Abuu Muscab "Weerarada Mandheera aan ka geysanayno waa aargoosi"
Abuu Muscab wuxuu sheegay Qaraxii shalay ka dhacay Check Point ay ku sugnaayeen ciidanka Kenya iyo weerar ka sii horeeyay oo Axadii galabteeda ka dhacay Duleedka Mandheera labada inay ahaayeen weeraro loogu aargudaayo shacabka Kenya ay ku leysay duleedka Mandheera ee Xabaal Wadareedka laga helay.
Sarkaalkaan ayaa ku faanay Qaraxii shalay ciidanka Kenya Check Point 3 ay u galiyeen inay ku dhinteen 7 Askari oo Kenyan ah iyo tiro dhaawacyo ah oo ciidamada Kenya soo gaaray ay jiraan, inkastoo ilo wareedyo madax Banaan ay sheegayaan in 5 Askari ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.
Afhayeenka Dhanka Howlwagalada Ururka Al Shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan Beegsiga ay ku hayaan ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.
Xoogaga Shabaab waxa ay weeraro qorsheysan iyo kuwa gaadmo ah intaba la eegtaan ciidamada Kenyan-ka ee Somaliya iyo gudaha Kenya intaba ku sugan.
Weerarada Shabaabka ay ku cusleeyeen Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku soo aadaya, iyadoo Shabaab dhexdooda ay u kala qaybsameen Daacish iyo Xubno Shabaab u haray.
Abuu Muscab "Weerarada Mandheera aan ka geysanayno waa aargoosi"
Iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay Shabaab weeraro kala duwan ay ka geysteen duleedka Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa Ururka Shabaab waxa ay sheegayaan sababta weerarada Mandheera ay u kordhiyeen inay tahay mid aa