WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 13-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Sunday September 13, 2015 - 10:09:48 in Wararka by
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 13-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA OO U TAGAY KISMAAYO, KA QEYB GALKA CALEEMA SAARKA AXMED MADOOBE Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo uu uga qeyb galayo munaasabada caleema saark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO U TAGAY KISMAAYO, KA QEYB GALKA CALEEMA SAARKA AXMED MADOOBE Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo uu uga qeyb galayo munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo xilligan socota.

 

Sida ay sheegayaan wararka Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota dowladaha Itoobiya iyo Kenya, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka sii horeeyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo gelinkii hore ee shalay gaaray Kismaayo.

Waxaa kaloo gaaray Kismaayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galaya Ma-daxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo darraad gaaray Kismaayo.

Xaflada caleema saarka ka dib ayaa waxaa xalay caawa Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu casho sharaf ugu sameynayaa Xarunta Madaxtooyada wafuuda ku sugan magaalada ee caleema saarkiisa u yimid.

 

MADAXWEYNAHA OO BOQORKA SACUUDIGA UGA TACSIIYEEYAY SHILKII KA DHACAY MAGAALADA MAKKAH

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u direy Adeegaha labada Masjid ee Barakeysan, ahna Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Boqor Sal maan bin Cabdulcaziiz Al Sacuud, isagoo uga tacsiyeynaya dhimashadii iyo dhaawacyadii ka dhashey shilkii ka dhacay masjidka magaalada Makkah oo dad ku cibaadeysanayey uu wiish ku soo dumey.

" Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxan murugada la qeybsanayaa shacabka Sacuudiga iyo shucuubta kale ee Muslimiinta dunida, shilkan dhacay ee dadka badan ay ku dhinteen. Ilaahay ha u wada naxariisto kuwa halkaasi ku shahiiday, kuwa dhaawacmeyna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad deg-deg ah siiyo’’ ayuu yiri Madaxw eynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn dhambaalkiisa ku xusey inuu u rajeynayo dowladda iyo shacabka Sacuudiga inuu Ilaahay siiyo samir iyo dulqaad waqtigan adag ee la soo gudboonaadey, iyagoo weliba isku diyaarinaya martigelinta xujeyda dunida dacaladeeda ka kala imaaneysa

RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADA OO TACSI U DIRAY UMMADDA MUSLIMIINTA DHIMASHADA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ku hadlaya magaca Xukuumada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Muslimiinta, waxa uuna uga tacsiyeeyey dhimashada dadkii ku shahiiday magaalada Barakeysan ee Makkah, dalka Sucuudiga.

"Waxaan tacsi u dirayaa ehelada shacabkii Muslimiinta ahaa ee ku shahiiday mashaqadii ka dhacday Magaalada Barakeysan ee Makka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si gaar ahna tacsi ugu diray dowladdaha, Hindia, Turkey iyo Mas ar oo muwaadiniinta ugu badan ay kaga geeriyoodeen shilkaasi.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdul casiis Al Sacuud, wuxuuna u rajeeyey inuu alle u fududeeyo howsha adag ee badbaadinta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmay shilkaasi.

R/W SHARMAARKE, DANJIRE NICK KAY IYO SAFIIRKA TURKIGA EE SOOMAALIYA OO GAARAY KISMAAYO

Wafdi culus oo uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa shalay soo gaaray magaa lada Kismaayo, iyadoo wafdiga ay ka mid yihiin xildhibaanada deegaanka ka soo jeeda ee Baarlamaanka Soomaaliya ku jira.

Sidoo kale waxaa magaalada Kismaayo gaaray Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya Nick Kay iyo Safiirka Turk iga u fadhiya Soomaaliya, kuwaasoo iyagana lagu soo dhaweeyay magaalada.

Wafdiyo kala duwan ayaa gaaraya magaalada Kismaayo, waxaana hada la sugayaa wafdiga madaxweynaha dal ka Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

MADAXWEYNAHA: ‘’WAA INAAN KU DHIIRANNAA U HIILINTA SHARCIGA IYO CADAALADDA, BARNAAMIJKA BAAHINTA XUKUNKA EE SOCDANA AAN LOO ADEEGSAN IN SHACABKA LAGU KALA QEYBIYO’’‏

Madaxweynaha: ‘’Waa inaan ku dhiirannaa u hiilinta sharciga iyo cadaaladda, barnaamijka baahinta xukunka ee socdana aan loo adeegsan in shacabka lagu kala qeybiyo’’

Muqdisho, 12 September 2015: Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey sannadguuradii 3aad ee ka soo wareegtey markii xilka madaxtinimada ee dalka loo doortey Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda habeen hore dhacdey, oo ay sidoo kale ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole , iyo ururrada bulshada, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo marxaladda dalka uu marayo iyo guulaha la gaarey saddexdii sanno ee la soo dhaafey.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya muddo haatan kaga joogo rubac qarni ay ka burburtey dowlad xooggan, nidaamkii iyo kala dambeyntiina ay meesha ka baxeen, balse dadaal dheer ka dib la qabtey hawl badan oo dowladnimo buuxda waddanka loogu soo celinayo, isla markaana ay wax badan qabsoomeen.

"Wax badan ayaa la qabtey, baahi badanna way jirtaa. Inagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan, ayaan hadana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu macquulsan wax uga qabano. Shacabkeena waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kasta. Haddii aan is kaashano, shacab iyo dowlad, waxaa hubaal ah inaan gaari karno hadafka aan leenahay’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhiirigeliyey in la sii wado hawlaha dib u heshiisiinta oo uu sheegay inay sal u yihiin in Soomaaliya ay iska ilowdo waayihii adkaa ee la soo marey, lana furo bog cusub oo ku dhisan wada noolaansho, is qaabilaad iyo is xurmeyn.

‘’Waa in qof walba lagula xisaabtamaa waxa u geysto, Sax ma ahan in nin dembiile ah falka uu geystey loo saariyo qof kale iyadoo la cuskanayo sababo beeleed iyo waxyaabo kale oo aan munaasab ahayn. Qof walba waa inuu sharciga tixgeliyaa. Haddii aan hab dhaqanka isla xisaabtanka joogteyno waxaa hubaal ah inaan heleyno nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin waarta’’.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu xusey in nidaamka baahinta xukunka la sii wadi doono laga bilaabo min tuulo degmo, heer gobol iyo meel kasta oo baahidaasi ay ka jirto, isla markaana loo baahan yahay in nidaamka federaalka aan loo adeegsan in dadka lagu kala qeybiyo.

"Ujeeddada aan ka leenahay hirgelinta nidaamka federaalka, waxa weeyaan in shacabka ay baahidooda ka tashadaan, iyadoo la raacayo sharciga dalka u degsan. Ma aqbali doono in nidaamkan loo adeegsado in dadka lagu kala qeybiyo ama colaado hor leh loogu abuuro. Cid kasta oo lagu helo inay nidaamka federaalka u adeegsaneyso kala qey binta iyo waxyeellada shacabka, waxaa naga go’an inaan iska qabano, cid walba oo nidaamkan sidii loogu talagaley u adeegsatana waa inaan wada taageernaa’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in lixdii tiir ee dowladdiisa lagu soo doortey ay wax badan ka qabsoom een, ujeedkuna uu yahay in dalka loo sameeyo aasaas wanaagsan oo mustaqbalka horseedi kara helista dowlad adag oo sharciga iyo kala dambeynta sugta, isla markaana caddaalad u sameysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

‘’Lixdii tiir ee aan doorashada ku soo galney saddex sanno ka hor, waxaa ugu muhiimsanaa nabadda oo ah furaha horumarka iyo dowladnimada saxda ah. Guulo badan ayaa la gaarey. Al Shabaab waxaa laga saarey dhulkii ay haysteen intiisa badan. Waxay haatan ku hareen goobo aad u kooban, oo aan filayo in dhowaan la soo afjari doono. Waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidammada Xooogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) iyo shacabka oo iska kaashadey dagaalka lagula jiro Al Shabaab. Si dagaalka looga soo horjeedo argagixisada looga mira dhaliyo, waxaa laga shaqeynayaa sidii uu dalka u yeelan lahaa sharciga la daga alanka argagixisada’’.

Horumarka la sameeyay ee Madaxweynaha uu ka hadley ayaa waxaa ka mid ah adeegyada bulshada sida waxb arashada, caafimaadka, dib u hawlgelinta hay’adaha dowladda, dib u soo nooleynta kaabeyaasha dhaqaa-laha iyo fidinta adeegyada kale ee muhiimka ah.

" Waxaan sannadkan hirgeliney imtixaanaadka dugsiyada sare ee heer qaran, waxaana ku rajo weynahay inaan sii balaarino. Dhismihii Kuliyadaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr, dhowaan ayay ka baxayaan ciidammada AMISOM, waxaana lagu sameyn doonaa dayactir iyo dib u dhis si Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed u adeegsato. Waxaa iyana dhowaan AMISOM ay faaruqin doontaa garoonka ciyaaraha ee Mogadishu Stadium, iyadoo halkaasi dib loogu adeegsan doonoo hawlihii isboorti ee loogu talagaley’’.

Dhinaca dhaqaalaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Guddiga Maamulka Maaliyadda ay dalka u dejiyeen nidaam si hufan lagula socon karo xisaabaadka dowlad da, taana ay meesha gebi ahaanka ka saari doonto in hantida dalka si sharci darro ah loo adeegsado.

Xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay inuu aad u wana agsan yahay, saddexdii sanno ee la soo dhaafeyna ay safaarado badan oo cusub dalka ka furmeen, shirar badan oo caalami ah ay ka dhaceen gudaha dalka, iyadoo aqbalaadaasina ay ku timid dadaalka wanaagsan ee shacabka iyo dowladda u galeen dib u soo nooleynta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay in munaasabaddan ay Soomaalida oo dhan wada leeyihiin, maadaama shaqada iyo hadafka la leeyahay ay yihiin waddanka uu gaaro horumar dhan kasta ah sida amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee bulshada.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOMALILAND IYO KU XIGEENKIISA OO ISKU DHEX FEERAY KALFADHIGA BAARLAMAANKA

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa 1-aad Baashe Maxamed Faarax ayaa shalay isku fara saaray mid kamid ah kalfadhiyada Baarlamaanka Somalialnd.

Fadhiga shalay ee wakiillada Somaliland oo uu guddoominayay Guddoomiyaha golahaasi Mudane Cabdirax maan Cirro oo ay hareero fadhiyaan labadiisa ku xigeen ayaa lagu soo bandhigay mooshin mudaneyaasha muxaafadka ahi ku doonayaan in la meel mariyo go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku doonayay wareejinta Haamaha shidaalka Berbera.

Guddoomiye Cirro ayaa golaha u akhriyay magacyada 38 mudane oo saxeexay mooshinka, kuwaasi oo 5 ka mid ahi maqnaayeen, waxaanu golaha u sheegay in xeer hoosaadka goluhu dhigayo in mooshinnada noocan ah lagaga doodo kalfadhiga dambee golaha wakiilladda, sidaasna fadhiga maantu ku xidhan yahay.

Haseyeeshee, guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa makarafoonka ku qabsaday Guddoomiye Cirro, isagoo u muuqda inuu ka cadhaysan yahay mooshinka dib loo dhigay. Labada masuul oo muran ku dhex maray Makarafoonka oo midba dhinac haystay ayaa buuq dha-iyay.

Markii Buuqaasi la dejiyay ayaa guddoomiye Cirro golaha la hadlay waxaanu ku yidhi "Guddoomiye xigeenku waa inuu ixtiraamo golaha wakiillada iyo xeer hoosaadka golaha. Haddii golaha wakiilladu yeesho laba guddoomiye, dalkuna wuxuu yeelan doonaa laba Madaxweyne.”

Mar labaad ayuu Baashe Maxamed Faarax Makarafoonka Guddoomiye Cirro ku qabsaday, taas oo sababta is jiidjiidad labada guddoomiye isla sara kaceen, ka dibna Guddoomiye Cirro oo aad uga xanaaqay Maamulka golaha ee lagu haysto ayaa feer u jiiday Baashe Maxamed Faarax, ka dibna Qoorsagaaro ku qabtay oo Kursiga ku dul legday, iyadoo taasi sababtay dagaal rasmi ah oo labada guddoomiye dhexmaray golahana buuq ka abuuray.

Intaasi ka dib markii la kala furfuray labada guddoomiye ayaa guddoomiye Cirro ka baxay golaha inta uu makarafoonka ka sheegay inuu goluhu xidhan yahay.

Baashe ayaa isna golaha laga saaray, sidaasna waxaa lagaga dareeray hoolka golaha wakiillada, iyadoo sidoo kale dagaalka madaxda goluhu sababay mudaneyaal kala taageersan oo is faro saaray.

Inkasta oo hore loo arki jiray mudaneyaal is faro saara, waa markii u horaysay ee Cirro iyo Baashe isku faro saaraan fagaaraha Shir gudoonka.

Iyadoo ay jirtay muran ku saabsan xilliga la qabanayo doorashada madaxtinimada maamulka Somaliland ayaa waxaa haatan soo ifbaxay muran ku saabsan wareejinta haamanka shidaalka lagu keydiyo ee magaalada Berbera ee uu Madaxweyne Siilaanyo wareejiyay.

XUKUUMADDA KENYA OO LA SAXIIXATAY DOWLADDA SHIINAHA HESHIIS LA XIRIIRA TAMARTA NUCLEARKA

Dowladda Kenya ayaa Dalka Shiinaha la Saxiixatay heshiis ku saabsan Korontada laga dhaliyo Nulearka , taasoo qayb ka ah Qorshayaal ay ku doonayso Dowladda Shiinuhu inay Bariga Afrika uga hirgeliso Sanadkan 2015-ka Saldhig Awoodda Korontada ee Nuclear-ka laga Dhaliyo, Sida ay shaaciyeen Guddiga dalka Kenya u Qaabilsan Awoodda Tamarta Nuclear-ka.

Kenya ayaa Qorsheynaysa inay markii ugu Horreysay Korontada Nuc-lear-ka laga dhaliyo, taasoo Awooddeedu tahay 1000MW Sannadka 2025-ka, ayay sheegeen guddiga, iyagoo intaas ku daray in awoodda koronto la gaarsiiyo sanadka 2033-ka.

Heshiiskan Is-fahamka ah ee ay kala Saxiixdeen dalalka Shiinaha iyo Kenya ayaa wuxuu u saamaxayaa in dalka Shiinuhu uu Kenya u soo tababaro farsamayaqaanno iyo shaqaale ka Hirgelinaya Kenya Awoodda Koronto ee laga dhalinayo Nuclearka.

Sidoo kale, Guddiga ayaa waxay sheegeen in Kenya ay horay heshiisyo noocan oo kale ah ula saxiixatay dalalka Slovakia iyo South Korea, inkastoo aysan hir gelin heshiisyadaas.

Guddig waxay intaas ku dareen in heshiiska waddamadaas ay Kenya la gashay uu qayb ka ahaa in Kenya loo tababaro 10-arday oo cilmiga Awoodda Koronto ee Nuclearka kusoo baranaya dalka Koonfurta Kuuriya.

Kenya ayaa waxay sidoo kale sannadihii lasoo dhaafay dadaalo ugu jirtay sidii ay dabeysha uga dhalin karonto, iyadoo Baaritaanno dhanka saliidda ahna kawadday Qaybo ka mid ah dalkaas.

Dhanka kale, Kenya oo shacabkeedu si aad ah u kordhayaan ayaa waxaa ciriiri ku noqday Korontoda, iyadoo webiyada dalkaas ay gureen, sidoo kalena ay ku dhufteen qaybo ka mid ahd dalkaas abaaro.

Warbixin uu Bankiga Adduunku Dhawaan soo Saaray ayuu ku Sheegay in 10-kii Ruux ee Kenyaan ah ay Saddex ruux oo keliya awood u helaan inay Koroto helaan; halka dadka ku nool miyaga ay aad u yar tahay inay koronto helaan.

Ugu dambeyn, Koonfur Afrika ayaa ah dalka keliya ee isticmaala awoodda Korontada laga dhaliyo Nuclearka, dhammaan Dalalka ka Hooseeya Saxaaraha Afrika.

RA’IISUL WASAARIHII MASAR IBRAAHIM MAHLAB IYO GOLIHIISII WASIIRRADA OO SHALAY IS CASILAY

Ra’iisul Wasaarihii dalka Masar, Ibrahim Mahlab iyo Xukuumaddiisii ayaa shalay is casilay, ka dib markii ay lasoo Daristay Fadeexad Musuqmaasuq, iyadoo Madaxweynaha dalkaas, C/fataax Al-Sisi ayaa isla shalay Ra’iiul wasaare KMG ah isla shalay u Magacaabay Wasiirkii Shidaalka Masar, Sherif Ismail si Xukuumad Cusub ugu soo dhiso muddo toddobaad gudihiis ah.

Saraakiil ka Tirsan Xukuumadda Masar ayaa AFP u sheegay in Qorshuhu yahay in Xubno Cusub lagu soo daro Xukuumadda, ka dib markii Isniintii lasoo dhaafay la xiray Wasiirkii Beeraha, Salah Helal oo lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush.

Madaxweynaha Masar Al-Sisi ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii Masar, Ibrahim Mahlab uu u soo Gudbiyay is-casilaadda Xukuumaddiisa, isaguna uu ka aqbalay. Isagoo sheegay in uu Wasiirkii Batroolka uu si KMG ah ugu Maga caabay Ra'iisul Wasaaraha Masar, kaasoo uu xusay inuu muddo todobaad ah kusoo dhisi doono xukuumad cusub.

"RW hore ee dalka Masar iyo xukuumaddiisa way sii shaqeynayaan inta iyo inta laga soo dhisayo Xukuumad Cusub oo Xilka kala Wareegta,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Masar.

Warbaahinta Dalka Masar ayaa baahiyay in is casilaaddan ay timid ka dib markii la xiray Wasiirka Beeraha Masar, Salah Helal. Iyadoo loo xiray ka dib uu Al-Sisi weydiistay inuu is casilo, ka dib markii lala xiriiriyay Musuq maasuq si baaris loogu sameeyo.

Sidoo kale, Salah Helal iyo madaxa shaqaalaha Wasaaraddiisa ayaa waxaa lagu eedeeyay inay lacago laaluush ah qaatee, taasoo lagu sheegay inay ahayd mid ay ku doonayeen inay ku iibsadaan hantida Qaranka.

Xukuumadda Is casilay ee Masar ayaa beenisay in ay Musuq maasuqa la Sheegay ku lug leedahay, isla markaana aan isku shaandheyn lagu sameynayn, balse uu yahay qofka lagu eedeeyay Musuq hal wasiir oo keliya.

"Sababta ugu weyn ee xukuumaddu isu casishay waa ka dib markii Al-Sisi uu ka dalbaday Wasiirrada Xuk uumadda Qaarkood inay u Shaqeeyaan sida uu C/fataax Al-Sisi doonayo; isagoo Marmarsiyo ka dhiganaya Adeegyada shacabka oo aan sidii la doonayay wax looga qaban,” ayuu yiri Mustafa Kamel Al-Sayed oo ah Professor Cilmiga Siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Qaahira.

Is-casilaadda Xukuumadii Masar ayaa kusoo aadaysa xilli waddankaas uu isku diyaarinayo Qabashada Door ashada xildhibaannada dalkaas oo ah laba waji oo lagu wado inay dhacaan 17-ka Oktoobar iyo 02-da December 2015-ka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dalka Masar, C/fataax Al-Sisi oo Xukunka Dalkaas kala Wareegtay 2013-kii Mada xweynihii lasoo doortay ee Masar, Maxamed Mursi ayaa Xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Ibraahim Mahlab Sannadkii hore.

WASIIRKII ARRIMAHA GUDAHA UGANDA OO SI LAMA FILAAN AH UGU GEERIYOODAY DIYAARAD DHEXDEED

Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Uganda Jen. Aronda Nyakairima ayaa si lama filaan ah ugu dhex geeriyooday di yaarad uu ku safarayay, isagoo kasoo duulay dalka South Korea oo uu booqasho ku tagay isagoo ku socday Kampala, sida ay shalay oo Sabti ah sheegeen sheegeen mas’uuliyiin dalka Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha Uganda, Ruhakana Rugunda ayaa War warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Jen. Aronda Nyakairima oo 56-jir ahaa uu Geeriyooday intii ay diyaaraddii uu Saarnaa u soo Socotay Magaalada Dubai ee Waddanka isutagga Imaaraadka Carabta halkaasoo uu doonayay inuu kaga soo duulo Uganda.

Nyakairima ayaa la sheegay inuu dhintay Aroornimadii Sabtida shalay ah; sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Uganda, Pamela Ankunda.

Sidoo kale, Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay in geerida wasiirkan ay Uganda u tahay maalin madow, iyagoo xusay inay Shacabka Uganda iyo Ehelladiisa ay u tahay Maalin Murugo leh.

"Geerida degdegga ah ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Uganda ku timid weli lama oga, laakiin waxaa baarit aan ku saabsan sababta geeridiisa keentay lagu baarayo Dubai,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Xukuumadda Uga nda kasoo baxay.

Jen. Nyakairima ayaa la sheegay inuu tan iyo sanadkii 2013-kii uu ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Uganda, is agoo horayna u soo noqday taliyaha Millateriga Uganda, isagoo billad-sharaf ku helay dagaalladii uu ku jabiyay Jabhada ka dagaalanta Waddanka Uganda ee uu Hoggaaminayo Joseph Kony.

Ugu dambeyn, geerida Jen. Nyakairima ayaa lagu baaqay in baaritaanno dhaqso ah lagu sameeyo; iyadoo Mad axa joogtada ah ee Xuquuqda Aadanaha Dalka Uganda, Ladislaus Rwakafuuzi uu sheegay in hay’adaha Sir doonka Uganda ay baaritaanno Deg-deg ah ku sameeyaan sababta keentay geerida Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Uganda.

.AHLU SUNNA OO SHEEGTAY INAY DIFAACAN DOONTO MAGAALADA DHUUSAMAREEB

Xilli xiisad ay ka taagan tahay inta u dhaxeyso Deegaanada Godinlabe & Mareergur, ee duleedka Magaalada Dhu usamareeb, ayay Ahlu Sunna sheegtay inay difaacan doonto Dhuusamareeb, haddii la soo weeraro.

Axmed Macallin C/laahi, Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay inaanay Ahlu Sunna cidina duulaan ku ahayn, laakiin haddii la soo hujuumo inaanay gacmaha ka laaban doonin kuwii soo weerara.

Gudoomiyaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa beeniyay in Ciidanka Ahlu Sunna ay isaga bax een dhammaan xeryaha ay ku lee yihiin Dhuusamareeb, isla markaana ay weli jooggaan Magaalada, sida uu yiri. Waxa uu soo hadalqaaday in abaabul ciidan ay wadaan dad uu sheegay inay ku biireen Maamulka Galmudug, kuwaa oo sida uu sheegay duulaan ku ah Ahlu Sunna, iyana ay daafacyo ka samaysten halka loo yaqaano Carro-tuurka, oo ku dhow Deegaanka Godinlabe.

Waxa uu ku celceliyay inaanay Ahlu Sunna cidina weerar ku ahayn, balse haddii Ahlu Sunna la weeraro inay difaacan doonto dhulka ay ka joogto Gobolada Dhexe.

Axmed Macallin C/laahi, ayaa qeexay haddii ay noqoto in la dagaalamo aynaan ku dul dagaalami doonin shacab ka reer Dhuusamareeb, isla markaana ay Magaalada ka difaaci doonaan dhinaca Carro-tuurka, sida uu yiri.

Maamulada Galmudug & Ahlu Sunna, ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Galgaduud, waxayna dhaq dhaqaaqyadan dareen baqdin leh ku keeneen shacabka.

CIIDAMADA AMISOM OO KA BAXAYA GAROONKA STADIUM MUQDISHO

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in xarumo Garoomo Kubadda Cagta ah iyo Goobo waxbarasho ay ka bixi doonaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in AMISOM ay kala hadleen ayna ku heshiiyeen goobahaasi Danta guud ay baneeyaan si ay u isticmaalaan dadweynaha Soomaaliyeed oo u baahan in ay adeegsadaan.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid ka gadaal 3 sano guuradii ka soo wareegtay markii uu xilka qabtay oo habeen hore looga dabaal dagay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa Saldhigyo Ciidan ka sameystay Goobo Muhiim ah sida Garoonkii Kubadda Cagta ee Stadiom Muqdisho.

MAREYKANKA OO SHALAY XUSAY WEERARADII 9/11/ 2001-dII

Mareykanka waxaa shalay laga xusayaa sanadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay weerarradii 11-kii September, 2001-dii, waxaana la qabanayaa munaasabado kala duwan oo lagu hadlay dadkii weerarradasi ku dhintay. Madaxweyne Obama iyo Michele oo daqiiqad aamusnaan ah gudanaya. Sep 11, 2015.

Mareykanka waxaa shalay laga xusayaa sanadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay weerarradii 11-kii September, 2001-dii, waxaana la qabanayaa munaasabado kala duwan oo lagu hadlay dadkii weerarradasi ku dhintay.

Madaxweyne Obama, oo ay wehliyaan xaaskiisa Michelle iyo shaqaalaha aqalka cad ayaa maalintan ku xusay daqiiqad aamusnaan ahbanaanka aqalka cad, saacaddumarka ay ahayd 8:46AM, markaasi oo ah waqtiga diyaaraddii koowaad ay ku dhacday xarunta ganacsiga adduunka ee New York.

