
Awaamiir cuslus oo lagu soo rogay ciidamada Milateriga Soomaaliya
"Taliyeyaasha ciidamada lagama yeeli doono askari qori wata ayaan magaalada u soo diray oo aan ku jirin howlgal qaran, wuu iga soo fakaday, haddii askarigaas qoriga wata ee sharci darrada ku socda uu dembi galo Taliyaha dembigana qeyb ayuu ka yahay” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Dhinaca kale Jan. Maxamed Aadan Axmed ayaa amar ku bixiyay in ciidamada milateriga aanay soo dhaafi karin goobaha ay ka howlgalaan, isagoona ku amray taliyeyaasha qeybaha ciidamada kala duwan inay hubka ka dhigaan askarta ay magaalada u soo fasaxayaan.
Waa amarkii ugu horeeyay oo tan iyo markii la magacaabay Taliye Maxamed Aadan uu ka soo saaro ciidamada qalabka sida ee Milateriga Soomaaliya, isagoona hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay tahay mid lagu xoojinayo amniga caasimada dalka ee Muqdisho.
Awaamiir cuslus oo lagu soo rogay ciidamada Milateriga Soomaaliya
Taliska ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku wajahan ciidamada Milateriga, wuxuuna digniin ka soo saaray in askarta hubeysan laga mamnuucay gudaha magaalada Muqdisho.