Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay wadatashiyo uu la yeelanayo bulshada rayidka ah
Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Baarlamaanka dalka ayaa kulamo la yeeshay Ururada bulshada Rayidka oo, ay kawada hadleen howlaha guddiga horyaalla.
Guddomiyaha guddiga doorashooyinka baarlamaanka Xaalimo Ismaciil Ibraahim Xaliimo "Yarey” ayaa sheegtay in lama huraan ay tahay in kahor doorashooyinkaas lala kulmo qaybaha bulshada si tashi looga galiyo habka loo wajihi karo doorashooyinkaas.
"Talada ugu wayn ee ka soo baxday kulankaan waxa ay ahayd in guddiga madaxa bannaan uusan maarmin ururada bulshada rayidka ah maxaa yeelay shaqadaan waxaa qaban doona lumaanaan ruux kuwaas oo laga doonayo in ay qabtaan shaqooyin badan marka waxaa soo baxday in ay is aaminaan in ay is maqlaan in ay wada shaqeeyaan” ayey tiri guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka xaliimo Yarey.