GOLAHA ABWAANADA SOOMAALIYEED OO SHAHAADO SHARAF GUDDOONSIIYAY DHAKHAATIIR CAANDALKA IYO DIBADDABA (SAWIRRO)

0
Sunday September 13, 2015 - 11:53:53 in Wararka by
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOLAHA ABWAANADA SOOMAALIYEED OO SHAHAADO SHARAF GUDDOONSIIYAY DHAKHAATIIR CAANDALKA IYO DIBADDABA (SAWIRRO)

    Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa Shahaado Sharafyo mahad-celin ah guddoonsiiyey dhakhaatiirta kala ah; Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir iyo Prof. Cismaan Maxamuud [Dufle], ka dib munaasabad arrintaas la xiriirta oo l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa Shahaado Sharafyo mahad-celin ah guddoonsiiyey dhakhaatiirta kala ah; Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir iyo Prof. Cismaan Maxamuud [Dufle], ka dib munaasabad arrintaas la xiriirta oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
 Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, waxaana ka Qayb-galay dhaqaatiir, abwaano, fanaaniin kala duwan iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Qaar ka mid ah Abwaannada Soomaaliyeed ayaa xafladda ku furay ruwaayad goos-goos ahayd oo ka turjumeysay kaalinta dhaqaatiirta Soomaaliyeed kaga jiraan horumarinta iyo ilaalinta caafimaadka guud ee bulshada, iyadoo ruwaayadan ay si gaar ah u taabaneysay qaabkii labada dhaqtar ay ugu gurmadeen abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub, iyagoo u sameeyey qaliin dhinaca indhaha ah iyo baaritaano kale oo Caafimaad.

Sidoo kale, intii ay munaasabadan socotay ayaa waxaa heeso, gabayo iyo suugaan kale ku soo bandhigay kooxda fanaaniinta Degaan iyo abwaano kale, kuwaasoo ka turjumayey mahad-celin iyo duco loo jeedinayey Dr. Dufle iyo Dr. Dalmar sida ay had iyo jeer ugu heelan yihiin wax u qabashada bulshada.

Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in labada dhaqtar dadka ay wax u qabteen aysan ku koobneyn abwaanada Soomaaliyeed, isagoo sheegay iney yihiin badbaadiyeyaashii bulshada.

"Prof. Dufle ayaan telefan ku wada hadalnay, waxaana uga waramay xaalado caafimaad daro oo la soo dersay abwaan Sangub iyo sida wax looga qaban-karo, wuxuuna iigu jawaabay :haddaan qadka soo gelinayaa Dr. Dalmar beriba noo wada keen labadeena, waxayna u sameeyeen baaritaano caafimaad iyo qaliin dhinaca arag ah ILAAHAY qeyr ha siiyo, waan uga mahad celinaynaa, Sangub kaliyana maaha umadda oo dhan ayey sidaasoo kale wax ugu qabtaan, abaalgud kalena uma heyno inaan amaan iyo bogaadin u jeedino mooyee,” ayuu Abwaan Guure yiri.

Agaasimaha Isbitaalka Taqasusiga Dr. Dufle ee Muqdisho, Prof. Cismaan Dufle oo isna munasaabada ka hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin ka soo qeyb galka xafladan oo uu sheegay iney aheyd mid ka balaaran sidii ay filayeen.

"Lama soo koobi karo shucuurteena aniga iyo sxbkey Prof. Dalmar, waxaan filaynay soo dhoweyn iyo mahadnaq kooban balse waxaan la kulanay masraxiyad qiimo badan oo muddo dheer laga soo shaqeeyey, heeso qiiro leh, amaan iyo duco waxaan uga mahad celinaynaa abwaanada ka soo shaqeeyey,” ayuu yiri Dr. Dufle oo intaa ku daray in dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay wax u qabashada bulshadooda, wuxuuna xusay in weligood ay si bilaash ah ku daweyn jireen bahda fanka iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed ayna sii wadi doonaan.

"Waxaa jirta maahmaah Carbeed oo leh: Ninka kariimka ah hadaad karaameyso oo wax yar u qabato, abaalka loo galay aad buu u weyneeyaa, qofka xun hadaad wax u gashana kibir iyo islaweyni ayuu ka qaadaa, tani waxay muujineysaa in abwaanadeena ay yihiin dad kariim ah oo garanaya waxa loo galay” ayuu yiri Prof. Dufle oo sidoo kale ah xildhibaan gudoomiye ka ah guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gunaanadkii xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in mahadcelinta iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen abwaanada ay calaamad u tahay sida bulshadu ugu qanacsan tahay howlaha ay u hayaan dhaqaatiirta Soomaliyeed.

"Farxad ayey inoo tahay in abwaan Sangub oo labada indhood aan u qalay uu aragiisu caadi ku soo laabtay, runtii abwaanku waa nin nagu weyn, anigoo yar ayaan dhegeysan jiray heesihiisa, waxaan xusuustaa in sanadkii 1974 la dhigay riwaayad la oran jiray (Qabrigii Jaceylka) oo uu sameeyey abwaan Sangub, nin yar baan ahaa xiligaas albaabka ayaa la iga celiyey, waxayna noqotay inaan derbiga ka soo boodo,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo xusay in albaabada dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay u furan yihiin abwaanada iyo fanaaniinta ayna diyaar u yihiin iney soo dhoweeyaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise (Sangub) ayaa shahaado sharafyo mahadcelin ah gudoonsiiyey labada dhaqtar, isagoo sheegay in qof walba oo wax wanaagsan qabta ay bulshadu xuseyso uuna baal dahab ah ka galayo taariikhda, waxaana munaasabadaas ay ku soo gebobowday jawi farxadeed.

                     { KA DAAWO HOOS SAWIRRADA MUNAASABADDA  OO DHAMMEYS TIRAN}



thumbnail

thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip