Dhacda Taariikheed kooban: 3-dii Shillin ee SYL.

0
Thursday February 15, 2018 - 09:08:39 in Wararka by
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacda Taariikheed kooban: 3-dii Shillin ee SYL.

    Isticmaarkii Ingriiska ayaa waxa uu soo jeediyay in xisbiyada gobanima doonka la diiwaan galiyo, isaga oo ka shakisnaa soo noqoshada Talyaanig.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isticmaarkii Ingriiska ayaa waxa uu soo jeediyay in xisbiyada gobanima doonka la diiwaan galiyo, isaga oo ka shakisnaa soo noqoshada Talyaanig.

Dhalinyaradii SYL oo wadaada xer ah u badnaa ma heli Karin 3 da shillin ee diiwaan galinta,taa oo berigaa aheed lacag badan.

Md. Calasoow gocoso oo ka mid ahaa xoogsatada magaalada ayaa yiri: anigaa bixinaya ,wanna intii ii hartay ee aan islahaa ilmuhu hakaa dhaxleen,wanna bixiyay.

Waxaa laga baqayay in uu ingriisku khayaano wato oo qofkii taga xafiiska diiwaan galinta la xirayo.Md. Xussein Kulmiye Afrax oo markaa ahaa ,asgari police ah ayaa yiri: anigaa sharciga wax ma aqaan, haba la i xiro ama ciidanka ha leeyga saaro,wuuna soo diiwaan galiyay.



 

  1. Calasoow Gocoso, oo xuriyada kadib ahaa shaqaalahii dowlada Hoose ee xamar, illaa uu howlgab ka noqday.

Nasiib daro,Md. Calasoow isaga oo 95 sanno jir ah,oo muddo sariir saaraa ayaa gurigiisa waxaa yimid dalinyaro colla oo aana Qabiil raadinee, markii ay guriga qof kale ka waayeen, ayeey 95 jirkii Md. Gocoso sariirtiisa Ku dul dileen.

 

ALLA ha u wada naxariisto intii gobanimada xoog, xoolo, tallo, duco, fekerba ku darsatay.

 

FG: haddii aad heli karto sawirka Md. Gocoso ii soo dir,wixii aan ka qaldayna ka sax.fekerkaaga xor ayaad u tahay.

 

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip