
Xildhibaan Qoono "Xukuumadda waa inay kala dhex gashaa dhinacyada ku dagaalamaya Beledweyn"
Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xilligan dagaalo dhex maraan dad walaalo ah, isagoo kubaaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, lana isugu yimaado miiska wada hadalka si loo baajiyo dhiiga daadanaya,
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka labada dhinac ay la xiriireen, isla markaana u gudbiyeen inay kala dhex galaan labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamaya Xaafada Howl-wadaag.
"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay si deg deg ah u dhex gashaa walaalaha ku dagaalamaya Beledweyn, islamarkaana u dirtaa xubno ka socda Xukuumadda Dhexe ee Soomaaliya, maadaama ay iyadu mas’uul ka tahay dalka oo dhan si loo soo afjaro dagaalkan oo ay ku dhinteen dad toboneeyo ka badan”ayuu yiri Xildhibaan Qoono.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ay ku baxayaan si colaadaasi loo qaboojiyo, isla markaana ay dhawaan ka ambabixi doonaan magaalada Muqdisho, si ay wada hadal iyo dib u heshiisiin u kala dhex dhigaan beelaha xurgufta u dhaxeysa.
Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Beledweyn, gaar ahaanXaafada Howl-wadaag, waxaana dagaalada ay geysteen dhimasho iyo dhaawacyo fara badan oo ka soo gaaray dhinacyada dagaalamayay iyo dad rayid ah.
Xildhibaan Qoono "Xukuumadda waa inay kala dhex gashaa dhinacyada ku dagaalamaya Beledweyn"
Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono) oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa maanta ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday magaalada Beledweyn.