Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Galmudug oo ku biiray Ahlusunna iyo CabdiWaal oo noqday taliyaha ciidamada Ahlu Sunna

0
Sunday September 13, 2015 - 11:13:26 in Wararka by
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Galmudug oo ku biiray Ahlusunna iyo CabdiWaal oo noqday taliyaha ciidamada Ahlu Sunna

    Wararka ka imanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa taliyaha guud ee ciidamada Ahlusunna u magacaabay Cabdi Nuure Siyaad "Cabdi Waal&q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa taliyaha guud ee ciidamada Ahlusunna u magacaabay Cabdi Nuure Siyaad "Cabdi Waal".

Hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa ku sheegay sababta uu u magacaabay CabdiWaal inay tahay isagoo ka soo bixi kara howsha loo xilsaaray waayaragnimana u leeyahay.

"Cabdi Waal waa mas’uul ku xeeldheer dhanka ciidamada sidaa daraadeed ayaan uga dhigay taliyaha guud ee ciidamada Ahlusunna Waljamaaca”ayuu yiri Shaakir.



Magacaabida CabdiWaal loo magacaabay taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay jirto xiisad dagaal gobolada dhexe ee dalka.

Sidoo kale wararka ka imanaya gobolada dhexe ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka Galmudug uu ku biirey ciidamada maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe.

Xigasho:-jowhar.com

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Madaxweyne ayaa hore ugaga mid ahaa ciidamada Galmudug, waxana la sheegay in ciidamo uu hogaaminayo oo watay afar gaari oo tikniko ah ay ku biireen ururka Ahlusunna.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip