
AFHAYEENKA AMISOM: Doomo Dhawr ah ayaa xalay rasaaseeyay Garoonka diyaaradaha Xamar
"Way
jirtaa in xalay fiidkii ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha Aadan
Cadde ee Muqdihso, ayna dhowr jeer soo rasaaseeyeen, iyaguna ay u
jawaabeen balse aan la dhihi karin garoonka ayaa la weeraray,” ayuu yiri
Col. Paul Njuguna.
Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ma uusan sheegin cidda iska leh doomaha xalay rasaasta ku furay garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena ma uusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska-horimaadkaas.
Dhanka kale, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarkaan ay soo qaadeen garoonka ayna ciidamada AMISOM ugu jawaabeen rasaas fudud iyo mid culus oo inta badan laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa wuxuu sababay in diyaaraddii Turkish Airlines oo maalin kasta duulimaad ku imaan jirtay Muqdisho ay maanta baaqatay, balse illaa hadda ma jirto wax faah-faahin oo laga bixiyay baaqashada duulimaadkeedii Muqdisho.
Ugu dambeyn, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ilaalaya ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia; iyadoo aysan jirn cid sheegatay mas'uuliyada weerarkii xalay dhanka badda looga soo qaaday garoonka diyaaradaha.
AFHAYEENKA AMISOM: Doomo Dhawr ah ayaa xalay rasaaseeyay Garoonka diyaaradaha Xamar
Xilli xalay rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo ay AMISOM kaga jawaabaysay Weerar ay dhanka badda kaga soo qaadeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa maanta ka hadlay arrintaas ciidanka AMISOM