
WAA WARARKA WARGETSKA MIOGADISHU TIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 8-DA JANNAAYO 2017-KA
Waxay guddigu dhammaan ku soo qabteen goobahaas doodo iyo aqoon iswaydaarsi Talo wad aag ah oo looga arrin sanaayay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka hor imaan kara Doo rashooyinka 2020.
Guddigu wuxuu marayaa dhammaan dalka wuxuu raadinayaa inuu helo talo Qaran iyo Midnimo lagu gaaro dawlad ku timaada doorasho oo looga gudbo qabiilka, waxaa Shacabka, si yaasiyiinta iyo maamulka degmada Balcad waxay soo dhaweeyeen Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Sidoo kale Waxaa ka soo qeybgely Xildhibaanada Hirshabele.
Gudoomiyaha Degmada Blacad Xasan Cali Nuur soo dhaweyn ka dib wuxuu yiri Gudoo miy aha "waxay noo tahay Taariikh, Jadwalka 28 sano ka hor waxaa wax lagu dooranaayey 4.5 ama qabiil, waxaa soo xuli jirey odayaal ama dhaqanka, ama Wasaarado, reer Balcad waxaan ka codsa naa inay taageeraan barnaamijka Cod iyo qof, hadii aynu nahay reer Balcad, ma naqaano qabiil ee waxaa nahay reer Balcad,”
"Diyaar ayaa u nahay hadii aynu nahay Madaxda iyo Bulshada reer Balcad waxaana rab naa doorasho cod iyo qof.
Waxaa naga goan in Sanduuqa la keeno degmada ee aan isku codeyno, reer balcad wax waa lagu aamini karaa meeshaan joogno waa warshadii Balcad , reer Balcad waxa loo dhiibo waa loogu imaanaa ee wax noo dhiibta” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Degmada Balcad oo sheegey in 150 Tuulo ay gaarsiin doonaan Doorashada Qof iyo Cod.
Maxamud Maxamed Saneey Gudoomiyihii hore ee degmada Balcad. Soo dhaweyn ka dib, wuxuu sheegay in 4.5 leysgugu gambadey,dadka ku nool degmada Balcad waa dad nabad raba waa dad raba doorasho qof iyo cod , waana soo dhaweyneynaa doorashada cod iyo qof.
Ugaas Maxamud Ugaas Xuseen Ugaas Isloow oo ka Hadley Goobta ayaa soo dhaweeyey Dad aalka Gudiga Doorashooyinka Qaran waxaa uu intaa sii raaciyey " waan jecel nahay inaan qof iyo cod wax ku doorano taasaa noogu dhow Cadaalad iyo Sinaan.
Gudoomiyaha Gudiga Xaliimo Yareey Mahadcelin ka dib Waxay sheegtey in Gudiga Doora shooyinka Qaranin ay Xooga Saari Doonaan in Dalka ay ka dhacdo Qof iyo Cod taas ayaana la gu gaari karaa Qaran Dhinac walba ka dhisan waxay kaloo sheegtey in Barnaamijkooda ku saab san Doorashada ay Gaarsiin doonaan Guud ahaan Dalka.
Axmed Maxamed Muuse dadka deegaanka ka mid ahaa oo ka Hadley halkaas ayaa shee gay in ay aad u taageersan yihiin doorashada sidoo kale waxaa ka Hadley Nabadoon Cali Cumar Hilowle waxaana uu sheegey in marka hore la helo Qorshe ku aadan sidii Dalka ay ugu dhici lah ayd Doorasho Xalaal ah waxaana soo jeedinayaa in marka hore la helo Amni iyo Dhaqaale.
"Waxaa Beeraneynaa Beeraheenna, ma dooneyno wax nooga yimaado Shisheeye, waxaa dooneynaa Madaxweyne aan Degmadeena ka soo Doorano” Sidaa waxaa yiri Muuse Nuur (Sokoroow) oo sheegay in calanka Soomaaliye aysan ku qorneyn Qabiil, marka waa soo dhaweyn eyna in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod”.
FANNAANADA NAKRUMA IYO WERIYE LUUL CALI XASAN OO SANADO BADAN KADIB BOOQDAY RADIO MUQDISHO..
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng:-Yariisow iyo Masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Na gruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Ra dio Muqdisho.
Intii uu socday kulanka lagu soo dhaweynayey oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Mada xda Kooxda Fanka ee Waabari iyo Faniiniintaba, ayaa waxaa ay ka sheekeeyeen xilliyadii kala duwaanaa ee ay soo mareen, waxaana ay sheegeen inay aad ugu hiloobeen dalkooda oo mu ddo badan banaanka ka joogeen.
C/kariim Faraax Qaarey Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiy aatarka Qaranka ayaa sheegay in tani muhiim gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Fanaanada Qaranka Faadamumo Cali Nagruuma ayaa dhankeeda sheegtay inay Mu ddo badan ku maqneyd dalka dibadiisa, balse aad ayay ugu faraxsan tahay inay shalay ku sug an tahay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya.
"Ujeeda aan u nimid halkaan waa in aan dadkeena tusno in dalkeenu nabad yahay, wax aana allah ka baryaa dalkeena oo wanaagsan iyo Soomaaliya oo dadkeedu iswada raacsan yahay”
`Luul Cali Xasan Luula oo ka mid aheyd Haldooradii Radio Muqdisho ayaa sheegtay in aan marnaba farxadeeda la qiyaasi karin, ayna joogto meeshii ugu horreynteedii ay shaqo ka bilowday.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa C.raxmaan Cumar Cismaan oo soo dhawe eyey Fanaaniinta ayaa tilmaamay inay aad u soo dhaweynayaan Faaduma Nagruuma iyo Luul Cali Xasan, kuwaas oo muddo badan aanan arkin Soomaaliya, balse hadda jooga gaar ahaan Xaruntii ay ka howlgali jireen.
"Waxaan idinku soo dhaweynaa Wasaaradda Warfaafinta oo aad shaqo badan ka soo qabateen xilligii aad ka shaqeyn jirteen, waxaad soo marteen waqti badan aad u wanaagsan, balse waxaa dhacay dhibaato badan hadana waxaan ku soconaa waddadii aan kaga soo kab so laheyn, waxaana rajeyneynaa in aad qeyb ka qaadataan arrintaas.
Intaas kadib Faadumo Cali Jaamac Nakruuma iyo Luul Cali Xasan Luula ayaa soo arkay qeybta Keydka ee Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Radio Muqdisho iyo Tvga Qaranka.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOCDAAL U KUUR GELID AH KU MARAYA QEYBO KA MID AH GOBOLLADA DALKA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kul amo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweyna ha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku Xig eenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Gobo leedka Puntland iyo shacabka magaalada Garoowe.
Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa uga ma had celiyay sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen.
"Waxaan u imid inaan arko xaaladda halkan ka jirta, ayna ugu horreyso inaan nabadda xoojinno oo ka shaqeyno dibuheshiisiinta, waxaana jeclahay inaan tago dhawr magaalo oo aan la kulmo cuqaasha, aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo ardayda Jaamacadaha.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Puntland oo lagaga hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta dhaq aalaha, waxa uuna warbixinno ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Puntland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaalkan oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu ku mari doonaa qeybo kamid ah deegaannada Puntland si uu ugu kuur galo nolasha iyo baahiyaha dadka ku dhaqan gobolladaas.
WASIIRADII DHAWAAN LA MAGACAABAY OO SHALAY LA DHAARIYAY
Waxaa shalay si rasmi ah loo dhaariyaya sedexdii Wasiir oo u dhawaan magacaabay R/ Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,kuwaasi oo lagu hor dhaariyay kulanka guddiga Joogtada aha ee Golaha Shacabka.
Munaasbaadda dhaarinta ah waxaa goob joog ka ahaa guddoonka Golaha Shacabka iyo R/iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,waxaana lagula dardaarmay dhaarintooda ka dib in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.
Wasiirada la dhaariyay ayaa kala ah,Eng. Cbadi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha Gudaha,Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha,kuwaasi oo dhawaan lagu magacaabay degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Dhanka kale Wasiirada ayaa ka kulmay ra’’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,iyadoo sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda uu kulan gaar ah kula yeeshey garoonak diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha JFS,xiligaasi oo uu madaxweynuhu ku sii jeedey safarkiisa maga alada Garoowe.
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo shalay dalka soo gaaray,waxaana soo dhaweyey mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.
Jabhadda Rohingya oo sheegtay in ay weerareen
Militariga Myanmar
Jabhadda hubaysan ee Muslimiinta Rohingya ee ka dagaalanta dalka Myanmar ayaa waxay sheegeen in ay fuliyeen weerar ay ku qaadeen militariga dalkaasi.
Jabhaddani Muslimiinta Rohingya ayaa bayaanka ay soo saareen waxa ay ku muujiyeen in aysan lahayn khiyaar aan ka ahayn in ay sii wadaan mucaaradnimadooda hubaysan.
Mucaaradka Arakan Rohingya Salvation Army ayaan wax faahfaahin ah ka bixinin wee rarkan gaadmada ah oo ay ku qaadeen magaaladda Maungdaw ee gobolka Rakhine,marka la ga soo tago in ay sheegteen masuuliyada weerarka.
Waxa ay ku eedeeyeen militariga Burme in ay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Mus limiinta Rohingya taasi oo ay sheegeen in ay u dhiganto xasuuq.
Militariga Myanmar ayaa dhankooda beeniyay in ay tacadiyo gaysteen.
DOWLADDA KENYA OO MAGDHOW BIXINAYSA HADII LOOGU GUULEYSTO MURANKA BADDA
Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay magdhaw ka bixin doonto hadii dowladda Soomaaliya ay kaga guuleysato dacwadda la xiriirta muran badeedka oo horyaala Maxkamada Caalamiga ah ee I CJ.
Githu Muigai oo ah qareenka dowlada Kenya u doodaya ayaa waxa uu sheegay in bishii August sanadii 2014kii in dowladda Soomaaliya ay furtay dacwadda la haanshaha qeybo ka mid ah badda Soomaaliya iyadoona baarlamaanka dalkaasi Kenya ay dalbadeen In la horkee no cadeymo sax ah oo dowladda Kenya ay u baahantay.
Qareenka dowladda Kenya ee u qaabilsan dacawadda muranka dhanka badda ee Soom aaliya kala dhaxeyso ayaa waxa uu sheegay in ay isku kalsoon yihiin isla markaana ay heyst aan documentiyo sax ah oo sheegaya lahaanshiyaha qeybo ka tirsan biyaha dalka Soomaal iya waxaana uu sheegay in si dabiici ah uu u difaaci doono dowlada Kenya.
Sanadii hore dowladda Soomaaliya ay guul ka soo hoysay Dacwadii u dhaxeysay Soom aaliya iyo Kenya waxaa sidoo kale maxkamadda Hegue ee ICJ ee dalka Holland ay ogolaatay in la sii wado dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Kenya ayaa horay u soo bandhigtay qodobada ay ku doodayso, waxayna xoogga saar tay in dib loogu noqdo heshiiskii isafgaradka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2009kii.
TALIYAHA XOOGGA DALKA OO LAGU SOO DHAWEEYAY GAALKACYO
Shalay waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Muudg gaaray Wefdi uu hog aaminayo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen, Cabduweli Jaamac Gorod.
Wefdiga ayaa waxaa qeyb ka ah masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida si da Gudoomiyaha Maxkamda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo liibaan Cali Yaroow oo ah guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida waxaana soo dha weyn halkaasi ugu sameeyay masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Shacabka Gaalkacyo..
Ujeedka wefdiga ayaa lagu sheegay dhameystirka heshiiskii ay Gaalkacyo ku wada gaa reen Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug si loo dhameeyo dagaalada ku soo laab laabtay Msgaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wefdiga taliyaha uu hordhac u yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkaasi tegi doono.
MAXKAMADA SARE EE DALKA OO SHALAY FURTAY DACWAD KU SAABSAN LABA KURSI OO KA BANAAN GOLAHA SHACABKA.
Maxkamada sare dalka ayaa shalay u fadhiisatay dhageysiga dacwad laxariirta laba ku rsi oo banaan kana mid ah barlamaanka somaaliya, labada kursi ayaa mid Waxaa ka dhintay allaha unaxariistee wasiirkii howlaha guud Cabaas Siraaji halka midkalana uu baneeyay taliyihii hore ee nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C.llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Dastuurka dalka ayaa qaba in hadii uu banaanaado kursi ka mid ah kuraas golaha shac abka in kursigaas aan loo tartamin karin isla markaana si toos ah loogu magacaabo shaqsigii markii hore laga guuleystay sida hadalka u dhigay Wasiiro dowlihii hore ee warfaafinta maxam uud cabdi xasan beekoos.
laakiin hadal dhawaan ka soo uyeeray gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa ba naan dalka xakiimo Cismaaciil "xaliimo yarey” ayaa tilshalayy in hadii ku raas baanaanaato ta rtar loo gali doono hadalkaas ayaa Waxaa ka carooday qaar ka mid ah mas`uuliyiitii laga guul eystay kuraasta hada banaan, kuwaas oo dacwad u gud biyay maxkamda sare ee dalka.
Maxkamada sare ee dalka ayaa laga warsugaa go`aanka ay ka qaadan doonto arintaan ayadoo dhinaca kale gudiga doorashooyinka madaxa banaan ee qaranka ay wadaan doo rashooyin ku aadan labadaan kursi ee lagu muransan yahay.
MAXKAMADA GOBOLKA AWDAL OO XABSI SHAN SANO AH KU XUKUNTAY LABO SAXAFI
Maxkamada gobolka Awdal ayaa shalay ku xukuntay min labo sano oo xabsi ah labo wer iye oo ka howlgalayay magaalada Boorama.
Labada weriye ee xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Diiriye Ciiltire oo ka tirsan TVga SBC iyo Maxamed C/laahi Xuseen (Dabshid) oo isaguna ka howlgala TVga Kalsan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal C/raxmaan Geeddi Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay labadan suxufi ee la xukumay in ay ku cadaatay faafinta warar been abuur ah.
Labada saxafi ayaa waxa ay ka qaaten racfaan xukunka lagu ridey iyadoo qareenadii dif aacayay ay ku tilmaameen xukunka mid qalad ah.
Qareen Abuubakar Sheekh Maxamuud oo ah Qareenka u doodayay labada wariye ayaa sheegay Afarta qodob ee Maxkamadda la keenay in Wariyeyaasha aysan ku kicin, xukunka lagu ridayna uu yahay mid sharci daro ah, ayna ka qaateen Racfaan. Ururka Saxafiyiinta Somaliland SOLJA ayaa cambaareeyay xukunka lagu ridey saxafiyiinta waxana ay sheegeen inay aad uga xun yihiin go’aanka ay maxkamada ay gaartay.
BUKAANNO KA BOGSADAY QARAXII ZOPPE OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY
Shan ka mid ah dhaawacyadii bishii December loo qaaday dalka Masar aya dib loogu celiyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad ay soo hagaagtay.
Bukaanada ka bogsaday dhaawacii ka so gaaray qaraxii isgoyska zoobe ka dhacay 14kii bishii Octobar aya garoonka diyaaradaha ee magaalada qaahira waxaa ku sii sagootiyay Safiir ku xigeenka Safaarada Masar Ilyaas sheikh Cumar ahna sii hayaha Safaarada, waxaana uu ku wareejiyay lacago deeq ah oo ay iska soo aruursheen jaalliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar.
Mid kamid ah bukaanada oo la hadlay Wakaaladda Wararaka Soomaaliyeed ee SONNA aya u mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen Masuuliyiinta Safaarada iyo dowladda Ma sar.
"alxamdullilah xaaladeyda aad ayey u wanaagsan tahay waxan hadda u socda dalkeyga sida u jeedid waa caafimaad qabaa, waxaan fursadan uga faa’ideysanaya inan u mahad celiyo Safaaradeena oo si wanaagsan inoo caawisay mudadii aan isbitaalka ku jirnay, mudane ilyaas oo ahaa masuulkii qaabilsana isbitaalka nalagu dabiibayay wan u mahadcelinaya, waxaa uu in oo muujiyay dareen walaalnimo iyo mid mas’uuliyadeed sido kale waxaan u mahadcelinaya dhaqaatiirta isbitaalka oo maalin iyo habeen naga caawinayeen si aan caafimaad u helno, madaxda iyo shacabka dowladda Masar aad baan ugu mahad celinaya, madaxda dalkeenna Soomaaliya iyagana wey ku mahadsan yihiin dadaalka ay ku bixiyeen dhaqaatiir dibada ah in nalagu so daaweeyo,”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadkii lagu soo daweeyay Isbitaalada dalka Masar.
Sidoo kalle safiir ku xigeenka ahna siihaya safaarada mudane ilyaas sheikh cumar oo is na la hadlay Wakaaladda sonna aya yiri,"sida u jeedid xalay waxa garoonka ka baxayo dad ga araya 10 ruux oo 5 kamid ah ay yihiin eheladda 5 qof oo bukaan ah oo 4 isbitaal oo kuwa cii danka lagu dhabiibaya, waxaan ku wareejiyay deeq lacageed oo ay iska soo aruursheen jaali yadda Soomaaliyeed ee masar illahay mahadiisa waxaa ah inay heleen adeegyadii caafimaad ay u baahnaayeen oo idil, waxa arrintaasna uga mahad celineyna dowladda Masar oo walaa laheeda Soomaaliya mar walba la garab taagan hiil.
Waxaa kaloo uu intaasi raaciyay oo yiri, "waxaa xusid mudan in lacagta tigidhada ay ka bixisay dowladda Masar oo aan uga mahadcelineyno, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya Ma daxweyne mudane Maxamed Cabdullahi farmaajo iyo Raiisul wasaare Xasan Cali kheyre oo muujiyay sida ay uga go,an tahay iney shacabkooda wax u qabtaan, kuna dadaalay iney buka anadan helaan adeeg caafimaad oo dibadda ah, waxan raba inan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar aan ku bogaadiyo sida ay mar walba ula shaqynayaan mas’uuliyiinta Safaaradda, wa xaad gudateen waajibaadka idinka saarna walaalihiina weyna gaarta deeqda ku caawiseen”.
Wariyaha SONNA ee Magaalada Qaahira Mowliid Moha ayaa sheegaya in Bukaanadan helay adeega caaffimaad ee ay u baahnaayeen ay noqonaya kuwa ugu horreeya ee dalka dib ugu laabto, maadaama Dhaawacyada soo gaaray Magaalada Qaahira caasimada Dalka Masar ay tiradoodu tahay 15 ruux, waxana la filayaa in inta dhiman ay dalka dib ugu laabtaan bilaha soo socda.
XIGASHO. SONNA.SO
TALYAANIGA OO BADBAADIYAY MUHAAJIRIIN AY DOONI KULA DAGTAY XEEBAHA DALKAAS
Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Doontani oo ay saarna ayeen Muhaajiriin African ah oo ka soo shiracatay dalka Liibiya ay ku dagtay Xeebaha dalka asi, iyadoona ay ku dhinten 8 Qof, halka 86 kalena ay sheegeen in ay soo badbaadiyeen Ciida mada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga.
Sergio Liardo oo ah Madaxa Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay iyaga oo kaa shanaya howlgalka Midowga Yurub ee ka hortaga Tahriibayaasha ay soo badbaayiyeen 86 Qof oo saarnaa Doonta dagtay.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Doontani oo ay meel fog ka arkeen ay dusheeda saarnaayeen kaliya 20 Qof, halka inta kalena ay Biyaha Badda ku harqanayeen.
Waxaana uu tilmaamay in weli ay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan Tahriibay aal dheeraad ah oo weli Badda ku maqan
Muhaajiriintani la soo badbaadiyay ayaa gabi ahaan ka soo jeeda Qaaradda Africa, inkas to aysan kala Cadeynin dalalka ay u kala dhasheen Muhaajiriitaasi, iyadoona xusid mudan tah ay in had iyo jeer Tahriibyaal Soomaaali ah ay marin ka sii dhigtaan dalka Liibiya, xilliyada ay ku wajahan yihiin Qaaradda Yurub.
AL SHABAAB OO BURBURIYAY DHISMAHA SHIRKADDA SAFARICOM EE WAJEER
Rag looga shakiyay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday, islamarka ana burburiyay dhismaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom ay ku lahayd deegaanka Kutulo oo ka tirsan degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.
Weerarkaasi ayaa la shegay in uu dhacay aroornimadii hore ee shalayy, sida ay sheeg een saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya.
Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Wajeer Stephen Ng,etich ayaa sheegay in dagaalyahannada weerarka soo qaaday ay qaraxyo ku weerareen Ciidamadii ku sugnaa hal kaasi, taas oo keentay in Ciidamada qaarkood ay baxsadaan.
Mr Stephen ayaa intaasi ku daray in markii dambe ay Ciidamada dib u soo rogaal celiye en halkaas oo ay Rasaas xoogan isku dhaafsadeen, iyaga Ragga duulaanka soo qaaday oo si da la sheegay ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Taliyaha ayaa xusay in Al Shabaab ay u suura gashay in ay burburiyaan Siinka Shirkada Safaricom, taas oo keentay in ay kala jaraan xiriirka dhinaca Isgaarsiinta deegaanada Kutulo iyo Ceelwaaq.
Mr Stephen Taliyaha Booliska ee magaalada Wajeer ayaa sheegay in u jeedka Al Shaba ab ay ahayd in ay jaraan xiriirka dhinaca Isgaarsiinta, si ay weeraro ugu qaadaan deegaano ka tirsan Wajeer iyo Mandera.
Al Shabaab ayaa weli gudaha dalka Kenya ka wada weeraro khasaare xoogan geysta oo ay ku bartilmaameedsadaan Ciidamada dalka Kenya.
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN
{SHEEKOTAXANE AH}
Q/84aad
Raxmo:Gacaliye Abboowe Macaan C/qaadir, Ab boo we waxaa jira MaahMaah soomaaliy eed oo oran eysa {Ninka Daciifkaahi Ma Kasban karo Qalbiya da Haween ka}.
Midda kale Gacaliye Abboowe
Macaan C/dir Waxa ad xaggeyga ka
tahy Nin muuqaal aha an soo jiidasho leh
dhaayaheygana soo jiitaan, xagga ha dalka marka aan ka hadlona Af Mal ab ah Codka
rnnimadana uu Ila ahey uu Hi bo u siiyey, Hal Ab uurna ah Suugaan tiisu na
Heeso, Gaba yo, Guuroow, Geer aaro ey u badan yihiin…
Miisaan Aqliyeed oo kala harana leh , dar een feeji ganna ee bbe ugu deeqay , wax badanna ka fahamsan Haaswaaha iyo soo jiidashada dumarka intaana wa xaa kuu dheer gacal iye Abboowe Macaane C/qaadir waxaad tahay nin sheeko ba dan oo bulsh aawi iyo be ysaani ahoo aan xii seeyo aniga Rax mo ahaan Mark aan iska hadlo la kul ankiisa .
Midda kale C/qaadir Aboowe Macaane Magaca Ja ceyl waa xarfo ka kooban lix xarafood oo muctarin ah oo isla mar ahaantaana kudhawaaqistooda uu xa naba arsan yahay sifo wan aagsan degganaan iyo ra alli aha ansho nafta xageeda ah.
Jaceylku waa mid muctarif ah oo isku keena amaba kulmiya bulsho aan isku heyb iyo isku midab ahyen , ka asoo ka dhiga ka isku koox ama iksu dan meel qura ka soo wada jeeda ogo wna macaane in ay jirto oraah oran eysa { illaaheey markuu irid kaa oodo irid kaluu ku u fur aa} adigana ii noqo qaaligeyoow C/qaadir Abboo we Macaane.
Faraj uu alle ii furay, ogowna inay ay jirto xigmad dha heysa {kibirka wuxuu kaa saaraa har ka, meel wan aags anna kuma geeyo} {Pridetake.you any where} ee Kibi rka iska ilaali oo xey daabka aad ku jirto yuusan kaa sa ari ndda kale Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane Jaceyl ka waa midka sababta u ah guri dhisan oo ay ku nool yihiin qos dhan oo ay Hooyo iyo Ambbe u madax yihiin lagan yaabo in ay gaaraan ambka ab ill aa iyo abuullan.
Hadaba Jaceylka haddiibu uu sifahaasi quruaxda badan uu ku socdo macaan oo loo aayo ayuu dhalaa Gabagab diisuna waa guul lagu faxo .
lMidda kale Qaaligeygiyoo C/qadir Abboowe Macaa ne uur ku taalada haweenka la bado iyo jaceylka aan daacadda ahyen ee lagu beero qaluubtooda ma yaree mar marka qaarna waxaa lala sameeyaa xiriir aan dhab aheyn iyo sheeko aan bushaha sii dhaafsii sneyn oo ku meel ga ar iyo qatri lumis ah , waxaan aan marksta aan arkaa dumar fara badan oo raggae ed ka tirs anaya sidii ballanta lagu galayna aan looga soo bixeyn, waxaana wax lagu yaqaano ragga ma anta jira ee koonkaan dushi isa ku nool, Markii ay dantooda gaaranna meel cidlo ah kaga dhaqaaqa axdigii ay galeen , alle maxaa eed nabsi iyo denbi laga galay dumarka oo hadimmo loo geystay , maxaa riyo aan dhaboobeyn run looga dhigay oo reero gabdhoodu gabdho u heyteen laga garoobee yey mana yara godo bta maalin kasta loo geysto gadha ha gaboole eyda caalamka oo idil ee da’yarta ah , mana yara inta gab dho masaakiin ah been been lagu soo xero geliyey lag una dhaqay runta , mana yara inta aan aragnay dumar la ilmeeyey dhibaa tada soo food saaray markii ay noloshooda ku aamineen rag beenaal ayaal ah oo Qaa’imiin ah iyadoo shabaq aad u dhe ena dacallada ugu dhexdaadshan yahay ra ggaas qaa;imiinta ah si ay u ga soo dhacaan gabdho daaca u moo da dabinkaas loo maleega yo.
Midda kale Gacaliye C/qadir Abboowe Macaane waxaa jira in hablaha yar yar ee soo kor aya oo aan weli indha bikaa csan ay waddada ku sugaan rag shab eel naagoodyo loo yaqaan no ogowna Ga caliye in ay jirto Mahmaahyo soomaaliye ed oo oraneysa
{Qof aad isku kobo tihiin baa la raacaa },{Birds of Fea thers Flook Togthar}. Gacaliye C/qadir Abboowe Macaa ne Runtii Jaceylka waa mid jira dareenka bei’a adanka na ku baahi jirayna ilaa maa illaa iyo waqtigii {Aadan iyo Xaawo} soona tixnaa ilaa iyo maantadan oo aynu joog no, waana mid ku sifoobay qurux iyo wa naag il qa bad leh sidiisuna waxaa laga dhexlaa sam aan iyo xumm aan ku xiranhadba sida uu ruuxu ugu xoogeysto,
Midda kale Gacaliye C/qadir Abboowe Macaane naf wax jeceli lamma sasabi karo,laguman qancion karo in ay ilowdo ruuxii ay ku hammineysay laabteedana ku hey say. tan kale Gac aliye C/qadir Abboowe Macaane si is ku mid ah looma dhamdhamiyo macaanka iyo qar aarka maxaase ka ciil iyo murgo badan adigoo jaceyl muddo badan la soo jilaayey lammaanagada oo aad if ka ugu jaceshay ugu danbeystana uu meel cidlo ah ka aga dhaqaaqo jaceylkana uu kuu gu cidleeyo adigoo dhibba dan aad ka soo martay koolkoolintiisa iyo kobci ntiisa si uu kiro u dhalo.
ogoow Gacaliye C/qadir Abboowe Macaane qofk ast qofka uu ka dhib badan yahay waa uu ka calaacal bad an yahay,tan kale Gacaliye C/qadir Abboowe Mac aane Jaceylka daraasad la gu sameeyye ayaa lagu og aaday in wanaagiisa ay dhibaatadiisu ay ka waxyeelo badan ta hay imisaase lammaanayaal is jecel dabeed na is door tay oo doonaayey in ay ila aqal galaan is haleeli waaye en iyagoo ay caqabado yasan filaneyn ka horyimaade en oo ay isla markaana la hor dhigay caqabd kala geysa.
LA SOCO ISNIINTA DANBE INSHA ALLAAH
W/QORAY C/QAADIR CABDULLE NUUR {QALBBI
DAHAB} TEL: 0618455506
BOGGA CAYAARAHA
JUVENTUS OO WAR RASMI AH KASOO SAARTAY HADII XILI CIYAAREEDKAN AY IIBINEYSA PAUL DYBALA
Madaxa fulinta ee Kooxda kubada cagta Juventus, ninka lagu magacaabo Giuseppe Mar otta ayaa sheegay in kooxda reer Italy uusan qorshaha ugu jirin inay iibiso xagaagan xidiga Paul Dybala, inkastoo ay warar xan ah ay jiraan. Manchester United, ayaa lala xiriirinayaa in ay lasoo wareegeyso Dybala, kaasoo laga saaray shaxda Juve, bishii lasoo dhaafay, waxayna taasi sabab unoqotay inuu shaki weyn uu soo galo mustaqbalka wiilkaan reer Argentina ee Turin.
Kadib markii Philippe Coutinho ay ku iibsatay lacago waali ah kooxda reer Spain ee Bar celona ayaa waxaa Marotta la su’aalay kadib kulankii ay Juve 1-0 uga badisay dhigeeda Cagliari Sabtadii hadii uu umaleynayo in Dybala uu wadaas qaadi karo.
Wuxuu yiri: "Juve wax dareen ah oo ku aadan suuqa kuna saabsan Dybala ma jiro, oo ay qabto, suuqa Janaayo wuxuu kaliya ku saabsan yahay inaan dib udhis badan aan ku sam eyno qeybaha kala duwan ee kooxdeena.
Mar la weydiiyay hadii uu jiro qiimo go’an, kaasoo ay ku beecinayaa Dybala ayaa wuxuu raaciyay: "Ma jiro wax qiimo ah, oo aan duldhignay isaga, waxaana umaleynayaa in aysan jirin wax isaga quseeya oo suuqa yaala. Sikastaba, hadalka kasoo yeeray madaxa fulinta ee kooxda kubada cagta Juventus ayaa wuxuu waji gabax uu ku yahay kooxaha xiiseynaya ama lala xiriirinayay inay la wareegayaan Dybala, wuxuuna ka dhigan yahay in uusan meelna u so con.
WAQTIGA SAXAAFADA LOOSOO BANDHIGI DOONO COUTINHO SAXIIXA CUSUB EE BARCA OO LA SHAACIYAY
Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa waxay soo bandhigi doontaa saxiixeeda cusub ee Philippe Coutinho shalay oo Isniin ah, iyadoona lagu soo bandhigi doono garoonka naadigaan oo lagu magacaabo Camp Nou, sida ay shaacisay Shabakada Marca.
Maalin iyo bar kadib ayuu kasoo degi doonaa Barcelona, wiilkaan reer Brazi kadib markii looga soo iibsaday Liverpool, aduun dhan 192 Malyuun oo Doolar, iyadoona la qorsheeyay in soo dhaweyn fiican loogu sameeyo.
Daqiiqada ugu horeysay Coutinho ayaa mari doona tijaabadda caafimaadka, isagoona lo oga qaadi doono Isbitaaladda lagu kala magacaabo Ciutat Esportiva Sant Joan Despi iyo the Hospital de Barcelona.
Waxaa xusid mudan in uusan labo kulan ugu dheelin kooxdii uu kasoo tegay ee Liverp ool, mushkilado dhanka muuqaalka ah – Wuxuu sameyn doonaa kadib cadaado dhaqameedka gaarka u ah xidig walba oo cusub oo Barca yimaada.
Sawirka ayaa waxaa looga qaadi doonaa afafaafka hore ee Xafiisyadda kooxdaan ka hor inta uusan saxiixin heshiiskiisa, kaasoo ku eg 2023, waxaana Miiska xiligaas ku wehlin doonaa Madaxweynaha Barcelona, ee Bartomeu.
Kadib wuxuu xiligaas sameyn doonaa inuu kubadda ku taabto markii ugu horeysay gud aha garoonka Camp Nou, waxaana waxybaahaan marka ay Saacadda Geeska Afrika isku soo buuxiso 1:45 oo habeenimo.
Maxaad ka taqaanaa laacibka ugu TAAJIRSAN kubbada
cagta Adduunka…(Qiso aad kaaga YAABIN doonta)
Markaad ka fikirto laacibka ugu TAAJIRSAN kubbada adduunka waxaa durba kugu soo dhacaya sida Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Neymar, balse sidaas maaha sheekadu oo xi ddiga ugu hodansan waa 19-jir ka tirsan kooxda keydleyda ee Leicester City.
Bal la kulan Faiq Bolkiah, wiilka uu Adeerka u yahay Suldaanka Brunei (Hassanal Bolk iah) kaa oo qiimihiisa lagu qiyaasay adduun dhan 20 Bilyan oo Doolar, yay kaa hoos bixin she ekadu waa ka gudubtay Milyan oo Bilyan ayay joogtaa.
Xiddiga garabka kaga ciyaara Foxes ayaa waqti ka ciyaarayay carada Ingiriiska, isagoo waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay AFC Newbury.
2009-kii, Southampton ayaa Faiq Bolkiah ku soo dartay Akaadamiyadeeda inkastoo ay san heshiis u gacan galin, Arsenal ayaa iyana 2013 u soo bandhigtay Tijaabo.
Bolkiah ayaa 2013-dii Gunners kula tartamay Lion City Cup, xitaa Gool ayuu ka dhaliyay tartankan.
Kaddib markii xaaladiisa laga warhelay, Chelsea ayaa xiddiga garabka ka duula u ban dhigtay heshiis labo sano ah oo uu isla markiiba qallinka ku duugay.
Laakiin hal sano uun kaddib Bolkiah ayaa ka soo tagay Blues si uu ugu biiro Leicester he shiis saddex sano ah. Inkastuu ku dhashay Los Angeles, ee cariga Mareykanka, Bolkiah ayaa doortay inuu u ciyaaro dalkiisa Brunei wuxuuna xulkiisa matalay sagaal kulan isagoona hal gool u dhaliyay.
Despite being born in Los Angeles, United States, Bolkiah opted to play for Brunei and has represented his country nine times, scoring once.
Si Fikrad aan kaaga siiyo Hantida Bolkiah waxaad u baahan tahay inaad fiiriso aabihii Fejri.
Ninka la dhashay Suldaanka dalka Brunei ayaa la warinayaa in 15-sano gudahood uu ku qarash gareeyay adduun dhan 15- Bilyan oo bound markaa uu ahaa madaxa wakaalada Maal-galinta Brunei
Bolkiah aabihii Jefri ayaa sidoo kale 35 milyan bil gudaheed ku qarash gareeyay Baa buur, Saacado iyo Qalishalay Dahabka ee cad cad.
Duqa dhalay wiilka garabka kaga ciyaara Leicester City ayaa sidoo kale la aaminsan ya hay inuu leeyahay 2,300 oo Baabuuro oo ay ka mid yihiin kuwa ugu qaalisan adduunka sida Bentleys, Ferraris iyo Rolls-Royces.
Laakiin tan ugu Cajiibsan ayaa ah, markii uu Jefri u dabaal degayay dhalashadiisa 50-jir ka, Wuxuu u yeertay Fannaankii caanka ahaa ee geeriyooday Michael Jackson si uu u shido xafladiisa Dhalashada.
Kaaga sii daranee garoon dhan ayuu u dhisay si dhacdadaasi loogu qabto, wuxuuna bo qorkii Pop-ka ee Michael Jackson u gacan galiyay 12.5-milyan.
Laakiin waxaa laga yaabaa inaad ka walaacdo maxaa ku wata ciyaarista kubbada cagta wiil ay reerkiisu leeyihiin hantidaas oo idil.
Laakiin xiddiga Leicester City ayaa wareysi naadir ah uu bixiyay ku yiri:
"Waxaan ciyaarayay kubbada cagta tan iyo intaan wax xusuusan karo, laga soo bilaabo yaraanteedii waxaan had iyo jeer ku raaxeysan jiray inaan garoonka aado aana cagaheyga ku hayo kubbada.
"Waalidiinteeda markasta way i taageeri jireen iyagoo iga caawinaya inaan gaaro riyoo yinkeyga inaan noqdo laacib kubbada cagta ah.
"Caruurnimadeydii si adag ayay ii tababareen nafs-ad ahaan iyo jir ahaanba, sidaa dar teed waa inaan iraahdo waalidiinteeda ayaa ah kuwaan ku dayado.”.
SPAIN - LALIGA SANTANDER.
Leganes 1 - 0 Real Sociedad
Barcelona 3 - 0 Levante
ENGLAND - FA CUP JANUARY 7
Tottenham Hotspur 3 - 0 AFC Wimbledon
Nottingham Forest 4 - 2 Arsenal.
WAA WARARKA WARGETSKA MIOGADISHU TIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 8-DA JANNAAYO 2017-KA
KULMADII WADATASHIGA EE UU WADEY GUDDIGA MADAXABANNAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA OO LAGU QABTEY BALCAD. Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo soo maray Magaalooyinka Balad wenye, Buulo Burte, Baydhabo, Xudur, Garbahaarrey, Doolow, Kis