John Kerry oo ka dukaameystay Caasimadda Wadanka Ruushka (SAWIRRO)
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry oo booqasho ku joogga Magaalada Moscow, ayaa waxaa uu Talaadadii ka soo sameystay dukaameysi.
Xoghayaha, ayaa u dukaameysi tagey suuqa (Arbat Street for souvenir shopping), oo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee ku yaala Magaalada Moscow, waxaana inta badan ka dukaameysta dadka ladan iyo dalxiisayaasha. Xoghayaha, ayaa waxaa la arkaayay isagoo dhex lugeynaaya wadooyinka
soo gala suuqaasi, waxa uuna u socday sida shakhsi caadi oo kala ah.
Sidoo kale waxaa jiray ciidan dharcad ah oo loogu talla-galay inay sugaan ammaanka Xoghayaha, mudadii uu ku dhex wareegaayay suuqaasi caanka ah.
John Kerry waxaa dukaameysigiisan ku wehlinaayay Celeste Wallander oo xubin ka ah Golaha Ammaanka Qaranka iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Magaalada Moscow, Amb. John Tefft.
Mr. Kerry, ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray Xarunta Kremlin, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo ay ka wada hadleen xaaladda murugsan ee ka jirta dalka Suuriya.
John Kerry oo ka dukaameystay Caasimadda Wadanka Ruushka (SAWIRRO)
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry oo booqasho ku joogga Magaalada Moscow, ayaa waxaa uu Talaadadii ka soo sameystay dukaameysi. Xoghayaha, ayaa u dukaameysi tagey suuqa (Arbat Street for souvenir shopping), oo ka mid ah