Faah-faahin:-Soomaali Lagu Weeraray Magaalada Toronto ee Canadda

0
Saturday January 20, 2018 - 12:24:30 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin:-Soomaali Lagu Weeraray Magaalada Toronto ee Canadda

    Weerar xalay ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canadda ayaa lagu dilay wiil Soomali ah, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay Wiil kale oo Soomaali ah iyo mid ajnabi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar xalay ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Canadda ayaa lagu dilay wiil Soomali ah, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay Wiil kale oo Soomaali ah iyo mid ajnabi ah.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay inay rasaas ku furtay koox soo weerartay xilli ay saarnaayeen gaarigooda.

Mid kamid ah dhalinyarada la dilay ee Soomaaliga ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Nasrudiin Naasir oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku noolaa Canada.

Nasrurudiin ayaa la dilay isagoo ku jiray gaarigiisa iyadoona kooxdii soo weerartay ay rasaas kaga fureen qeybaha sare ee jirkiisa waxayna taasi keentay in isla goobta uu ku geeriyoodo.

Wili ma jirto cid ay u soo xireen Booliska Canada balse Boolisku waxa ay sheegeen inay baadigoobayaan kooxdii dilka iyo dhaawacaba geysatay waxayna sheegeen inay baarayaan oo ay ku raadjoogaan dambiilayaashii kadambeeyay dhacdadaasi.

Hayeeshee bulshada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Canada ayaa arintan walaac ka muujiyay.

Muddo haatan laga joogo 2 bilood ayaa weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhaca wadanka Canada ayaa waxaa lagu dilay wiil Soomaali ah oo da’diisu aheyd 29 jir kaas oo lagu dilay magaalada Toronto ee wadankaasi Canada.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip