WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA FEBARAAYO 2018-KA

0
Saturday February 03, 2018 - 09:33:57 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA FEBARAAYO 2018-KA

    TAABID CABDI MAXAMED OO LA GUDDOONSIIYAY ABAALMARINTA XILGUDASHO QARAN Magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigaayay abaalmarin loogu talo galay in lagu sharfo Haldoorka Shacabka ee waxqabad la taaban karo u sameeyay b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TAABID CABDI MAXAMED OO LA GUDDOONSIIYAY ABAALMARINTA XILGUDASHO QARAN Magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigaayay abaalmarin loogu talo galay in lagu sharfo Haldoorka Shacabka ee waxqabad la taaban karo u sameeyay bulshada ay u adeegaan.

Waxaa munaasabaddan lagu soo bandhigay daraasad soo socotay illaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2017kii, oo laga soo sameeyay magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo dadweynaha lagu weydiinayay qiimeyntooda dadka ay u arkaan inay guteen waajibaadkii ka saarnaa mas’uuliyaddii ay hayeen.

Abaalmarintan oo magaceeda la yiraahdo "Xilgudasho Qaran” waxay si gaar ah u qiimeysay waxqabadka sanadkii la soo dhaafay ee dhinacyada soo socda:

Horumarinta Adeegga bulshada Maamul Wanaagga

Dibuheshiisiinta iyo Isdhexgelka Bulshada

Dhiirrigelinta waxsoosaarka Gudaha

Shaqo abuurka Dhallinyaradda iyo Horumarinta Cayaaraha

Xoojinta Kaalinta Haweenka

Wacyigelinta iyo Abaabulka Bulshada

Samofalka

U qareemidda Xuquuqda Dadweynaha

Abaalmarintan xilgudasho Qaran ayaa xalay waxaa la guddoonsiiyay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed , oo loo aqoonsaday duq Magaalo midkii ugu waxqabad fiicnaa sanadkii lasoo dhaafay.

Abaalmarintan xilgudasho Qaran ayaa waxaa bixisa Hay’adda Vision Leadership Academy oo ah Machadka horumariya arrimaha hoggaaminta.

Ujeeddada abaalmmarintan ayaa ah in la beddelo dhaqanka ah in dadka waxtarka leh la ammaano marka ay geeriyoodaan oo kaliya, waxaana abaalmarintan ay dadweynaha bareysaa in la isku abaalmariyo waxqabadka iyo hoggaaminta wanaagsan.

MAXAA KA JIRO IN MADAXWEYNIHII HORE DF XASAN SHEEKH OO BAAJIYAY SAFAR UU KU TAGI LAHAA SWEDEN?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md. Xasan Sh.Maxamuud ayaa baajiy ay socdaal uu ku tagi lahaa dalka Swe den, sababo la xiriira Visaha Dal ku gal ka ah oo la diiday in lagu shabadeeyo ama lagu dhejiyo Baasaboorkiisa Diblo maasiga.

Wararka ayaa sheegaya Safaaradda Sweden ku leedahay Tanzania ay diid ay inay ku dhifato Baasaboorkiisa Dibl omaasiga Visaha dal ku galka, maadaa ma aanay aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga Sidoo kale Md. Xasan Sh. Ayaa ku adkeysanaya in Baasaboorkii sa lagu dhifto Viisaha dalka ku galka, ha lka Safaaradda Sweden ku leedahay Tanzania ay diiday, waxaana taa bede lkeed u ogolaatay waraaq dal ku gal ah.

Xasan Sh.iyo wafdi xildhibaano ah ayaa ka qeyb gali lahaa shir ka dhacaya Swe den oo ay ku casuuntay Hey’adda Caa lamiga ee Olof Palmes oo ah urur aan dowli aheyn oo ku xiran Xisbiga Shaqa alaha Sweden. Inta badan dalalka Scan danavianka ayaa aqoonsaneyn Baasa boorka Soo maaliga, tan iyo markii ay dhacday D/dii dhexe sanadkii 1991.

SANBALOOLSHE : MA DOONAYO IN AAN CID GAAR AH KU EEDEEYO DHIIBISTII QALBIDHAGAX

Taliyihii hore ee hay’adda Nabadsug ida iyo Sirdoonka Qaranka DFS Md. C/ hi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay cida leh mas’uuliyadii Ito obiya loogu gacan galiyay Cabdikariin Sh.Muuse QalbiDhagax ayaa diiday in uu cid gaar ah farta ku fiiqo.

Wuxuu sheegay in go’aankaasi ahaa mid dowladdeed looguna daneynayay Amniga Qaranka, balse waxaa uu me esha ka saaray in uu jiro mas’uul ka tir san dowladda oo arintaa si gaar ah ugu lug lahaa. ‘’Ma rabo in aan cid gaar ah farta ku fiiqo, waayo waad ogtihiin go laha Wasiirada ayaa fariistay oo go’aan arintaa ka soo saaray, marka Anniga shaqsiyan dowladda ayaan waqtigaa ka tirsanaa go’aan dowladda ka madaxba nnaan oo aan qaadan karayna ma ir in’’ ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Mar wax laga weydiiyay sababta ilaa iyo hadda madaxda Qaranku ugu dhiir an la’yihiin magacaabista taliyaha Nab adsugida ayuu sheegay in su’aashaa ay ku wacnaanlaheyd in la weydiiyo ma daxda Qaranka, laakiin isaga ay la ta hay in wali la’yahay cid lagu aaminno xilkaas ama laga yaabo in ay jiraan sha qsiyaad magacaaban laakiin bulshadu aysan ka warqabin.

Madaxweyne Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayuu ku eedeeyay in ma rnaba uusan ka hadal xiisada ka taagan deegaanka Tukarraq oo dagaal culus uu ka dhacay isaga oo ku sugan ma gaalada Garoowe arintaan oo ku tilmaa may in ay aheyd mas’uuliyad daro.

‘ ’Socdaalka madaxweynaha uu ku ta gay gobollada dalka waxaa loogu mag acdaray dibuheshiisiin, waa wax fiic an, laakiin waad ogtihiin isaga oo jooga Garoowe ayuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Tukarraq, marnaba madaxw eynuhu kama uusan hadal, arintaa oo noqon karta mas’uuliyad darro’’ ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu ka digay in la caburiyo siyaasi yiinta Soomaaliyeed isaga oo sheegay in qofku xor u yahay in uu cabiro aragt idiisa siyaasadeed, isaga oo tallaabo la gu deg deg ku tilmaamay weerarradii ka la duwanaa lagu qaaday qaar ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka.

"looma baahna in siyaasiyiinta la cab uriyo dagaalka Alshabaab lagula jirana loo wareejiyo meel kale wadankana la ga dhigo meel dadka lagu caburiyo gac an bir ahna lagu qabto, xoriyatul qowlna uusan jirin,”. Xigasho:Hiiraan.com

WIIL SOOMAALI AH OO LAGU DHEX DILAY XABSI KU YAALLA LONDON

Qoyskiisa waxa ay u maleynayeen in uu ku badbaadi ogyahay xabsiga dhexd iisa kadib caqabado uu kala kulmay ban aanka , balse hadda waxa ay ku jiraan baroordiiq. Afar qof ayaa loo xirxiray dil ka Khadar Saalax oo lagu dhexdilay xab siga Wormwood Scrubs ee galbeedka London.

Dilkiisa ayaa waxaa loo adeegsaday toorri, iyada oo booliiska ay sheegeen in dhaawacyo xunxun ay jirkiisa ka mu uqdeen.Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dha cay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo. "Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rajo badan ka leh, mar dhow ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil” ayuu yiri Siciid.

Waxa uu intaas ku daray in 7 jeer too rreyda lagu dhuftay wiilka. Xabsiga oo la dhisay xiligii boqoradii Victoria ayaa wa xa uu qaadaa 1,279 maxbuus. Hadda axaa ku jirta 1,131 maxbuus. Rabsha daha xabsiga gudihiisa ka jira

URURKA MIDOWGA AFRIKA OO KU TILMAA MAY DHAARINTII ODINGA MID AAN LA AQBALI KARIN

Ururka M/Afrika ayaa dhalee ceeyay dhaarintii taageerayaasha xisbiga NA SA ay u dhaariyeen xilka madaxtinimo ee Dalka Kenya hoggaamiyahooda Rai lla Odinga 30kii January ee Sanadkan.

G/G/Midowga Afrika Moussa Faki Maha mat ayaa war uu soo dhigay baraha bul shada waxa uu ku sheegay inuu si dho wula socdo xaaladda Kenya isla marka ana aan la aqbali Karin tallaabadan.

Moussa Faki Mahamat ayaa intaa raaciyay in Midowga Afrika ay ku kalso on yihiin kormeerayaasha doorashooyin ka ee uu hoggaaminayay madaxweyni hii hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki natiijadaas oo ay ansixisay Maxkamad da Sare ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dha mmaan tallaabooyinkani ay kasoo hor jeedaan axdiga dimoqraadiga ee qaar adda Afrika iyo qaanuunka ugu degsan doorashooyin isla markaana aysan aqb ali doonin wixii ka soo horjeeda dast uurka.

G/G/KA BENAADIR OO KULAN LA QAATAY SAFIIRKA INGIRISKA U FADHIYA SOMALIYA.

Guddoomiyaha G/Benaadir ahna du qa M/Muqdisho Md.C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Guddoomiyuhu wuxuu qeexay arrima ha mudnaanta u leh maamulkiisa cus ub. Dhankiisa, Mr.Concar wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diira dda saarayo maamul wanaagga iyo dim uqraadiyaynta. 2da mas’uul waxay isku afgarteen muhimadda uu leeyahay amn iga, canshuuraha, iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay arrima ha sida gaarka ah diiradda looga saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in loo helo waddooyin, maadaama kuwii hore burbur xoogan soo gaaray , nadaafadda, la dagaalanka saboolnimada iyo dadka barakac ayaa sha ah in loo sameeyo isbitaallo yaryar iyo goobo waxbarasho. Sidoo kale wax aa kulanka la iskula soo qaaday arri maha dhulalka, gaar ahaan goobaha danta guud ee ay dagan yihiin dadka danyarta ah in fursad la siiyo ka hor inta aan laga saarin.

2da mas’uul waxay mar kale xaqiijiye en wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Ingiriiska iyo Ma amulka Gobolka Benaadir iyo inay ka go’antahay inay si intaa ka dhow u wad

ashaqeeyaan. ==DHAMMAAD==

ISBITAAL DHULKA HOOSTIISA KU YAALA OO LA DUQEEYAY

Isbitaal ku yaala Suuriya oo dhulka hoostiisa laga dhisay si looga badbaado duqeymaha cirka ayaa dadka ku dhaq an dalkaasi ay sheegayaan in uu la kul may duqeymo dhanka cirka ah

Waxa uu isbitaalkan ka shaqeeyaa gobolka Xama, waxaana laga dhisay 20 mitir dhulka hoostiisa, isbitaalkan ayaa la sheegayaa in laga dhisay markiisa ho re ee la dhisayay meel buur ah. Weer arka xaga cirka ah ee lagu qaaday Isb itaalka ayaa waxaa lagu soo waraya maa inuu ka dhashay khasaare dhaawa cyo ah oo soo gaaray bukaanadii halka a lagu dabiibayay.

Isbitaalkan ayaa lagu magacaabaa Al Maqbara oo loola jeedo ‘Godka’ , wax aana la sheegay in dhaqaatiirta iyo dad kii bukaanka ahaa ay meel bad qabta galeen sidaasina ay ku bad baadeen. Waxa uu isbitaalkan u adeegaa illaa 50, 000 qof, bil kastana waxaa lagu same

yaa 150 qaliin oo culculus.

QM ayaa sheegtay in 14 weerar la gu qaaday goobo caafimaad oo Suuriya ku yaala bishii Janaayo kaliya. Lama o ga cidda weerarka geysatay, balse diya aradaha Suuriya iyo kuwa Ruushka ayaa inta badan duqeymo kala dul dha ca fariisimaha Alqaacida iyo daacish iyo dadka rayidka ah eek u dhaqan suuriya.

Dhanka kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in goobaha go’doonka la gali waayay, islamarkaasna aanan wax gargaar ah la gaarsiin karin.

TAHRIIBAYAAL KU QARAQMAY XEEBAHA LIIBIYA

Tahriib-7 90 muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qa baa in ay badda ku qaraqmeen ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku deg tay xeebaha dalka Liibiya, waxaa sida asi sheegtay hay’ada socda alka ee Q/Mid oobay.3 ka mid ah dadkii ka bad baaday doontaasi ayaa sheegay in inta badan dadka doonta ku qaraqmay ay aha ayeen dad u dhashay dalka Pakistaan.

Liibya ayaa muddo sanado ah marin u ahayd Tahriibayaasha doonaya in ay gaaraan Bariga Yurub iyaga sii maraya Badda. Balse sanaddii aanu soo dhaaf nay ayaa waxa ay dalalka Yurub heshiis muran dhaliyay la galeen ilaalada xeeba ha Liibiya si ay gacan uga gaystaan jooj inta qulqulka muhaajiriinta doonaya in ay Taliyaaniga gaaraan.Hay’adaha gar gaarka iyo QM ayaa ku eedeeyay dowla daha Yurub in qaab aan bina’aadanimo ahayn ay u wajah een arrintan, Hay’ adda Amnesty ayaa sheegtay in dowlad aha Yurub ay ku lug yeesheen jirdil loo gaysto muhaajiriinta.

"Maydadka Tobon qof ayaa la she egay in xeebaha liibiya ay ku soo caariy een,” waxaa sidaasi lagu sheegay baya an ay soo saartay hay’adda socdaalka adduunka ee (IOM), Afhayeen u hadlay ha’adda ayaa sheegay in Pakistaniyiinta isku dayaya in ay Taliyaaniga gaaraan ay sii kordhayeen.

JARMALKA OO JOOJINAYA TAAGEERADA AY SIIYAAN CIIDAMADA SOOMAALIYA

Dowladda Jarmalka ayaa Khamiistii 1-dii bishan shaacisay iney joojineyso guud ahaan ka qeyb qaadashada tabab arkii iyo taageeradii ay siin jirtay Ciidan ka Millitariga Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Jarmalka ga ar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibad da ayaa lagu sheegay in gudaha Soo maaliya laga saari doono bisha March ee sanadkan 5 Askari oo Tababarayaal ah, kuwaasi oo u dhashay dalkaasi, ta asi oo ka dhigan inuu soo gaba gabeyn ayo Howlgalkiisa Soomaaliya.

fedal castaro (1) "2010 ilaa sanadkan 2018 ayaan wa dnay tababarka iyo taakuleeynta Ciidan ka Milliteriga, hadda waxaa noo muuq aata iney wax walba ku laabteen meel fool xun sidaas darteed waan joojinay ta babarkii aan wadnay” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dib adda Germany.

"Ciidamda Qaranka Soomaaliya hor umarkoodu si gaabis ah ayuu ku soc daa waxaan keenay dhibaatooyinka ka taagan dhanka siyaasadda iyo waliba hay’adihii dowladda oo heerkii ku hab oonaa uusan gaarin dhismahoodu”. Wa xaa sidaas Reuters u sheegay De Sie gel oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda Jarmalka. Dowladda Jarmalka ayaa waxa ay ka mid tahay qorshe Mid awga Yurub uu ku tababaro Ciidanka Xoogga kaas oo magaciisa loo soo gab iyo EUTM, Jarmalka wuxuu bilaabay Ta babarkan sanadkii 2010kii xilligaas oo Dowladda Soomaaliya ay dalbatay taag eero dheeraad ah.

MARAYKANKA : VENEZUELA MILITARIGA AYAA AFGAMBIN DOONA

Wasiirka arrimaha dibedda Marayka nka Tillerson ayaa sheegay in militariga Venezuela laga yaabo in ay afgambi ku sameeyaan madaxweyne Maduro. Tille rson ayaa sheegay in Maraykanka uu san isku dayaynin uu badalo hoggaanka sare ee dalkaas, balse waxa uu intaas ku daray in sida ay taariikhda tilmaam ayso in militariga Latin Amerika ay faro galiyaan haddii uu qalalaase yimaado.

Waxa uu Tillerson hadal ka jeedinay ay jaamacadda Texas ka hor inta uusan u ambo bixin safar uu ku tagayo Latin America. Dalalka uu booqan doono wax aa ka mid ah Mexico, Argentina, Peru, Colombia iyo Jamaica.

"Haddii hilibka digaagta ay ku yara ku lulaato, waxaan hubaa in saaxiibadiisa Cuba ay siin doonaan hilib kale isaga oo xeebta ku sugan” ayuu yiri Tillerson oo u duur xulayay madaxweynaha Venezu ela Nicholas Maduro.

Waxa uu Maduro ugu baaqay in uu magangalyo weeydiisto dalka Cuba. Wa siirka arrimaha dibedda Venezuela Jor ge Arreaza ayaa cambaareeyay hadala da Tillerson, wuxuuna dalalka Latin Am erica ugu baaqay in ay u midoobaan ca dawgooda.

Madaxweyne Maduro ayaa galaya do orasho muddo xileedkeedu uu yahay lix sano bisha April ee soo socota xili uu wali dalkaas ka socdo qalalaase raga adiyay dhaqaalaha.

WIIL UU DHALAY FIDEL CASTRO OO LA SHEEGAY IN UU GACANTIISA ISKU DILAY

Wiilka ugu weyn dadka uu dhalay ho ggaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro ayaa geeriyooday isa ga oo 68 jir ah. Wiilkan oo maga ciisa rasmi ga uu yahay Fidel Ángel Castro DíazBalart ay aa la sheegay inuu isaga gacantiisa isku dilay sida ay tabisay warbaahinta dowl adda, ka ddib markii uu lasoo gudboo naaday walwal iyo tiiraanyo.

Wuxuu ahaa seeynisyahan xagga hubka nuyuukleerka ah oo lagu taboba ray midoowgii Sovietka.Waxa uu la tali ye xagga seeyniska u ahaa golaha maa mula dalkaas, wuxuuna mar noqday ma daxweynaha Akadeemiyadda Seyniska Cuba. Waxa uu sidoo kale mar madax ka noqday barnaamijka nuyuukleerka Cuba. Aabbihiis oo muddo dheer soo xukumayay dalkaas ayaa geeriyooday

sanadkii 2016kii isaga oo 90 jir ah.BBC

SHIRKA G/ASIIRADDA OO LOOGA HADLAY, XAALADDA WABIYADA DAAWAD IYO SHA BEELLE, SHARCIGA SHIRKADAHA, IYO ARR IMO KALE

Shirka G/Wasiiradda XFS oo uu shir gudooominayay R/Wasaaraha Soomal iya Md.Xasan Cali Khayre ayaa khamii sti looga hadlay,soo bandhigidda jadw alhowleedka shaqo ee tubta siyaadda loo dhanyahay, Warbixin ku hadlaysa xaaladda Wabiyada Daawad iyo Shab eelle, Sharciga Shirkadaha oo loo qayb iyay G/wasiiradda, Warbixn ku saabsan shirka Dhaqaalaha Adduunka, Amniga dalka iyo arrimo kale.

Wasiirka Amnigga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa laga dha gaystay warbixin ku saabsan 37 Carruur ah oo ay Shabaab qaateen kuwaas oo lagu tabarayay G/Sh/Hoose, si ay ugu adeegsadaan qaraxyadda iyo fallalka ar gagaxnimo ugana dhibaateeya shacab ka Soomaaliyeed. Waxuuna Wasiirku sheegay in lagu guulaystay dhamaanto od in la soo qabqabto, waxayna haatan ku jiraan gacanta dawladda.

Wasiirka Gaashaadhinga Soomaali ya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay isku dhafka ciidamo qar an, waxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan habkii la iskugu dhafi lahaa ciidamada dalka, isgoona tilmaamay in lagu howl jiro xarumihii la dajin lahaa cii damada. Sidoo kale waxuu sheegay in G/Sh/Dhaxe laga sifeeyay kooxda Alsha baab, haatana la diyaarinayo qorshihii la gaga saari lahaa G/Sh/ Hoose.

Wasiirka Qorshaynta iyo Xariirka Ca alamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Max amed Xasan ayaa laga dhagaystay wa rbixin ka hadlaysa shirkii dhawaan uu R/ Wasaarahu ugu qayb galay waddanka Switzerland ee ku saabsanaa dhaqaala ha Adduunka. Isagoona sheegay inay shirka ku soo bandhigayn khayraadka Soomaaliya, sidoo kalena waxay cods adeen in laga cafiyo daymaha caalami ga ah ee lagu leeyahay dalka Soomaal iya. Isagoo sii raaciyey hadalkiisa in R/ Wasaare Khayre uu si wayn madaxda caalamka ugu faahfaahiyay nabada iyo xasiloonida ka jirta Soomaaliya, si ay u maalgashadaan dalka, shacabkuna ay ugu faa'iidaystaan. Sidoo kalena waxuu shacabka Soomaaliyeeda u soo jeediy ay inay bixiyaan canshuurta, si dayma ha aan iskaga bixino.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dib adda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyay shirar kala duwan oo uu kaga qayb galay dalalka Kenya, It oobiya iyo sucuudiga, waxuuna soo ban dhigay heshiisyada ay Soomaaliya la ga shay ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) , waxuuna cadeeyay in Soomaal iya ay barbar taagan dalalka Islaamka.

Dhanka kale waxuu faahfaahin ka bixiyay shirka Ururka AU, oo Madaxway naha Soomaaliya uga qayb galay Itoobi ya, isgoona tilmamay in ay Soomaliya u tartamayso xilka xooghaya fulinta ee Ur urka Goboledka IGAD, maadaama ay Soomaaliya markale saaxadda adudun ka ku soo laabatay, ayna doonayso in ay kalinteeda ka qaadato.

Wasiirka Wasaarada Beeraha, ay aa madasha ka khriyay warbixin ka hadl aysa mashruuc biyo xireen ah oo ay is ka kaashanayaan dalalka Kenya iyo Ito obiya kaas oo laga dhisayo xadduudka ay la wadaagaan Soomaaliya. Waxuu na wasiirka iftiimiyaya saamaynta ay ku yeelan karaan wabiyada Daawad iyo Shabeelle oo xadduud la wadaaga 2da dal. intaas ka ka dib R/Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi heer Wasiir ah oo ka kooban 5 Wasaaradood oo kala ah, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maali yadda, Xanaaanadda Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, oo si dhow ula socondoona biyo xireenka 2da dal.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Md. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa G/Wasiirada u qaybiyay Sharciga Shir kadaha Soomaaliya, si ay usoo akhrist aan ka dibna loo ansixyo, waxuuna faa hfaahiyay sharcigan iyo waxyaabaha uu ka hadlayo, isgoona qeexay faa'iid ooyin uu shacabka u leeyahay. Sidoo kalena waxuu iftiimayay sida loogu bah aan yahay in la helo sharciga Warshad aha Soomaaliya. DHAMMAAD

MD.CALI C/LAAHI COSOBLE OO U JAWA ABAY SANBALOOLSHE

Md.Cali C/laahi Cosoble, Madaxweyn ihii hore ee Maamulka Hirshabelle, ayaa ka jawaabay eedayn uu C/laahi Maxam ed Cali (Sanbaloolshe), Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) uu u jeediyay Dowlad da Somaliya. Sanbaloolshe, ayaa Kham iistii sheegay in Dowladda Somaliya ay hal malyan oo dollar ku bixisay doora shada kursigii baarlamaaniga ahaa, ee ka dhacday M/Jowhar, islamarkaana uu ku soo baxay Nuur Iidow Beyle. Doorashadan oo aad loogu tartam ay, ayaa 2 wareeg ahayd, waxaana wax dooraneysay 51 ergo. Wareegii 2aad waxaa isugu soo baxay Nuur Iidow Bey le oo 27 cod helay iyo Sanbaloolshe oo 24 cod helay.

Md.Cali C/laahi Cosoble oo ka mid ah aa 6dii musharax ee kursigaasi ku tart ameysay, ayaa marka hore u hambalye eyay Nuur Iidow Beyle oo loo doortay Xildhibaan G/Shacabka ka tirsan, waxa uu intaa ku daray ka qaybgalka door ashada inay uga muhiimsaneyd inuu ta go M/Jowhar, ka dib muddo billo ah oo uu ka maqnaa.

Waxa kaloo uu sheegay in doorasha du ay u qabsoomtay si habsami leh, iya doo uu Guddiga Doorashooyinka Qaran ka ku ammaanay inay tartan xalaal ahi u qabteen musharaxiinta. Cosoble oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa beeni yay in Dowladda Dhexe ay fara gelin ku samaysay doorashadaasi, islamarkaa na ay dibadda ka joogtay musharaxiintii uu tartanku u dhaxeeyay.

BOORSAANI OO ISKA FOGEEYAY INUU BIX IYAY DHULKII BIYAASO LIIBARO

Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boor saani), G/yihii hore ee M/G/Banaadir ahna Duqii M/Muqdisho, ayaa iska fo geeyay in Maamulkiisii uu bixiyay dhulkii Biyaaso Liibaro ee D/Xamar Jajab. Da bayaaqadii bishii hore ee January, ayay dadka reer Muqdisho qaarkood ka caro odeen markii ay soo baxeen wararka sheegaya in shirkad gaar loo leeyahay laga iibiyay dhulkaasi.

Afhayeenka M/G/Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo Talaadadii ka hadlay arrintaan, ayaa sheegay in dhulkaasi uu bixiyay Maamulkii Boorsaani ee Thaabit Cabdi Maxamed ka horeeyay. Boorsaa ni, ayaa Khamiistii si adag isaga fogee yay eedeymahaasi, waxaana uu sheeg ay dhulkaasi in la bixiyay afar maalmo od ka hor intii aanu xilka ku wareejin Thaabit Cabdi Maxamed, Gudoomiyihii hore ee Maamulka G/ Banaadir ahna Duqii M/ Muqdisho.

Boorsaani, ayaa isu difaacay in xilligi isii uu soo saaray warqad uu ku dalbana yay in shirkadda qashinka ka uruurisa M/Muqdisho ee ECCO la siiyo goobo ay qashinka isugu gayso, ka dibna laga sii qaado, islamarkaana uu farqi u dhaxe eyo wargelin iyo siismo, sida uu yiri.

Oo oo la hadlay Universaltv

GUDDOOMIYE ENG. YARISOW AYAA DHAGAX DHIGAY XARUNTA DEGMADA WA DAJIR OO MUDDO BURBURSANEYD

G/G/Benaadir ahna duqa M/Muqdi sho Md.Cabdiraxmaan Cumar Cusma an (Eng. Yarisow) ayaa Khamiistii dhag axdhigay xarunta Deg.Wadajiree M/Mu qdisho oo ku burburtay qaraxii ka dhac ay bishii Juun ee sanadkii hore. Waxa na munaasabaddda dhagaxdhigga ka soo qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan 2da aqal, maamulka degmada, siyaasiyi in iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cu mar Cabdullaahi Xasan (Qaanso) oo ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyey dhib aatadii degmada ka dhacday bishii Juun ee 2017, taasi oo tiiraanyo gaar ah ku re ebtay dadka deegaanka. Waxana uu sheegay in dibuhowlgelinta xarunta de gmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala du wanaa ee shacabka ku nool Wadajir.

Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow iyo Sentor Samsam Daahir Maxamuud ay aa uga mahadceliyey shacabka degma da Wadajir in ay u istaageen dhismaha xarunta degmadooda, taas oo kaalin mu gleh ka qaadan doonta isku xirka dawl adda iyo shacabka. Iyagoo ballanqaa day in maamulka ay kala shaqeyn doon aan wax walba oo horseedi kara horum arka degmada.

Guddoomiyaha G/Benaadir ahna du qa M/Muqdisho Md/C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa tilmaam ay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntan oo fal arg agixiso ku burburtay. waxuuna sheegey in maamulka gobolka Benaadir uu awo oddiisa galinayo in Wadajir ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaata an.

"Xarunta degmada Wadajir ee haatan aan dhagaxdhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jirita ankiina, waa inaan meel iska taagnaa wax walba oo dibudhac keeni kara, maamulka gobolka Benaadir wuxuu diy aar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degma da Wadajir”.Ayuu yiri Guddoomiyaha go bolka Benaadir. Eng. Yariisow isagoo ka codsaday bulshada degmada Wada jir in lala shaqeeyo maamulka degmada iyo kan gobolka Benaadir islamarkaas na loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caas imadda. DHAMMAAD

SARAAKIISHA DANAB OO SHEEGAY IN AY DILEEN SARAAKIIL SHABAAB AH

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay Ciidamada Ku maandooska Soomaaliya oo ay wehliya an Ciidamo Mareykan ah in doraad howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen dega anka Tooratoorow oo Alshabaab ku lah aayeen saldhigyo. Saraakiil ka tirsan Cii danka Danab ayaa warbaahinta Dowlad da gaar ahaan Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaasi na Ciidamada ay ka weerareen degaan ka Tooratoorow labo jiho.

Saraakiisha Danab waxa ay xaqiijiye en in howlgalka lagu dilay labo Sarkaal oo ay magacyadooda ku sheegeen Faa rax Cali Xuseen (Faarax Kalar) iyo Max amed Cumar, islamarkaasna halkaasi si doo kale lagu dilay tiro Dagaalyahano ah oo Shabaab ka tirsanaa.

Sidoo kale Saraakiisha Danab ayaa sheegay Faarax Cali Xuseen (Faarax Kalar) inuu ahaa Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa dhanka wacyigelinta G/Sh/ Hoose, halka Maxamed cumar uu ahaa Madaxii Amniyaadka Alshabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya Shabellaha Hoose iyo Muqdisho. Ugu dambeytii Sar aakiisha Ciidama da Danab ayaa waxa ay xuseen raggan la dilay in dhawaan ay G/Sh/Hoose soo gaareen, ayna ka warhayeen xogtooda Ciidamada. Xooga ga Shabaab weli kama aysan ha dlin wa rkan ka soo baxay Saraakiisha Danab ee sheegaya in ay dileen 2 Sar kaal oo Shabaab ka tirsanaa iyo tiro kale.

XOGHAYAHA G/BENAADIR AYAA TABABAR U XIRAY 150 DHALINYARO OO LA BARAY XIRFADO KALA DUWAN

Xoghayaha Guud ee Maamulka Go bolka Banaadir Mdane Cumar Cabbdiri saaq Xuseen ayaa soo xiray tababar so cday mudo 3bilood ah Dhaliyaradda go bolka Benaadir oo gaaraya 150 xubn ood kuwaas oo la baray xirfado kala duwan.Degnmooyinka Wadajir, Dha rk eenleey,Kaxda,Deyniile iyo Heliwaa ay ay ka socdeen dhalinyaradan, waxaana la ba ray casharro kala duwan sida: 1Community Work (Iskaa Wax U Qabso), 2Lif eskill (Xirfdaha Nolosha),3Vocat ional Training (Farsamooyinka), 4Busi ness (Maareeynka Ganacsiga), 5Com puter (Xirfadaha Computerka ), 6First Aid (Gargaarka Deg Degga Ah). Xog haya ha G/Benaadir Md. Cumar Cabdir isaaq ayaa ku bogaadiyey dhalinyara dan in xirfadaha la baray ay uga faa’I ideeyaan bulshada marka ay dib ugu labtaan degmooyinkooda. "Barnaamijka shaqe eyso waa mashruuc loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta dhali nyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhi naca xir fadaha iyo farsamooyinka si ay u maa reeyaan nololshooda, waxana gacan na gu siinaya Hey’adda UNHA BITATSo malia”.Ayuu yiri Xoghaye Cu mar oo ka hadlayay munaasabadda xiri taanka tababarka. DHAMMAAD

MAAMULKA SOMALILAND OO SHAKI GELI YAY HESHIISKII DEKEDA BERBERA

Maamulka cusub ee Somaliland ay aa shaki geliyay heshiis ay dowladii ho re la gashay wadanka Isutagga Imaara adka Carabta ee ahaa in saldhig milatari ay isticmaalaan ciidamada Imaaraadka laga dhiso M/Berbera. Wasiirka Arrima ha Dibada ee Maamulka Somaliland Sa cad Cali Shire oo shir jaraa’id ku qabtay M/Hargeysa ayaa ku sheegay in aysan raali ka ahayn saldhigaas Milatari ayna wadahadalo cusub la galayaan dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta.

"Annaga waxba kalama socono in qo rshahuu yahay in weerarro loo adeegsa do saldhigga Berbera kaasoo lagu qaa do dalalka aynu jaarka nahay.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Sacad Shire. Wasiirka ayaa intaa u dar ay inay kala hadli doonaan madaxda u gu sareysa ee dowlada Imaaraadka Ca rabta ayna heshiis cusub ay la saxiixan doonaan Imaaraadka,si buu yiri wasiirka looga hortago dhibaato kasta oo ay qor sheynayeen Imaaraadka inay ka fuliya an dekada Magaalada Berbera.

Hase yeeshee maamulkii uu madax da ka ahaa Siilaanyo ayaa Saldhiga Ber bera waxa uu ku wareejiyay Dowladda Imaaraadka oo halkaasi ka sameysatay saldhig aad u weyn oo ay ka howlgaley so. Maamulka Somaliland ayaa ka wal aacsan jawaabta ka dhalan karta haddii Imaaraadka ciidamadiisu ay weerar ka qaadaan saldhigga Berbera dagaalka ay kula jiraan kooxda shiicada ah ee Xu utiyiinta oo maamusha inta badan wad anka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa u digey M/Somaliland iyagoo sheegay inay gan taallo ku soo weerari doonaan hargeysa

DIYAARAD LA SHEEGAY INAY KU DHACDAY DULEEDKA DEGMADA WANLAWEYN EE G/SH/HOOSE

Warar kala duwan ayaa ka soo baxa ya diyaarad la sheegay inay ku dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee Go bolka Shabeellaha Hoose, iyadoo maa mulka degmada ay ku warameen inay arkayeen diyaarada joog hoose ku soc ota oo sii dhaceysa.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada ay ku dhacday goob ku dhow saldhig Ci idamada Kumaandooska Soomaaliya ee agagaarka Saldhigga Ballidoogle, ha lkaasoo la rumeysan yahay inay ku sug an yihiin Ciidamo Mareykan ah.

Goobta ay diyaaradda ku dhacday ay aa la sheegay in aanay ku sugneyn Sha baab iyo ciidamada dowladda, balse ah goob ay mararka qaar yimaadaan AlShabaab. G/ye kuxigeenka G/ Sh/Hoo se C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheeg ay inay maqleen wararka sheegaya diy aarada ku dhacday duleedka Wanlawe yn, isla markaana ay warbixin kala qa adanayaan maamulka Wanlaweyn, sar aakiisha booliska iyo ciidamada ku su gan Garoonka Ballidoogle.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaarada ay ku sii jeeda garoonka Ballidoogle oo ay ku degaan diyaarad aha caadiga ee saadka iyo sahayda u sida ciidamada ku sugan Ballidoogle.

Lama sheegin nooca diyaarada aheyd iyo cida laheyd, hase ahaatee dadka de egaanka Wanlaweyn ayaa sheegaya in diyaarada ay u muuqata nooca xamuul ka ah, isla markaana ay rakayeen iya doo sii dhaceysay.

SARKAAL SHABAAB OO LAGU DILAY DULE EDKA DEGMADA DIINSOOR

Maamulka Degmada Diinsoor ee G/Baay, ayaa sheegay in Sarkaal Shab aabka ka tirsanaa lagu dilay hawlgal ka dhacay duleedka degmadaasi, iyadoo ti ro kale oo Shabaab ahna gacanta lagu dhigay. Sida uu sheegay Ibraahim Max amed Nuur (Shigshigow), Gudoomiyaha Degmada Diinsoor, in hawlgal ay Kham iistii iska kaashadeen Ciid anka Xoogga Dalka iyo kuwa Amisom oo ka dhacay Deegaanka Raaxoole lagu dilay Sark aalka Shabaabka ka tirsanaa.

Sarkaalkan la dilay, ayuu sheegay inuu ahaa horjoogihii maleeshiyaad 20 gaareysa oo Shabaabka tirsan, laguna weeraray Deegaanka Raaxoole oo 50 km u jirta Degmada Diinsoor, sida uu yiri.Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale she egay in hawlgalkaasi lagu soo qabtay 3 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, ku waa oo sida uu sheegay la keenay Deg mada Diinsoor, islamarkaana ay cadaa ladda horgayn doonaan.

Gudoomiyaha, ayaa xusay inaanay Shabaabku lahayn awood ay ugu ba ba cdhigi karaan 2da ciidan, ha yeeshee ay iyagoo tiro yar duleedyada Dii nsoor ku dhibaateeyaan shacabka. Wa siduu hadalka u yiriye

Dhinaca kale Shigshigow oo u war amay Radio Kulmiye, lana weydiiyay Shabaabkii la weeraray halka ay u dha qaaqeen, ayaa sheegay inay u ruqaans adeen dhanka Degmada Saakow ee G/ Jubbada Dhexe. Gudoomiye Shigshig ow, ayaa ku cago jugleeyay in aanan la ga hari doonin maleeshiyada Shabaab ka, illaa iyo inta laga sifeynayo deegaa nada ay ku sugan yihiin.

GUDDOOMIYAHA G/ BENAADIR "WAXAA NAGA GO’AN IN DADKA M/MUQDISHO AY SOO DOORTAAN HOGGAANKOODA”

Guddoomiyaha G/Benaadir ahna du qa M/Muqdisho Md/C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskii sa kulan kula qaatay G/Guddiga Mada xaBannaan ee Doorashooyinka Qaran ka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada ha dleen qaabka ugu habboon ee doora shooyin uga dhici karaan 2020 M/ Caas imadda ah ee Muqdisho.

Md.Yarisow ayaa sheegay in maamul kiisu uu qorshaynayo dimoqoraadiyeyn ta Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa. "G/Xaalimo Yarey wax aan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doora sho,maadaama qorshuhu yahay in tala da lagu celiyo shacabka,iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimah an ku hirgeli karaan, iyadoo la isla ee gay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilm aamay in bishaan gudaheeda uu ka dhi ci doono M/Muqdisho shir arrimahan lo oga tashanayo, shirkan oo wadajir u qa ban doonaan M/Gobolka iyo Guddiga MadaxaBannaan ee doorashooyinka.

"Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iy aga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirge linayana waxaan shir wadatashi ah qa ban doonnaa bishan Feebaraayo, shirk an oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020”. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

G/Guddiga Madaxa Bannaan ee Do orashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Yarey,ayaa uga mahad celisay M/ Gobo lka sida ay uga go’an tahay in talada la gu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yah ay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.Soomaaliya ayaa waxaa la fil ayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto sannadka 2020ka. Doorasha daas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qa ran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015ka.==DHAMMAAD==

K/AFRIKA:955 SHAQAALE OO KUWA MACDAN QODISTA AH OO LA BAD BAA DIYAY

Dhammaan 955 shaqaale oo ah ku wa ka shaqeeya godadka laga qodo macdanta dahabka ayaa iyagoo badqab ah loo soo saaray dibadda,kadib markii habeenimadii Arbacada aheyd ay ka baqtiyeen nalalkii ama leyrarkii awo odda korontada.

Aroornimadii saaka ayaa la sheegay in ay suurtagashay in dib loo helo quwa dda korontada,waxaana halkaasi ku soo xoomay dad badan oo ehel la ah shaqa alahaasi laga soo badbaadiyay godka laga qodo macdanta.

Afhayeen lagu magacaabo James Wellsted oo u hadlay shirkadda Siba nyeStillwater,ayaa sheegay in ay jiraan xanuunno xagga dhiig karka ah iyo fuuqbax lagu arkay qaar ka mid ah dadkaasi la badbaadiyay,balse waxa uu tilmaamay in cuduradaasi aysan aheyn kuwo daran.

Godkaasi laga qodo macdanta oo la gu magacaabo Beatrix mine,waxaa uu 290 km koonfur galbeed kaga beegan yahay magaalada Johannesburg. Wax ka badan 80 dhimasho ah ayaa la dii waangaliyay in dalka K/Afrika ay ku dhinteen godadka laga qodo macdan ta,gaar ahaan sanadkii tagay.

K/Afrika waa dalka ugu badan ee laga soo saaro macdanta dahabka bal se wxaa su’aal ka taagan tahay badq abka warshadaha ka xoogsada macd anta. SONNA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip