Mareykanka oo xiray ninkii hubka u soo iibiyay lamaanihii dadka ku laayay Magaalada San Bernardino

0
Friday December 18, 2015 - 12:57:42 in Wararka by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo xiray ninkii hubka u soo iibiyay lamaanihii dadka ku laayay Magaalada San Bernardino

    Xoogaga ammaanka ee dalka Mareykanka, ayaa Magaalada San Bernardino Ee Gobolka California waxay ku xireen Enrique Marquez, kaasoo sida la sheegay laba qori oo nooca daran-dooriga u dhaca u soo iibiyay lamaanihii weerarka ka fuliyay Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga ammaanka ee dalka Mareykanka, ayaa Magaalada San Bernardino Ee Gobolka California waxay ku xireen Enrique Marquez, kaasoo sida la sheegay laba qori oo nooca daran-dooriga u dhaca u soo iibiyay lamaanihii weerarka ka fuliyay Magaaladaasi. Ninkan, ayay deris iyo saaxiiba ahaayen Syed Rizwan Farook, oo isaga iyo xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Tashfeen Malik, ay ka masuulka ahaayen weerarka San Bernardino, oo lagu dilay 14 qof, 21 kalana lagu dhaawacay.

Dacwad oogayaasha federaalka Mareykanka, ayaa waxay sheegeen inay go’aansadeen dacwado ay ku soo oogaan ninkaasi, balse waxaan la’aqoon nooca ay noqon doonaan dacwadahaasi.

Enrique

Enrique Marquez, ayaa dacwad oogayaasha u sheegay in laba qori uu u soo iibiyay lamaanahaasi, laakiin aanu ogayn inay gaysanayaan weerar ceynkaasi oo kala ah.

Marquez waxaa uu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee loo xiro, weerarkii 2-dii bishan ka dhacay San Bernardino. Ninkan ayaa sanado ka hor qaatay Diinta Islaamka.

Marquez oo 24 jir ah, ayaa ilaalo ka ahaa suuq lagu magacaabo Walmart, waxaana shaki weyn laga muujinayaa in uu wax ka soo abaabulay weerarkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip