Sacuudiga: Haweeneydii u horeysay oo loo doortay Xildhibaan

0
Sunday December 13, 2015 - 19:56:31 in Wararka by
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga: Haweeneydii u horeysay oo loo doortay Xildhibaan

    Haweeneydii u horeysay ayaa ku guuleystay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalka Sacuudiga Carabiya, kadib markii Boqortooyada Sacuudiga ay qaaday xayiraadii ay saartay inay haweenka ka qeyb galaan doorashooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeneydii u horeysay ayaa ku guuleystay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalka Sacuudiga Carabiya, kadib markii Boqortooyada Sacuudiga ay qaaday xayiraadii ay saartay inay haweenka ka qeyb galaan doorashooyinka.

Salma bint Hizab al-Oteibi ayaa ku guuleysatay kursiga golaha deegaanka Gobolka Maka, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka.

Haweeneydan ayaa ka guuleysatay todobo rag iyo qof dumar ah oo u taagnaa doorashada golaha deegaanka Gobolka Maka.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa is bedelo ku sameysay nidaamka boqortooyo, waxaana haweenka loo ogolaaday inay xubno ka noqdaan dowladda.

Laakiin Haweenka Sacuudiga ayaa wali wajahaya xayiraado dowladdu saartay, gaar ahaan inay baabuurta kaxeeyaan iyo inay fagaare ragga kula kulmaan

Illaa 978 haween ayaa isu diiwaan geliyay inay musharax noqdaan, halka 5,978 ay yihiin musharixiin rag ah.

Doorashadan ayaa ah tii u horeysay ee loogu ogolaado haweenka inay codeeyaan iyo inay musharaxiin noqon karaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip