WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 19-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Saturday December 19, 2015 - 08:35:04 in Wararka by
  • Visits: 1850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 19-KA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNE XASAN OO LA KULMAY WAKIILKA CUSUB MIDOWGA AFRIKA Madaxweynaha Jamhuriyadda Feder aalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dorraad xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Cae tan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN OO LA KULMAY WAKIILKA CUSUB MIDOWGA AFRIKA Madaxweynaha Jamhuriyadda Feder aalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dorraad xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Cae tano Jose Madeira. Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa ka wadahadley hawlaha AMISOM ee Sooma aliya, guulaha la gaarey , caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga ciidammada Xoogga Dal ka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u la shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyay sida Ururka Mido wga Afrika ugu soo gurmadey Soomaaliya.

Danjire Madeira oo isna halkaa ka ha dlay, ayaa ugu horayn Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Mad axa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Dla mini Zuma, waxaana uu ballanqaaday in uu meesha ka sii wadi doono hawlaha mu hiimka ee AMISOM ka hayso Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socday

XAFLAD LAGU MAAMUUSAYO MOWLIIDKA NABIGA CSW OO KA DHACAYA MAGAALADA GOTHENBERG EE DALKA SWEDEN

Waxaa magaalada Gothenberg ee wad anka Sweden oo lagu qabtay Maalinim adii Sabtidii hore oo Ay taariikhduna ku beegnayad 12122015 Hijriguna ahayd 1437 Rabiiculawal 01 Munaasabad lagu weynaynaayay dhalashada Nabigeenii su ubanaa CSW. Xafladaas oo kadhacday hoolka shirarka KORTALA Ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal dadweyne ah oo iskugujirey qeybaha kala duwan ee bu lshada sida culumaa,udiinka ,Aqoonyahanno,Odayaal,Dhallinyaro,Hooyooyin.

Xaflada ayaa waxaa lagu daah furey sidii dhaqanka islaamku ahaa Aayadaha Qur ,aanka kariimka oo uu halkaa kasoo jeediyay K adibna waxaa halkaa lagu soo bandhiga Qasaa'idooyin Nabi ammaan kabacdi ayaa waxaa la guda galay muxaadaraadkii oo ay dhinac socdeen nabi ammaanno ay qaadayeen maadixiintii ka soo qayb galay xafladda

Culumaa,diinkii Muxaadarada ka soo jeediyay waxaa ka mid ahaa: Sheekheeyadeyna qiimaha weyn leh ee kala ahaa:- 

1.sh.Muuse Sh. Nuur.Sh. Muuse

2.Sh:Muxuyadiin Maxamed (jiin gab)

3.ShAbdullahi Salaad Warsame

4.Sh:Abdirahman Sh.Muxiyadiin Celi

5.Sh:Mahad Sh:Axmed (sheelare)

6.Sh:Dr. Axmed Calasow

7.Maxamuud Macalin Xasan

8.Sh:Dr.Muhsin Muriid

9.Xaaji AbukarSh. Axmed

10. Sh: Suleeyman Al azhari

Maadixiinta goobta ku sugnaa ayaasoo bandhigay nabi ammaano iyoQasiidoo yin Sidoo kale waxaa khadka Intertentka kaga qeeyb galayMajor General Dr .Shariif Sheekhuna Maye iyo inbadan oo aan magacyadooda halkaan lagu soo koobi karin. Xafladda oo ay ka muuqatay bilic sami ayaa waxaa ay ku soo gabagaboo wday nuur iyo nafaxaad. Gudiga qabanqa abada Xafladda waxay u mahad celinaay aan dhammaan Intii ka soo qeeyb gashay iyo intii gacan ka geysatay rag iyo dumar.

RA’IISULWASAARAHA OO SHALAY FUREY SHIR WEYNAHA DHALINYARADA SOOMAALIYEED

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furey shir weynaha dhalinyarada Soomaaliyeed ka as oo ay wasaaradda dhalinyarada ay soo qaban qaabisay, waxaana ka qeybgalay dhaliny aro ka kala socda maamulada da lka ka jira iyo kuwo ka kale oo ka yimid dal ka dibadiisa.

Shirka ayaa furitaankiisa waxaa ka qeybgalay Ra’iisulwasaaraha, wasiirro ka tir san xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin kuwo beesha caalamka ka socda.


Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Nuux oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in u jeedada shirweynahan ay tahay sidii loo heli lahaa siyaasad lagu mideysan yahay oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyih iin taas oo ay garwadeyn ka tahay wasaaradda.

Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid oo si rasmi ah u furey shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in farxad weyn u tahay maanta maadaama loo fadhiyo aayaha dhallinyarada waddanka.

Shirkan ayaa maalinta sabgtida maant ah waxaa sida uu qorshuhu yahay la soo gaba gabeyn doona iyadoo qodobadii ka soo baxana ka fileyo inay noqodaan kuwo wax badan ka qabta xaalad nololeedka dhallinyarada Soomaaliya.

MADAXWEYNIHII HORE SH.SHARIIF OO KU BAAQAY IN LA JOOJIYO DAGAALADA GOBO LADA KA JIRA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka jira gobolada dalka, isagoo tilmaamay in aan xilligan loo ba ahneyn dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca. Sh. Shariif ayaa sheegay in Soom aaliya waxyaabaha dib u dhigay ay tahay colaadaha, isla markaana loo baahan yah ay in laga gudbo.

"Maanta ma ahan maalin Soomaali ay is disho, maanta waa maalin u baahan ca qliga inuu is bedelo aan garano walaal ni madeena iyo nabada qiimaheeda, dagaal hadduu uu wax tarayo Soomaaliya ayaa horumar ku gaari laheyd, qabiilna haduu wax tarayo Soomaaliya sidan ma ahaat e en”ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dad ka colaadaha abaabulaya inay joojiyaan dhiiga daadanaya, dadaalada nabadeed na loo dheganuglaado.

"Dadka ku howlan ee colaadaha abaab ulaya waxaa leeyahay Alle ka baqa, uma da u naxa, dhiiga daadanaya joojiya, dad ka nabada wadana u dhega nuglaadaa, maanta ma ahan maalin lagu faano qabiil iyo waxbaa dhibaateeyay, waa maalintii la gu faani lahaa nabada iyo isu tanaasul, bani’aadamka in caqligiisa wax iska bedela rabaa, dhowr iyo 20sano caqligeena waxba iskama bedelin”ayuu yiri mar kale Madaxweynihii hore Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweyne Sheekh Shar iif ayaa bogaadiyay dadaalada nabadeed ee ay wadaan odayaasha iyo waxgarad ka, isagoo ku baaqay in la sii laba laabo, lana xoojiyo nabada.

ISMAACIIL CUMAR GEELLE: "MA HEYNO WAX ITAAL LEH OO GARAB JOOGSADA DOWLADDA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Isma aciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeys ay si cad u sheegay sababta looga adka an la’yahay ururka AlShabaab ee ka dag aalama dalka Soomaaliya, isagoona shee gay in dalalka caalamka ay ka gaabiyeen la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah amniga dalka.

Md.Geelle oo la hadlayay idaacadda BBCda laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dalalka caalamka ee ay ku su gan yihiin kooxaha argagixisada ah oo uu ka carabaabay dalka Afhanistan sida caa lamku ugu soo gurmaday aanay uga tag eerin Soomaaliya.md. Geelle "Soomaali Soomaali kale dileysa weeyaan waxa ka dagaalamaya dalk aas, mid la yiri janaad geli, mid la yiri naft aada keen wuu keen ayaa” ayuu yiri Mada xweyne Ismaaciil Cu mar Geelle oo dalki isa ka mid ah wada mada Soomaaliya la garab taagan taage erada hiil iyo hooba le h. Dhinaca kale Ma daxweynaha Jabuuti waxaa kale oo uu sheegay in kooxaha arg agixisada ah aan laga adkaan karin haddii aanay dalalka ca alamka isku kaashan si dii looga hortegi la haa.

 

OBAMA OO FARIIN DIGNIIN U JEEDIYAY KOO XO SHABAAB AY KA MID TAHAY

Madaxweynaha dalka Mareynkanka ayaa khamiistii shalay sheegay in argagi xisadu Waji cusub ula soo baxday Marey nkanka,wuxuuna carabka ku adkeeyay iney is difaaci doonaan.

Sida lagu qoray Wargeyska New York Times,Obama oo hadal ka jeedinayay Xa runta ka hortaga waxa loogu yeeray arg agixisada ee ku taalo Virginia ee dalka Mareynkanka ayaa si gaar ah diirada u saaray weeraradaii kala duwaan ee lagu qaaday magaalooyinka San Bernardino, Gobolka California iyo magaalada Caasi mada u ah dalka Faransiiska ee Paris.

" Waxaan hada wajaheynaa nuuc cusub oo argagixiso,waxayna yihiin kooxo yar oo falal argagixiso ka geysanaya Mare ynkanka sida weerarkii San Bernardino,’ ayuu yiri madaxweyne Obama.

Sidoo kale,madaxweyne Obama ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadooda gaa rka ah si adag u shaqeynayaan,isagoo tilm aamay iney qaarijiyeen Hogaamiyaa sha Kooxaha ISIL ee Libya,Yemen iyo Soomaaliya. Obama oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray wuxuu ugu yeeray ko oxaha Argagixiso oo Alshabaab ay qeyb ka yihiin in Hadii bartilmeedsadaan Mareynkanka aysan jirin doonin iyagana meel ay ku nastaan.

Wuxuuna sheegay madaxweyne Obama in meel waliba oo ay galaan ugu daba tagi doonaan,kana difaacan doona an dalkooda. Ugu danbeyntii madaxweyn aha dalka Mareynkanka Barach Obama ayaa ugu baaqay laamaha amaanka ee dalka Mareynkanka iney ka feejignaadaan weerarada kooxaha Daacish oo ka jira dalalka Ciraaq iyo Syria iyo waliba ururka Alshabaab oo xiriir la leh AlQaa’ida.

AWAAMIIR CUSLUS OO LAGU SOO ROGAY CIIDAMADA MILATERIGA SOOMAALIYA

Taliska ciidamada Milateriga DFS ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku wajahan ciidamada Milateriga, wuxuuna digniin ka soo saaray in askarta hubeysan laga mam nuucay gudaha magaalada Muqdisho.

Jan. Maxamed Aadan Axmed Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in askarigii isagoo hubey san lagu arko M/Muqdisho uu muteysana yo ciqaab sharciga la xariirta, hase yee shee wuxuu sheegay in askari ku socda amarka taliyihiisa loo ogol yahay inuu guto waajibaadka madaxdiisa.

"Taliyeyaasha ciidamada lagama yeeli doono askari qori wata ayaan magaalada u soo diray oo aan ku jirin howlgal qaran, wuu iga soo fakaday, haddii askarigaas qoriga wata ee sharci darrada ku socda uu dembi galo Taliyaha dembigana qeyb ayuu ka yahay” ayuu yiri Taliyaha ciidama da Milateriga Soomaaliya. Dhinaca kale Jan. Maxamed Aadan Axmed ayaa amar ku bixiyay in ciidamada milateriga aanay soo dhaafi karin goobaha ay ka howlg alaan, isagoona ku amray taliyeyaasha qe ybaha ciidamada kala duwan inay hubka ka dhigaan askarta ay magaalada u soo fasaxayaan.

Waa amarkii ugu horeeyay oo tan iyo markii la magacaabay Taliye Maxamed Aadan uu ka soo saaro ciidamada qalab ka sida ee Milateriga Soomaaliya, isagoo na hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay tahay mid lagu xoojinayo amniga caasim ada dalka ee Muqdisho

WAFDIGA DOWLADA OO SHALAY SOO AFJAR AYA FULINTA QODOBADA LAGU HESHIIYAY DAGAALKII BALADWEYNE

Wafdiga Dowlada Federaalka Soo maaliya ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan u jooga xalinta dagaal beeleedyada ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhameynta xiisada ka dhex aloosan labo beel oo dhawaan magaal adaasi ku dagaalamay.

Dagaalka Labada beel ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaaray,waxaana sidoo kale intuuu daga alka socday hakad galay isku socodka gaadiidka iyo daweyne iyo hagaag u soc oshada ganacsiga xaafada uu dagaalka ka socday. Wasiiru Dowladaha Madaxtoo yada Soomaaliya Mahad Max’ed Salaad oo ka mid ah Wafdiga Dowlada ee ku su gan Baladweyne ayaa warbaahinta u she egay in hada meel wanaagsan u wax u marayaan ayna ku rajo weyn yihiin in shalay ay soo afjaraan fulinta Qodobadii lagu heshi iyay,islmarkaana la istusi Waxg arad ka soo kala jeeda Beelihii Blaadwe yne ku dagaalamay.

Wuxuu sheegay Mahad Max’ed Salaad in maanta go’aan kama danbeys ah laga gaarayo dagaalka si loo helo xal waara oo dhinacyada si nabad gal ugu wada nool aadaan deegaanadooda,wuxuuna hadalkii sa inta asi ku daray iney xil gooni iska sa areen sidii loo dhameyn lahaa Xiisada Bal adweyne.

Wafdiga Dowlada oo kaashanaya Wa xgaradka Beelihii dagaalamaya ayaa ku guuleystay in la kala qaado maleeshiyaad kii isku hor fadhiyay aagagii lagu dagaala may,waxaana halkaasi la dhigay Ciidamo isugu jiro Boolis iyo Malitari si amaanka ay u sugaan.Xaalada Goobihii horay dagaa lada ugu dhaceen ayaa ah mid deg an,waxaana lagu arkayaa ciidamo ka tir san Dowlada Federaalka oo hadba dhinac u gaafwareega xaafada la gu dagaal amay.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO RAJO KA MUUJIYAY SHIRKA KISMAAYO KA FURMI DOONA BISHA JANAAYO

Madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kisma ayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa Rajo Wanaagsan ka muujiyay shirka looga tashanayo Hanna anka door ashada Dalka Soomaaliya ee la filayo in uu ka furmo magaalada Kisma ayo.

Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo oo kasoo kicitimay M/Muqdisho ayaa maanta soo gaaray Ki smaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madax weeyne kuxige enka Jubaland C/llaahi Sh. Ismaaciil (Fartaag), wasiiirro iyo masuuli yiin kale.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlayay gudaha garoonka ayaa sheegay inay 10ka bisha Jann aayo ee sannadka cusub uu magaalada Kismaayo ka furmi doono shir lagu gaari doono go'aan kama danb eys ah, isagoo xusay in shirkaasi uu filayo in natiijooyin dan u ah umadda Soomaaliyeed ay kasoo baxaan.

Muqdisho ayaa dhawaan lagu soo ga bagabeeyay shirweeyne ay isugu yimaad een madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulgoboleedyada dalka, kaasoo lo oga tashanayay hanaanka doorashooyin ka Somalia, waxaana shirkaas kasoo ba xay qodobbo dhowr ah oo dhinacyadu is ku afgarteen, balse heshiiska kama dan beysta ah ayaa la filayaa in lagu kala six iixdo shir 10ka bisha Janaayo ka furmi do ona magaalada Kismaayo.

GOLAHA WASIIRADA OO ANSAXIYAY SHARCIGA DHISMAHA CIIDANKA BADDA

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya oo kulankoodii caad iga ahaa khamiistii ku ye eshay Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga dib u habeeynta iyo dhismaha ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalkeena.

Afhayeenka xukuumadda C/salaan Ca ato ayaa warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay maanta ansixiyeen sharciga dhismaha ciidanka Badda, kaasoo uu tilm aamay in ay soo diyaarisay wasaaradda Gaa shaandhigga Soomaaliya.

Wuxuu intaasi ku daray Afhayeenku in sharcigan uu kulanka golaha wasiirrada soo hordhigay wasiirka Ga ashaandhigga Jeneraal c/qaadir Sheekh Cali Diini ka dibna uu goluhu meel mariyay sharciga asi. Afhayeenka ayaa xusay in sharcigan ay soo diyaariyeen qubaro aqoon durug san u leh dhismaha ciidamada Badda, isa goo hoosta ka xariiqay in dhismaha ciid amada Badda uu faa’iidooyin badan u le eyahay ummadda Sooma aliyeed.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tibaaxay in wax qabadka ciidamada Badda ay ka mid tahay ka hortagga was aqda iyo sun tan lagu shubo baddeena, iyo ilaalinta iyo difaaca guud ahaan baddeena Soomaal iya.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ka dooday kaddibna meel mariyay sharciga tariifada canshuuraha Ber riga, kaasoo ay dhawaan golaha usoo gudbisay wasaa radda Maaliyadda sida uu sheegay Afhay eenka xuku umadda

YUUSUF XUSEEN JIMCAALE: "IMISA HOTEL AYAA LA DUMIYAY, MID WELI LAGA TEGAY MALA ARKAY….?”

Waxaa weli si xowli leh u socda muna asabadaha iyo dabaaldegyada loo same ynayo dib u dhiska lagu sameeyay Hotel Jazeera oo bishii July ee sanadkaan lala eegtay qarax aan caadi ahayn oo burburi yay inta badan dhismaha Hotelkaas isla markaana qasaare lixaad leh u geystay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ah na duqa magaalada Muqdisho – Yuu suf Xuseen Jimcaale Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhi baano, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo qey baha ururrada bulshada ayaa iyagu ka qeyb galay xaflad dib loogu furayay Hot elka Jazeera ee ku yaala ma gaalada Muq disho gaar ahaan meel ka fogeyn gar oonka diyaaradaha caalamiga ah ee mag aalada Muq disho.

Xubnaha ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, xil dhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga iyo marti sharaf fara badan.

"Imisa Hotel ayaa la dumiyay, mid weli la ga tegay mala arkay?” ayuu isweydiiyay Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soo maaliya Ambassador Xasan Cabdi iyo xubno kale, kuwaasi oo dhammaantood siyaabo kala duwan uga had lay dib u furista Hotelka Jazeera.

TURKIGA IYO ISRAEL OO SOO CESHTAY XIRIIR KOODII DIBLOMAASIYADEED

Dawlada Turkiga iyo Israel ayaa wada gaaray heshiis hor dhac ah oo lagu soo ce linayo xiriirkii dibloma aasiyadeed ee lab ada dawladood oo go’ay sanadkii 2010 markaasoo ciidamada Yahuudu dileen 10 qof oo Turkiyiin ahaa. Wararka ayaa shee gaya in heshiiskaan ay wada gaareen ma s’uuliyiin aan magacyadooda la shaacin oo labada dhinac ka tirsan kuwaasoo kulan ku yeeshay dalka Stizerland.

Qodobada ku qoran heshiiska ayaa wax aa ka mid ah sida warbaahintu tabin ayso in safaaradaha dib loo furo iyo in Turkigu dib u bilaabo shidaalkii uu Israela iibsan jiray. Xiriir labada dawladood ayaa xuma aday markii ciidamada Israel ay toogteen 10 qof oo Turkiyiin ahaa oo doonayay inay jabiyaan xanibaada Yahuudu saartay mar inka Gaza ee dhulka Falastiin.

GOLAHA AMMAANKA OO ISKU RAACAY XAYI RAAD DHAQAALE OO LAGU SOO ROGO DAA CISH

Wasiirad Maaliyadda ee dalalka 15ka dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Mid oobey ayaa si aqlabiyad leh isugu raacay qaraar ka dhan ah Daacish, kaasoo looga gol leeyahay in xayiraad dhaqaale lagu soo rogo. Qaraarkan ayaa la mid ah kii sa nadkii 1999 uu Goluhu meel mariyay oo ka dhan ahaa Ururka AlQaacida.

Kooxda Daacish ayaa lagu tilmaamay kooxda ugu hantida badan Argagixisada Adduunka, waxaana dhaqa alaha ugu ba dan ay ka heshaa shidaalka oo si suuq madow ay u iib geyso. Daacish ayaa gaca nta ku heysa dhul ballaaran oo ku yaala dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxaana goo baha ay la wareegeen ka mid ah goobo shidaal laga soo saaro, taasoo u saha shay in kooxdu gacanta ku dhigto.

Isbaheysi uu hogaaminayo Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Daacish ka wada qeybo ka mid ah dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxaana diyaaradaha dagaalka ay beegsanayeen ilaha dhaqaale ee koox da leedahay.

ISKU DAY AFGAMBI FASHILMAY OO KA DHAC AY DALKA NIGER

Madaxweynaha Niger Mohamadou Iss oufou ayaa sheegay in dowladdiisa ay fa shilsay isku day afgambi la doonayay in xukunka laga tuuro. Mr Issoufou oo ka ha dlayay Telefishinka ayaa sheegay in isku dayga afga mbiga la doonayay in xukunka laga tuuro ay qorsheynayeen ciidamo ka tirsan Milateriga

"Dowladdu waxay fashilisay is ku day afg ambi oo la doonayay in dalka lagu qaso” ayuu yiri Madaxweynaha Niger oo ka ha dlayay Telefishinka dalkiisa.

Baaritaano ayaa ka bilowday dalkaas, kaasoo lagu ogaanayay cida ka dambe ys ay isku dayga afgambi, waxaana illaa iyo hada loo xiray afar ka mid ah saraakiisha milateriga. Waxaa la doortay sanadkii 2011, isa goo doonayay inuu meesha ka saaro xukunka milateri ee uu dalkaas ku jiray.

Nigeri ayaa tan iyo markii ay qaadatay xornimada sanadkii 1960 waxaa ka dhac ay dhowr afgambi.

Sanadka soo socda ayaa la filayaa inuu ka dhaco doorasho, iyadoo Madaxweyne Mohamadou Issoufou uu ugu cad cad yahay.

MIDOWGA AFRIKA OO ANSIXIYAY QORSHE CII DAMO NABAD ILAALIN LOOGU DIRAYO DALKA BURUNDI

Wararka ka imaanaya M/Addis Ababa ayaa sheegaya in Midowga Afrika ay isku raaceen qorshe qabyo ah oo ciidamo na bad ilaalin loogu dirayo dalka Burundi, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah. Ciidamada loo dirayo ay aa gaaraya 5kun askar aad u xoogan, iyadoo qorshaha ciidamo dirista aan wax fasax ah looga baahnaan doo nin dowladda Burundi.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Saraakiisha Golaha nabad gelyada iyo Amniga Mido wga Afrika in qor shahan uu u baahnaan doono inay isku ra acaan Madaxweynayaasha Midowga Afrika. Sidoo kale Qaramada Midoobey ay aa looga baahnaan fasax ciidamadan, iya doo Midowga Afrika uu doon ayo inuu deg deg u fara geliyo qalalaasaha ka taagan Burundi.

QM. ayaa sheegtay in 400 ruux la dil ay, tan iyo markii bishii April Madaxweyne Peirre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad uu u tartamayo xilka, ta asoo ay ka dhasheen mudahaaraadyo ra bshado wata.

Todobaadyadii la soo dhaa fay ayaa waxaa ka jiray magaalooyinka Burundi dilal iyo rabshado, wax aana jimc ihii la soo dhaafay wadooyinka Caasim a da Bujumbura lagu arkayay meydad ku dhow 50ruux oo rasaas lagu dilay.

Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo qeyb ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISO

Xigasho somaliweyn.com

MARAYKANKA OO SOO DHAWEEYAY GO’AA NADII SHIRKII WADA TASHIGA EE MUQDISHO LAGU SOO GABO GABEEYAY.

War ka soo baxay waaxda arrimaha dibb adda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in dawlada Marayk anka ay soo dhaweynayso go’aanadii laga soo saaray shirkii wada tashiga ee maalin ka hor Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay.

Warka Maraykanka waxaa lagu sheeg ay in xukuumadda Washington ay la dhac san tahay sida uu ku soo gabo gaboobay shirkii madasha wada tashiga oo looga arr insanayay nooca doorasho ee Soomaa liya ka dhacaysa sanadka dambe marka la gaaro.

"Waxaan soo dhaweynaynaa qodobada ku qoran bayaanka shirka kasoo baxay waxaana ku rajo weynahay in go’aanad aas la dhaqan galiyo” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka.

Sidoo kale madaxda Soomaalida ayaa loo jeediyay inay go’aano wax gal ah u aa yaha mustaqbalka Soomaaliya ka gaara an shirka 10 bisha dambe ee January dha caya sida warkaan lagu yiri.

"Maraykanku waxaa uu soo dhaweyna yaa inay muddo kororsi samayn hay’ada ha dawlada taasoo ku cad go’aankii go laha amaanka ee tirsigiisu ahaa 2232 oo ku baaqaya inay dalka ka dhacdo door asho xaq ah oo madax banaan” ayaa si doo kale warkaan Maraykanka kasoo baxay lagu yiri.

Shirkii maalin ka hor Muqdisho ka dhacay ee ay ka qeyb galeen madaxda dawlada Soomaaliya iyo kuwa maamul gobole edyada dalka ka jira waxaa lagu go’aami yay in sanadka 2016 doorashada dalka ka dhacaysa lagu saleeyo heer degaan iyo nidaamka 4.5 oo hadda Soomaalidu wax ku qeybsato.

MAREYKANKA OO XIRAY NINKII HUBKA U SOO IIBIYAY LAMAANIHII DADKA KU LAAYAY MAGAALADA SAN BERNARDINO

Xoogaga ammaanka ee dalka Marey kanka, ayaa Magaalada San Bernardino Ee Gobolka California waxay ku xireen En rique Marquez, kaasoo sida la sheegay laba qori oo nooca darandooriga u dhaca u soo iibiyay lamaanihii weerarka ka ful iyay Magaaladaasi.

Ninkan, ayay deris iyo saaxiiba aha ayen Syed Rizwan Farook, oo isaga iyo xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Ta shfeen Malik, ay ka masuulka ahaayen we erarka San Bernardino, oo lagu dilay 14 qof, 21 kalana lagu dhaawacay. Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka, ay aa waxay sheegeen inay go’aansadeen dacwado ay ku soo oogaan ninkaasi, balse waxaan la’aqoon nooca ay noqon doonaan dacwadahaasi.

Enrique Marquez, ayaa dacwad ooga yaasha u sheegay in laba qori uu u soo iib iyay lamaanahaasi, laakiin aanu ogayn in ay gaysanayaan weerar ceynkaasi oo ka la ah. Marquez waxaa uu noqonayaa qo fkii ugu horeeyay ee loo xiro, weerarkii 2dii bishan ka dhacay San Bernardino. Nin kan ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Isla amka. Marquez oo 24 jir ah, ayaa ilaalo ka ahaa suuq lagu magacaabo Walmart, wax aana shaki weyn laga muujinayaa in uu wax ka soo abaabulay weerarkaasi.

RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA OO U DIGAY DADKA DIBAD BAXYADA KA WADA GOBOLKA OROMADA

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailem ariam Desalagn ayaa ugu hanjabay xoog ag uu ku sheegay inay nabada ka soo hor jeedaan in tallaabo laga qaadi doono, iya doo dibad baxyo muddo saddex todobaad galay uu ka socdo Gobolka ay degaan Qowmiyadda Oromada.

Mr Desalagn oo la hadlayay warbaahin ta dowladda ayaa sheegay dadka dibad baxa wada ay ku jiraan kooxo qaswadaya al ah, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay gub een xarumo dowladeed iyo hanti dadweyne.

"Waxaa ognahay kuwa xoogaga qas wadayaasha ah inay dileen xoogaga amm aanka, waxay gubeen xarumaha dowlad da iyo hantida dadweynaha”ayuu yiri Ra’ii sul Wasaaraha Itoobiya Desalagn.Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda ay gudaneyso Mas’uuliyadeeda, isla marka ana ixtiraameyso dastuurka, waxaana uu intaa ku daray in Xukuumada iyo shacab ka ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah kooxaha qaswadayaasha ah.

Dibad baxyada ka socda Gobolka Oro mada ayaa waxaa ku dhintay tiro ku dhow afartameeyo ruux, inkastoo dowladda Ito obiya ay sheegeyso in illaa shan ruux ku dhinteen. Rabshadahan ayaa ka dambe eyay markii dowladda Itoobiya ku dhawa aqday qorshe lagu ballaarinayo Caasimad da Addis Ababa, isla markaana qeyb ka mid ah Gobolka Oromada lagu soo biirinayo, taasoo dadka Oromada ah ku til maameen mid meel ka dhac ku ah madax banaanida iyo dhaqanka Oromada

Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amn esty International ayaa ku eedeysay dowl adda Itoobiya dilka illaa afartan ruux, iya doo tilmaamay in dowladda ujeedadeeda tahay in dadka dibad baxyada wada ay ku xiriiriso inay xiriir la leeyihiin Argagixisada, si ay qiil uga dhigtaan cadaadiska iyo cab si gelinta ay ku hayaan.

TURKIGA OO 10 KUN OO ASKARI GUDAHA U GELIYAY CIRZE & SILOPI IYO HAWLGALO AY KA WADAAN

Ciidamada ammaanka ee dalka Turk iga, ayaa waxay baaritaano ballaAran ka wadaan Magaalooyinka Cizre iyo Silopi, oo dhaca Koonfur Bari Turkiga. Ciidama da, ayaa waxay guryaha ka baarayaan xoogag hubeysan oo ka tirsan Jabhadda PKK ee Kurdiyiinta Turkiga. Kurdiyiintu waxay u dagaalamayaan sidii ay kaga go’i lahaayen qaybaha kale ee Turkiga.

Xoogag ka tirsan Jabhadda PKK, ayaa maalmihii la soo dhaafay xIray wadooyin ka qaar, waxaana la arkaayay iyagoo hub eysan, muujiyayna inay diyaar u yihiin dag aal ka dhan ah ciidamada ammaanka.

Illaa 10 kun oo ciidan gurmad ah, ayay Do wladda Turkigu u dirtay Magaalooyinkasi, waxaana amar loo siiyay inay soo qab qa btaan kuwa diidan xasiloonida.

Ciidamada ammaanka iyo dagaalyah anada PKK, ayaa wadooyinka qaar ku wa da dagaalamaaya, waxaana la arkaayay qiiq cirka isu shareeray, oo ka dhashay hubka ay labada dhinac isu adeegsanaya an. Dowladda, ayaa bandow ku soo rog tay Magaalooyinkaasi, waxayna xoogaga amnigu wadaan baaritaanadooda ka dhan ka ah xubnaha ka tirsan PKK.

Ahmet Davutoglu, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, ayaa sheegay in baaritaanada ka soconaaya Silopi iyo Cizre lagu dilay ugu yaraan 23 ka mid ah dagaalyahanada PKK. Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku cago ju gleeyay in Xukuumaddu ay sii wadi doo nto hawlgalka ka dhanka ah xoogaga hub eysan ee PKK ka tirsan, illaa iyo inta hub ka laga fara maroojinaayo.

CUDURKA DAACUUNKA OO FARA BA’AN KU HAYA QOXOOTIGA KU JIRA XERYAHA DHA DHAAB EE DALKA KENYA

Ugu yaraan 10qof ayaa u geeriyooday tiro ka badan 550qof oo kalena way la ildaran yihiin; kaddib markii xeryaha Dha dhaab ee dalka Kenya uu ka dillaacay cud urka halista ah ee Daacuunka. Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in dadka uu cudurku soo ritay ay 30% yihiin carruur da’doodu ka yar tahay 12sano. Iyadoo intaas ku da rtay in faafidda cudurka ay sii xoojinayaan roobab xooggan oo ka da’aya deegaanka Dhadhaab iyo nadaafad xumo.

"Cudurkan waxaa soo kiciyay roobab xooggan oo da’ay iyo nafaadda oo ahayd mid markii horeba aan wanaagsanayn,” ayuu yiri madaxa hay’adda MSF ee Ken ya, Charles Gaudry. Sidoo kale, Charles Gaudry ayaa intaa ku daray in xeryaha qoxootiga Dhadhaab ay ka jirto nadaafadxumo, xaaladda nololeed oo aad u liidata iyo iyadoo maalgelin aan lagu sameyn ad eegyada fayadhowrka caafimaadka.

"Tirada bukaanada uu soo ridanayo cudurka Daacuunka way laba jibaarmeen toddobaadkii lasoo dhaafay oo keliya. Carruurta ayaana ah kuwa ugu daran oo uu cudurku saameynta ku yeeshay. Iya doo sidoo kale ay carruurta qaarkood la ildaran yihiin nafaqodarro,” ayuu hadalki isa ku daray Gaudry. Cudurka Daacuun ka ayaa saameeyay 16ka deegaan ee ay ka kooban tahay Kenya tan iyo bishii De cember sannadkii 2014kii. Iyadoo cudurk an markii ugu horreysay lagu arkay xery aha DhadhaabKenya bishii 23kii Nove mber, 2015ka.

Dhanka kale, hay’adda qoxootiga Add uunka ee UNHCR ayaa iyadana xustay in cudurkan la rumeysan yahay inuu billow day markii ay xeryaha Dhadhaab soo gaar een qoxooti cusub oo dalka Somalia ka yimid, kuwaasoo loo maleynayo inay soo mareen deegaanno ay ka da’een roobab xaaladooda caafimaadna aysan wanaag sanayn.Ugu dambeyn, UNCHR iyo kuwa kale ee samafalka ayaa billaabay inay u adeegaan dadka uu cudurka Daacuunka soo ritay. Inkastoo ay weli xaaladda Am aan ee Xeryaha DhadhaabKenya aysan weli ahayn mid la isku halleyn karo.

MADAXA HAY’ADA IMF CHRISTINE LEGARDE OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAYO

Madaxa Hay’ada Lacagta Adduunka IMF Christine Legarde ayaa lagu soo taa gayaa maxkamad ku taal dalka Farans iiska iyadoo loo haysto lacago ay dayac day waqti ay ahayd wasiirka Maaliyada da lka Faransiiska.Christine oo ah haweeney dii ugu horeysay ee wasiir maaliyadeed ka noqota dalka Faransiiska ayaa lagu eed eeyay inay dayacday lacag gaareysa 438 malyan oo dollar, taas oo uu qaatay nin ganacsade ah sanadkii 2008dii.

Haweeneydan oo ahay wasiirka maali yada xilligii Madaxweyne Nicolas Sarkozy ayaa lacagta loo haysto waxaa loo siiyay magdhow shirkad wax iibisa oo uu lee yahay ganacsade lagu magacaabo Berna rd Tapie. Mr Tapie ayaa taageere u ahaa Sarkozy doorashadii madaxtinimada ka dhacday Faransiiska2007. Qareenka Ms Legarde ayaa ku tilmaamay go’aanka Max kamada mid aan la fahmi karin waxana uu sheegay in racfaan ay ka qaadanayaan.

War ay soo saartay haweeneydan ayay ku sheegtay in ay marwalba sameyn jirtey danta dalkeeda ayna tixgelin u haysay sharciga.Ms Legarde oo ah 59 sano jir ay aa haddii dambigan lagu helo waxa ay mu dan kartaa xarig hal sano ah.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay Hay’ada Lacagta Adduunka IMF ayaa shaqaalahee da waxa ay ku sheegeen in ay taageersan yihiin haweeneyda madaxda u ah.

Afhayeen u hadlay xeer ilaalinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in ay Ms Legar de ay haysato muddo shan maalmood ah inay racfaan ugaga qaadato haddii maxk amadu go’aan gaarto Jimcaha ama Isniin ta soo socota.

ADOONSIGII KA JIRAY SOOMAALIYA IYO DADKII LAKALA IIBSADAY (XAQIIQ)

Wiilkeeyga oo arday ah ayaa caa wa oo jimca ah I weeydiiyay ,Aabe Somaliya dad miyaa la adoonsan jiray? Waxaan uga sheekeeyay dadkii la adoon san jiray iyo dariiqyadii la marsii jiray marka laga keeno adoonta Ethiopia lama keeni jiray waqooyiga Somaliya iyo kuwii laga keeni jiray tansaaniya lana keeni jiray koofurta Somaliya,waxaan u shaagay dhal iyaro uu yaqaan oo Abkoow yaashood ka ganacsan jireen addoonta.wuxuu igu yiri : Aabbe caddeeyn ma u heeysaa? Waxaan iri hadda waa habeen subixii I xasuusi.

Subaxdii ayaan sii wadnay mowl uucii,waxaan tusiyay markhaati Buuga Taariikhu Soomaal Qadiiman wa xadiisan, ka dibna waxaan ku Iri soo qabo Feylkaa cagaarka ah: fiiri Dokumentigan dadka la gu kala gadan jiray ee suuqa xamar wey ne, meesha hadda suuqa malaaygu ku yaal, fiiri mar kale bogga 184 qoraalka Ma xkamaddu ansixisay ee iibka addoonta, waqadda No. 269, taa oo ay ku cadahay in Yaasiin Cabdul Magiirtiin uu ka gatay Nuur Cali Muuse naag la yiraa Ahoobooy kana siiyay 80Liiro, waxaa marqaati ka ahaa 30qof beecaas waxaa ansixiyay qaalli: Muxudiin Casbik taariikhdu markey aheyd 20kii Ok. 1901, canshuurna waxaa Dowladda loo siiye 1 Liiro, isla maalintaa 20kii Ok. 1901 waxaa la iibiyay Salla Kha diijo iyo Labadeedii carruurta aheyd wax aana lagu gaday 200Liiro & 2Liiro oo ca nshuur ah, wiilkeeygoow tani waxa ay dha cday qarnigii 20aad ee labadeenuba aan dhalanay, wiilkeeygoo fiiri marqaati kale isla buugaa taariikhu Soomaalida 7dii Se ptember. 1902 waxaa la iibiyay 2naag oo la kala yiraa Caasho & Xaamoole iyo nin Muudeey la yiraah waxaana lagu ga day 211liiro beecaa waxaa diiwaan geli yay xi saabiyihii Talyaaniga Sig. Judiyo Ma so sheli isla xisaabiyuhu wuxuu diiwaan geli yay Bilaaloo 90liiro lagu iibiyay iyo 1 liiro canshuur, wiilkeeygoow bal fiiri Do cumen tigan kale:isla maalintaa waxaa la iibiyay labo nin & naagqabiilka Danaakiil ah oo lagu iibiyay 135liiro iyo 2liiro ca nshuur ah.

Sidoo kale qaaliga baraawe wuxuu diiwaan geliyay 15kii April 1895kii addo on lagu iibiyay 45liiro,beecaa oo ku yimid dhaxal ahaan markii ninkii lahaa dhintay, waxaana dhaxlay 3 nin oo walaalihiis ahaa. 22kii Maarso 1900 waxaa diiwaan ka ku qoran in Rahan 50liiro ah bedel keedii loo dhigay 3addoon.

Fiiri Documentigan kale,27kii Juun 1903 Haweeneey addoon aheed oo codsa tay in la xoreeyo bacdamaa ay guursatay nin horay loo xoreeyay oo la yiraah Hil owle ayaa lagu xiray lacag u dhiganta 50Doolar oo hadda jirta, inkastoo sharcigu markaa qorayay in la xoreeyo hadeey nin xor ah guursato. Inkastoo markaa ka dib sharci laga soo saaray joojinta iibka dadka hadana qabaa’ilkii qaar ka ganacsan jiray addoonta ma oggolaan, suuqyadii B/Dhe ere & Luuqna weli way sii jireen.

Intii u dhaxeeysay 18001890 in ka badan 300,000 adoon ayaa laga soo iib saday suuqa adoonta ee Zinzibar loona soo qaaday Somalia si looga sii iibiyo car abta,adoontaa badankoodu waxa ay ah aayeen qoowmiyadaha Majindo, Makua, Nyasa, Yao, Zalama, Zaramo iyo Zigua oo ku noola tanzaniya , Mozambique iyo Ma lawi. Waxaa kale oo laga keeni jiray xeeb aha Kenya. Oromada waa la leey jiray rag ga laakin haweenka iyo gabdhaha yar yar waa la soo wadan jiray badanaa adoon ahaan looma gada jirin ee waa la guursan jiray,xataa wiilasha yar yare e oromada waa la korsan jiray waxa uuna noqon jiray qowsaar qoyska ka tirsan.

Wiilkii ayaan ku iri ii xareey docum entigan,dad kale ayaa u baahan doono ca deeymo marka ay wax ka qorayaan Soma liya iyo adoonsiga.

Waxaa Diyaariyay:

Prof. Yaxye Sh. Caamir

KOOXDA HORSEED OO KU GUULEYSATAY KOOBKA JENERAAL DAA’UUD, MARKII 21 UGA BADISAY HEEGAN

Kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii u horey say muddo 33sano ka dib ku guuleysatay koobka loo yaqaano Jeneraal Daa’uud, ka dib markii ciyaartii kama dambeysta ahe yd ee Finalka ay 21 uga badisay Kooxda Heegan ee ciidanka Booliska.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Ba naadir Stadium ayaa aheyd markii u ho reysay si toos ah looga daawado TV, gaar ahaan Telefishinka Qaranka.

Xamaasada uu kulankan lahaa ayaa ahaa maadaama labada kooxood ay mata laan Ciidamada Booliska iyo Ciidanka xoo gga dalka Soomaaliyeed, waxaana kuma naan taageero oo ka kala yimid degmoo yinka Gobolka Banaadir u soo daawasho tageen ciyaarta. Kooxda Heegan ayaa qe ybtii hore ee ciyaarta dhalisay gool, iyad oo kooxda Horseed kaarka cas laga siiyay mid ka mid ah ciyaaryahanada ajnabiga ee u ciyaara, markii uu qalad galay.Laakiin Kooxda Horseed oo aan marna ma gelin wax niyad jab ah, waxaana qe ybta labaad ay la soo baxeen dar dar xoo gan, waxaana iyagoo 10ciyaaryahan ku ciyaarayay ay heleen goolkii bar arahaahaa.

Goolka bar baraha ee Horseed ayaa waxaa uu garoonka ka dhigay mid sawa xan iyo sacab ay muujinayeen taageeray aasha, gaar ahaan Ciidamada xoogga dal ka oo iyagoo aan gacmaha hub ku sidan u gu sacbo tumayay, taageero ballaaran u muujinayay kooxdooda. Horseed ayaa dhalisay goolkii labaad, waxaana aheyd mid aad u cajiib ahaa, iyadoo dad badan ay aaminsanaayeen in maadaama Hors eed 10ciyaaryahan ku ciyaareysay, gool na loogaga hormaray in laga badi doono, hase ahaatee taas ma dhicin.

Taageerayaasha Horseed ayaa dib u xusuustay magacii loogu yeeri jiray xilli yadii berisamaadkii ee wacdaraha ay ka dhigi jirtay garoomada oo ahaa Cawo iyo Maalin Horseed. Kooxda Horseed ayaa ko obkii Jeneraal Daa’uud la hoyatay, iyadoo ugu dambeysay 1982, waxaana xilli ciyaa reedkan kooxda aad ayaa looga cabsi qa baa, maadaama ay xidigo ajnabi soo iibs atay.

 

TACSI TIIRAANYO LEH

Dhammaan Reer Cegalle Gadiid Geeddoow waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Caruurta Nuurto Jimcaale Cigalle oo kala ah: Prof.Cali Maxamed Abuukar{ C.wolf} iyo Maana Maxamed Abuukar{Maanta Siti} iyagoo ugu tacsiyadeynayo Geeridii ku timid Walaashood Shamso Sheekh Cumar oo habenkii khamiista17/12/2015-ka ku geertiyo otay M/Muqdisho sidoo kale Wiilkeeda Fa’ u’aad Xasan ayey Tacsi gaar ah u dirayaan waxaayna leeyihiin Alle ka Idinka Samir Siiyo Maruxuumaddana Jannadii Fardowso Alle haka Waraabiyo AamiinAamiinAamiin

INNAA LILLAAHI WA INYA ILLAAHI RAAJICUUN

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip