
Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Jubbaland
Khilaafka ayaa soo jiitamaayay bilihii lasoo dhaafay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.
Khilaafka ayaa yimid ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland ay Mooshin ka gudbeen Golaha Jubbaland,waxaana la sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uusan xil iska saarin Mooshinka ka dhanka Golihiisa Wasiirrada.
Waxaa sidoo kale Khilaafka uu ka dhashay doorashadda maamulka Jubbaland oo lagu wado in ay dhacdo dabayaaqadda Sannadkaan.
Khilaafka ka dhex taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa sameyn ku yeeshay Hay’adaha kala duwan ee maamulkaasi.
Wasaaraddaha maamulkaasi ayaa la sheegay in aysan xilliggaan ka socon wax shaqo.
Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Jubbaland qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in ay hanjabaad culus kala kulmeen Madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Wasiir ka mid ah Wasiirrada Jubbaland ayaa Risaala u xaqiijiyay khilaafka soo gala dhex galay labadda mas’uul, islamarkaana waxgaradka Magaalada Kismaayo ay ku guuldareysteen in ay xaliyaan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa la doortay Markii Labaad Sanadkii 2015-tii doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaana hadda u taagan yahay xilka Markii 3-aad.
Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan dhammaan gobolka Jubbadda Dhexe, iyo sidoo kale qeybo ka mid ah Jubbada Hoose.
XIGASHO:RADIORISAAL.COM
Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Jubbaland
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka taagan tahay Khilaaf xooggan oo soo gala dhex galay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed iyo Ma