War saxaafadeed : Xiriirka Soomaaliya iyo China oo 55-sano jirsaday

0
Monday December 14, 2015 - 19:18:02 in Wararka by
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War saxaafadeed : Xiriirka Soomaaliya iyo China oo 55-sano jirsaday

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faaneysaa inay u dabaal degto 55-sano guurada ka soo wareegatay Xiriirka Soomaaliya iyo China oo ah mid laba geesood wadaag ah oo miradhal leh .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faaneysaa inay u dabaal degto 55-sano guurada ka soo wareegatay Xiriirka Soomaaliya iyo China oo ah mid laba geesood wadaag ah oo miradhal leh . Soomaaliya iyo China waxaa ay wadaagaan xiriir taariikheed qoto dheer iyo aragti mideysa ka guul gaaridda horumarka iyo barwaaqadda oo ku dhisan xushmad wadaag iyo iskaashi hiigsi leh .

Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabkeeda waxaa farxad u ah taageerada joogtada ah ee China , iyo dadaalada aan dib ugu dhiseyno dalkeena. Shacabka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Shacbiga China waxa ay cadeeyeen ka qeybgalkooda tooska ah iyo taageerada kala duwan ee ay u fidinayaan Soomaaliya .

Maalintani taariikhda leh , Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la dabaal degeysaa China , hore-usocod horumar leh, waxaanu raadineynaa wax wadaagid si loo gaaro horumar joogta ah iyo iskaashi dhaqaale oo guul leh .

1px
©2015 Section of Press and Public Relations ( PPR) - Ministry of Foreign Affairs and Investment Promotion - Federal Republic of Somalia | ministry@mfa.gov.so,ppr@mfa.gov.so,ppublicrelation@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip