey shaqada inta
baaristu ku socoto.
"Waxaan
kula dardaarmayaa ganacsatada Gobolka in ay hubiyaan sharciyada ganacsi ee ay
heystaan, sababtoo ah shatiyada been abuurka ah waa dambi weyn qofkii lagu qabtana
uu ku mut eysanayo ciqaab iyo ganaax aad u adag.” Ayuu yiri Guddoomiyaha
gobolka Benaadir.
Eng.
Yarisow ayaa ugu baaqay ganacsatada aan heysan shatiyada in ay si deg deg u
samey staan, maadama Maamulka Gobolku ay si adag uga hortagi doonaan gobaha ganacsi
ee sida sha rci darrada ah loo furtay.
Guddoomiyaha
ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Maxkamadaha Garso orka si
deg deg ah loo herkeeno eedaysanaha shatiga been abuurka ah sameeyey iyo cid
kasta oo kala qeyb qaadatay fal danbiyeedkaas, taas oo horseedaysa in guul laga
gaaro qorshaha Maa mulka Gobolka Benaadir ee ka dhanka ah musuq maasuqa iyo wax
is dabamarinta.
DANJIRAHA
SOOMAALIYA EE TURKIGA OO MADAXWEYNAHA U GUDDOOMAY ABAAL MARIN CAALAMI AH
Naadiga
Caalamiga ee Islaamka oo ka tirsan Ururka OIC ayaa abaalmarinta sanadlaha ah ee
hogaanka guddoonsiiyay sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Faramajo.
Madaxweyne
Farmaajo oo lagu casuumay abaalmarinta ayaa u wakiishay Safiirka Soomaa liya u
fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo guddoomay
abaalmarinta qaaliga ah ee sanadkan hay’adu ugu talagashay Madaxweynaha Soomaaliya.
Danjire
Ceydiid ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in abaalmarinta ay tahay mid sanadle
ah oo sanadkiiba la guddoonsiiyo Madaxda dalalka Islaamka, sanadkana ay Naadiga
ugu talaga shay Madaxweynaha Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Faramajo
MADAXWEYNE FARMAAJO
OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY.
Wafdi
uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed
C/llaahi Farmaajo ayaa shalay Dalka dib ugu soo laabtay,kadib markii uu ka qeybgalay
shirkii Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya (AMISOM) iyo
Dowladda Feder aalka Soomaaliya oo ka dhacay 2dii bishan magaalada Kampala ee
Xarinta Dalka Uganda, kaas uu martigeliyey Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri
Kaguta Musaveni.
Mudane
Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa Waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka
Diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kaladuwan oo ka tirsan Dowladda
Soomaaliaya.
Madaxweynaha
Soomaaliya ayaa khudbad uu kaga hadlayay arrimaha Soomaliya ka jeediayay
shirkaasi,isagoo dhanka kale magaalada Kampala ee Xarunta dalka Ugandakulan
kula qaatay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo oo
ka qeyb galayey shirka dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya (AMISOM).
Shirka
uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka qeybgalay ayaa waxa
looga hadlay qodobo ay kamid yihiin ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada
Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, waxaana madaxdii shirkaasi
ka qeybgashay ay bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku
wajahan kala guurka, iyadoo halkaasi ay dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay
horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.
Sidoo
kale Madaxdii shirkaasi ka soo qeybgashay ayaa ammaanay dadaalada Dowladda Fed eraalka
Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyad dalka ,iyagoo isku raacay in la xoojiyo
kaalmada ci idan ee la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo dadaalada
ay ku xasilinayso So omaaliya.
QM OO LOOGU BAAQAY
IN WAQTIGA AY U KORDHISO AMISOM
Kadib
kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magaalada Kampala ee Caasimadda dalka
Uganda wadamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayey ugu baaqeen Qaramada
Midoob ay in ay ka laabato Qaraarkeedii ahaa in Ciidamada AMISOM ay iskaga
baxaan Soomaaliya San ada 2020ka.
Shanta
dal ee ay Ciidamada AMISOM ka socdaan ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’an
tah ay sii wadida dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya iyo in ay ka caawiyaan
DFS dagaalka ay kula jirto Xarakada Al Shabaab.
Basle
waxa ay shegeen in looga baahan yahay QM in ay ka laabato Qararkii bishii
Augusto ee Sanadkii hore, kaas oo ahaa in la dhimo Ciidamada AMISOM ee ka
howlaga Soomaaliya iyo in ay guud ahaan isaga baxaan dalka.
Dalalka
Burundi, Uganda, Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia ayaa isku raacay Qaraarka Qaramada
Midoobay in uu ahay mid dhabar jab ku ah guulo waa weyn oo ay sheegeen in
AMISOM ay ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al Shabaab ku dhawaad muddo 10 Sano
ah oo ay ka howlgalayeen Soomaaliya.
Dhinaca
kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaa jo ayaa
sheegay in Dowladdiisa ay xooga saari doonto sidii looga guuleysan lahaa Dhaq
Dhaqa aqa Al Shabaab.
Waxaana
uu ballan qaday madaxweyne Famaajo in uu dhisayo Ciidamo Qaran, kuwaasi oo awood u yeelan doona in ay hantan ammaanka
dalkooda.
Shirkani
ayaa waxa marti galisay Uganda oo ah Dowladda Ciidamada uga badan ay ka joogaan
Soomaliya.
Ciidamo Milatari ah oo Loo
Dhaariyey Difaaca Dalka Kaddib Tababar Ay Ku Qaateen Xerada TurkySom
Ciidammadan
ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee shalay loo dhaariyay Difaaca Dalka ayaa
lagu carbiyey xerada tababarrada ee TurkySom, kuwaas oo isugu jiro saraakiil
dhallinyaro aqoonyahanno oo noocyo kala duwan leh, qaatayna tababarro ka kooban
Xeeladaha ciidanka Milatariga.
Askartan
ayaa tiro ahaan lagu sheegay inay yihiin 138askari waxaana loo dhaariyey in ay
si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, u difaacaan uguna shaqeeyaan
Calankooda Sooma aliyeed sharaftiisa.
Munaasabadda
dhaarinta waxaa joogey abaalduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed General
Cabdullaahi Cali Caanood, saraakiisha ugu sarreysa xeradan TurkySOM iyo
Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Ciidammadan
oo si casri ah u tababaran ayaa lagu qalabbeeyey hubka noocyada carsiga ah ee
tiknoolajiyadda shalay la jaanqaadaya.
Hoggaanka
Saraakiisha iyo qeybaha ciidanka kale ee la dhaariyey ayaa khubaddoodii ku sheegay in ay ka
dhabeynayaan dhaarta ay dalka, dadka, calanka, iyo Diinta ummadda Muslimka ah
ee Soomaaliyeed u qaadeen, si ay uga ilaaliyaan cadowga gudaha iyo dibedda.
Taliyaha
Xerada tababarka TurkySOM G/sare Maxamed Yaasiin Karan ayaa aaminsan in cii dankan ay yihiin ciidammadii tusaalaha wanaagsan u noqon lahaa
Xoogga dalka Soomaaliyeed, muralka iyo qalabkuna ay ka dhisan yihiin.
Abaanduulaha
ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta ayaa
yiri "Soomaaliya mar kale ayeey dib
ugu laabaneysaa sidii ay u soo ceshan lahayd ciidanke edii awoodda lahaa, si jiritaanka Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed u dhowraan, cadowgana uga
ilaal iyaan, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad hormuud u noqotaan sidii aad
dalkiina u nabaddeyn lahaydeen, waxaana idiin bilowdey bog cuusb oo taariikh
dalkeenna aad uga qeybgeli doontaan, dhaarta aad dhaarateenna waa xaq”.
Kuliyadda
Tabarka Ciidanka ee TurkySOM ayaa xoogga
saareysaa sidii ay u dhisi lahayd ciidan xooggan u tababarran hab carsi ah,
heysta qalab ku filan, taas oo bilow u
ah isku filnaan sho ciidanka Soomaaliya oo amniga dalka la wareega mustaqbalka
dhow.
DOWLADDA RUUSHKA OO
CAALAMKA UGU BAAQDEY XOOJINTA TAAGEERIDDA HOWLGALKA CIIDAMADDA AMISOM
Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Dalka Ruushka Sergei Lavrov oo u waramayay Jariirad ka soo
baxday Dalka Itoobiya ayaa ka hadlay arrimaha howlgalada AMISOM ay ka wadaan
Soomaaliya iyo baahiyaha loo qabo in la xoojiyo howlgaladaasi.
Sergei
Lavrov ayaa Beesha caalamka ugu Baaqay in la qaado tilaabooyin lagu xoojinayo
Ciid amadda Militaryga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM,si ay uga
miro dhaliyaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab iyo howlaha xasilinta Dalka.
Wuxuu
sheegay in Ciidanka AMISOM ay wali taageero muhiim ah siiyan Ciidamadda Militr yga
Soomaaliya oo dagaal kula jira Alshabaab.
"Marxaladda
uu haatan maraya dalka Soomaaliya, Doorka Ruushku uu ku leeyahay ayaa ah in
Beesha Caalamka ay sii kordhiso
Taageeradda ay siinayaan Ciidamada AMISOMM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya,waa in
xal laga gaaraa dhibaatooyinka kajira Gobolka,sida Arggagixisa da,Burcad badeda
iyo faldambeyeedyada kale si uu gobolka horumar ugu talaabsado”. Ayuu Sergei
Lavrov.
Wasiirka
arrimaha Dibadda ee Ruusha Sergei Lavrov oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku
daray in Ruushku uu taageerayo dadaallo kasta oo ku saabsan horumarka iyo
xasilinta Qaaradda AFrika.
CIIDAMADA DOWLADDA
OO HOWLGAL BALLAARAN KA WADA QEYBO KA MID AH DEGMADA AFGOOYE
Ciidamada
dowladda Soomaaliya ayaa shalay howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afg ooye ee
gobolka Shabeelaha Hoose sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degmada.
Ciidamada
dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahanada AlShabaab ee lagu tuhmayo
in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.
AlShabaab
ayaa Qarax khasaare geystay ku qaaday degmada Afgooye, gaar ahaan xarun
dowladda Imaaraadka ay ciidamo ku tababarto.
Maamulka
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka deg mada
Afgooye , madaama AlShabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khas
aare kala geddisan.
Maalintii
daraad ayeey aheyd markii qarax ismiidaamin lagu weeraray Saldhig Imaaraadka ay
ku tababaraan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya
KU DHAWAAD 140 QOF
OO KISMAAYO IMTIXAAN UGU GALAY BOOSASKA SHAQAALE LOO TABABARI DOONO MAAMULKA
HAWADA DALKA..
Dadkan
shalay u fariistay Imtixaanka ayaa isugu jira rag iyo dumar, kuwaa oo u tartami
doona boosaska shaqaale gaaraya 10 qof oo ay wasaaradda gaadiidka iyo duulista
hawada Soomaaliya qorsheeyneyso in ay tababar ugu dirto dalka Turkiga si ay
usoo qaataan tababarro ku saabsan duulista hawada.
Wasiirka
wasaaradda duulista hawada Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Salaad (Oom aar),
Mareeyaha Garoonka diyaaradaha Kismayo iyo xildhibaanno k atirsan dowladda
dhexe ayaa kormeeray goobta imtixaanaadka looga qaadayay dadka soo codsaday
boosaskaasi oo tiro ahaan gaarayay ilaa 138 qof.
Maxamed
Nuur Saalax gudomiyaha gudiga shaqaalaha rayidka ee Jubbaland ayaa sheegay in
dadkan shalay u fariisanayay imtixaanka ay soo codsadeen boosaskaasi, isagoo
xusay in imtixa anka uu qaadayo gudiga shaqaalaha rayidka ah ee Jubbaland uu
yahay mid lagu kala xulayo dadka tirada badan ee soo dalbaday shaqada, isagoo
sheegay in la qaadan doono dadka kaalim aha hore ka gala imtixaanka.
Wasiirka
duulista hawada Soomaaliya ayaa kusoo wareegay goobta imtixaanka looga qaa dayay
dadka soo dalbaday boosaskaasi.
Xiliban
Farxiyo Xasan Axmed oo ah gudomiye ku
Xigeenka gudiga gaadiidka iyo duulista ha wada ee Barlamanka Soomaliya iyo
Xilibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo Madasha Ka Hadlay ayaa wasaaradda duulista hawada Soomaaliya ku
amaanay hannaanka ay kusoo xulaneeyso shaqaala ha, ayagoo sheegay in loo
baahanyahay in bulshada fursad loo siiyo boosaska shaqo ee bann aan.
Dowladda
Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ee sanaddii tagtay kadib in ka ba dan
20 sano si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfurtay xarunta maamulka hawada
Soo maaliya, ayadoo wixii xilligaa ka horeeyay hawada Soomaaliya laga maamuli jiray
magaalada Nair obi ee caasimadda dalka Kenya.
ITOOBIYA: ARDEY KA
SOO JEEDA MAAMULKA SOMALILAND OO LOO DIIDAY SHAHAADOOYINKA JAAMACADDA
17;
Ardey oo ka soo jeeda degaannada Somaliland islamarkaana wax ka bartay Jaamacad
ku taalla Dalka Itoobiya ayaa loo diiday shahaaddada waxbaarshada kaddib markii
ay dhameys teen cilmiga caafimaadka.
Ardeydan
oo gaaraya 17 ayaa tagay Itoobiya sanadkii 2011kii,waxaana ay iyaga iska bixina
yeen qarashka ku baxay jaamacadda ay dhiganaayeen.
Markii
ay qalin jebiyeen ayaa loo sheegay in aan la siineyn shahaado iyada oo uu
sharciga Ito obiya diidayo in ardayga qalin jebiya horay shahaado iyo ruqsad
dhaqtarnimabada laga siiyo.
Sharciga
Itoobiya ayaa dhigaya in qofka marka uu qalin jebiyo uu labo Sano u shaqeeyo
Dowladda haddii ay dhici weysana uu bixiyo 80,000 oo Birta Itoobiya ah.
Ardeydan
ayaa wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya u sheegay in iyaga y ajaanibyihiin sida
as darteedna uusan qabaneyn xeerka Itoobiya,waxaana wasaaradda ay ugu jawaabtay
in ay warq ad fasax ah ka helaan Somaliland.
Wasiirkii
hore ee caafimaadka Somaliland ayaa arrintaas galay inkasta oo aan lagu guu leysan
haddana waxaa wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ay warqad u qortay
wasaaradda arrimaha dibadda ee isla Somaliland taas oo aan ilaa hadda jawaab ka
bixin halka ay ku dambe ysay.
Ardeydan
ayaa ka walaacsan shahaado la’aanta maaddaama ay doonayeen in ay ku shaqe ystaan
cilmiga ay ka barteen dalka Itoobiya.
XOGHAYAHA ARRIMAHA
DIBADDA MAREYKANKA OO BOOQANAYA DALALKA DERISKA LA AH SOOMAALIYA
Xoghayaha
Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa booqasho ku kala bixin doona
dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, si uu u xoojiyo cilaaqaadka iyo iskaashiga
Mareykanka la leeyahay Afrika.
War
saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu shee gay
in booqashadan ay bilaaban doono 613 March, iyadoo Rex Tillerson uu booqan
doono dalalka Chad, Nigeria, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya inta u dhaxeysa.
Rex
Tillerson ayaa la kulmi doona madaxda dalalka uu booqan doono, iyo sidoo kale
Mada xda Midowga Afrika ee xaruntooda tahay Addis Ababa.
Waxaa
uu kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta nabadda iyo amniga,
kor u qaadida dowlad wanaaga, ganacsiga iyo maalgashiga.
Sidoo
kale Madaxda dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Mareykanka iskaashi dhow la
leeyahay ayuu kala hadli doonaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Labo
Sano ka hor ayay aheyd markii booqasho lama filaan ah uu ku yimid magaalada
Muqdi sho Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, isagoo
xilligaas booqanayay dalalka Geeska Africa.
16 QOF OO KU
DHINTAY WEERAR LAGU QAADAY SAFAARADDA FRANCE EE BURKINA FASO
Koox
hubeysan ayaa weerar ku qaaday Safaaradda Dalka France uu ku leeyahay Caasim adda
Dalka Burkina Faso ee Ouagadougou,iyada oo Ciidamada dowladda iyo koodii
weerarkuba dad uga dhinteen.
16ka
qof ee ilaa hadda la xaqiijiyay in ay dhinteen ayaa kala ah 8 ka mid ah Kooxda
weerarka iyo 8 ka mid ah Ciidamada dowladda ee safaaradda gurmadka ugu tagay,
iyada oo 80 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas.
Wasiirka
arrimaha dibadda France JeanYves le Drian,ayaa sheegay in ay caddahay in weera rkaasi
ahaa mid argagixiso islamarkaana lagu qaaday danaha France ee dalka Burkina
Faso.
Wasiirka
amniga gudaha Dalka Burkina Faso Clement Sawadogo, ayaa isna sheegay in uu jiro
gaari isku qarxiyay dhismaha xarunta Milatariga halkaas oo uu shir goboleed
dhinaca amaanka ah ka socday.
Wasiirku
ma sheegin dadka dhaawacmay waxa ay kalayihiin,waxaase uu sheegay in ay u
badanyihiin dad rayid ah oo xilliga weerarka ka agdhawaa safaaradda la
weeraray.
Dalka
Burkina Faso waxaa uu dhowr jeer wajahay weerarro noocan ah,horay waxaa u shee gan
jiray kooxaha Alqaacidda raacsan,hayeeshee weerarkan daraad lagu qaaday Safaaradda
Fra nce ee Burkina Faso cidina wali ma sheegan.
MAAMULKA GALMUDUG
OO KULAMO NABADEED LA QAATAY ODAYAASHA CAABUDWAAQ
Madaxweyne
ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) iyo wafdi uu hog gaamainayo oo Maalmahan
socdaal nabadeed ku marayay degaanno ka tirsan Galgaduud ayaa kulamo la qaatay
Odayaasha iyo wax garadka Degmada Caabudwaaq.
Mudane
Carrabeey iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo la qaateen qaar ka mid ah Odayaasha
iyo wax garadka degaannadii ay booqdeen, iyagoo kala hadlay sidii xal waara
looga gaari lahaa colaadda u dhexeysa Dadka reer miyiga ah ee ku nool
tuuloyinka.
Labada
dhinac ayaa waxay isku Af garteen in la joojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan
dega annadaasi, iyagoo isku waafaqay in wax walba lagu dhammeeyo wada hadal iyo
waan waan.
Madaxweyne
kuxigenka oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa
sheegay in Odayaasha ay la kulmeen isla meel dhigeen in la joojiyo colaadda ka
taa gan degaankaasi , wax walbana wada hadal lagu dhameeyo, wuxuuna intaa
raaciyay in wixii had da ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin ciddii jebisa
xabbad joojinta lagu ballamay.
Waxaa
uu sidoo kale sheegay in uu maamulku
tallaabo ka qaadi doono ciddii ka hor timmaadda heshiiskan, isagoo intaa
raaciyay in halka lagu dagaallamay la geyn doono Ciidamo ka socda nabad sugidda
iyo Boliiska Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha
ayaa sidoo kale sheegay in ay dhawaan shir ku qaban doonaan Magaalada
Caabudwaaq, kaas oo lagu soo Afjari doono dedaallada dib u heshiisiinta ah ee
uu Maamulku halk aasi ka wado, si xal waara looga gaaro isku dhacyada soo
laalaabtay ee u dhexeeya Dadka Xoolo dhaqatada ah.
XUKUUMADDA
SOMALILAND OO KA JAWAABTAY HADAL KA SOO BAXAY DAWLADA SOOMAALIYA
Wasiirka
Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland C/raxmaan Guri barwaaqo, ayaa ka
jawaabay hadal ka soo yeedhay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo ka
hor yimid heshiishka saddex geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiya iyo DP Wolrd
ee lagu maalgalinayo dekadda Berbera.
Wasiirka
Warfaafinta ayaa sheegay in markii heshiishkani dhacayey uu Ra’isal wasaaraha
Soomaaliya uu joogay Imaaraadka Carabta,isla markaana uu caalamku ogyahay in
Somaliland dib ugala soo noqotay midnimadii Soomaaliya ay la gashay lixdankii.
"
Soomaaliya waxay soo saartay warsaxaafadeed ay kaga soo horjeedo heshiishkii
sadex ge esoodka ahaa ee ay kala saxeexdeen Somaliland, DP World iyo Itoobiya,
waxaanu war saxaafadeedkaasi ahaa mid is burinaya, waxaanu isku burinaya sida
hoos ku cad, qodobka kuwa ad waxa lagu sheegay in DP World iyo Itoobiya
heshiish wada galeen, taasi oo dhabta aad uga fog, qodobka 2aad waxa lagu
cadeeyey in Somaliland, Itoobiya iyo Dp World heshiish wada gal een, iyadoo
markii hore is diidsiinayey inay xusaan jiritaanka darafka Somaliland, qodobka
3aad ayaandaro waxa ku cad inay is diidsiiyaan inaynu ahayn laba dal oo midoobay
1960kii, kalana kala baxay 1991kii, taasi oo ah gef iyo gardaro badheedh ah, oo
qaranka Somaliland lagula kacay”ayuu yidhi Guri Barwaaqo oo u jawaabayey
Soomaaliya.
Waxaanu
intaas ku daray " Dastuurka ay sheegeena waa mid iyaga u gaar ah, sidaasi awg eed
waxaanu madaxda dawladda Soomaaliya xasuusinayna in Somaliland leedahay
dastuur, taas oo ay ku dhaqanto dadkeeduna u codeeyeen 97% .”
asiirku
wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland u fasaxayo inay heshiish la gali karaan cidey
doonaan, waxaanu sheegay in Soomaaliya ka hor timid heshiishkii Somaliland iyo Soomaaliya
dhexmaray ee ahaa in aan la siyaasadeyn mashaariicda horumarineed ee labadda
dhinac.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 4-TA FEBARAAYO 2018-KA
RA'ISAL WASAARE KHEYRE OO XALAY U DUULAY DALKA MAREYKANKA. Waxaa kamid ah wafdga ra'iisul Wasaaraha xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.