Wabiga oo Maqaam Dastuuri ah loo sameeyo -Minan & Maqaam.

0
Thursday February 15, 2018 - 09:55:30 in Wararka by
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wabiga oo Maqaam Dastuuri ah loo sameeyo -Minan & Maqaam.

    Waxaa la soo jeediyay in Wabiga Maqaam Dastuuri ah loo sameeyo, si loo muujiyo in wabigu xayawaanka oo dhan uu ka dhexeeyo, iyo in qoraalka dastuurkana aan Yaxaaska lagala tashan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la soo jeediyay in Wabiga Maqaam Dastuuri ah loo sameeyo, si loo muujiyo in wabigu xayawaanka oo dhan uu ka dhexeeyo, iyo in qoraalka dastuurkana aan Yaxaaska lagala tashan.

Maqaamka Wabiga waxaa Go’aan ka gaaray maamullada duurjoogta ,marka laga reebo Geriga. Shirkana waxaa lagu qabanayaa Figta sare ee buurta Cir jiir oo ka fog wabiga, yaxaaskana waxaa ku matalay Massa lugaaleey iyo Bulac oo ay isku egyihiin.

Xayawaanka qaarkii ayaa ku doodaya waxaan ku tiirsanahay biyaha webiga, waxaan ku dhalanay wabiga jiinkiisa, kuna barbaarnay, waana in aan yaxaas ula sinaanaaa.

Waxaa shirka laga hor aqriyay fariin Yaxaas soo diray : waan ogolahay, ha loo sinaado, laakin adinku inta badan birriga ayaad degen tihiin, anniguna biyaha wabiga ayaan ku dhax noolahay oo Minan ( Guri) ii ah, guri kalena ma qabo. Gunta wabiga ayaan kaluun ka raadsadaa, birrigana waad iga soo bursataan.Haddii wabigu guro kuligiin waad i cidleeysaan oo wabiya kale iyo Birri fog ayaad aadiin,laakin anigu haddii wabigu guro kama tago ee jiinkiisa iyo haraaga dhiiqada ayaan dhax jiifaa.

Rah ayaa yiri: anigaa Yaxaas idinkaga aqoon badan oo birri iyo biyaba waan ku wada noolaan karnaa ee aan Wabiga u aqoonsano Minan yaxaasku maamulo, Nafleeyda oo dhamina kula noolaan karto.

Daanyeer geed saarnaa ayaa yiri: Maya Aniga iyo yaxaas is gaad gaad ayaa naga dhaxeeya ,asagu biyaha hoostooda oo kaliya ha maamulo ee yuuna kor u soo bixin, si aan uga badbaado.

Dawaco ayaa tiri: Heshiiska aan ku gaarnay buurta Cirjiir dusheedu, siduu wabiga uga hirgalayaa,taasu waa Dagab hoos ka nool oo la isku duugayo & Colaad sacab lagu asturayo. waxaa la yiri: Dawaco waa Qaran dumis ee shirka halaga saaro,waxa ay tiri: Aniga jiin wabi iga shiran oo horaad iigu nabteen in aan Carrab yaxaas cunay, godob ayuuna iga tirsanayaa.

Libaax,ayaa lagu yiri: Adigaa cidda u xoog weyne waran. Wuxuu yiri: shirka maxaan u soo fogeeynay?. Annigu Yaxaas biyaha hoostooda ugu tagi maayo, isaguna Buuraha iigu imaan maayo,maalintii aan wabi jiinkiis tagana hilib yaxaas ma cuno ee adinkaan jiinka wabi idinka ugaarsadaa markii aan gaajoodo.

Waxaa la yiri: Arrinta yaxaas-badeed ( Libaax badeed) ha loogu yeero. Kaluun ayaa yiri: waad khaldan tihiin, labaduba isma arkaan laakin anniga ayeey i wada cunaan.

Waxaa la soo jeediyay in Xayawaanka ku nool dhulka barfka ah ee cirifka waqooye ee aduunka, dastuurkoodaa Maqaam ka hadlayo ee aan qaadano, koox uu Faranfar horsocda ayaa tiri: Annagu waxaan nahay xayawaan dhogor laawe ah, umana adkeeysano qaboow, xeer dhul qaboow loo dajiyayna, dhul kuleyl ah laguma dhaqi karo.

Waxaa la soo jeediyay in Dooro ( Digaag) ergo ahaan loo diro laguna yiri: Yaxaaska u sheeg in wabiga Maqaam loo sameeynayo, hadduu kugu xanaaqo ka baxso adigaa idima dheereeya oo lagu ordo iyo baalal aad ku duusha lehe. Dhinacna qaraabo ayaad ka tihiin oo labadiinuba dhaga taagan malihidiin, ukumana waad dhashiin.

Tuke ayaa yiri: war suga Doorana yaan la lug gooyn. war annigaa idiinkugu da’ weeyn oo 1000 sanno jir ah, shirka ha loo raro wabiga jiinkiisa, yaxaasna ha shir gudoomiyo, waan idin wada aqaan badankiinu, wabi kuma dabaalataan, hoostiisana kuma hurudaan, ee faduul iyo dulmi ayaa iiga kiin muuqda, jiinka wabi ayaa na deeqo ee Minanka maamulkooda Yaxaas ha loo daayo, waa idiin jeedaa qoloftiisa ayaad ka baqeeysiin, laakin yaxaas ma qalbi xumo, culumada baratay culuunta xayawaanka ayaa isku raacday in Yaxaasku cilmiyan marka uu farxsan yahay uu ooyo, yaan lagu sirmin , godobna yaan la kala galin, berri nagu soo noqon doonto.

FG: Qraalkaan in aad siyaasadeeynee, waan hubaa ee walba ha qabiileeynin. Arragtidaada xor ayaadu tahay, dhaliil, toosin,iyo wax ku daridba.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip