Madaxweynaha: "Dagaalka Beled Weyne waa in degdeg loo joojiyaa. Labada dhinac waxaan u sheegayaa in lagula xisaabtami doono falalka ay halkaa ka wadaan''.

0
Monday December 14, 2015 - 19:06:23 in Wararka by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Dagaalka Beled Weyne waa in degdeg loo joojiyaa. Labada dhinac waxaan u sheegayaa in lagula xisaabtami doono falalka ay halkaa ka wadaan''.

    Muqdisho, 14 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal beeleedka ka socda magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 14 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal beeleedka ka socda magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan, oo uu ku tilmaamey mid dad shacab ah lagu waxyeeleynayo.

"Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo. Cid walba oo dhiigga shacabka daadisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’.

Madaxweynaha ayaa farey ciidammada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha shacabka gobolka Hiiraan ugu baaqey inay nabadda ka shaqeeyaan, degaannadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada aasaasiga ee bulshada.

---DHAMMAAD—

PHOTO OFFICIAL 2


1px
©2015 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip