
Prof Stephen Nzuve oo wax ka dhigaayay Jaamacada Nayroobi oo lagu toogtay Magaalada Nayroobi
Kooxda weerarkaasi geysatay ayaa la baxsatay 3 computer oo ah kuwa gacanta lagu qaato ee loo yaqaanno Laptob-ka, lacag aan cadadkeeda la cayimin iyo qalab kale.
Booliiska oo tagay goobta falka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay inay baxsadeen raggii ka dambeeyay weerarka lagu dilay Ninkaasi Macalinka ahaa.
Mid ka mid ah dadka dariska la ah Professorka oo lagu magacaabo Mutinda Mwanzia ayaa sheegay in burcada ay mudo 3 saacadood ah argagax galinayeen qoyskaasi.
Booliska ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hada ogeyn sababta macalinka Jaamacada loo dilay, waxyaabaha ay baarayaan iminkana ay ka mid tahay inuu horay u helay fariimo hanjabaad dil ah iyo in kale.
Professor Stephen Nzuve oo ahaa aqoonyahan wax ku soo bartay Jaamacado dalka dibadiisa ah ayaa waxa uu muddo ka badan 35 sano ahaa macalin Jaamacadeed oo wax ka dhiga maadada Maamulka Ganacsiga ee afka qalaad lagu yiraahdo Business Management.
Prof Stephen Nzuve oo wax ka dhigaayay Jaamacada Nayroobi oo lagu toogtay Magaalada Nayroobi
Kooxo hubeysan ayaa habeenimadii xalay toogasho ku dilay Macalin wax ka dhigi jiray Jaamacada Nairobi University, kaas oo lagu magacaabi jiray Professor Stephen Nzuve. Dabley ka kooban 5 ruux oo gudaha u gashay aqalka Profesorka ayaa handaday isag