WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8DA FEBARAAYO 2018KA

0
Thursday February 08, 2018 - 08:36:51 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8DA FEBARAAYO 2018KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN GAAR AH LA QAATAY SAFIIRKA IMAARAADKA CARABTA U FADHIYA MUQDISHO Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN GAAR AH LA QAATAY SAFIIRKA IMAARAADKA CARABTA U FADHIYA MUQDISHO Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxa med Axmed Cusmaan Alxamaadi.

Sida lagu faafiyay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka, kulanka ayaa loo ga hadlay xiriirka laba geesoodka ee Soomaaliya iyo Imaaraadka u dhexeeya qaabkii lagu hor umarin lahaa si looga guul keeno dana wadaagga labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradooda jog tada ah ee dhinacyada badan leh ee ay u fidiyaan Soomaaliya, isagoo xaqiijiyay in la adkeeyo qoto dheerida xiriirka taariikheed ee kulmiya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sallaan u sii mariyay Safiirka Imaaraadka, Madaxweynaha Imaaraatka Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan., Madaxweyne kuxigeen ahna Ra’iisul wasaa raha iyo Xaakimka Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Dhaxalsugaha Abu Dhabi iyo Taliye kuxigeenka sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Imaaraadka Sheikh Mohamm ed bin Zayed AlNahyan, isagoo u rajeeyay shacabka Imaaraadka horumar iyo barwaaqo.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxa med Cabdullaahi Farmaajo, isagoo carabka ku adkeeyay in Imaaraatku sii wadi doono taage erada dhinacyada kala duwan leh ee uu u fidiyo Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa kulamo la yeelanayay Mas’uuliyiinta dowladda, waxa ana ugu dambeeyay kulan uu la qaatay La Taliyaha Amniga Madaxweynaha Cabdisaciid Muu se Cali oo la rumeysan yahay inuu ahaa ninka ka shaqeeyay kulanka Safiirka iyo Madaxwey naha.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo Safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa todobaadyadii u dambeeyay waxaa u dhaxeeyay waxoogaa madmadow ah, kaddib markii ay soo baxeen dhac dooyin lagu horistaagay Diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ee ku sugan Muqdisho, xilli ay ka dhoofayeen Muqdisho iyo arrin maalin ka hor ka dhacday Dekeda Muqdisho oo qalab Imaar aadka Carabta u soo degay lagu amray in la baaro, taasoo muran ka dhashay, waxaana markii dambe xaaladaas soo farageliyay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo fasaxay qalabkii Imaaraadka ka la soo dageen Dekeda Muqdisho.

XILDHIBAANO & WASIIRO NAIROBI KULA SHIRAY MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA…

Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Shalay gaaray madaxweynihii hore ee Soom aaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Xubnaha Soo dhaweeyay ayaa isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Soo maaliya,kuwaas oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Mahad Salad, Xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar, Xildhibaan Abshir Bukhaari ahna Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo sidoo kale Wasiirkoo hore ee Arrimaha Dibada Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu maalmaha soo socda gaari doono dalka Jabuuti halkaas oo uu uga qeybgeli doono shir ka dhacaya.

Waxaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Nairobi uu la kulmi doonaa Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ku sugan Kenya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka yimid dalka Tanzania halkaas oo ay degan yihiin isaga iyo Qoyskiisa.

P/LAND OO LAGU EEDEEYAY TACADIYO KA DHAN AH HAWEENKA

Wakaladada wararka e Reuters oo soo xiganaysa qaar ka mid ah hay’adaha Xuuqul Insaanka ee ka howlagala Puntland ayaa sheegtay in Ciidamada Puntland ay geystaan xad gudu byo ka dhan ah Haweenka ku sugan deeganadda maamulkaasi.

Xaawo Aadan Maxamed oo ah Agaasimaha xarunta Waxbarashada Iyo Hormarinta Nab adda oo fadhigeedu yahay Puntland ayaa u sheegtay Reuters in ay jiraan 3 kiis oo Kufsi ah oo ay u gudbiyeen Booliska illaa bishii December, kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay ku lug leeyihiin Ciid amada maamulkaasi.

Waxaana ay intaasi ku dartay in ay sii kordhayaan kiisaska la xariira Kufsiga oo ay geysanayan Ciidamada Puntland, iyadoona sheegtay in dhibanayashaasi qaarkood ay caawiso hay’adooda.

Dhinaca kale Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee Puntland Ismaan Xasan Cawke ayaa beeniyay in ay jiraan eedeymahaasi loo jeediyay Ciidamadooda.

Waxaana uu sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo Kufsiga, islamarkaana ay xabsiga dhigaan Askarigii ku dhaqaaqa fal Kusfi ah.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ay baari doonan eedeymaha Kufsiga ah ee la sheegay in ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Inta badan kiisaska la xariira Kufsiga ee ka dhaca Soomaaliya ayaa lagu xaliyaa xeer dhaqa meed ciqaab looga dhigo dambiilaha, taas oo ah in loo guuriyo Gabadhii uu kufsaday.

WAA SIDEE XAALADA ABWAANADII SOOMAALIYEED EE HADRAAWI, QEYS IYO GANEY?

Saddex abwaan oo caanka ah bulshada Soomaalida dhexdeeda waxaa ay muddo badan ku noolaayeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee deegaanada Somaliland.

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi waxaa uu ku noolyahay magaalada Burco, Halka Cabdiqeys iyo Xasan Ganey ay ku noolyihiin magaalada Hargeysa. Abwaanadan oo wakhti hore ay ugu dambeysay inay curiyaan heesaha iyo maansada waxaa ay ka cowdaan xanuuno dhinaca ilowshiyaha ah.

Hadraawi waxaa uu muddo u xanuunsanayaa xanuun dhinaca maskaxda oo ilowshiyaha si da ay qaraabadiisu u sheegeen raadiyo Kulmiye, Cabdiqeys waxaa uu isna sidoo kale haya xanuunkaasi lasoo darsay Hadraawi iyo Wadne xanuun.

Xasan Cabdilaahi Xasan Ganey waxaa bishii hore kusoo booday xanuunka faaliga amma dhan qalalka, kaasi oo dalka dibadiisa loo qaaday inkasta oo xaaladiisa caafimaad imika fiicantahay sida ay Kulmiye u sheegeen dadka ehelkiisa.

MAXAA KA JIRA IN MUSHAHARKA SOMALILAND KA GOYSAY ABWAANADA?

Deegaanada Somaliland ka taliso oo ay abwaanadani ku noolyihiin waxaa mushaharooyin lo oga qoray wasaarada warfaafinta oo ay yihiin shaqaale ka tirsan iyo madaxtooyada, todobaadkan gudihiisa ayaa warbaahinta Somaliland qortay in mushaharkii aan la siin hal abuuradaasi saddex bilood ee u dambeysay oo madaxtooyadu ka jartay.

Cabdi Aadan Xaad (Cabdiqeys) oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay inay wararkaasi beenyihiin oo ay ka qaataan madaxtooyada iyo wasaarada warfaafinta Somaliland mushaharooyinka bile ah.

"Mushaharka waxaa nooga qoray madaxweynihii hore, anigaa ka wakiila saaxiibaday Hadra awi iyo Ganey waanu qaadanaa, wararkaasi suuqa lasoo galiyay waa been, waxbana ka jiraan oo anigaa usoo qaada”ayuu yidhi Cabdiqeys.

Caafimaadkooda

Cabdiqeys waxaa uu sheegay inay xanuunsanayaan isaga iyo labada abwaan ee kale, faali gna maskaxda kaga dhacay balse ay caafimaad qabaan oo xaaladoodu fiicantahay, Xasan Ganey Jabuuti ku suganyahay oo xanuunkaasi ka kacay maalmihii u dambeeyay.

"Anigoo salaada ku jira ayaa xanuunka faaligu igu dhuftay, waan iska soo kacnay oo isku mid ayaanu nahay saddexdayaduba”ayuu yidhi Cabdiqeys.

Inkasta oo aanay abwaanadu wada joogin meel kaliya haddana waxaa ay ka tirsan golaha abwaanada Somaliland oo sanadkii hore laga sameeyay Somaliland, waxaa ay inta badan xaliyaan oo ay dhex dhexaadiyaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ee Somaliland marka ay isku qabtaan arrimaha siyaasada.

WAKHTIGA

Inta badan abwaanada laguma arko goobaha ay dadku iskugu yimaadaan ee xafladaha wax aana ay ku jiraan cibaado iyo masaajidada oo ay wakhtiga ugu badan ku qaataan xiligan.

Hadraawi waxaa Burco ku daryeela qoyska walaalkii Hurre Walanwal, kaasi oo xaaladiisa si fiican ula socda, labada abwaan ee kalana waxaa ay la noolyihiin caruurtooda.

Saddexdan abwaan waxaa ay ka mid ahaayeen halabuuradii ugu wanaagsanaa ee soo marey Suugaanta Soomaalida, wakhtigii dowlada kacaan waxaa ay sameyn jireen riwaayado badan oo siyaasad ku saleysan kuwaasi oo marar badan loogu xidhay Soomaaliya.

WASIIR BEYLE OO LA KULMAY DANJIRE MICHAEL KEATING

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda ayaa shalay la shiray Madaxda xafiiska Qara mada Midoobay ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Michael Keating iyo xubno kale oo UNka ah.

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya , bixinta anshuuraha waajibka ah, sugidda Amniga, dib u eegista heshiiska SOMA iyo in wada jir looga shaqeeyo qorshayaasha guud ee labada dhinac.

Wakiilka QM ee Soomaliya Michael Keating ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Dr. Bayleh iyo qaabka uu usoo agaasimay shirka, isagoona bal an qaaday in Qaramada Midoobay ay si dhaw ula shaqeyn doonto hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdi raxman Ducaale ayaa ka dalbaday madaxda QM in ay Dowl adda kala shaqeeyaan kor u qaadida Dakhliga Dalka oo la doonayo sanad kaan 2018 inuu ka bad naado sanadii hore.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu magacaabay guddi labada dhinac ah oo ka wada sha qeyn doona dib u eegista heshiiska SOMA.

ABWAAN GUURE OO LOO MAGACAABAY MAAREEYAHA TIYAATARKA QARANKA

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka oo ka mid ah Xarumihii ku bur buray dagaaladii sokooye ee Qaranka waxa ay u Magacaawday maareeye Cusub.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ahna sii haya xilka Wasaaradda Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka loo Magacaabay Abwaan Cism aan Cabdullaahi Guure sidoo kalena Maareeye ku xigeen loo Magacaabay C/Kariin Faarax Qaa rey.

beyle iyo kintin Sidoo kale waxaa Tiyaatarka laga bedelay Magacii hore ee ahaa Golaha Murtida iyo Mad adaalada loona bedelay Magaca Golaha Murtida iyo Wacyigelinta.

Abwaan guure ayaa ah Agaasimaha Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho waxaana hadda uu bedelay Maareeyihii hore ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan CabdiDhuux Yuusuf.

MADAXWEYNE BIIXI OO KULAMO GAARGAAR AH LA YEESHAY HOGAAMIYEYAASHA XISBIYADDA IYO GUDDIDA DOORASHOOYINKA

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay hog aanka labadda xisbi mucaarad iyo Guddida doorashooyinka iyagana gaar ula kulmay shalay.

Kulankan labadda gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka Faysal Cali Waraabe iyo C/rax maan Maxamed C/laahi Cirro ayaa madaxweynuhu kulankii labaad la yeeshay muddo toddobaad gudahood .

Kulankan ayaa lagu sheegay mid wadatashi iyo is xogwaraysi ah oo madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi mucaarid diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya danta guud ee qaranka.

Waxyaabaha xooga lagu saaray kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa waxa kamid ahaa sidii meel looga soo wadajeesan lahaa xoojinta midnimada umadda iyo adkaynta nabadgelyada qaranka, waxaana ay hoggaanka xisbiyada mucaaridku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay madaxweynaha kala shaqeeyaan danaha guud ee qaranka Somaliland.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo Ucid Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Caliwaraabe, ayaa sidoo kale la iskula meeldhigay in wadajir iyo iskuduubni lagu waj aho bogsiinta dhammaanba wixii xanaf iyo xagtimo ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay dhammaadka sanadkii tegay ee 2017ka.

Waxa kale oo kulankan la la iskula meeldhigay sidii saddexda xisbi qaran, iyaga oo isku du uban ay uga wadahawlgeli lahaayeen hirgelinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee dalka ka qorshaysan sanadka soo socda ee 2019ka.

Madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa sidoo kale kulankooda iskula gartay inay saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI yeeshaan wadashaqayn joogto ah, lana hirgeliyo guddi ka kooban 15xubnood oo xisbi waliba yeelan doono 5xubnood, si loo xoojiyo wadshaqaynta axsaabta qaranka.

Madaxweyne Biixi ayaa doonaya inuu bulshadda ka soo afjaro kala qaybsanaanta ay doorashaddu keentay,isla markaana mucaaradka iyo muxaafadku u midoobaan midnimadda Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi ayaa isla shalay xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankan madaxweynaha iyo komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee loo asteeyey inay dalka ka qabsoonto horaanta sanadka 2019ka, waxaanu madax weynuhu guddida doorashooyinka qaranka kala hadlay sidii ay u samayn lahaayeen jadwal sax ah oo ku jaan go’an doorasho xor iyo xalaal ah oo aan dib uga dhicin waqtigii hore loogu asteeyey, isaga oo muujiyey inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin wixii dhinacooda looga baahdo ee ku saabsan qabsoomidda doorashooyinkaas.

Xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa dhinacooda ballan qaaday inay hawshaasi sideeda u fulin doonaan, kuna dedaalayaan in aanay maalin dib u dhicin doorashadu; sidoo kalena, ay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ka hayaan ballanqaad rasmi ah oo sheegay inay diyaar la yihiin, wixii kharashaad ah ee ku baxaya doorashooyinka wakiillada iyo gole yaasha degaanka, madaama oo xukuumaddu muujisay sida ay uga go’an tahay inay door ashooyinkaasi waqtigii loo asteeyey ku qabsoomaan.

KHAYRE OO SHIR GUDDOOMIYEY FADHI KA MID AH SHIRKA GOLAHA AMNIGA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyey fadhi ka mid ah Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiiro iyo La Taliyeyaal Arrimaha Amniga iyo Doorashooyinka.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020, Dib u eegis lagu sameynayo Dastuurka dalka, Xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Kulanka shalay ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Madaxda Maamul Goboleedyada, Xubnaha Arrimaha Dastuurka iyo Doorashooyinka, iyada oo sidoo kale shirkan looga dooday arrimaha amniga oo diirada lagu saaray sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada marka ay yeelanayaan shirarka nuucaan oo kale ah waa u caado iyo dhaqan in ay mudo kororsi ku sameystaan maalmaha loogu tala galay inuu shirka socdo.

Shirkan oo daraad ka furmay Muqdisho ayaa qorshaha waxa uu ahaa in laba maalmood uu socdo oo shalayna la soo gaba gabeeyo, balse ma aanay dhicin, sida muuqatana maalmo kale ayuu qaadan doonaa, maadaama berri Muqdisho looga dabaaldegayo 8da Febraayo oo ku beegan markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobbo muhiim ah, oo ay isku raacsan yihiin xubnaha ka qeyb galaya.

SIYAASI CAAN AH OO LAGA MASAAFURIYAY DALKA KENYA

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay tarxiishay siyaasi caan ah oo maalmahan xabsiga ku jiray kaas oo lagu magacaabo Miguna Miguna.

Miguna oo u dhashay dalka Kenya ayaa balse loo tarxiilay dalka Canada maadaamaa uu heysto jinsiyadda dalka Canada, halkaas oo diyaarad loo saaray daraad.

Dowladda Kenya ayaa Miguna kusoo oogtay dacwad qiyaano qaran ah, kadib markii uu ka qeybqaatay dhaarintii hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Maalintii daraad ayaa Miguna laga waayay maxkamaddii la filayay in lasoo taago, iyada oo amar maxkamadeed oo soo baxay uu dowladda ku wargaliyay in maxkamadda la horkeeno Miguna Miguna.

Balse booliiska ayaa ninkan geeyay maxkamad ku taala magaalada Kajiado oo 80 km u jirta Nairobi, balse garsoorihii maxkamadda ayaa diiday in uu dhagaysto dacwadda, wuxuuna sheegay in ay tahay in la geeyo maxkamadda Nairobi.

GUDDOOMIYE JAWAARI OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxa med Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay oo Arbaco ah dalka dib ugu soo laabtay.Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Magaaladda Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo howl wadeenada Golaha.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JF Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wadamada uu tagay waxaa ka mid ah Dalka Turkiga, waxaana intii uu joogay uu la soo kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka JFS Cabdi kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay in uu socdo u diyaar garowga furitaanka kalfadhiga Saddexaad ee golaha shacabka oo dhawaan si rasmi ah u furmi doono.

DUQA MUQDISHO OO MARTIQAAD U DIRAY DUQA CAASIMADDA JABUUTI

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, kadib kulan gaar ah oo xarunta Dawladda Hoose ee Xamar ku dhex maray Guddoomiye Yarisow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo laga duulayo xiriirka soo jiraanka ah ee ka dhexeeya labada dalka ee walaalaha ah in dhowaan ay booqasho ku imaan doonto Muqdisho Duqa Caasimadda Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cusmaan, booqashadan ayaana sii xoojin doonta xiriirka iyo wada shaqeynta labada Caasimadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Dalka Jabuuti kaalin mug leh ayuu ku leeyahay horumarka ballaaran ee ay higsanayaan ummadda Soomaaliyeed. Muqdisho waxaa dhowaan noogu imaan doonta Duqa Caasimadda Jabuuti oo booqashadeedu sii xoojin doonto xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada Caa simadood ka dhexeeya”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng Yarisow.

Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan waxa uu guddoomiyaha uga mahadce liyey soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo tilmaamay in Muqdisho u tahay meel kamid ah dhulkiisa, isla markaana uu kala shaqeynayo maamulka gobolka Benaadir horumarinta Caasimadda.

MADAXDA WASAARADA WARFAAFINTA & SAFIIRKA JABUUTI EE SOOMAALIYA OO KULMAY

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaradda iyo Agaasime waaxeedyada Wasaarada Warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay xoojinta iyo wada shaqe ynta Wasaradaha Warfaafinta labada dowladood.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saarey sidii dowladda aynu Walaalahanahay ee Jabuuti tababaro u siin lahayd howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Warbaahinta Qaranka.

4-28 Safiirka Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in ku lanka uu la qaatay Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ay kaga wada hadleen horumarinta Warbaa hinta, isago ku tilmaamay in kulanka uu ahaa mid aad u muhiim ah.

"Maanta oo ay u muuqato in Idaacadda iyo Telifishinka Qaranka Soomaaliya in uu joogo marxalad ay tahay in isaga lagu daydo horumar fiicana halkaan laga sameeyay, waxaan jece lnahay in iskaashigii uuna joogsan oo halkii uu ka sii socdo” ayuu yiri Danjire Aadan.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegey in dowladda aynu Walaalaha nahey ee Jabuuti ay wax badan ka saaciday Warbaahinta Qaranka dar dargelinta howlaha ay bulshada u heyso.

"Waxaanu kala hadalnay sidii inta loo mataaneeyo loo horumarin lahaa Warbaahinta labada dowladood, sidii shaqaalaha xirfadooda sare loogu qaadi laha oo ay tababaro ugu soo qaadan lah aayeen dalka Jabuuti, waxaana iminka ku sii shaqeynaa qalabkii ay noogu deeqeen Walaalaheen Jabuuti” ayuu yiri Siihayaha Wasiirka Warfaafinta.

12 TALLAABO OO TAARIIKHI AH OO LA QAADAY 12KII BILOOD EE LA SOO DHAAFAY

Akhristeyaasheena sharafta leh, halkaan waxaa idin kuugu soo gudbineynaa warbixin ka hadleysa 12 tallaabo oo Taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay qaaday12kii bilood ee la soo dhaafay.

HESHIISKA SOCDAALKA EE SOOMAALIYA IYO KENYA.

Heshiiskaan ayaa meesha ka saaray dhibaatadii Dadka Soomaaliyeed ay ku qabeen garoonka diyaaradaha ee Wajeer oo lagu sii baarijiray.

MAAMULKA HAWADA SOOMAALIYA.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guulaysatay in maamulka Hawada Soomaaliya loo soo wareejiyo Muqdisho kaddib mudo dheer laga maamulayay Dalka Kenya.

SOO DAYNTA MAXAABIISTA.

Waalidiin badan ayaa nasiib u yeeshay inay arkaan eheladooda oo mudo dheer ku xirnaa Wadamada Itoobiya iyo Hindiya, iyagoo dowladda kaga mahad celiyay talaabada taariikhiga ah.

SOCDAALKA NABADDA.

FAAARR Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Safarka Nab adda oo qaatay 17maalmood ku maray qaar ka mid ah Gobalada Dalka, iyadoo Safarkaas uu muuj iyay kalsoonida dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowl adda.

SHARCIGA ISGAARSIINTA.

Sharciga Isgaarsiinta Waddanka oo mudo dheer soo jiitamayay ayay dowladdu sanadkii ugu horayeeyay ku guulaysatay in la ansixiyo.

MUSUQMAASUQA

Musuqmaasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo dowladni mada ayay dowladdu aad ugu dadaashay in xididada loo si ibo, iyadoo uu aad u sareeyo dabagalka iyo isla xisaabtanka.

DHAQAALAHA

Kobaca dhaqaalaha oo as aas aaska horumarka buls hada ayaa shaqo badan la galiyay, iyadoo la dhisay Madasha Wasaaradaha Kaabayaasha dhaqalaha ee dalka, kuwaasi oo ka shaqaynaya Kobcinta dhaq aalaha.

BIXINTA XAQUUQDA.

Dhammaan Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ayaa si joogta ah, xiligeeda ugu helay mushaaraadka iyo Xaquuqda ay dowladda ku lahaayeen.

SUGIDA AMNIGA.

Samaynta Ciidanka Xasilinta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda ayaa aas aas u noqday qorshaha sugidda amniga.

TAYADA CIIDANKA.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu shaqo badan geliyay sidii loo tayayn lahaa ciidanka Qalabka sida iyo sidii loogu dhiirigelin lahaa Shaqada ay u haayaan wadanka.

GURMADKA ABAARAHA.

Qorsha dowladda ee ahaa anaga ayaa isku gurman karna, oo isku xiray dowladda iyo shacabka ayaa noqday gurmad taariikhi ah oo si deg deg ah loogu caawiyay dadkii ay abaaruhu saameeyeen.

GAROONKA ADAN CADDE.

Dowladdu waxay ku guulayasay markii ugu horaysay tan iyo bur burkii in Garoonka Adan Cadde uu shaqeeyo xili Habeen ah.

BOGGA CAYAARAHA

ARSENAL MISE CHELSEA? KOOXDA KU DHAW IN AY KU GUULAYSATO SAXIIXA TABABARAHA KOOXDA NAPOLI EE MAURIZIO SARRI OO LA OGAADAY

Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa isugu haray tartanka loogu jiro tababaraha khabiirka ah ee hogaamiya kooxda hogaanka u haysa horyaalka Italy ee Maurizio Sarri sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Arsenal ayaa dhigeeda chelsea kula biirtay baacsiga loogu jiro tababaraha reer Italy ee Maurizio Sarri iyaga oo doonaya in ay ku badalaan tababaraha reer France ee Arsene Wenger dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Saxafiga aadka loo qadariyo ee Federico Pastorello oo waliba saaxiib dhaw la ah tababaraha chelsea ee Antonio Conte ayaa sheegaya in kooxda Arsenal dhigeeda chelsea uga horayso tartanka loogu jiro saxiixa Sarri.

Tababaraha khabiirka ah ayaa wacadaro ka dhigaya kooxda Napoli xilli ciyaareedkan isaga oo ku hogaamin kara hanashada horyaalka Italy xilli ciyaareedkan.

Milkiilaha kooxda Nopoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa xaqiijiyay in heshiiska Serri ee kooxda Napoli kaliya lagu bur-burin karo lacag dhan 7 milyan oo euro ilaa 31 bisha May.

Waxa la sheegayaa in ay kooxo badan doonayaan adeegiisa kadib qaab ciyaareedka fiican ee uu uu ku qaadanayo kooxda Hogaanka u haysa Horyaalka Italy ee Napoli.

Chelsea ayaa la aaminsanaa in ay markii hore hogaanka u hayso tartanka loogu jiro saxiixa Serri xilli sidoo kale Real u aragto badalka macquulka ah ee Zinedine Zidane.

Laakiin waxa ay haatan u muuqataa in ay si la yaab leh ugu guulaysanayso saxiixiisa iyada oo u aragta badalka tababare Arsene Wenger oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

WARBIXIN: SHAN ARIMOOD UU QALAD KU LAHAA MACALINKA CADAADISKA KU HOOS JIRA EE ANTONIO CONTE OO KU QASBI KARTA IN UU KU WAAYO SHAQADIISA KOOXDA CHELSEA.

Waxaa sii kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa cadaadiska saaran macalinka kooxda Chelsea ee Antonio Conte, ninka reer Talyaani ayaa ku gudi jira maalmihiisii ugu xumaa xirfadiisa tababarnimo, iyadoo daqiiqad kasta la filan karo in laga ceyriyo shaqada tababarka ee kooxda Blues, xili imtixaanka ugu adag ee lagu go’aamin karo mustaqbalkiisa kooxda Chelsea uu yahay sida uu ka yeeli lahaa kulanka ay wareega 16-ka tartanka Champions League-ga ay kula ciyaari doonaan kooxda reer Spain ee Barcelona.

Wargeyska Metro ee dalka England oo la fal galayay wararka la xidhiidha Antonio Conte ayaa wuxuu soo daabacay warbixin ku aadan dhowr arimood Antonio Conte ay suuragal noqon karto in maamulka kooxda Chelsea ay kaga fasaxi karaan garoonka Stamford Bridge.

Macalinka reer talyaani ayaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay doonayay in loo sameeyo saxiixa difaaca kooxda Juventus Alex Sandro, xili Marcos Alonso uu bandhig cajiib ah ka sameenayo kooxda, wuxuuna sidoo kale si cad u diiday inuu fursad siiyo da’ayarka reer Belgian Michy Batshuayi, isla markaana uu ku doodayo in loo sameeyo saxiixyada waayeelada sida Olivier Giroud, waana arin kale ee ka careesiineysa maamulka kooxda Blues.

1- Inuusan Ku Qancin Heshiisyada Ay Kooxda Blues Sameesay: wuxuuna xambaarsan yahay fikirka ah in Chelsea ay wali u baahan tahay in si xoogan ay u gasho suuqa si ay u sameyso saxiixyo cusub isla markaana ay qeyb kaga noqoto loolanka tartamada kala duwan ay qeybta ka tahay.

Fikrada Conte ayaana ah mideysan ku qanacsaneen maamulka kooxda Chelsea, sababtoo ah waxay ku bixiyeen labadii suuq kala iibsiga ciyaartoyda ee lasoo dhaafay aduun dhan 353 million pounds si loo hagaajiyo safka kooxda Blues.

2. Qaladaad Farsamo Ee Aad U Fool Xun: Antonio Conte ayaa adeegsaday "weerar mala awaal ah” dhowr kulan wuxuuna ku guuldareestay in wax natiijo ah uu ka gaadho, isagoo adeegsaday qorho ciyaareed ah 3-5-2, inkastoo ay Blues dhibaato xoogan ka heysatay dhanka difaaca xili ciyaareedkan, maadaama istaraatiijiyadan aysan wax horumar ah sameynin.

3- Inuusan Adeegsan Shax Isku Dhaf Ah Ee Ku Aadan Dhanka Ciyaartoyda Kooxda Blues: wuxuu kulan kasta u adeesadaa hal shax oo kaliya taasoo dhalisay in intaba badan ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda Blues ay ka qaadaan daal fara badan iyo dhaawacyo kala duwan, waxayna arintan sabab buuxda ay u noqotay hoos u dhaca dhanka natiijooynka ay xili ciyaareedkan kala kulantay kooxda Chelsea

Conte ayaa wuxuu si cad u muujiyay inuusan ku kalsooni qabin xidigaha uu ku heysto kursiga keydka, waana waxaan laga aqbali Karin koox dooneysa inay u dagaalanto tartamada kala duwan ay qeybta ka tahay.

4-Khilaafka Kala Dhexeeya Ciyaartoyda Uu Maamulo: sheekadan ayaa waxay kasoo bilaawatay tan iyo marka kooxda laga fasaxay Diego Costa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna markale muran xoogan uu dhex maray difaafac reer Brazil David Luiz, isagoo ka saaray liiska shaxda kooxdiisa in mudo ah, macalinka reer talyaani ayaa markale bilaaway inuu u hanjabo ciyaartoyda kooxda Blues uu ku heysto kadib guuldaradii foosha xumeed 4-1 ahayd ee kasoo gaadhay kooxda Watford, taasoo saameyn ku yeelan karta xidhiidhka isaga iyo ciyaartoydiisa mustaqbalka.

5 – Khilaafka Kala Dhexeeya Maamulka Kooxda Iyo Murankii Xooganaa Uu La Galay Jose Mourinho: Antonio Conte ayaa wuxuu sabab buuxda u noqday in shaqada laga ceydhiyo Michael Emenalo oo ahaa agaasimaha farsamada ee kooxda Blues, sidoo kale lama uusan hadlin ku xigeenka Roman Abramovich ee kooxda Marina Granovskaia, intaas oo dhan hadana macalinka reer Talyaani ayaa bixiyay dhowr wareysiyo ee ku aaadan inuusan ku qancin qorshe siyaasadeedka dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maamulka kooxda reer London, xili sidoo kale aysan habooneen in xiligan uu muran la galo dhigiisa Jose Mourinho, isagoo ka hadlay hadalo been abuur ah.

ENGLAND - FA CUP FEBRUARY 7

Tottenham Hotspur 2 - 0 Newport County

SPAIN - COPA DEL REY FEBRUARY 7

Sevilla 2 - 0 Leganes




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip