
Turkiga iyo Israel oo soo ceshtay xiriirkoodii diblomaasiyadeed
Dawlada Turkiga iyo Israel ayaa wada gaaray heshiis hor dhac ah oo lagu soo celinayo xiriirkii diblomaaasiyadeed ee labada dawladood oo go'ay sanadkii 2010 markaasoo ciidamada Yahuudu dileen 10 qof oo Turkiyiin ahaa. Wararka ayaa sheegaya in heshiiskaan ay wada gaareen mas’uuliyiin aan
magacyadooda la shaacin oo labada dhinac ka tirsan kuwaasoo kulan ku
yeeshay dalka Stizerland.
Qodobada ku qoran heshiiska ayaa waxaa ka mid ah sida warbaahintu tabinayso in safaaradaha dib loo furo iyo in Turkigu dib u bilaabo shidaalkii uu Israela iibsan jiray.
Xiriir labada dawladood ayaa xumaaday markii ciidamada Israel ay toogteen 10 qof oo Turkiyiin ahaa oo doonayay inay jabiyaan xanibaada Yahuudu saartay marinka Gaza ee dhulka Falastiin.
Turkiga iyo Israel oo soo ceshtay xiriirkoodii diblomaasiyadeed
Dawlada Turkiga iyo Israel ayaa wada gaaray heshiis hor dhac ah oo lagu soo celinayo xiriirkii diblomaaasiyadeed ee labada dawladood oo go'ay sanadkii 2010 markaasoo ciidamada Yahuudu dileen 10 qof oo Turkiyiin ahaa.