Ismaaciil Cumar Geelle: "Ma heyno wax itaal leh oo garab joogsada Dowladda Soomaaliya"

0
Friday December 18, 2015 - 14:25:37 in Wararka by
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaaciil Cumar Geelle: "Ma heyno wax itaal leh oo garab joogsada Dowladda Soomaaliya"

    Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay sababta looga adkaan la'yahay ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in dalalka caalamka ay ka gaabiyeen la dagaalanka k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay sababta looga adkaan la'yahay ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in dalalka caalamka ay ka gaabiyeen la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah amniga dalka. Ismaaciil Cumar Geelle oo la hadlayay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dalalka caalamka ee ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada ah oo uu ka carabaabay dalka Afhanistan sida caalamku ugu soo gurmaday aanay uga taageerin Soomaaliya.
Djibouti President Ismail Omar Guelleh attends a plenary session during the 24th Africa-France summit, 16 February 2007 in Cannes, southern France. Launched in 1973 as a club of former French colonies, the Africa-France summit this year will focus on the theme 'Africa and the world balance' at a time when China is positioning itself as a market for Africa's oil and mineral. AFP PHOTO / PATRICK KOVARIK

Madaxweynaha Jabuuti – Ismaaciil Cumar Geelle

"Soomaali Soomaali kale dileysa weeyaan waxa ka dagaalamaya dalkaas, mid la yiri janaad geli, mid la yiri naftaada keen wuu keenayaa” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkiisa ka mid ah wadamada Soomaaliya la garab taagan taageerada hiil iyo hooba leh.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti waxaa kale oo uu sheegay in kooxaha argagixisada ah aan laga adkaan karin haddii aanay dalalka caalamka isku kaashan sidii looga hortegi lahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip