WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 27-KA JANNAAYO 2018-KA

0
Saturday January 27, 2018 - 09:39:23 in Wararka by
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 27-KA JANNAAYO 2018-KA

    SUCUUDIGA OO SII DAAYAY QAAR KA MID AH RAG GA UGU QANISAN OO HOREY LOO XIRAY Dhowrka mid ah ragga ugu qanisan uguna saameynta badan waddanka Sucuudi Carabiya ayaa la sii daayay ka dib markii ay isfagarad dhaqaale la gaareen mas'uuliyiinta wad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SUCUUDIGA OO SII DAAYAY QAAR KA MID AH RAG GA UGU QANISAN OO HOREY LOO XIRAY Dhowrka mid ah ragga ugu qanisan uguna saameynta badan waddanka Sucuudi Carabiya ayaa la sii daayay ka dib markii ay isfagarad dhaqaale la gaareen mas'uuliyiinta waddankaasi. Raggan ayaa la gu soo qabtay ho wlgal nadiifin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa lana bil aabay Nofeembartii la soo dhaafay.

Waxa ay ka mid ah ahaayeen in ka badan 200 oo amiir, bilyaneerro iyo sara akiil lagu hayay hoteelka Ritz Carlton ee M/aad, kaas oo lagu wado in dib loo furo 14ka bisha Febraayo.

Sacuudiyiinta ayaa dhammaadka howlgalkan waxa ay rajaynayaan inay ku xoojiyaan dhaqaalaha dalka ugu yar aan 100 bilyan oo doolar.

Dadkan awoodda badan ee la soo daayay ayaa waxaa ka mid ah Waalid AlIbraahim oo ah milkiilaha taleefishinka Carbeed ee MBC ee ah midkii ugu horreeyay ee si gaar ah loo leeyahay. BBC da ayaa waxaa loo sheegay in ninkaasi uu haatan dib ugu laabtay qoyskiisa oo deggan magaalada Riyaad.

Lama shaacin faafaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska kama dambeystii ay mas'uuliyiinta waddankaasi raggaasi ku sii daayeen. Balse waxaa jira warar sheega ya in ninkaasi lagu sii daayay saamiga uu ku leeyahay tal eefishinka MBC, kaas oo ah midka weli ugu ballaaran shir kadaha warba ahinta ee ka jira Bariga Dhexe.

Dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxa med bin Salmaan ayaa waday howlgal nadii fin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa waxaana la rumaysan yahay in dano shakhsiyadeed uu ka lahaa wadaxaajoodyada ka socday hoteelka Ritz Carlton.

Ugu yaraan 3qof oo kale oo caan ah ayaa sidoo kale ka mid ah ragga la sii daayay ka dib markii he shiis lala galay. Waxaa ka mid ah Khaalid AlTuwaijiri, kaas oo mar madax ka ahaa maxkamadda boqo rtooyada xilligii Boqor Cabdallah.

Dadka weli aanan hes hiiska gelin ee xabsiga loo tax aabi rabo wax aa ka mid ah ninka qaniga ah ee Alwaleed bin Talal kaas oo diiday in xoriyaddiisa uu ku iibsado inuu bixiyo lacago badan

DOWLADA SOOMAALIYA OO TAAGEERTAY HOWLGALADA MILATARIGA TURKIGA EE GOBOLKA AFRIN DALKA SIIRIYA

D/Soomaaliya ayaa u muujisay D/Turkiga taageero ho wlgalada ay ciiidamada Turkiga ka wa daan gudaha dalka Siiriya gaar ahaan G/Afrin.

W/A/Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa u sheeg ay W.Wararka Anadolu ee dalka Tur kiga in D/Soomaaliya ay taageersan tahay xukuumada Turkiga.

"Waxaan taageersanahay howlgalada Milatari ee ay ciidamada Turkiga ka wadaan Afrin, ”ayuu yiri Wasiirka Cawad xilli uu ku sugnaa dalkaItobiya.

Ciidamada Turkiga ayaa Sabtidii la soo dhaafay waxa ay bilaabeen howlgalo loogaga saa rayo deegaanka Afrin ee Waqooyi Bari Siiriya ururada PYD/PKK iyo Daacish.

"Turkigu waxa ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan,waxa an la hadlay W/A/Dibbada Turkiga Mev lut Cavusogluuna cadeeyay taageerada Soomaaliya ay u hayso howlgal

AAMINA MAXAMED OO LOO MAGACAA BAY WASIIRKA WAXBARASHADA KENYA

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya tta ayaa Aamina Maxamed u magicaa bay Wasiirka Waxba rashada Kenya, iya doo baneyneysa xilka Wasiirka Ar/Diba dda oo muddo 5 sano ay heysay. iydoo mar kale ka mid noqotay Xukumadda Kenya, waxaa horay loo hadal hayay in aysan ku soo laabandoono G/Wasirada.

Xilka W/Arr./Dibadda Kenya ayaa loo magacaabay Haweeneyda lagu magic aabo Dr Monicah Juma, oo horay u soo noqotay Safiirka Kenya u fadhin jiray Ja buuti iyo Itoobiya. Md.Kenyatta oo sana dkii hore dib loo doortay ayaa si tartiib u wada magacaabista xilalka Wasiirada, waxaana uu dib u soo celiyay xubno ka mid ah Wasiiradii hore.

FEYSAL CALI WARAABE OO SICIR BARARKA KA JIRA SOMALILAND KU EEDEEYEY MUUSE BIIX ?

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa she egay in Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi ay ka mashq uuleen wax ka qabashada Sicir bararka jira Deegaanada Maamulkaasi Waxa uu tilmaamay inay ku mashquuleen Qeybs iga iyo bixinta Xilalka Maamulkaasi, taas ine ay ka dhalatay da yacaadda Dhibaa tada jirta.

Marar badan ayuu tibaaxay inuu u sheegay wax ka qabashada dhibaato oyinkaan ay ugu weyn tahay Sicir Bar arka iyo Abaaraha ka jira Deegaanada Somaliland. Maxamed Xaashi Cimi Was iirkii hore Maaliyadda Somaliland ayaa dhibaata da dhaqaale ee deegaanadaa ka jirta ku sheegay inay sabab u tahay hoos u dhac ku yimid wax soo saarta Somalil and, taa badalkeedka ay Xoo gga Saar een waxyaabaha dibaddala ga keeno.

Max’ed ayaa dalbaday in dhibaatada an ay hadda leedahay dabaqabad, bal se haddii laga dhe ga fureyso uu xaalku gaari dooni meel aanan waxba looga qa ban karin sida uu hadalka u dhigay. Si cir barar dhanka lacagta ah ayaa ka jira Deegaanada Somaliland, waxaana Sa ra u kacay lac agta Doolar qiimihii la gu sarifi jiray.

D/INDONESIA OO KA WALAACSAN QAXO OTIGA KU SII QULQULAYA DALKEEDA OO AY KU JIRAAN SOOMAALIYA.

D/Indonesia ayaa sheegtay in dhowr kii sano ee lasoo dhaafay dalkeeda ey gaareen ku dha waad 14 kun oo qof oo ka kala yimid 54 waddan oo caalamka ku yaalla.Dadkan ayaa waxa la she egay iney ku jiraan tiro aan yareeyn oo soo maaliya kuwaa oo ujeedkoodu yahay in ey tahriibaan ku galaan wadanka Austr allia oo xuduud badeed la wadaaga Ind onesia. Qaxootigan ayaa war bixin ay ka soo saartay hayadda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ey siweyn ugu de eyrisay noloshoda.Waxa eyna hayaddu Intaa ku dartay in dadkan oo intooda ba dan ey sugayaan in dib u dajin loogu sa meeyo wadamada mareeykanka iyo Au strallia xillganna eydhi baato badan ku heeysato Indonesia eysanna muuqan cid u heellan oo dib u daj inna u samee neeysa.

Gabar Soomaliyeed oo lagu magaca abo Siham Ahmed oo qaxootigan kamid ah ayaa koox xogdoon aheed oo UNH CR ka socotay u sheegtay In Iyada wiil keeda oo lagu magacaabo Ahmed Aweys oo soomaaliya kasoo socdaalay ey 2dii Sano ee lasoo dhaafay seexanaye en Waddooyinka ama gidarrada M/caa simadd ah ee Jakarta.

Xaalad murugsan ayaa lasoo sheeg aya iney ku jiraan qaxootiga soomaaliye ed ee ku sugan waddankaasi kuwaa in tooda badan tahriib ku tagay waxa eyna ka midyihiin kumanaan soomaali ah oo dunida dacalaeeda ku dhibaatoonaya.

5 BILOOD KADIB LACAGTA SHILINKA SOOMAALIGA OO LAGA ISTICMAALAYO BALADWEYNE

Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada M/Baladweyne ayaa bilaab ay qorsho lagu isticmaalayo lacagta Shil inka Soomaaliga oo mudo 5 bil ah aan looga adeegan Magaaladaaas. Ga nac satada ayaa hirgeliyay Guddi iyo Xarun Ganacsi oo lacagtaas laga isticmaalayo gaar ahaan mi da uga timaada M/Muqd isho maadaama ay horay u diidanaaye en lacag uga timid deegaanada Maam ulka Puntland.

G/Gudigaan u istaagay Socodsiinta lacagta Maxamed Keynan oo Warbaa hinta kula hadlay Bala dweyne ayaa she egay in sidii ay suurtagal ku noqon lah eyd isticmaalka lacagtaan waqti badan la geliyay. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in hadda ka dib M/Baladweyne ay si caadi ah looga isticmaali doono lac agta Shilinka Soomaaliga oo ay dhibaa to ku qabeen Shacabka Magaaladaas.

Ayuu yiri Guddoomiyaha /Gudigaan u istaagay Socodsiinta lacagtashilin soo maaliga Md Max amed Keynan.

Q/MIDOOBAY OO AMMAANTAY WAX QA BADKA DOWLADDA SOOMAALIYA

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha gu ud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Michael Keating, oo la hadlay golahaa mniga ayaa sharaxay waxa Soomaaliya ay ku guuleysatay iyo caqabadaha ku gudban maamulka madaxweyne Farma ajo, muddada sannadka ku dhow ee uu xilka hayo.

Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysatay qorshe qaran oo ay ka mid yihiin isbedel dhaqaale, shaqa abu ur, siyaasad loo dhan yahay, iyo isbedel ka laamaha amniga. Balse Keating wux uu qiray in Soomaaliya ay weli wajehey so caqabado oo u baahan in laga Xalay iyo, wuxuuna intaa raaciyay inay haatan diiradda Dowladdu saran tahay dhanka amniga.

Mr; Keating ayaa sheegay in dowlad da ay la timid ajande wanaagsan oo la xiriira dhaqalaha, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada arri maha amniga dalka.SONNA

MADAXWEYNE TRUMP OO LAGA CODSA DAY IN XAYIRAADDA UU KA QAADO QAX OOTIGA SOOMAALIYEED

Ergayga gaarka ah ee hay’adda qa xootiga adduunka ugu qaabilsan Soom aalida, danjire Max amed Cabdi Afey ay aa ugu baaqay dawladda Maraykanka inay ka laabato go’aankaas, isagoo she egay in dadka Mareykanka loo qaada yo ay yihiin kuwa ugu nugul qaxooti ga.

Danjire; Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid tan iyo intii la doortay Donald Trump qaxoot igii Soomaaliyeed ee Sanad walba geli jiray Dalka Marayknka, Sanaddii 2015 ayuu sheegay inay baxeen 7074, halka 2016diina ay 10’000, heleen dib u dej in,sanaddii 2017 diina la qaabbilay, 20 00 oo keliya, balse wuxuuna sheegay in ay Sanadkii inna dhaafay hay ’adaha so cdaalku diiwaan geliyeen ku dhawaad 20,000 oo Qof, balse uu saamayn ku ye eshay go’aankii Donald Trump ee ku aaddanaa soo galootiga.

Dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku xannibnaa xeryaha qaxootiga Adduunka gaar aha an Bariga Afrika ay aa u badan Dad jilicsan oo ay ku jiraan Dad xanuunsan oo u baahan adeegyo caafimaad. Maxamed Cabdi Afeey ayaa u sheegay maamulka Trump inay Soo maalidu yihiin Dad firfircoon oo halAbu ur leh,kuwaasoo wax weyn ku soo kor

dhin kara Maraykanka.Xigasho:VOA

QAAR KA MID AH DHAAWACYADII TURK IGA LOO QAADAY QARAXII SOOBE OO DALKA DIB LOOGU SOO CILIYAY

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tur kiga oo kaashaneysa W/Caafimaadka dalkaasi ayaa markii 3aad dalkaasi ka soo sagootisay 9ruux oo ka mid ah dha awacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaa wacmay Qaraxii 14tii October ka dha cay Muqdisho,kuwaasi oo hadda xaalad ooda caaf imaad soo hagaagtay.

9ka ruux oo xalay Garoonka diyaara daha M/Akara ay ka sagootiyeen mas’u uliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga,Mas’uuliyiin ka socotay W/Caafimaadka Turkiga, Jaali yadda So omaaliyeed ee dalkaasi iyo Ardayda waxka barata dalka Turkiga ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladda Bu kaanada iyo ka warqabkooda iyadoo ga can wanaagsan ka heleysay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo habeen iyo maalin u soo je eday sidii dadka walaalahood ee Qara xa ku soo dha awacmay loo caawin lahaa. Waxaana howshaan dhexda u xir tay Habeen iyo maalina kortaagnaa buk aan adaas xoghayaha 2aad ee safaar adda C/qaadir Maxamed Barqadleiyo Sulemaan Max amed Kaarshe oo runtii muu jiyay dowrkii loo baahnaa ee kaga aada naa safaaradda Soomaaliya ee dalka turkiga.

Sidoo kale,caawinta dadka Bukaana da ah waxaa gacan lama ilaabaan ah ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaali nimo ku saley san.

Dhaawacyadani wax aa ka mid ahaa Mumtaz Hassan Ali oo ahayd lix jir oo la geeyay dalka Turkiga ku jirtay Xaalad koomo ah,waxaana dib loo soo celiyay iyadoo iyada iyo Hooya deed farxad ka muuqada waliba caafim aad qabta Alle mahadii.

MAGACYADA DHAAWACYADII SOO BOG SOODAY WAXAA KA MID AHAA:

1.Hussein Hassan Ahmed.

2.Samira Sheikh Mohamed.

3.Adam Muse Hassan.

4.Alas Elmi Qobey.

5.Mumtaz Hassan Ali.

6.Abdalla Omar Mayew.

7.Bille Adan Farah.

8.Said Abdi Jeele.

9.Ali Diriye Farah.

BOOLISKA OO KA HADLAY SAXAFIYAD LAGU JIRDILAY M/JOWHAR

Saraakiisha Booliska ee M/Jowhar, ayaa ka hadlay gabar Saxafiyad ahayd oo Khamiistii lagu jir dilay M/Jowhar ee Xarunta G/Sh/Dhexe. Saxafiyadan oo la gu magacaabo Iqra C/laahi Raage (Iqra Ladan) ahna Wakiilka Telefishinka Som ali Cable ee M/Jowhar,ayaa waxay Cii danka Booliska ku eedeysay inay jirdil kula kaceen, xilli ay ku guda jirtay shaqo maalmeedkeeda.

Iqra C/laahi Raage, ayaa sheegtay in askarta ay soo hujuumtay, xilli ay muuq aalo ka qaadane ysay meel ku dhow Sa ldhiga Booliska Jowhar, islamarkaana ay weydiiyeen aqoonsigeeda, iyana ay u sheegtay inay dalkeeda dhexjoogto, aanaan loo baahnayn in aqoonsi la wey diiyo. Wixii xil ligaasi ka dambeeyay, ayay sheegtay in askarta ay ka jebiyeen kaamiradii ay muuqaalka ku duub anaye en, iyadiina ay jirdil kula kaceen, deeta na ay u kaxeeyeen dhinaca Saldhiga Bo oliska Jowhar.

Waxaa ay intaasi ku dartay in la wac ay oo dhacdadaasi lagu wargeliyay Tali yaha Saldhiga Booliska Jowhar, Max amed Siyaad Cali (Canjeex), bedelkii uu wax xalin lahaana uu dhinaciisa ka jirdi lay, sida ay tiri. Baraha bulshada, ayaa lagu faafiyay sawirran muujinaya dhaaw ac gabadhaasi kaga yaala dhanka weji ga, taasoo keentay in bulshada qaybtee da ay cambaareyso Booliska Jowhar.

Taliye Canjeex oo ka jawaabaayay eedeymaha loo soo jeediyay, ayaa si adag u beeniyay, waxaana uu dafiray dhaawaca muuqda ee Saxafiyadda ka soo gaaray wejiga. Isagoo sheegay in ay dhaawac ay sheegyso uu ahaa mid horey ay u qabtay waxan uu sheegay in aan dhibaato loo geysan ayna diiday markii askarta ku yiraahdeen dacbaan kuu qabnaa waxaana uu shegay in ga bahdaasi sadhigga dhaxdiisa ay ku sa meysay dagaal sidaas darteedna ay ho oyadeed askarta ka codsatay in ay xira an maaddama aysan hadal yeelineyn si daas ayaa xogga loo xiray ka dibna wa la sii daayey, anag ciidamada boliiska haddaanu nahay waan naqaanaa sida bushada loola dhaq mo mana ahin kuwa dadkooda dhiba waxaan sameynaa wi xii sharciga noo oggol yahay marka sax aafiyiinta waxaa laga rabaa inay dhowra an wixii sharuuc ah ee dalka u degsna gabadhana wariiye ahaan uma xireneyne waxaay u xirneyd muddo gaa ban hooyadeed

KENYA OO RUKHSADDII KA QAADDAY 2 KAMID AH SHIRKADAHA DIYAARADA HA EE SOMALIA U DUULA

Mas’uuliyiinta Duulista Hawada dalka kenya ayaa khamiistii la joojiyey 2 diya radood oo lagu eedeeyay inay badecoo yin sharcidarro ah u dhoofinayeen dhin aca Soomaaliya. Agaasimaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada Kenya, Gil bert Kibe ayaa sheegay in sidoo kale ru khsaddii laga qaaday 2dii shirkadood ee lahaa diyaaradahan oo aan magacooda la shaacin.

Dhinaca kale faahfaahin lagama bixin badeecooyinka sharcidarrada ah ee shirkadahan lagu haysto,balse arrintaan ayaa ku soo beegmatay xilli Hay’adda QM u qaabilsan Duulista Hawada ee (IC AO) ay baarayso awoodda D/Kenya u leedahay badqabka duullimaadyada.

ISBITAAL KU YAALLA K/ KUURIYA OO DAB AY DAD KU DHINTEEN UU KA KACAY

Dabka ayaa ka kacay isbitaalkan oo ah mid inta badan lagu daryeelo dadka da’da ah. Waxaana loo maleynayaa in uu dabku ka bilowday qolka la dhigo da dka ku jira xaaladaha degdega ah .

Ku dhawaad 70 qof ayaa sidoo kale dabkaan ku dhaawacmay, 11 ka mid ah ayaana xaaladoodu halis tahay. Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay intaasi ka badato .Wararku waxa ay sheegayaan in qiyaastii 200 oo qof oo bukaan ah ay ku sugnaayeen gudaha dhismaha iyo xarunta ku dhaw ee kalkaaliyayaasha, dad badan ayaa laga soo daadgureeyay halkaasi.

Madaxa dabka Kuuriyada Koonfur eed Choi Manwoo ayaa u sheegay we rriyayaasha in waxa sababay dabkan aanan la ogeyn illaa iyo haatan. Mr Choi waxa uu intaasi ku daray in dadbku ka kacay labada dhisme qiyaastii 7dii iyo barkii xiliga Kuuriyada Koonfureed, oo ku beeganeyd saq dhexeHabeen hore .

Sawirada laga soo qaaday isbtiaalka ayaa muujiyay in dhismaha uu qariyay qiica dabka oo xoogganaa uuna aad u gubtay, balse bukaanada laga soo bad baadiyay. Sida laga soo xigtay afhaye enka madaxweynaha Kuuriyada Koonf ureed Cheong Wa Dae, madaxweyne Moon Jaein ayaa haatan qabanaya kul an degdeg ah oo looga hadlayo sida lo ola tacaali karo dabkan.

Isbitaalkaan uu dabku qabsaday ay aa shaqeynayay tan iyo 2008. Dhisma ha kalkaaliyayaasha iyo isbitaalka ayaa na leh ku dhawaad 200 oo sariir.

Illaa 35 shaqaale caafimaad ah ayaa na ka howlgala isbitaalka, sida ay shee geen saraakiisha gobolka uu ku yaallo isbitaalka ee koonfurta Gyeongsang.

Dabka ka kacay isbitaalka ayaa im aanaya kaddib bil uun markii 29 qof oo ku sugnaa magaalada koonfureed ee Jecheon ay ku dhinteen dab ka kacay goob jiimka lagu ciyaaro.

R/WASAARE KHAYRE "WAA LAMA HUR AAN IN SOOMAALIYA AY KU SOO NOQOTO SAAXADDA CAALAMKA.”

R/ Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dardargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto ga sho hirgelinta isbedelka ay wado, isa goo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka. Isagoo ka hadlayay kulan ka qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka

(WEF2018 ee M/Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Sooma aliya, wuxu yiri Md.Khayre "D/ Soomaali yeed way ka go’antahay inay fuliso ball amaha ay u qaaday ummada Soomaal iyeed. laakiin waxaan ognahay in hirgel inta mashaariicda dibu habeynta iyo qorshaheega horumarineed oo ay ka mid tahay dhisidda amniga, mashaariic da kaabayaasha, dhismaha hay'adaha dawliga ah iyo dib u soo noolaynta dha qaalaha ay u baahanyihiin hanti .”

"Soomaaliya kaligeed ma fulin karto arrimahaas iyada oo dhaqaalaheedu xa didan yahay culayska daynta ay dhaxa shayna uu gaarsiisan yahay ilaa lix bil yan oo doolar,” ayuu yiri R/Wasaare Khayre, waxuuna hoosta ka xariiqay in dardargalinta dayn dhaafka iyo la xiriir ka hay’adaha maaliyadda caalmiga ay muhiim u tahay horumarka waddanka.”

"Xukuumaddaydu waxay ku howlant ahay la shaqaynta hay’adahaas waxay na ku dadaaleysaa sidii ay u fulin lahayd shuruudaha loo qoondeeyay si ay u joo gtayso xiriirka una wanaajiso maaraynta maamulka maaliyada,” ayuu yiri, isagoo timaamay inuu ku kalsoon yahay in lagu guulaysan doono fulinta arrintaasi.

Ganacsatada Soomaaliyee ayuu ku aamaanay doorkii ay ka qaateen badba adinta dalka, wuxu yiri: "In kasta oo ay dhib badan soo mareen, haddana shirk adaha gaarka loo leeyahay ee Soomaal iyeed waxay si joogta ah u bixinayeen adeegyo muhiim ah ee ku saabsan bad baadinta iyo soo noolaynta ummadda, isagoona tilmaamay in xawaaladuhu ay yihiin illaha maalgashiga ee muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay isbaheysi waxku ool ah in ay samaystaan dawladda iyo shirkadaha ganacsiga leh.

Wuxu tilmaamay warbixinta Bangiga Aduunku ku qeexay in wax soo saarka Soomaaliyeed uu koray boqolkiiba shan sannadkii 2015 iyo boqolkiiba lix san nadkii 2016, wuxuu ku nuuxnuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo sah aminta qaybaha kale ee dihin ee khay raadka dalka.Biyaha Soomaaliya waxay ka mid yih iin meelaha ugu qanisan ee kalluumeysi ga qaaradda Afrika iyada oo haddana khayraadka baddeena dhererkeedu yah ay 3,330 km aan sidii la rabay looga kalluumaysan . Waxa kale ee uu sheeg ay Md/Khayre in khayraadka kale ee wa xsoo saarka ay ka mid yihiin 8.5 milyan oo hektar ee dhul beereed ah iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka la gu daro macdanta aan wali la taaban.

Md.Khayre ayaa tilmamaay haddii si sax ah loo isticmaalo dhammaan khayra adka dalkeena, waxaa Soomaaliya u su urto geli doonta in aysan ka welwelin helitaanka cuntada, abuurista shaqooy inka, kordhinta dakhliga dawladda, iyo inay gacan ka geysato ganacsiga caala miga ah.

Waxa kale ee uu sheegay inay sama yeen bartilmaameed lagu yareynayo sa boolnimada iyada oo la adeegsanayo hi rgelinta marinraacyo lagama maarma an ah, qaabsharciyeedo iyo jawi maal gashi oo cusub. "Soomaaliya, waxay diy aar u tahay inay dib u bilaabato kaalinte edii taariikhiga ahayd ee ahaa in ay no qoto albaabka ganacsiga Afrika, iyada oo adeegsanaysa xeebteeda badweyn ta Hindiya iyo badda Cas,” ayuu yirii Md/Khayre. Wuxuu tilmaamay in Soom aaliya oo shacabkeedu u badan yahay dhallinyaro, ay si xoog leh uga faa’iidays an karto fursadaha jira, fulin kartana si yaasadaha loo baahan yahay, isbedel dhaqaalana ku guulaysan karto. "Adee gyada ay bixin karto waxa ka mid ah wa xbarashada, shaqo abuurka iyo kor u qaadista maciishada, taas oo aad u yarayn karta in dhallinyarada lagu duufs ado been abuurka ay ku adeegsadaan kooxaha xag jirka ahi,” ayuu yidhi Md. Khayre, wuxu raaciyey in dawladdu qa aday talaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sugida amniga iyo

isbedelo siyaasadeed iyo kuwo dastu uriya. R/Wasaare Khayre ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay madaxda sare ee hay'adaha caalamiga ah iyo madaxda caalamka ee shirka ka soo qayb galay, waxaana ka mida ahaa Christine Lag arde oo ah Madaxa IMF, Kristalina Geo rgieva, Madaxa Agaasimaha Bangiga Adduunka, Akinwumi Ayodeji Adesin, Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika, Madaxa WEF Borge Brende iyo sidoo kale Madaxda waddamo dhawr ah sida R/wasaaraha Norway Ernest Solberg, R/asaare ku xigeenka Ruushka ahna Wasiirka Warshadaha iyo Tamarta Arka dy Dvorkovich, R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qadar Sheikh Mohammad bin Abdulr ahman Al Thani, iyo kuwa kale. Waa ma rkii ugu horaysay uu wafti Soomaaliye ed ka qaybgalo shirkan caalamiga ah ee Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka (WEF2018) ee lagu qabto magaalada Davos ee dalka Switzerland.Dhamaad

DOORASHADA KURSIGII XILDHIBAANNIMO EE SANBALOOLSHE OO BERRI LAGU QABANAYO JOWHAR

Waxaa Maanta lagu wadaa in M/Jow har ka dhacdo doorashada Kursiga Xi ldhibaanimo ee Beesha Cali Madaxwey ne, kaasoo uu mar kale dib ugu tartami doono C/llaahi Maxamed Cali Sanbalool she oo horay u waayay kursigan markii loo magacaabay xilkii Taliyaha NISA.

Guddiga Madaxa bannaan ee doora shooyinka Qaran ayaa ku howlan diyaar inta doorashada Kursigan, waxaana M/ Jowhar ku qul qulaya Musharaxiinta ku tartamaya kursigaas oo gaaraya illaa 6 musharax oo mid ka mid ay tahay Dum ar. 6 Musharax ee kursiga ku loolama ya ayaa iska diiwaan geliyay Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, sida lacagaha laga rabo musharaxiinta ee shanta kun oo dollar ($5,000)

Ergooyinka dooranaya kursiga Xildhi baanimo ayaa ku sugan M/Jowhar, wa xaana la filayaa in tartanka kursigan uu ka mid noqday tartamada ugu xamaasa da badan, marka loo eego xilliga uu ku soo aaday. Sanbaloolshe oo kursigan Xildhibaanimo ee beeshiisa ku guuleys tay sanadkii 2016 ayaa mar kale u cad cad, hase ahaatee waxaa loolan kala ku lmayaa Musharaxiin ay isku heyb yihiin, kuwoo horay uga soo muuqday xilal ka la duwan.

Musharaxiinta ugu cad cad kursigan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cos oble,Daahir Cabdulle Cawaale oo ka mid ahaa Musharaxiinti isku soo sharax ay doorashadii sanadkii hore ee xilka Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku guul eystay Maxamed Cabdi Waare, Nuur Iid ow Beyle oo ahaa Xildhibaan Baarlama ankii 9aad.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO MAGACYADA MUSHARAXIINTA KU TARTAMAYA KURSIGA XILDHIBAANIMO EE GOLAHA SHACABKA BEESHA

1C/llaahi Maxamed Cali Sanbalo olshe

2 Cali C/llaahi Cosoble

3 Dahir Cabdulle Cawaale

4 Nuur Iidow Beyle

5 Dahabo Xasan Axmed

6 Xuseen Axmed Geelle

FAAHFAAHIN DHEERAAD AH OO KA SOO BAXAYSA NIN AJNABI OO LAGU DILEY MUQDISHO

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan dil loo geystey mid ka mid ah shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka xoogsada M/Muqdisho kaasoo u shaq eynayay hay’ada UNICEF. Ninkan oo la sheegay inuu u dhashay dalka Uganda ayaa lagu dilay xarun ay hay’adu ku lee dahay degmada Wadajir waxana uu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xaruntaas.

Dilka ninkan cunto kariyaha ahaa ay aa la sheegay inuu ka dambeeyay mid ka mid ah ilaalada xaruntaas. Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka baxsaday xarunta, balse ciidamada am maanka ayaa ku daba jira dambiilaha dil ka geystay, sidoo kalena ay baarayaan sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale waxaa halkaas gaaray ciid amada Midowga Afrika ee AMISOM wa xayna ka kaxeeyeen shaqaalihii ajnabi ga ahaa ee xafiiskaas ku sugnaa. Meyd ka Cunta kariyihii u dhashay Uganda ee lagu dhex dilay Xarunta UNICEF.

MARKAB SAANAD MILATERI U SIDAY AMI SOM OO MARKII U HOREYSAY KU XIRTAY DEKEDA BARAAWE

Markab Saanad Milateri u siday AMIS OM ayaa markii u horeysay ku xirtay De keda Baraawe ee G/Sh/Hoose. Xilliga uu Markabka ku soo xiranayay Dekeda Baraawe ayaa waxaa ku sugnaa Gud doomiyaha G/Sh/Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Md.Najax ayaa sheegay in markabkan uu saanad iyo sahay u siddo Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baraawe "Waxaa Dekadda Baraawe Ku soo Xirtay Markab Sida Sa adka Ciidanka Xooga Dalka Soomaliy eed iyo AMISOM, waxaana Suura Geli yay Nabada Iyo Hormarka Ka Jira M/Ba raawe”ayuu yiri Gud. Najax

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dho waan dayactir ku sameyn doonaan garo onka diyaaradaha Baraawe, si uu uga qeyb qaadato baahiyaha ka jira Baraa we. Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baraawe ayaa go’doon ku jira, waxaana sahayda iyo saanada Milateri ee looga qaadi jiray M/Muqdisho ay ku gaareysay Baraawe maalmo, iyadoo waddada loo galayay gaadiidka saanada iyo sahayda u siday. 

MAREYKANKA OO DOWLADDA SOMALIYA KU EEDEYEY IN AY CARRUUR KU LEYSAY SHABEELAHA DHEXE

Waaxda Ciidamada mareykanka u qa abilsan howlgalada Afrika ee Africom ay aa waxa ay qirteen inay ku dileen dhowr shacab iyo caruur iskoolay ahaa intii ay ku guda jireen weeraro ay ka fulinayeen qaybo kamid ah Somaliya. Weerarka oo dhacay isbuucii lasoo dhaafay ayaa wa xaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada ga arka ah ee mareykanka u qaabilsan ho wgalada afrika iyo ciidamada katirsan kuwa dowladda Somaliya ayaa waxa ay weerar ku qaadeen iskuul la sheegay in alshabaab ay ku tababarayeen.

Dadka weerarkaas ku dhintay qaark ood ayaa waxaa ka soo dhax muuqday caruur ay da’doodu ka yartahay 18 sano jir.

Ciidamada militariga mareykanka ayaa ku andacooday in Alshabaab ay caru urta iskuulkaasi dhigata barayeen howlo argagaxiso. Sida lagasoo xigtay qaar ka tirsan madaxda Alshabaabna 4 caruur ah iyo macalinkood ayaa lagu dilay wee rarkaas ayadoona goor sii horeysay sar aakiil katirsan dowlada Somalia ay ku andacoodeen in wax khasaara ah uu san geesan weerarkaas.

Ciidamada mareykanka u qaabilsan howgalada geeska afrika ayaa horay lo oga diiwaan galiyay in dad shacab ah ay ku dileen dhowr weerar oo ay ka gay steen qaybo badan oo ka mid ah Som alia, bishii November baaritaan uu same eyay wargayska Daily best ayaa waxa uu ku soo ogaaday in Washington ay is ku dayday in ay qariso dhimashada 10 shacab soomaali ah oo ku dhintay wee raro ay gaysteen ciidamada mareykan ka horaantii bishii August.

Weerar ay ciidamada mareykanku ay gaysteen koonfurta Somalia gaar ah aan deegaanka bariire ayaa waxaa ku dhintay shacab iskugu jira haween iyo caruur taas oo dhalisay in boqolaal Som ali ah oo ku sugan deeganaas ay same eyaan banaabaxyo ay ku dal banayeen in ay cadaalad helaan dadkii ku dhintay weerarkaas.

WASIIR KA TIRSAN MAAMULKA PUNTLAND OO GEERIYOODAY

M/Muqdisho waxaa ku geeriyooday Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maam ul goboleedka Puntland sida ay xaqiijiye en Masuuliyiin ka tirsan Maamulkas.

Allaha u Naxariistee Wasiir Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe). Ayaa maalmihii u dambeysay ku xanuunsanayay M/ Muq disho,isga oo la sheegay in uu ku dha cay cudurka Sonkorta( Macaanka).

Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe). Ay aa sidoo kale waxa uu mar soo noqday Wasiirka Kaluumeysiga Puntland, sidoo kaleMadaxweynaha Maamulka Khaat uma. Sidoo kale waxa uu nasiib u yeesh ay in uu kas oo dhex muuqdo Wasiiradii uu Magacaabay madaxweynaha Maam ulka puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas Bishii August ee sannadkii hore isaga oo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Puntl and.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobole edka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay ge erida ku timid Wasiirkii Beeraha iyo War aabka Maamul goboleedka Puntland Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe).

MIDOWGA AFRIKA OO CAMBAAREEYAY HADALLADA DONALD TRUMP

Wasiiro arrimo dibadeedka M/Africa ayaa sheegay in marnaba Africa iska dhigatiri doonin hadalada ka soo yee ray Donald Trump kuwaas oo amaaka ak ku noqday dadka ku dhaqan qaarra da, gaar ahaan erayadii adkaa ee uu adeegsaday. Wasiirro arrimo dibadeed ka M/Afrika in aysan ka amaamusi doon in go’aankiisa ku saabsan Quddus iyo hoos u dhigidda miisaaniyadda nabad da Adduunka.

Warbaahinta ayaa Trump dhowr maal mood ka hor ka soo warisay in dalal si da Haiti iyo El Salvador, iyo sidoo kale dalalka Afrika uu ku tilmaamay in ay yih iin qurun,Madaxda Qaarada Africa ayaa siweyn ugu jahwareeray erayo u muuqd ay bahdil oo Donald Trump uu u adeeg saday qaarrada isaga oo adeegsaday Eray uu ku tilmaamay qaarada Afrika meel ‘’Qurun ah’’

ALSHABAAB OO XUKUN GACANGOYN AH KU FULIYAY 2 NIN

Al Shabaab, ayaa 2nin xukun gacang oyn ah ku fuliyay gelinkii dambe ee Kha miistii, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay jabsadeen dukaan ku yaala Deega anka Ambareeso, D/Baraawe ee G/Sh/ Hoose. Iyadoo fagaare ku yaala Kuunyo Barrowlaga fuliyey xukunkaasioo ay sheegn inuu yah ay (Xaddu Sariqa).

Qaadi ka tirsan Ururka Al Shabaab, ay aa intii aanu xukunka dhicin ka hor faga arahaasi ka sheegay in Xasan Maxam ed Yuusuf oo 45 jir ah iyo Max amuud Maxamed Xasan oo 54 jira, ay jabsad een dukaan ku yaala Deegaanka Amba reeso, islamarkaana ay ka qaat een lac ag uu cadadkeeda ku sheegay 17. 673 Kun oo shilin Soomaali ah. Qaa diga, ay aa intaa ku daray C/lla Bakar Cabdalla oo ah milkiilaha dukaanka inuu Maxkam adda Al Shabaab ee D/K/waarey soo ga arsiiyay in 2daasi nin ay jabsadeen du kaankiisa.

Baaritaano ka dib ay Qirteeniyadoo xukunkooda uu oqaday in lagan jaro, ga cnat Midig mid kasta iyo inay u celiyaan lacagta Milkiiha Dukaanka ay ka dhacen

WAA SHAQSI CEYNKEE AH GUDDOOMIYAHA CUSUB EE 



GOBOLKA BANAADIR ENG.YARIISOW?

Ing.Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer {Eng. Yariisow} ma aha nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, waxana uu muddo la soo shaqaynayey daw ladihii kala danbeeyey ee soo maray Soomaaliya isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kuwo was iirnimo oo dhawr ah. Sidoo kale, Mudane Yariisoow waxa uu muddo ka soo shaqaynayey arrima ha bulshada isagoo kaalin firfircoon oo hogaamineed ku lahaa dhaqdhaqaa qyadaasi oo dalka gudihiisa iyo dibadd iisa ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu soo noqday Wasiirka lacagta, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Mad axtooyada iyo Xukuum adda,,Lataliye Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, isagoo sidoo kale 10 sano ka shaqaynayey Dawladda Hoose ee mag aalada London ee dalka UK.

Marka la eego khibraddiisa shaqo wa xaa kuu soo baxaysa inuu yahay qof ku habboon xilka loo magcaabay, gaar aha an khibraddiisa dhinaca Dawladaha Ho ose. Sidoo kale, waa nin aqoon dur ug san u leh maaraynta iyo maamulka, wax ana uu culuum kala duwan ka bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo dhawr Jaamacadood oo Ingiriiska ku yaalla.

SIYAASI QAANGAAR AH

Marka laga tago aqoonta Jaamacadeed iyo shaqo ee uu leeyahay Mudane Ca bdiraxmaan Cumar Cusmaan, waxaa u dheer inuu yahay siyaasi gaamuray oo si wanaagsan u garanaya waaqica dal ku marayo iyo duruufaha caasimadda iyo dalka guud ahaan ku geedaaman, 12kii sano ee u dambeeyay ayuu la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo ma ray.

Waa siyaasi qunyarsocod ah oo wa xa uu doonaya dood iyo isqancin ku dhamaysta, mana aha qof khilaaf badan abuura oo dadkana ay iska hor yima adaan, waana sababta aan is leeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu dooran karo marka laga tago aqoontiisa iyo xirfadihiisa tirade badan.

Yariisow Runtii, dhammaan xilalka uu soo qab tay waa nin lagu soo ammaanay oo ays an eed iyo xurguf ka iman, waxana si doo kale xusid mudan in lagu tilmaamo qof ceeb ka saliim ah dhinaca musuqm aasuqa iyo lunsiga hantida dadweyna ha. Mudanaha waxaa sidoo kale lagu til maamaa qof saaxiibbo badan oo Soo maali iyo caalami ah leh, waxana uu ku kasbaday shaqada iyo dabcan shakhsi yaddiisa qof ahaaneed ee ku dhisan mu tawaadicnimo ama islaweyni la’aan, ixt iraam, daacadnimo, xanaf la’aan, dega naan iyo bisayl, aragti dheeri iyo fahmid da bii’adda iyo cidda uu ku shaqaynayo.

Marka la eego siyaasiyiinta Soomaali yeed, waxa inta badan iska horkeena damac iyo danaha gaarka ah ee loo bar atamo ama la kala badsanayo, laakiin waxa lagu bartay Guddoomiye Cabd iraxmaan Cumar Cismaan waa in uu mar walba hor mariyo danta guud, waxana laga dheehan kar aa qaab nololeedkiisa oo aysan wax weyn iska beddelin isa goo xilal kala duwan soo qabtay. Wax aa muuqata in aan la filayn inay iska hor yi maadaan madaxda sare ee dalka iyo qa ybaha kale ee wax kala dhexeeyaan.

MAXAA LAGA FILI KARAA?

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxa uu ku soo bee gmay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya marayso meel isbedel ah. Marxaladdan waxaa la jaanqaadi kara qof garish ad eeda leh oo xaaladaha iyo duruufaha ta agan si waaqici ah u darsi kara, una sa maysan sidii uu ula falgeli lahaa caqaba daha tirada badan ee soo foodsaara.

Caasimadda Muqdisho waxay xarun u tahay hay’adaha dawladda dhexe, waxa na ay leedahay xaaladaheeda iyo caqa badaheeda u gaarka, waana meesha ay ku nool yihiin muwaadiniinta ugu bad an ee dalka oo u baahan inay adeeg dawladeed helaan.

Guddoomiye Yariisoow caqabada ha jira ee la doonayo inuu wax ka qabto waxaa ka mid ah:

AMMAANKA

Magaalad Muqdisho waxay soo martay marxalado kala duwan oo dhinaca ammaanka ah, waxana hadda jira rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo in ammaanka caasimaddu soo haga ago. Guddoo miye Yariisoow waxaa la ga rajaynayaa in uu la yimaado qaab iyo qorshe lagu xasilin karo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.

Horumarinta iyo Bilicda Caasimad da Guddoomiye Yariisoow oo aqoon durugsan u leh dhin aca maamulka iyo horumarinta Dawladaha hoose, waxaa dad badan oo caasimadda ku nool ay ka filayaan inuu wax ka qabto dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasima daha kale ee gobolka iyo adduun kaba. Sidoo kale, waxaa laga rajaynayaa bi xinta adeegyada bulshada, maaraynta dhaqaalaha iyo canshuuraha la qaado.

XAL SIYAASADEED

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo siyaasadda muddo ku soo jiray waxaa looga fadhiyaa sida uu u wa ajaho arrinta ku saabsan xaluhelidda meeqaamka caasimadda iyo sida ay matalaad u heli lahaayeen dadka ku no ol caasimadda. Arrintan oo ah mid dast uuri ah oo caqabad eeda leh, kuna xiran dastuurka qabyada ah iyo shaqada baar lamanka, haddana, waxaa loo baa han yahay in loo helo caqli iyo xal maangal ah oo aarintan laga gaaro.

GUNAANAD

Marka la eego xilliga uu ku soo aad ay Guddoomiyaha cusub Cabdiraxma an Cumar Cismaan (Yariisoow) waxa weeye mid muhiim ah oo la oran karo waxaa la fili karaa isbedel sal ballaaran oo la taaban karo. Sidoo kale, marka la eego aqoonta iyo khibradda uu leeyah ay Guddoomiyuhu waxaa rajo laga qa baa in uu si wanaagsan ula tacaalo ca qabadaha jira ee soo faadsaari doono, isla markaana uu waajibaadka loo igma day u guto.

Waxaa xusid mudan, in guddoomiye Yariisoow uu u baahan yahay taageero iyo inay gacansii yaan shacabka Soom aaliyeed ee caasimadda ku dhaqan iyo weliba dawladda dhexe. Waxaa kale oo loo baahan yahay in mudanuhu xusho dad karti iyo aqoon leh oo kala sha qeeya arrimaha faraha badan ee culus oo hor yaalla.

WAXAA DIYAARIYAY AHMEDNUR MOHAMED

AXMEDNUUR59@GMAIL.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip