Golaha Ammaanka oo isku raacay xayiraad dhaqaale oo lagu soo rogo Daacish

0
Friday December 18, 2015 - 13:43:09 in Wararka by
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka oo isku raacay xayiraad dhaqaale oo lagu soo rogo Daacish

    Wasiirad Maaliyadda ee dalalka 15-ka dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa si aqlabiyad leh isugu raacay qaraar ka dhan ah Daacish, kaasoo looga gol leeyahay in xayiraad dhaqaale lagu soo rogo. Qaraarkan ayaa la mid ah kii sanadkii 1999 uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirad Maaliyadda ee dalalka 15-ka dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa si aqlabiyad leh isugu raacay qaraar ka dhan ah Daacish, kaasoo looga gol leeyahay in xayiraad dhaqaale lagu soo rogo. Qaraarkan ayaa la mid ah kii sanadkii 1999 uu Goluhu meel mariyay oo ka dhan ahaa Ururka Al-Qaacida.

Kooxda Daacish ayaa lagu tilmaamay kooxda ugu hantida badan Argagixisada Adduunka, waxaana dhaqaalaha ugu badan ay ka heshaa shidaalka oo si suuq madow ay u iib geyso.

Daacish ayaa gacanta ku heysa dhul ballaaran oo ku yaala dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxaana goobaha ay la wareegeen ka mid ah goobo shidaal laga soo saaro, taasoo u sahashay in kooxdu gacanta ku dhigto.

Isbaheysi uu hogaaminayo Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Daacish ka wada qeybo ka mid ah dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxaana diyaaradaha dagaalka ay beegsanayeen ilaha dhaqaale ee kooxda leedahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip