
Madaxweynaha Somaliya oo xalay kulamo kula qaatay Magaalada Kismaayo Axmed Madoobe
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Hogaanka Maamulka Jubbaland kala hadlay xalinta dhammaan dadka tabashada ka qaba Maamulkiisa si maamulka uu u noqdo mid ay u dhan yihiin Bulshada deegaanka.
Wariyeyaasha Magaalada Kismaayo ku sugan, ayaa soo sheegaya kulammada inay ahaayeen kuwa albbaabada u xiran yihiin oo aanan faah-faahin badan laga haynin, waxyaabaha sida rasmiga ah madaxda uga wada hadleen.
Madaxda ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa xalay ku soo lugeeyay meelo ka mid ah Magaalada Kismaayo, iyadoo ammaanka Magaalada si weyn loo adkeeyay.
Kismaayo waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka Hiigsiga 2016-ka oo markaan lagu qabanaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.
Jawiga Magaalada ayaa ka duwan sidii hore oo meel waliba oo Magaalada ka mid ah waxaa taag-taagan ciidamada Maamulka Jubbaland oo feejignaan amni ku jira.
Madaxweynaha Somaliya oo xalay kulamo kula qaatay Magaalada Kismaayo Axmed Madoobe
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hooyday Magaalada Kismaayo, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubbaland ee fadhigooda uu yahay Magaalada Kismaayo.