
Yuusuf Xaaji "Madaxweyne ma ahan shaar subixii la gashanaayo oo galabkii la iska baddalaayo, Madaxweynaha waa in fursad la siiyaa"
"Madaxweyne ma ahan shaar subixii la gashanayo oo galabka la iska baddalayo, madaxweynaha waa in fursad la siiyaa,” Ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo ka hadlaayay Xafladii Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga dalka Kenya, wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay soo celiyaan sharaftii ay laheyd Somali, sidoo kalena ay ka dambeeyaan madaxdooda.
"Ka dambeeya madaxdiinna, nin walba madax ma noqon karo, Madaxweynaha Soomaaliya hal ayuu ahaanayaa,” ayuu yiri.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u soo
jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka
gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado Madaxweynaha. iyadoo mooshinkii ay keeneen qaar ka mid ah xildhibaanada uu haatan yahay mid la ogolaaday in laga wada hadlo taasoo guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya md. maxamed sh. cismaan jawaari uu qoraallo ka soo saaray arrintuna haatan ay mareyso meel wanaagsan taasoo keentay qeyladhaan badan oo uruurada bulshada ka ka soo yeertay
Yuusuf Xaaji "Madaxweyne ma ahan shaar subixii la gashanaayo oo galabkii la iska baddalaayo, Madaxweynaha waa in fursad la siiyaa"
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Dowladda Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa ku baaqay fursad in la siiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xiliga joogitaanka xafiiska ay uga hartay hal sano. Maxamed Yuusuf Xaaji, wuxuu sheegay dadka o