UK: TIRADA DADKA LOO XIRO ARGAGIXISADA OO KORORTAY

Haweenka loo xiray falalka argagaixisanimada sanadihii 2014/15, waxaa ay gaarayaan 35 haween ah. Sideed ka mid ah haweenkaasi waxaa ay ahaayeen gabdho da'doodu ay ka yar tahay 18 sano. Waxaa jira qoysas Soomaaliyeed oo ku nool dalka Britain oo aan la xiriiray, iina sheegay in ay jiraan caruur ay dhaleen oo loo xiray tuhumo la xiriira in ay ku lug leeyihiin falal argagixisanimo iyadoo sidoo kal-ana ay jiraan gabdho Soomaaliyeed oo ka tagay magaalada Bristol oo ku biiray kooxda ISIS ee dalka Syria sanadkii hore.

Sanadkan oo kaliya waxaa la xiray dada lagu qiyaasay 229 qof, kuwaasi oo lala xiriirianyo falalka argag-ixis animada – 31% ayay tiradaasi korodhay marka la bar-bar dhigo sanadkii hore oo qiyaasta dadka loo xiray falal argagi xisanimo ay gaartay 100 qof.

Tirada dhalinyarada mulsimiinta ah ee dalkan Britain ee ku biiray kooxaha argagagixisada ah ayaa korodhay iyadoo ay jiraan dhalinyaro da’doodu ay aad u yar tahay oo ka tagay Britain, kuna biiray kooxaha argagixisada oo ISIS ay ka mid tahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa shaacisay warbixin ka hadlaysa tirada sii badanaysa ee dadka loo xirayo in ay ku lug leeyihiin falal argagixisanimo sida wasaaraddu ay sheegtay. Sanadkan oo kaliya waxaa la xiray dada lagu qiyaasay 229 qof, kuwaasi oo lala xiriirianyo falalka argagixisanimada – 31% ayay tiradaasi korodhay marka la barbar dhigo sanadkii hore oo qiyaasta dadka loo xiray falal argagixisanimo ay gaartay 100 qof.

Waa tiradii ugu badnayd tan iyo markii la bilaabay ururinta macluumaadkan cusub ee Wasaaraddu ay soo bandhigtay. Tiradii ugu badnayn ee dadka loo xiray falalka aragixisanimo waxaa ay dhacday ka dib markii weerarkii argagixiso ee ka dhacay London, bishii July ee sanadkii 2005-ka. Dadka loo qabqabtay falalka argagixisanimo waxaa ku jira kuwo haysta dhalashada Britain iyo kuwo kale oo isla haystay labo dhalasho oo midi ay tahay dhalashada Britain sida ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu sheegeen.

Sanadihii 2014 iyo 2015 waxaa tirada qiyaasta dadka loo xiray falakaasi ay noqonaysaa afarmeelood oo sadex-meel , waana tiro aad uga badan middii sanadkii 2001-ka oo qiyaastu ay noqonayso 52% , xiligaasi waxaa dhacay weera radii argagixso ee lagu qaaday magaalada New York ee dalka Maraykanka.

GUDDOONKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARAY QA ABKA LAGU WAJAHAAYO MAARAYNTA MOOSHINKA MADAXWEYNAHA

Ka dib markii leesku waafaqay in wada hadal lagu xaliyo Mooshinka ay soo gudbiyen Xildhibaanada Baarlamaa nka Soomaaliya, ayuu Afhayeenka Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, uu war ka soo saaray.

Qoraal uu soo saaray Jawaari, ayaa waxaa lagu sheegay in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud leesku waafaqay in wada hadal lagu xaliyo.

Qoraalka waxaa lagu xusay Madaxweynaha Soomaaliya in uu arrintaasi u tallo saartay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, si uu xal ugala gaaro Xildhibaanada ay khuseyso.

Xildhibaanada soo gudbisay Mooshinka Madaxweynaha ka dhanka ah, ayaa waxaa loogu baaqay inay soo mag acaaban Guddi, kaa oo kaga qaybgala wada xaajoodka.

Wada hadaladan, ayaa waxaa dhex dhexaadin ka noqon doono Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenad iisa. Dhinaca Madaxweynaha waxaa horkici doono Sharmaarke, halka dhinaca Xildhibaanadana weli la suggaayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip