Ciidaanka Nabadsugida oo Gudaha u galay Hotel Shir Muhiim ah ka socday.

0
Monday December 14, 2015 - 20:15:31 in Wararka by
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidaanka Nabadsugida oo Gudaha u galay Hotel Shir Muhiim ah ka socday.

    Waxa Maanta Ciidamada Nabad Sugidda Qaran ay xoog ku galeen Hotel Naasa Hablood Two oo ku yaalo Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir,waxaana Hotelka ka socday Shir Muhiim ah oo ay ka soo qeybaleen Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Mudulood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Maanta Ciidamada Nabad Sugidda Qaran ay xoog ku galeen Hotel Naasa Hablood Two oo ku yaalo Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir,waxaana Hotelka ka socday Shir Muhiim ah oo ay ka soo qeybaleen Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Mudulood.

Shirkaan oo looga Hadlayey Arimaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyo sida Dowladda ay ugu gaabisay in Maamul ay leeyihiin shacabka ku nool labadasi Gobol loogu dhiso ayaa Hal mar laga war helay Ciidamo badan oo soo buux dhaafiyey Halka uu shirka ka socday, waxaana lagu amray Wariyaasha iyo dhammaan dadkii ka qeybagalay shirkaasi in aysan bixi karin.


image

Shirkaana ayaa sidoo kale lagu waday in lagu soo bandhigo Aragtida Beesha ay ka qabto Doorasho Noocee ah oo Dalka ka dhici karto 2016-ka.

Siyaasiyiinta Caanka ah ee shirkasi Joogay waxaa ka mid ahaa Ra’iisal Wasaarihii Hore Somaliya Cali Maxamed Geedi, Siyaasi Salaad Cali Jeele, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo waxgrad kale.

Dowladda Somaliya oo Amarkaan ka soo baxay ayaa waxa ay Daliil u tahay sida Dowladda aysan Raali iyo Diyaar ugu aheyn in Maamul ay u sameyso Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,waana dhacdadii ugu Horeysay ee Shir socda oo siyaasiyiin Culeys ku leh dalka in la amro in la joojiyo.

Xigasho:- somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip