Shabaab oo weerar Khasaaro geystay ku qaaday Askar Kenyan ah oo xuduuda ku sugnaa

0
Monday December 14, 2015 - 08:57:42 in Wararka by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo weerar Khasaaro geystay ku qaaday Askar Kenyan ah oo xuduuda ku sugnaa

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya xuduuda Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay weerar culus ku qaadeen Askar ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo ku sugnaa Xuduuda Somaliya iyo Kenya u dhaxeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya xuduuda Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay weerar culus ku qaadeen Askar ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo ku sugnaa Xuduuda Somaliya iyo Kenya u dhaxeysa. Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deeganada Ceelwaaq iyo deegaanka Lafey oo ka tirsan dhulka ay Kenya haysato, waxaana halkaasi Kenyan-ka ku soo gaaray Khasaaro.

Masuuliyiinta Degmada Mandheera waxa ay xaqiijiyeen hal Askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, sidoo kalena labo kale ay kaga dhaawacmeen markii weerar gaadmo ah Shabaabka ay ku soo qaadeen ciidankaasi.

Saraakiisha Ciidanka Mandheera waxa ay sheegayaan ciidamada Kenya oo ka soo ambabaxay Degmada Mandheera, kuna socdaalayay inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Deegaanka Lafeey weerarkaan inay la kulmeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay Weerarkaasi inay Khasaaro culus ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Shabaabka.

Afhayeenka dhanka howlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay Afar Askari inay ku dileen dagaalka, sidoo kalena gaari ciidanka Kenya ay wateen ay gubeen.

Majirto ilo ka madaxbanaan Saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Shabaabka oo xaqiijinaya Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi Shabaabka ay ku qaadeen ciidamada Kenyan-ka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip