Kenyatta,beryahayn muxuu ogyahay,ma madaxdaa siisay koobigii Furha dacwada badda NASASHADA JIMCAHA-Q.85aad

0
Friday March 02, 2018 - 22:27:00 in Wararka by
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenyatta,beryahayn muxuu ogyahay,ma madaxdaa siisay koobigii Furha dacwada badda NASASHADA JIMCAHA-Q.85aad

    1-Nin ayaa xaaskiisii ku yiri: Shaqada dhib ayaa iga heysta,Xaaskii ayaa tiri: Macaane, ii sheeg,bacdamaa aan qoys nahay, qofkasta dhibkiisu waa kan kale dhibkiisa,waxa uu ku yiri:Macaanto waa runtaa, Dhibkeyku waa dhibkaaga , kaaguna waa keeyga&hell

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin ayaa xaaskiisii ku yiri: Shaqada dhib ayaa iga heysta,Xaaskii ayaa tiri: Macaane, ii sheeg,bacdamaa aan qoys nahay, qofkasta dhibkiisu waa kan kale dhibkiisa,waxa uu ku yiri:Macaanto waa runtaa, Dhibkeyku waa dhibkaaga , kaaguna waa keeyga…Macaanto, Xogheynteyda Xafiiska ayaa annaga qoyskena Uur inoo leh. fiiri sawirka 1aad.

( Maxey kula tahay inay ku jawaabtay?).

2-wiil yar oo miyiga laga keenay ayaa Xamar la keenay iyada oo loo dabaal dagayo 21 Oktober, wuxuu arkay magaaladii oo nalal lagu qurxiyay, Laba billod markuu joogay ayaa xil looga magacaabay Safaarada Soomaalida ee Kenya, wuxuu arkay Airporka Nayrobi oo nalal badan ka ifayaan, wuxuu yiri : ileyn kacaanka barakeeysan meel kasta waa laga xusaa, wuxuuna qaaday heesta kaliya ee uu yaqiin Guulwade Siyaad.

( Horta weli dalacaadii deg degta aheyd ma jirtaa? Mise waaba ka dartay).

3- Nin Sakhraan ah ayaa qaaday Heestii Qaraamiga ahayd ee Faaduma Qaasim, Nin La Fadhiyay ayaa yiri: "Wow, caadi ma ahan Heestu 20 Sano ayey dib ii celisay”. Cabtooygii ayaa weydiiyay "Imisa Jir Ayaa Tahay?”

Ninki Ayaa yiri: 40 Sanno…Kii Cabtoyga ahaa ayaa yiri: "Kawaran Sideed u aragtaa Haddii aan Heesta Mar labaad Kuu Qaado oo 20 ka sanno ee hartay aan dib kuu celiyo. soow Uurkii hooyadaa ka soo bilaabi maysid nolosha .

( Armaa madaxdu noo celiyaan 40-Sanno ka hor–waabaa beryay bilicsan…kacaankii kali taliska ahaa, Jabhadihiina waa ku soo xigaan,haddii isla jidkiiba mar kale dib loogu noqonayo).

4-wiil yar ayaa Aabahii ku yiri: Aabe hooyo lugaheeda maxaa ku dhax jira. Aabihii ayaa yiri: Jannada. Wiilkii ayaa yiri: Aabe, lugahaagana maxaa ku dhax jira? Aabihii ayaa ku yiri: Furihii Jannada. Wiilkii ayaa yiri: Aabe qunfulka jannada Bedel waxaan u maleeynaa in ninka deriskeena ahi uu heeysto Koobiga furaha. fiiri Sawirka 2aad.

( Dacwada badda, yaa yaa, Uhuru Kenyatta, beryahayn waa kan booteynayee, muxuu isku ogyahay, ma madaxdaa siisay koobigii Furha dacwada badda).

5-Haweney ganacsata ah ayaa dayaarad ay saarneed hawada ku xumaatay, dadkii oo dhan waa walwaleen,waxa ayna bilaabeen in ay duceeystaan.

Wax yar kadib dayaaradii ayaa cilad baxday.waxaa la weydiiyay maxaad ka murugootay. Waxa ay tiri: waxaan ka xumaaday ninkeygii oo i leh aan ku raaco ayaan ka diiday. Haddii uu i soo raaci laheeyn waan isla dhiman laheeyn, laakin haddaan kaligey dhinto, xoolihii naga dhexeeyay ayuu naag kale ku aroosayaa.

( Mooshin, aaaaa, intii kaligey xilka la iga qaadii lahaa, oo mashaariicdii aan diyaarsaday & Dollar -kii aan ku qadi lahaa, kuligeen xilka hanalaga wada qaado, mooshin mideysan).

6– Aabe ayaa wiilkiisii ku yiri: wiilkeygow ,su’aashaad doonto i weydii, waan kaaga jawaabayaa si aad uga faa’iidu waaya aragnimadeyda. Wiilkii ayaa yiri: Aabe waxaad ii sheegtaa , wax haddii la cabiro, dhererkiisu 6 inch yahay, Balaciisuna 2 inch, oo hooyo ay jeceshahay in aad mar kasta siiso, adiguna ma jeclid in aad siiso.

Wiilkii ,dharbaaxa kulul ayaa ku dhacday. Isaga oo ooynaya ayuu yiri: Aabe haddaadan jawaabta kaseyn ma i dharbaaxee…….waa warqada ah 100-ka Dollar ee dhererkeeda iyo balaceeda arag. Fiiri sawirka 3 & 4aad.

( Ciyaalaka yaan lagu bilaabin canaan illaa la ogaado ulajeedadooda,Mucaaradkana ayaan la weerarin Guryahooda illaa la ogaado ula jeedadooda).

Qore: Yahya Ami





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip