
Madaxweynaha oo Boqorka Sacuudiga uga tacsiiyeeyay shilkii ka dhacay magaalada Makkah
Muqdisho, 12 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u direy Adeegaha labada Masjid ee Barakeysan, ahna Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Boqor Salmaan bin Cabdulcaziiz Al Sacuud, isagoo uga tacsiyeynaya dhimashadii iyo dhaawacyadii ka dhashey shilkii ka dhacay masjidka magaalada Makkah oo dad ku cibaadeysanayey uu wiish ku soo dumey.
" Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxan murugada la qeybsanayaa shacabka Sacuudiga iyo shucuubta kale ee Muslimiinta dunida, shilkan dhacay ee dadka badan ay ku dhinteen. Ilaahay ha u wada naxariisto kuwa halkaasi ku shahiiday, kuwa dhaawacmeyna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad deg-deg ah siiyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo Boqorka Sacuudiga uga tacsiiyeeyay shilkii ka dhacay magaalada Makkah
Muqdisho, 12 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u direy Adeegaha labada Masjid ee Barakeysan, ahna Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Boqor Salmaan bin Cabdu