
GANACSI CUSUB: Tahliil la iibinayo
Inta u baahday in aan ogaado waxa dhalooyinkaasi ku jira, ayaan ninkii macdaarka gadayey ka codsaday in uu ii soo qabto dhalo kuwaas ka mid ah. Markii uu ii soo dhiibay, ayaa misena warsaday in uu ii sharraxo. Waxa uu igu yiri:
"Dhalooyinkan waxaa ku jira Tahaliil. Inta aan dhawr wadaad isugu yeeray ayaan ka codsaday in ay Qu’aan ku tufaan biyo. Kolkii ay dhammeeyeenna, dhalooyinkan ayaan ku shushubay. Sida aad arkayso, qaaruurad walba waxa ku jirta tufta suurad gooni ah, waxaana ku dul dheggan magaca suuraddaas. Waxa aan ugu talagalnay, in qofka xanuunsan uusan u baahan in uu culimo u wacdo, taas beddelkeedna uu iibsado tahaliisha suuradda uu jecel yahay in uu isku daweeyo, taasina uu kaga maarmo hawsha iyo kharashka kaga baxaya u yeeridda wadaaddo”.
Waxa aan weydiiyey in tahaliishu isku qiimo tahay. Waxa uu ii sheegey in aysan isku qiimo ahayn, oo ay ugu qaalisan yihiin dhalooyinka ay ku jiraan tufta Albaqra, Quluuxiya, Yaasiinka, Faataxada, Quluwallaha, Birabbilfalaq iyo Birabbinnaas.
Inta si fiican aan u fahmay, oo aan malab yar ka iibsaday, ayaan ka tagay aniga oo la ashqaraarsan gacansigan cariga ah.
Waxaa qoray:
Suldaan Nayruus Xaaji
GANACSI CUSUB: Tahliil la iibinayo
Aniga oo iska lugaynaya, ayaa maalin waxa aan ku soo baxay Macdaar ama Dukaan ay Foolkiisa hore ku qornayd hal kudheggan "Isku Dawee daawooyin dabiici ah". Inta maankaygu wax tabay baan inta ku leexday dukaankii, dalaq iri. Sidii aan had