
UK: Tirada Dadka loo xiro Argagixisada oo Korortay
Sanadkan oo kaliya waxaa la xiray dada lagu qiyaasay 229 qof, kuwaasi oo lala xiriirianyo falalka argagixisanimada – 31% ayay tiradaasi korodhay marka la bar-bar dhigo sanadkii hore oo qiyaasta dadka loo xiray falal argagixisanimo ay gaartay 100 qof.
Tirada dhalinyarada mulsimiinta ah ee dalkan Britain ee ku biiray kooxaha argagagixisada ah ayaa korodhay iyadoo ay jiraan dhalinyaro da’doodu ay aad u yar tahay oo ka tagay Britain, kuna biiray kooxaha argagixisada oo ISIS ay ka mid tahay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa shaacisay warbixin ka hadlaysa tirada sii badanaysa ee dadka loo xirayo in ay ku lug leeyihiin falal argagixisanimo sida wasaaraddu ay sheegtay. Sanadkan oo kaliya waxaa la xiray dada lagu qiyaasay 229 qof, kuwaasi oo lala xiriirianyo falalka argagixisanimada – 31% ayay tiradaasi korodhay marka la bar-bar dhigo sanadkii hore oo qiyaasta dadka loo xiray falal argagixisanimo ay gaartay 100 qof.
Waa tiradii ugu badnayd tan iyo markii la bilaabay ururinta macluumaadkan cusub ee Wasaaraddu ay soo bandhigtay. Tiradii ugu badnayn ee dadka loo xiray falalka aragixisanimo waxaa ay dhacday kadib markii weerarkii argagixiso ee ka dhacay London, bishii July ee sanadkii 2005-ka. Dadka loo qabqabtay falalka argagixisanimo waxaa ku jira kuwo haysta dhalashada Britain iyo kuwo kale oo isla haystay labo dhalasho oo midi ay tahay dhalashada Britain sida ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu sheegeen.
Sanadihii 2014 iyo 2015 waxaa tirada qiyaasta dadka loo xiray falakaasi ay noqonaysaa afar-meelood oo sadex-meel , waana tiro aad uga badan middii sanadkii 2001-ka oo qiyaastu ay noqonayso 52% , xiligaasi waxaa dhacay weeraradii argagixso ee lagu qaaday magaalada New York ee dalka Maraykanka.
UK: Tirada Dadka loo xiro Argagixisada oo Korortay
Haweenka loo xiray falalka argagaixisanimada sanadihii 2014/15, waxaa ay gaarayaan 35 haween ah. Sideed kamid ah haweenkaasi waxaa ay ahaayeen gabdho da'doodu ay ka yartahay 18 sano. Waxaa jira qoysas Soomaaliyeed oo ku nool dalka Britain oo