Ar Annigaa, Dhiig Kar Ha Igu Riddin!!! Qore: Yahya Amir.

0
Wednesday February 28, 2018 - 11:38:10 in Wararka by
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar Annigaa, Dhiig Kar Ha Igu Riddin!!! Qore: Yahya Amir.

    Ar annigaa, dhiig kar ha igu riddin!!! Subaxaan waxaan raacay nin saaxiibkeey ah Md. Nur oo ah gancsade caan Ku ah magaalada xamar, waxaan tagnay xarun safaarad xamar Ku taal, oo baabuur uu ka gadayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ar annigaa, dhiig kar ha igu riddin!!! Subaxaan waxaan raacay nin saaxiibkeey ah Md. Nur oo ah gancsade caan Ku ah magaalada xamar, waxaan tagnay xarun safaarad xamar Ku taal, oo baabuur uu ka gadayay.

Barxada Safaardda waxaa noogu yimid Safiirkii Ajnabiga ahaa. barxada safaarada gudaheeda ah,waxaa laga qodayay god, waxaana ag tiil bir dheer.

Waxaan weydiiyay safiirkii godkan, maxaa loo qodayaa?. Wuxuu yiri: godkan, birtan dheer ayaan ku mudayaa si aan calankeena u suro.

Waxaan ku iri: Md.Safiir adiga oo xushmad iga mudan, waxaan ku xasuusinayaa sharcigeena ma ogolo in Calan aan ahayn kan Soomaalida toos loogu mudu dhulka Soomaalida, waa dhul Qaran, waxaa la ogol yahay in dhagax la dhiso oo ugu yaraan hal mitir dhulka ka kor laga taago. Waana xeer caalamiya.

Safiirkii gudaha ayuu galay, wax yar kadib ayuu soo noqday, wuxuuna joojiyay godkii la qodayay.wuxuu uu igu yiri: waxaan wacay wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaalida, waxayna igu yiraahdeen waa sax dulka Calan kale toos looguma mudi karo, mahadsanid.

Wax yar kadib waxaa noo yimid nin Somali ah oo hore Diblomaasi (Safiir Soomaalida dibadda uga ahaa), gurigana ka kireeyay safaardan ajnabiga ah, wuxuuna yiri : ka bax Yaxye warkiisa,ee halkiisa ka taag, safiirkii ajnabiga ahaa ayaa yiri: maya waa sharci Caalamiya adinkana sharcigiina Soomaaida ayaa sidaa qabo.

Diblomaasigii Somaliga ahaa ayaa igu qeyliyay isaga oo yiri: sow kan Hotelada ka taagan. Waxaan ku iri: kaasu waa ganacsi, ee ma ahan Calan dowladu si rasmi ah dalkaaga uga taagatay. Murankii Diblomaasigii Soomaaliga dhiig ayaan ka qaadi lahaa, wanna iska aamusay.

Dhalin yarooy, yaan dhiig kar idinku dhicin ee naga hubiya Safaaradahaan iyo Ciidamadan dalka jooga yeyna calankooda ciideena toos ugu muddin, oo birri ayna dood na galin ee aan dhowrno sharcigeena waxa noogu qoran.

FG: fiiri sawirka, xattaa xarunta UN-ka ee New York lama ogola in calan Ajnabi ah ciida Mareeykanka toos loogu mudo.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip