Dowladda oo dib u soo celineysa Somalida Libiya

0
Sunday February 11, 2018 - 15:52:27 in Wararka by
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo dib u soo celineysa Somalida Libiya

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bishan gudaheeda Dalka Libiya ka soo celineyso 20 Soomaali ah oo dalbaday in dalka dib loogu celiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bishan gudaheeda Dalka Libiya ka soo celineyso 20 Soomaali ah oo dalbaday in dalka dib loogu celiyo.

Danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay ka taagan tahay Dadka Soomaalida ah oo diiddan in ay dalka kul laabtaan.

Cali Siciid oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in 94 Soomaali ah ay dhawaan ka soo bad baadeen Beer ay ku heysteen Magafayaasha,islamarkaana ay dowladda Liibiya heyso

.

Dadkaas ayuu sheegay in ay la xiriireen laakiin ay diideen in ay ku laabtaan Soomaaliya iyaga oo sheegay in aysan Soomaaliya dib ugu soo laabaneyn.

Cali Siciid Fiqi waxaa uu sheegay in Dalka Liibiya ay ku noolyihiin 7,000 oo Soomaali ah,kuwaas oo 2,000 oo ka mid ah ku noolyihiin Magaalada Caasimadda ah ee Tripoli.

Dhinaca kale waxaa uu Fiqi sheegay in Dowladda Liibiya ay ajaanibta ka heysato ceeb badan islamarakaana ay diyaar u tahay in dib looga celiyo dadka shisheeyaha ah.

Dhinaca kale waxaa uu Fiqi sheegay in in kabadan 500,000 oo qof oo shisheeye ah ay ku noolyihiin Dalka Liibiya kuwaas oo Midowga Yurub,UNHCR iyo Dalka Niger ay ku heshiiyeen in Xero Qaxooti looga sameeyo Dalka Niger halkaasna lagu hayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip