
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIN 5-TA FEBARAAYO 2018-KA
Shirkaan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb gali doona Madaxda dowlad goboleedyadda.
Inta uu Shirkaan socdo ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay Shirarkii hore ee dhexmaray dowladda Dhexe iyo maamulada.
Madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho intooda, waxaana wali imaan Muqdisho Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweynaha Puntland oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay in Shirkaan uu socon doona Muddo laba maalmood ah.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BENAADIR "DEGMADA KAXDA WAXAY U BAAHAN TAHAY GUUD AHAAN ADEEGYADII BULSHADA”
Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shalay kormeer shaqo ku tagey degmada Kaxda ee galbeedka maga alada Muqdisho, halkaas oo ku soo dhaweeyeen maamulka iyo shacabka degmadaas.
Guddoomiyaha degmada Kaxda Mudane Maxamed Ismcaaiil Cabdulaahi ayaa sheegay in Kaxda ay u baahan tahay guud ahaan adeegyadii bulshada, maadaama ay tahay degmdii ugu dam beysay ee ku soo biirta degmooyinka gobolka Benaadir.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sam eeyey wafdiga waxa uuna bogaadiyey isku duubnida bulshada degmada.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Soomaaliya Mudane Cabd iraxmaan Dheere ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso horumarinta deg madan oo xiligan ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo aasaas u ah nolosha.
Guddoomiyaha gobolka ayaa xusay in degmada Kaxda ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo u baahan gacan qabasho, isagoona ku baaqay in gurmad loo fidiyo, maadaama xiligan ay hay sato xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
"Dadka ku nool degmadaan waxaa ka mid ah barakacayaal oo waqti hore halkaan yimid iyo kuwo dhowaan ay abaartu soo barakicisay, kuwaas oo u baahan gacan qabasho iyo in laga fakero mustaqbalkooda. Waxaan u baahannahay in aan u jeedsano dhanka horumarinta si aan ku caawinno barakacayaasha in ay noqdaan dad wax soo saar leh oo naftooda ku filan”.Ayuu raaciyey guddoomiye Yarisow.
Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in degmada Kaxda ay tahay meeshii ugu horeysay ee uu booqdo, taas oo ka dhigan in maamulkiisa ay ka go’an tahay kor u qaadista horumarka iyo nabadgelyada degmada, isagoona xaqiijiyey in sanadkan 2018 qorshuhu yahay hirgelinta waxqabad muuqda iyo in doorashooyin la gaa rsiiyo gobolka Benaadir.
Kormeerkan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Benaadir kuxigeenadiisa arrimaha amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO KA QEYB GASHAY SHIR LOOGA HADLAAYAY XAALADDA QUDUS
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir AhmedKheir Abdi ayaa ka qeybgalay Shir Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ay kaga tashanayeen waxa ka dhashay go’aankii Madaxweynaha Marey kanka Donald Trump uu ku aqoonsaday Magaalada Qudus "Jerusalem” inay tahay caasimadda Isr ael, waxaa kulanka Golaha Wasiirada Carbeed ka hadalka ajandahaasi soo gudbisay Dowladda Falastiin "Palestine”.
Shirguddoonka Golaha oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti H.E. Mahamoud Ali Youss ouf ayaa markale ku dhawaaqay diidmada wadamada carbeed ee go’aanka Trump.
Kulanka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay dib ugu qiimeynayeen xaaladda Qudus, waxa ayna isla garwaaqsadeen in Qudus ay abid ahaato Caasimadda reer Falas tiin.
Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu booqday Carwada buugaagta ee Qaahira, isaga oo daalacday buugaagta ay soo ban dhig ayeen dad maskax maal ah oo ka soo jeeda wadamada Soomaaliya, Masar, Libya, Isutagga Imaara atka Carabta iyo kuwa kale.
GUDOOMIYE YARIISOW OO KA HADLAY QORSHAHA SANADKAN EE MAAMULKIISA IYO DIB U HESHIISIINTA
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumer Cismaan Yar iisow ayaa shalay ka hadlay Qorshaha Maamulkiisa ee Sanadkan bilaawga ah ee 2018,Gud oomiye yariisoow ayaa waxa uu sheegay in qorshiisa ay ka mid tahay in si dhameystiran loo helo adeegyada bulshada.
Aragtida dadka Muqdisho degan ee doorashada 2020ka ayuu sheegay in ay kamid tahay waxyaabaha ay diirada saarayaan.
Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay ka hirgalinayaan Wadooyin laami ah iyo in bulshada Degmadaa ku dhaqan ay helaan Caafimaad Waxbarasho iyo amniga .
Dhinaca dib u heshiisiinta Magaalada ayuuna soo hadal qaaday iyo doorka maamulkiisa, had alkaan ayuuna shalay ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Xarunta De gmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir.
Gudoomiye yariisoow iyo kuxigeenadiisa ayaa Xafiiska la wareegay 29kii Janaayo, waxaana inta badan Bulshada Muqdisho uu maalmihii dambe kala hadlayay in ay la shaqeeyaan maamulkiisa dhankoodana ay wax qabad soo bandhigi doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumer Cismaan Yariisow.
GUDDOOMIYE ENG. YARISOW OO KALA HADLAY WAFDI KA SOCDA DAWLADDA SHIINAHA HORUMARINTA CAASIMADDA.
Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dawladda Shiinaha oo kamid yihiin shariikado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka. Waxana ay isla soo qaadeen sidii Caasim adda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ula tartami lahayd caasimadaha caalamka, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dibuhowlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo bulaacadaha.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid looga xaajoon ayo sidii magaalada Muqdisho ay u heli lahayd maalgashi iyo horumarin ballaaran, si ay tartan ula ga sho caasimadaha dalalka kale ee caalamka. Isagoo tilmaamay in ay ka wada hadleen wax yaabaha mudnaanta gaarka ah ay siinayaan, dhankoodana balan qaadeen wax walba oo macquul ah in ay nagala shaqeynayaan.
"Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dibuhowlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Sam aafalaha, Soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha”. Ayuu yiri Eng Yarisow.
Madaxa Waaxda Cilmi baarista iyo muxudadaadka dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay horumarin ballaaran in lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta Caasimadaha. Waxana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wadashaqeyn ta wanaagsan.
GAAS OO MUQDISHO SOO GAARAY SHALAY
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaa liya.
Madaxweynaha oo ka soo duulay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa soo sagootiyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne ku xigeenka C/xakiin Xaaji Cumar (Camey), Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.
Gaas ayaa inta uusan ka soo ambabixin Garowe sidan ugu sheegay warbaahinta "Waxaan shalay u dhoofayaa magaalada Muqdisho oo aan kaga qeyb galayo shirka Amniga Qaranka, oo ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, shirkan wuxuu qaadanayaa la ba maalin oo maanta ay ugu horeyso, dabadeed Garowe ayaan dib ugu soo laaban doonaa.”
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), Ra’I isul Wasaaraha dalka Xasan (Khayre), Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed (Jawaari), Madax weynayaasha Maamul Goboleedyada sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Shirkan oo maanta la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ka mid yihiin waxyaabihii ka qabsoomay Shir horay u dhexmaray dowl adda dhexe iyo maamul goboleedyadda.
QOYSKA SARKAAL KENYAAN AH OO GACANTA UGU JIRA AL SHABAAB OO SHEEGAY IN AY BIXINAYAAN LACAG MADAX FURASHO AH
Qoyska Isaac Mbalewa oo ah Sarkaal Kenyaan ah, kaas oo ay Al shabaab ku qabteen wee rarkii Ceel Cadde ayaa u ballan qaaday Xarakakda Al shabaab Lacag Madax furasho ah, haddii ay Wiilkooda u soo gacan galiyaan.
Hooyada iyo Aabaha dhalay sarkaalkaasi gacanta ugu jira Al Shabaab ayaa u sheegay Warg eyska The Nairobian in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan wax kasto oo ay ku helayaan Wiilkooda.
Francis Otsiaalo iyo Josephine Otsialo oo ah Waalidiinta Sarkalkaasi ayaa sheegay in Wiilk ooda oo 51 jir ah ay dhawaqiisa ugu dambeysay 16kii bishii January ee 2016kii , xilligaasi oo Codk iisa ay ka maqleen Warbaahinta Al Shabab, isaga oo ka dalbanayay Dowladda Kenya in ay wadaha dalo la gasho Al Shabaab, si loo daayo.
Dhinaca kale Qoyska Sarkaalkasi ayaa ka codsaday madaxeynaha dalka Kenya Uhuru Ken yatta in uu ku gacan siiyo sidii lagu soo deyn lahaa Wiilkooda.
Al Shabaab ayaa 15 January ee 2016kii weerar xoogan ku qaaday saldhig Ciidamada Militeri ga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay ku dileen ku dhawaad 200 oo Askari.
XILDHIBAAN DAAHIR AMIIN JEEZOW OO SIYAASIYIINTA MUCAARADKA AH UGA DIGAY IN AY LACAGO KA QAATAAN DOWLADDO SHISHEEYE
Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid.
Xildhibaanka oo Shalay sigaar ah ula hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in Siyaasiyiinta mucaaradka ah looga baahan yahay in ay sheegaan dhaliilaha dowladda sida wasiirada iyo dadka kale ee Madaxda ah laakin mucaaradnimadu aysan noqon mid wax dumisa.
Waxa uu sheegay in mucaaradku aysan aheyn in ay noqdaan kuwo dowladdo shisheeye xiriir la sameeya,isla markaana lacago ka soo qaata dalkana soo geliyo taas oo aan dan ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay in tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqdaan kuwo dan ugu jirta Shacabka Soomaaliyeed laa kin aysan ka aqbali doonin in dowladda iyo mucaaradkaba in ay sameeyaan waxyaabo dhibaato ku ah Shacabka.
Ugu dambeyn waxa uu soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid 30 Bishii December ee Sanadkii tegay ee 2017 in uu yahay wax laga xuma ado,waxa uuna ka dalbaday in baarlamaanka soomaaliya ay gudi u saaraan isla markaana dow ladaha Shisheeye ee lagu xamanayo hadii ay ku cadaato dalka laga saaro.
MUKULAAL $710 KUN MAGDHOW U HESHAY IYO SABAB QARIIB AH OO KA DAMBEYSA!
Mukulaal sawirkeeda loo isticmaalay xayaysiin ayaa loo xukumay lacag dhan $710,000 doolar oo magdhow ah, kadib markii sida la sheegay shirkadda sawirka isticmaashay ay ku xad gudubtay heshiis horay u dhacay.
Shirkadda mas’uulka ka ah mukulaasha oo lagu magacaabo Gruspy Cat Limited ayaa dacwad ku oogtay shirkadda samaysa bunka la cabbo taas oo markii hore lagula heshiiyay in sawirka mukulaasha ay u isticmaasho bunka qaboow oo kaliya, balse waxa ay u isticmaashay alaabo kale oo dheeraad ah.
Mukulaashan oo lagu magicaabo Tardar Sauce ayuu sawirkeeda aad u baahay sanadkii 2012kii , waxaana aad loola dhacay shucuurta murugada leh ee wajigeeda ka muuqda.
Sanadkii 2013kii shirkadda waxyaabaha la cabbo ee Grenade Beverages oo ay wada leeyihiin wiil iyo aabihiis oo kala ah Nick iyo Paul Sandford ayaa qoyska mukulaasha leh la galay heshiis ku kacaya $150,000 doolar si sawirkeeda layaabka leh loogu dhajiyo bunka ay shirkadooda samayso.
Shirkadda Grenade ayaa iyaduna dhankeeda ka furatay dacwad ka dhan ah qoyska mukulaasha, waxayna ku eedeysay in sidii lagu heshiiyay dhankooda aysan kasoo bixin waxyaabaha qaar.
Mukulaasha oo 6 sano jir ah ayaa mulkiile ka ah shirkad magaceeda lagu qorey, iyo waliba agab kale.
Waxaa xitaa jira aflaam ay jishey mukulaasha, iyo bandhigyo taleefishin oo ay kasoo muu qatay. Xigasho: BBC Soomaali
TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYA OO GAALKACYO KULA KULMAY BULSHADA RAYIDKA
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa magaalada Gaalkacyo wuxuu kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada isagoo uga waramayey halka ay marayso Nabadayntii ay ku hawlanaayeen Saraakiisha ugu saraysa Soo maaliya iyo gudiyada Nabad galyada labada dhan ee Puntland iyo Galmudug. Waxaa uu she egay in meel wanaagsan ay marayaan howlaha lagu nabdeynaayo Magaalada Gaalkacyo.
Wuxuu sheegay inay u baahantahay magaalada Gaalkacyo in la xoojiyo Amnigeeda sidoo kal ana ladoonayo meel la dajiyo ciidamada isku dhafka ee ka hawlgalaya gobolka Mudug kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Milatari.
Taliye Gorod ayaa sidoo kale waxaa Su’aallo weydiiyay qaar ka mid ah dhalinyaradda kunool Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u xilsaaray taliye Gorod in uu garwadeen ka noqdo howlaha Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo
QARAX XALAY KA DHEX DHACAY GURI KU YAALLA MUQDISHO
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIN 5-TA FEBARAAYO 2018-KA
SHIRKA AMNIGA QARANKA OO KA FURMAYA MUQDISHO Waxaa Maanta lagu waddaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah kaga furmo Shir looga hadlaayo Amniga Qaranka kasoo u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo sidoo kale kuwa maamul gobolee dyadda.