
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15KA FEBARAAYO 2018KA
Wuxuu sheegay in Mamaulkiisa uusan aqbali doonin in xoog lagu kala heysto dhulalka magaalada Muqdisho, sidoo kalena awood aanan loo sheegan doonin dadka danta yar ee ku nool Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu sheegay mudada kooban
ee uu joogo xafiiska Gobolka inuu il gaar ah ku fiirin doono arrimahan, wuxuuna
tilmaamay in dhulalka Danta guud aanan loo adeegsan doonin dan gaar ah.
"Waad la socotaan arrimaha dhulalka oo
dhibaatooyin badan ay ka jireen, oo dhulal dan guud ahaa aan talaabo ka
qaadnay, welina aan ku raadjoogno inta dhiman, waxaanan aqbali doonin in qof
Bani’aadam ah lagu xad gudbo, ma aqbali karno in la qaato dhul dan guud ah.”
Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.
Yariisow) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa
hadalkan ka sheegay kulan shalay lagu soo dhaweynayay Maamulka Gobolka oo
Muqdisho ka dhacay, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro iyo Xildhibaano Dowladda
Federaalka ka tirsan.
30kii January 2018 Guddoomiyaha Gobolka
Benaadir (Eng. Yarisow) ayaa warqad uu soo saaray si rasmi ah ugu joojiyey
dhismaha ka socday dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel
Gaabta ee degmada Xamar jajab.
Waxaa kaloo jirtay in Duqa magaalada
Muqdisho uu warqad rasmi ah ku joojiyey 5tii February 2018 dhismaha ka socday
dhulka ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada XamarJabab, kadib
markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir.
RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO LA KULMAY SAFIIRKA FARANSA U
QAABILSAN SOOMAALIYA..
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul
Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee
Soomaaliya, ayaa shalay kulan la yeeshay Safiirka dalka Faransa u qaabilsan
Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo.
Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayay mas’uuliyiintu ka wada hadlayn xoojinta iyo
wadashaqaynta labada dawladood iyo sidii uu wadanka Faranse uga qayb qaadan
lahaa xasilinta amanigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarka guud ee
wadanka.
Safiirka Faranse u qaabsilsan arrimaha
Soomaaliya Antoine SIVAN ayaa dawladda ku bogaadiyay hourmarka ay samaysay
mudadii ay jirtay iyo sida ay ugu dadalayso in laga cafiyo daymaha mudada dheer
lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo u sahlaysa in ay la jaanqaado wadamada
horumaray hadii laga cafiyo daymaha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan
Cali Khayre ayaa tilmaamay in xukumadiisu ay si wayn uga shaqaysay xoojinta iyo
dardargalinta arrimo dhowr ah oo ay ka mid yhiin Maaliyadda, Amnigg,a la
dagaalanka musuqmaasuqa iyo ciribtirka argagaxisada.
"Soomaaliya uma baahana oo kaliya in
lagu taageero lacag, balse waxay doonaysaa in lagala shaqayo sidii looga dhaafi
lahaa daymaha. Sidoo kalena shacabkeeda loogu abuuri lahaa adeegyo Caafimaad,
Waxbarasho iyo jidad casriya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay
in dawladda ay ku dadalayso habkii looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay
dalka,waxuuna u soo jeediyay in dalka Faransa uu qayb muhiim ah ka qaato sidii
dunidda loo tusi lahaa soo kabashada iyo amniga ka jirta Soomaaliya, si uu
caalamku uu maalgashi uga samaysto Soomaaliya.
WASIIRKA HOWLAHA GUUD OO ISAGA HARAY U TARTAMIDA KURSI KA
BANAAN GOLAHA SHACABKA
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka
Howlaha Guud iyo Guryenta Soomaaliya uu isaga tegay u tartamida Xubin ka banaan Golaha Shacabka.
Khamiista Maanta ah ayaa la filayaa in
ay Kismaayo ka dhacdo doorashada oo ay ku tartami doonaan Shaqsi malxiis ah iyo
Walaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo booskaasi ka geeriyooday kadib markii
tartankas uu ka haray Wasiir Saadaq C/llaahi Cabdi.
Wararka ay Dalsan heshay ayaa waxa ay
sheegayaan in Wasiir Saadaq C/llaahi Cabdi uu tartankaas isaga haray kadib
cadaadis soo wajahay sida ay Dalsan u xAqiijiyeen ilo xogogaal ah.
Xubinta Xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabaas Siraaji oo la
dilay 3dii bishii May ee Sanadkii tegay
ee 2017 ayaa ka mid aheyd Xubnaha ka banaan Golaha Shacabka.
DOWLADA KENYA OO SHEEGTAY IN MUWAADINIIN KENYAN AH AY ALSHABAAB
KU DILEEN SOOMAALIYA
Dowladda Kenya ayaa shaacisay in
ururka AlShabaab ay ku dileen muwaadiniin Kenyan ah deegaano ka mid ah gobolka
Sh/hoose. Warkan ka soo baxay dowlada Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in
raggan loogaga shakiyay inay u basaasayeen ciidamada Kenya.
Labada ruux oo lagu diley deegaanka
Kuunya Barrow ayaa waxay ka soo jeedeen gobolka Marsabit iyadoo magacyadooda
lagu kala sheegay Xasan Yuusuf iyo Maxamed Xasan.
Dilkan ayaa la sheegay inuu dhacay
12kii bishan iyadoo Alshabab ay ku eedeeyeen raggan inay la shaqeynta ciidanka
Kenya.
Sidoo kale dowlada Kenya ayaa waxa ay
sheegtay in tiro kabadan labaatan ruux oo Kenyan ay Alshabeen ku dileen gudaha
dalka Soomaaliye.
Warbixin ay soo saartay dowlada Kenya
ayaa waxaa ay ku sheegtay magacyada qaar kamid ah ragga ay dileen Alshabaab
waxaana ka mid ahaa Jared Mokaya, Faraj Abdulmajid, Ahmed Yusuf, Ahmed Nur,
Abdi Osoble, Abdullah Talal iyo Hashim Othman.
Dowladda Kenya sheegtay in xukunka
raggaas ay gaartay Maxkamad Alshabaab ay leeyihiin oo ku taalla degmada Jamaame
ee Gobolka Jubada dhexe.
MUWAADIN SOOMAALIYEED OO LAGU EEDEEYAY DILKA BOQORADDA UK
IYO RA’IISUL WASAARIHII HORE EE INGIRIISKA DAVID CAMIROON.
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu
magacaabo Aweys Shiikhey ayaa la sheegay in la xiray isagoo doonaya inuu ku
Biiro ururka Daacish, kadib markii dayn ka qaatay Bangi lacag dhan 10,000 oo
Euro oo u dhiganta 12,362 Dolarka Mareeykanka ah.
Wargayska Telegraph ee ingiriiska ka
soo baxa oo baahiyay dhacdadaasi ayaa sidoo kale sheegay in Muwaadinkaasi
Soomaaliga ah uu Bangiga u sheegay inuu Lacagtasi u doonayo inuu ku guursado,
hase yeeshee la ogaaday inuu rabo inuu ugu safro Siiriya si uu ururka Daacish
ugu Biiro.
Muwaadinkaan Soomaaliga ah ayaa ah
darawal Gaari Badeecooyin daabula oo da’diisu tahay 38jir, wuxuuna ninkaasi
Soomaaliga ah beeniniyay inuu diyaarinayay weerarro Argagixiso iyo in uu Dad
kale kala dooday Dilka Boqoradda UK iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee ingiriiska
David Camiroon.
Xeer ilaalinta UK ayaa sheegay inuu
ninkaasi ka hadlay in la weeraro Yahuuda Dagan Degmadda Stamford Hill ee ku
taalla Waqooyi bari Magaaladda London ee Caasimadda Ingriiska iyo in Qori AK47
ah lagu Beegsado marka taagerasyaasha kubadda Cagtu ka soo Baxaan Garoonka Tottenham
Hotspur.
Mr. Waeys ayaa la sheegay inuu heyto
Dhalashadda Netherland wuxuuna leeyahay labo xaas oo kala Dagan Netherland iyo
Kenya iyo Caruur, iyadoo Muwaadinkaas Soomaaliga ah la sheegay in 23kii may ee
Sanadkii tagay laga qabtay Garoon Caalami ah oo ku yaala Magaalada London.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15KA FEBARAAYO 2018KA
DUQA MUQDISHO OO GO'AANO KA SOO SAARAY ISQAB QABSIGA DHULALKA EE MUQDISHO Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa go'aano adag ka soo saaray isqab qabsiga dhulalka