
Soo Xulidda Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya: Aragtida Shacabka
Soomaaliyeed. Natiijada cilmibaaristan waxa ay soo bandhigaysaa xog lagu kalsoonaan karo, metelina karta dadka deggan shan magaalo ee ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan Soomaaliya, si ay cilmi-baaristu wax ugu biiriso geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.
Maaddaama doorasho xor ah aanay dhaceynin, in ka badan kala bar (51 boqolkiiba) waxa ay sheegeen in odayaasha dhaqanka ama in waxgaradka beel kasta (clan constituency assembly) ay yihiin habka xulidda oo ay door bidayaan. In ka badan 27 boqolkiiba oo dadkaasi kamid ah ayaa ku jawaabay in ay doonayaan in odayaasha dhaqanku ay soo xulaan xildhibaannada sidii ay usoo xuleen 2012, halka ku dhawaad afar meelood meel ay doorbidayaan in waxgaradka beeluhu ay soo xulaan xildhibaannada.
Dhanka kale, hab xulid ku saleysan gobollada/maamul goboleedyada ama degmooyinka ayaa sidoo kale ahaa hannaan ay doorbidayeen qaar badan oo ka mid ah dadkii xog uruurinta laga sameeyay. 41 boqolkiiba ayaa door bidday degmooyin ama maamul goboleedyada/gobollada in lagu saleeyo metalaadda intii qabiil lagu saleyn lahaa. Ku dhawaad afar meelood meel (22 boqolkiiba) waxa ay sheegeen in ay doonayaan in degmooyinka lagu saleeyo soo xulidda xildhibaannada, halka (19 boqolkiiba) ay doorteen in soo xulista xildhibaannada lagu saleeyo maamul goboleedyada.
Halkan kasoo rogo warbixinta oo dhameystiran
Copyright © 2014 Heritage Institute for Policy Studies. |
|
Soo Xulidda Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya: Aragtida Shacabka
Machadka Heritage waxa uu bilaabay cilmibaaristan si uu dood ugu biiriyo hababka kala duwan ee si nabad ah awoodda loogu wareejin karo sanadaka 2016 isaga oo isticmaalaya xog si cilmiyeysan loo soo uruuriyay iyo taxliil. Mashruuca waxa uu hadafkiisu