MIDABKII MAARIINKA EE U GAARKA AHAA GABDHAHA SOOMAALIYEED OO CADAW KU SOO DUULAY

0
Saturday January 27, 2018 - 10:05:36 in Wararka by
  • Visits: 2165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MIDABKII MAARIINKA EE U GAARKA AHAA GABDHAHA SOOMAALIYEED OO CADAW KU SOO DUULAY

    Midabkaan maariin casaan galay ah ee u gaarka ah gabdhaheena soomaaliyeed ayaa la dabar goynayaa oo larabaa in laga dhigo midabka saan cadaalaha!! Waxaa ilaahay abuuray rag iyo dumar,kuwaasoo farcamay,oo noqday qabaa illo iyo qowmiyado ku nool dun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midabkaan maariin casaan galay ah ee u gaarka ah gabdhaheena soomaaliyeed ayaa la dabar goynayaa oo larabaa in laga dhigo midabka saan cadaalaha!! Waxaa ilaahay abuuray rag iyo dumar,kuwaasoo farcamay,oo noqday qabaa illo iyo qowmiyado ku nool dunida guud keeda.Amarada eebbe weyne waxa uu qoomwalba siiyay midab iyo qaab dhismeed iyo af ugaara.hadana kuligeen banii aadam ayaynu nahay.Hadaan usoo noqdo inaga Soomaalida ah waxaa illaahay ina siiyay habdhismeed,leh dheerar iyo dhuubni iyo midab aan ahayn cadaan,gaduud,iyo madoow midna,midabka soomaalidu waa mid iyaga hibo ilaahay usiiyay deeqdeesi badan. Waxaa weeye midabakaasi MAARIIN CASAAN GALAY.
Hibo eebbe kusiiyay habeen layskama qaado.Dunidu waxba isuma ogola oo bal cajaabta taala,culimada ku xeel dheer quruxda basharka iyadoo la eegayo dhismaha lafihiisa, iyo midabkiisaba sida eebbe u suureeyay waxay qireen bashir majiro isku dheerarin karaa quruxda eebbe saaray dadka soomaaliyeed ee dagan geeska Afrika. culimadaasi waa kuwo kakala socday dalalkala duwan dunida,sidaa oo ay tahay waxbaa laysu quuri la yahay oo yurubiyaankii iyagaa is cajabiyay,oo carabtii ayaa is cajabisay,oo hindidii iyo china ayaa is cajabiyay,afrikadii kale ayaa is cajabinaysa, laakiin dhabtu waa taa khubarada caalamiga ahi sheegeen
.

Gabdhaha Soomaaliyeed oo abwaankii soomaaliyeed murtida iyo suugaanta ku xusay kana heesay quruxdooda isagoo tilmaamaya waxa uu yiri,"Maariiin casan galay waa midab ugaaree gobsanaa hablahayaguuā€¯deeqda illaahay baa baxsha,gabdhaha soomaaliyeed waa xulkii dumarka aduunka ninkii iska daalayaa waa meesheeda! Qorax soo baxday ninkii muran galinayaa waa dan iyo xeeshii.

Dunida maanta aynu ku nool nahay isbadal wayn ayaa dhacay iyo wax layiraahdo DOORSOON. waxaa isbadalay si xoogleh dhaqankii umadaha ama ha ahaadeen gaalo ama muslim guud ahaanba.Hadaba qaybaha gaar ahaan xumaanta asiibta basharka iyo dhaqan doorsoonka intabadan waxaa keena dad leh cilmi iyo dhaqaale oo iyagu ku raaxaysta afaynta iyo dhaqan gadoon ku samaynta dad yawga aduunka.waa wax yaableh dad u fakaraya uun inay lugooyaan oo dhibaan dad iyaga la mid ah.

Waxay xili hore ka fakareen in bal dalalka afrika gaar ahaan Soomaalida lagu sameeyoMIDAB DOORINkadibna la eego bal say noqdaan aayaha danbe.qaarkood shayaadiintaasi waxayba ka masayr san yihiin midabkan MAARIINKACASAANKA AH EE GABDHAHA SOOMAALIYEEDUGAARKA AH!. waxay duulaan ku soo qaadeen midabkii gabdhaheena iyo walaalaheen afrika,waxaana laga dhaadhiciyay cadaan ayaan kaa dhigaynaa angaad noo ekaanaysaa!! Aad ugu fiirso maskax ahaan ayaa laynoo dilayaa,waxaa laynaga dhigayaa dad midabkoodu fool xun yahay,oo u bahaan in ay iska badalaan oo qaataan kaa quruxda badan ee cad!

Gabdhaheenii midabka quruxda badan lahaa,iyagoon ka fakarinba ayay aqbaleen in abuurkoodii labadalo illaahay siiyay,waxaa ka dhashay arinkaa sadex cudur oo aad u waa wayn halisna ah.

1.Cadho Alle ayaa ka dhalanaysa oo ah,in qaabkii abuurkiisa ee asalka ahaa ee uu ina siiyay aan doorinay oo iska diidnay,midkalana ma heli karo oo xataa hadaynu rabno,waayo mar unbaa layna abuuray hibadana layna siiyay. Ogoow diinteenu waxay ina faraysaa in aan ku qanacno waxa illaahay ina siiyay oo ah siduu inoo abuuray. qurux dhamays ahi waa tan illaahay kuu abuuray kolkaa ha caasiyin rabbigii ku abuuray ee nicmadaa kusiiyay.

2.Qofka oo ay kalunto isku kalsoonida nafeed,gabadhii soomaaliyeed ee lahayd midabka maariinka ah ee ugu quruxbadan midab yada,ayaa ka shakiday midabkeedii oo u hanqaltaagtay midab dumar wadamo kale ah oo geeleenuba wada daaqin! waxay isu aragtay inaysan meesha quruxba ku haynin kol hadii midabkeedii ahayn cadaan.bal ka warama hadii dunida dadka ku nool oo dhami cadaan ahaan lahaayeen? waxay ilatahay in ay quruxtahay midabyada kala duwan ee illaahay naxariistiisa ina siiyay hadaynu nahay aadame. Gabdhihii soomaaliyeed waxaa lagu sameeyay maskax dhaqid oo waa la adoon saday si buuxda,waxayna noqdeen kuwo aan isku qabin kalsooni,waxayna baadi goob uugu jiraan bal inay helaan qurux oo noqdaan cadaan.

Hadaba iska jir maha waxani wax iska dhashay ama ay rabaan gabdhaheena soomaaliyeed ee leh midab iyo qurux tan u saraysa caalamka,ee waxay tahay dadkaan idiin sheegay ayaa mashruucaan galiyay,oo shir qool iyo duulan lagu soo qaaday dabar goynta midabka gabdhaha soomaaliyeed.niman yihuud iyo cadaan ah ayaa wada iyo carab. hadaad is waydiisu maxay ka helelayaan? Waxay ka helayaan inay ku raaxaystaan koow fikirkoodii oo u hirgalay,oo dibakii gabdhihii soomaaliyeed badaleen waa raaxo wayn xagooda. Waxay usamaysteen warshado soo saaraMIDABKA ASALKA AH DOORINAYA.waxay uugu tala galeen malaayiin afrikaan ah inay ka gadaan,oo kasameeyaan bilyanis doolar bil walba.waa ku guuleeysteen. waxaa lacag malaayiin ah lagu siiyaa dad faafiya oo gada badeecadooda,isla markaana xaysiiya in madabka cad uu yahay mid ka larabo oo qurxoon madawguna yahay fool xumo ah in laga cararo. Gabdhaheenii waxaa ku dhacay inay ka luntay kalsoonidii oo ay is raadinayaan fool xumana baxsad ka yihiin. kalsooni daro waa cudur daran. dhabtu waa quruxdoodii ayaa laga wadaa oo foolxumaa loo wadaa ismana oga.

2.Quraanku wuu kahadlay midabka waydiiya culimada diinta,halka dadku ay kahelaan dareenka oo u hayaa jirka hawlo badan waa midabka kore.hadii la eego midabkeena ku dahaaran maqaarkeena kore,dubka kore waa mid ka jilicsan kan cadaanka kana cajaa ib badan marka laga hadlayo arimaha caafimaadka,waydiiya culimada caafimaadka, siku mid maha maqaarka cadaanka iyo keena,waxaa dhanka caafimaadka ku fiican keena.kan cadaanku waa isbadalayaa,hadii qorax ay ku dhacdo xoogleh waa gubanayaa,halka keenu caadi yahay. hadii qabaw ku dhaco isku si baynu uwada dhaxamoonaynaa,keenu qabaw iyo kuleel waa adkaysanayaa koodu maya.

Marabo in ay fikiraan gabdhaheena hada galay hawsha is cadaynta ee shaydaanku dabinka ku riday,sidaa daraadeed sii faalayn maayo laakiin waxaan u digayaa intaan wali ku dhicin hawshaan inay ilaashadaan caafimaadkooda.kuwa hawshan galayna waxaan ka cod sanayaa inay uuga digaan gabdhaha walaalahood ah illahay dartiis.waxaa laga yaabaa in aad ku heshaan wax wayn oo aydaan filayn aduun iyo aakhiraba.

Midab maqaar nooc ah illaahay saaray,markaad ka xayuubiso ogoow hawluu hayay oo rabbi uugu talagalay xikmad buuna u dhigay sidaana uugu ekeeysiiyay, laakiin shayaadiintu abuurka alle ayay cadaw iyo col u yihiin mininkooduna waa jahanaba.war yaan laydinka wadin midabkiina oo laydin halaagin qurux meesha mataalee is daba qabta habloow. caafimaadkiinana waa la dilayaa,lacagna waa laydinka samaynayaa,waa dhan walba u dhimo waa ka xumahay.

Gabagabadii iyo gunaanadkii

Dhibtaa haleeshay dumarkeenii soomaaliyeed,waxaa aan ka soo sheekeeyay oo dhan waxaa aabo u ah,oo kaalin toodii gabay Raga soomaaliyeed dhibku waa inaga.Cadaw isir iyo midab tiraya jiritaankeenii qaabkii illaahay inoo abuuray iyo midabkuu ina siiyay doorinaya oo dabar goynaya,oo warshado u samaystay halaageena,ayaan ku baraarugi waynay oo maatadeenii inaga qabsaday.Nin walba gabar way la dhalatay ama wuu dhalay ama way u dhaxday,waxaan aqbalayba in cadawgu run sheegaya oo midabka cadi yahay qurux.Ragii ayaaba xayay siinaya oo dumarkeenii u tusinaya in madawgu yahay fool xumo,cadaankuna yahay waxaan laheli karin!! war goormaa cadaan quruxnoqday?

Qiyahama nin walba waa la waydiinayaa,waxaynu dumarkeenii raali uuga noqonay soomaaliyeey.waxaana uugu horeeya culimada diinta,odayasha.aqoon yahanada,iyo wax garad kasta. war arimahan ha loo kaco yaa muslimiin soomaaliyeey oo gabdhaha aynu bad baadsano inta hartay iyo jiilasha soo koraya.war miyaan lagu baraarugin dhibku intuu la egyahay?

Walaalayaal diin ahaan baa layna durayaa,oo dhaqan ahaan baa layna durayaa,oo caafimaad ahaan baa la ina durayaa,oo isku kalsooni ahaan baa layna durayaa,waa dagaal isirgooyn ah oo DOORIN AH firteena iyo faraceena.war yaa islaam aheey war yaa soomaali aheey war ma waxaas ayaan dhawran karaa. Munaafiqiin ayay noqonayaan dhakhaa tiirta soomaaliyeed waana ka aamin baxaynaa haday arintaa muxaadarooyin ka jeedin waayaan ay kaga hadlayaan xaqiiqda jirta iyo waxay ogyihiin,uugana digi waayaan gabdha soomaaliyeed.hada malihin waa munaafiqiin maya laakiin haday ka hadli waayaan waa tuhmaynaa ilaa ay isbari yeelaan.

AFEEF: Anigu arimo kalaan ka hadlaa hayeeshee waxaan waayay wax iga xigsada mawduucaan, kadibna waan ka adkaysan kari waayay in aan aayar ka aamuso.

Waxaa Qoray:Liiban Ali

qaalid3@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip