Mareykanka oo xiray ninkii hubka u soo iibiyay lamaanihii dadka ku laayay Magaalada San Bernardino
Xoogaga ammaanka ee dalka Mareykanka, ayaa Magaalada San Bernardino Ee Gobolka California waxay ku xireen Enrique Marquez, kaasoo sida la sheegay laba qori oo nooca daran-dooriga u dhaca u soo iibiyay lamaanihii weerarka ka fuliyay Magaaladaasi.