WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 4-TA JANNAAYO 2018-KA

0
Thursday January 04, 2018 - 11:59:02 in Wararka by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 4-TA JANNAAYO 2018-KA

    RA'IISUL WASAARE KHAYRE OO FARIIN U DIRAY MUCAARADKA DOWLADDA .. Raiisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa fariin wuxuu u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, xilli muddooyinkii dambe ay jireen siyaasiyii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE KHAYRE OO FARIIN U DIRAY MUCAARADKA DOWLADDA .. Raiisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa fariin wuxuu u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, xilli muddooyinkii dambe ay jireen siyaasiyiin kala duwan oo dowladda dhaliilaayay.

Xasan Cali Khayre, ayaa wuxuu sheegay dhaliisha wax dhiseysa inay soo dhaweynayaan, balse ay ka digayaan dhaliilahaha danaha shaqsiga ku jirto ee shacabka Somaliyed aysan dani ugu jirin.

Khayre ayaa wuxuu tilmaamay inaysan marnaba diideyn dhaliil u tilmaamaysa wadada wa naaga, ayna u baahan yihiin dhaliilaha noocaasi ah ee wax lagu toosiyo.

Xasan Cali Khayre ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray in dowladda Somaliya ay ku ad adag tahay nidaamka iyo shuruucda dalka u yaallo, aysana raali ka ahaaneyn in lagu xadgudbo.

MASUULIYIIN IYO SHACAB BADAN OO KA QAYB GALAY AASKA CALI SHUUTE

Waxaa qabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho lagu aasay Cali Nuur Shuute oo ah aabaha dhalay Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Somaliya oo habeen hore Muqdisho lagu dilay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda, Saraakiisha ciidamada iyo shacab aad u fara badan ayaa ka qayb galay aaska Marxuum Cali Xasan Nuur Shuute.

Masuuliyiintii ka hadlay madasha aaska ayaa dhamaantood ka tacsiyadeeyay dilka loo gaystay Cali Nuur Shuute oo habeen hore gurigiisa lagu dhex dilay.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa waxa ay ka dalbadeen in la baaro dilka loo gaystay Cali Nuur Shuute oo ahaa Oday Somaliyed, kuna noolaa Degmada Dharkiinley.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka loo gaystay Cali Nuur Shuute.

Cali Nuur Shuute ayaa wuxuu dhalay Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxka madda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida, kaasi oo xukuno kala duwan ku rida xubnaha Shabaabka lagu eedeeyo iyo ciidamada.

WASIIR HENRY KALABA OO ISKU CASILAY FACEBOOK..

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Zambia Henry Kalaba ayaa iska casilay xukuumadda dalkaas, isaga oo qoraal dheer oo uu Facebook soo dhigay ku eedeeyay dowladda uu ka tirsan yahay musuqmaasuq, hunguri weynin, iyo maamul xumo.

Balse dadka siyaasadda u dhuun duleela waxa ay sheegeen in iscasilaadda wasiirka ay ta hay cadaadis la saarayo madaxweyne Edgar Lungu oo markii seddexaad xilka isu soo sharaxa ya, halka dastuurka dalkaas uu qabo in labo jeer oo kaliya uu qofka xilka hayo.

Henry ayaa la sheegay in uu isaga ka midyahay musharixiinta xisbiga talada haya ee isu taagi lahaa xilka madaxtinimada haddii madaxweynaha uu wadada u baneeyo.

Qoraalka uu Facebook soo dhigay ayaa laga bixiyay kumanaan faalo.

Xafiiska madaxtooyada ayaanan wali wasiirka ka helin wax warqad rasmi ah oo iscasilaad ah marka laga tago qoraalka Facebook uu ku daabacay.

KALFADHIGII LABAAD EE GOLAHA AQALKA SARE OO LASOO XIRAY

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ayaa shalay dhageystay warbixin la xiriirta dhul boobka Kenya ka waddo dhanka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Warbixinta ayaa waxaa aqalka siiyay senetor Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag oo kamid ahaa wafdi dowladda ka socda oo dhowaab tagay degmada Beledxaawo iyo deegaano dhanka xuduuda ku yaalo.

Gen Fartaag ayaa sheegay in Kenya ay ku soo xad gudubtay dhanka degmada Beled xa awo islamarkaana ku dhawaad 700 oo guryo cusub oo Soomaali ah xariiqdeen oo dhanka Kenya ay mareen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay la hadleen ayna ugu baaqeen inay deganaan muujiyaan oo dowladooda ku kalsoonaadaan. Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xa ashi Cabdullaahi oo xildhibaanada la hadlay ka hor inta aanan lasoo xirin kalfadhiga labaad ee aqalka sare ayaa sheegay in dowladda uu ugu baaqayo inay arrimahaasi guddi gaar ah u saarto.

Ugu dambey Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u mahadceliyay xildhibaanada aqalka sare wuxuuna sheegay inay wax badan qabteen labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay, waxaaba uu ku dhawaaqay in kalfadhiga labaad uu xiran yahay islamarkaana la qaban doono xaflad lagu soo xirayo kalfadhiga labaad ee golaha aqalka sare.

DUQA MUQDISHO OO LA KULMAY CULIMADA SOOMAALIYEED

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa habeen hore wuxuu kulan la qaatay Culimada ku nool Magaalada Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa Culimadda kala hadlay sidii door muuqda ay uga qaadan lahaayeen arrimaha ku aadan xal u helida xaaladda Gobolka Banaadir.

"Waxaan la kullanay Culimada Soomaaliyeed ee degan G/Benaadir waxaana ka codsanay in ay na garabistaagaan si aan u nabadeyno una horumarino Gobolka Benaadir. Barnamijka Deri seynta ama IshaXaafadda waxaa qayb weyn ka qaadan kara wacyigelinta Culimada, si looga hortago sharta nabaddiidka ama argagixisada ee afkaaraha qaldan adeegsada.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho

Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay culimadda Soomaaliyeed inay kala hadleen arrimaha ku aadan dib u heshiisiinta, maadaama Gobolka Banaadir dhawaan uu qabanaayo Shirka dib u he shiisiinta Bulshada degan Muqdisho.

"Waxaan sidoo kale kala hadalnay arrimaha dibuheshiisiinta, hantiisucelinta iyo arrimaha cadaaladda & garsoorka oo dhamaantood wacyigelin diini ah aad loogu baahi qabo.”

"Ugu dambeyntii waxaan ku casuunay Shirka Wadatashiga Nabadeynta & Horumarinta Go bolka Benaadir oo dhacaya 7da Janaayo 2018, wayna naga aqbaleen in ay nagala soo qeybga laan, doorka uga aadanna ka qaataan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu horumarinaayo Gobolka Bana adir, iyadoo laga eegaayo dhinacyada muhi imka u ah horumarka Gobolka.

WASIIRKII UGU HOREEYAY OO KA TIRSAN DOWLAD SOOMAALIYEED OO BOOQDAY SODDON SANO KADIB SOOL IYO SANAAG

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan, ayaa safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan gobolada lagu muransan yahay ee Sool iyo Sanaag, halkaas oo ay isku hayaan maamulka Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbaannanida ee Somaliland.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamig ah Jamaal Xasan ayaa sheegay in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soo dhageystay warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, iyadoo ka dibna u sii gudban Gobalka Sanaag.

Wafdiga uu horkacayo Wasiirka ayaa habeen hore waxa ay ku hoydeen Degamada Badhan halka shalayna ay gaareen deegaanka Dhahar.

Hase yeeshee booqashada Wasiirka Qorsheyna iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee uu kutagay gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ka soo horjeestay maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in socdaalka Wasiirka uu qalqal gelinayo xiriirka ay labada dhinac leeyihiin,wuxuuna dhanka kale sheegay iney ku dambeyn doonto iska hor imaad waa sida uu sheegaye.

"Runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xadgudub arrinkaasina wuxuu khalkhal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona..”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire

Booqashada uu ku tegey goboladaas Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa noqoneysa booqashadii ugu horreeyay oo uu Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka ah ku tago deegaannadaas muddo 30 sanno ah.

MUUSE BIIXI OO MAGACAABAY XILAL CUSUB

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shalay wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222­15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya­aragnimadooda

Muuse-Biixi-300x194Shaqo;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa

Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La­tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda shalay aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

Axmed Yuusuf Dirir Maxamed Hantidhawraha Guud ee Qaranka

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasim aha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

Cumar sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasim aha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiya ha Hay’ ada Udiyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka

Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacay aasha Qaranka.

QABASHADA ARAAJIDA DOORASHADA KURSIGII SANBALOOLSHE OO JOWHAR KA BILAABATAY

Guddiga doorashada heer qaran ayaa shalay Jowhar ugaga dhowaaqay in la bilaabayo qabashada araajida musharaxiinta u tartamaysa doorashada kursi ka mid kuraasta Golaha Shac abka, kaasoo uu horay u waayay C/llaahi Sanbaloolshe, kaddib markii uu noqday Taliyihii NISA.

Xaliimo Ismaaciil oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada heer qaran oo daraad gaartay magaalada Jowhar ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabatay magaalada Jowhar waxa ay ku sheegtay in laga bilaabo shalay oo ah 3da bisha Janaayo 2017 ay soo gudbin karaan musharaxiinta u tartamaysa kursigaas.

"Laga bilaabo shalay oo ah 3da bisha Janaayo sanadka 2017 waxaa la bilaabay qabashada araajida musharaxiinta waxayna socon doonta qabashada araajida illaa iyo 10ka bishan.”ayay tiri Marwo Xaliimo Yarey guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaran.

Musharax walba waxaa laga doonayaa inuu u soo gubiyo guddiga doorashooyinka arjiga ka qeybgalka doorashada waxaana laga doonayaa musharaxiinta ragga ah, 5,000 oo dollar musharaxa dumarka ahna $2,500.

Musharaxiinta xilkan doonaya inay u tartamaan ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Sanbaloolshe, oo hore ugu guuleystey sanadkii hore isla kursigan, balse waayay markii uu noq day taliyaha ciidamada nabadsugida Soomaaliyeed, waxaa kale oo wararka ay sheegayaan in uu yahay musharax kursigan Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Daahir Cabdulle Cawaale oo ka mid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabelle iyo qaar kale.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer qaran Marwo Xaliimo Yareey ayaa daraad soo gaartay magaalada Jowhar, iyadoo kulamo la yeelatay Madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

GUDOOMIYE JAWAARI OO LA KULMAY SAFIIRKA DOWLADDA INGIRIISKA U FADHIYA SOOMAALIYA

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JF Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ uu la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Con car ayaa waxaa looga hadlay howlaha golaha Shacabka iyo kaalinta Dowladda Ingiriiska.

Ugu horeyn guddoomiyaha golaha shacabka ayaa safiirka uga warbixiyay howlaha golaha shacabka oo hada ay hakad ku jiraan fadhiyada guud ee golaha ,maadaamaa uu dhawaan xirmay kalfadhiga labaad ee golaha.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa aad u amaanay howsha golaha shac abka ee Baarlamaanka Dalka isago sheegay dowladda Uk ay mar walba diyaar u tahay taageer ida Baarlamaanka Soomaaliya iyo horumarintiisa.

Kulanka ayaa inta uu socday waxa ay isla soo hadal qaadeen waxyaabihii golaha shacab ka usoo qabsoomay labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay iyo qorshayaasha u degsan iyo sidoo kale doorka deeq bixiyaasha caalamka.

Sidoo kale xoojinta xiriirka iyo Horumarinta iskaashiga Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa looga hadlay kulanka ay wada qaateen Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS iyo Danjiraha Dowlada Britian u fadhiya Soomaaliya.

Ugu dambeyn Danjire Divid Concar Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliy ayaa sheeg ay in dowladiisa ay diyaar u tahay bogaadinta howlaha adag iyo shaqooyinka Baarlamaan ka 10aad ee Soomaaliya.

AKHRISO:ALSHABAAB OO DEGMADDA KUNTUWAAREY KU TOOGTAY SHAN RUUX

Alshabaab ayaa Xukun dil ah kula fuliyay Degmada Kurtunwaarey ee Gobolka Shabe ellaha hoose shan nin,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u shaqeynayeen Sirdoonka dowlada Soomaaliya,Amisom,Itoobiya iyo Kenya.

Fagaare ku yaallo Kuntuwaarey ayaa la isugu yeeray dadka deegaanka.

Ragga Shabaabka ay dileen ayaa waxa ay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, Dowladda Somaliya, Itoobiya iyo Kenya.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO MAGACYADDA

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan oo da’diisu aheyd 23 jir, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay maamulka Degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan oo da’diisa aheyd 30, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

3-Muxamed Abshir Cali oo 35 jir ah, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay ciidamada Itoobiya.

4-Cali Axmed Sheekh Cali oo da’diisu aheyd 30 waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

5-Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano Jacfar Dheere oo Da’diisu aheyd 36 Jir wuxuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.

URURKA QAREENADA SOOMAALIYEED OO QAADACAY GO’AAN KA SOO BAXAY MAXKAMADA RACFAANKA G/BANAADIR..

Kadib markii Shalay Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ay shaacisay in ay Gan aaxday Sideed qareen oo ay ku eedeysay in ay diideen in ay difaacaan Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo laga sugayay Shalay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir.

Tallaabadaan ay qaaday Maxkamada Racfaanka ayaa durbadiiba ka hadlay Ururka Qaree nada Soomaaliyeed kuwaas oo Gelinkii dambe ee Shalay soo saaray Warsaxaafadeed ay kaga hadleen ganaaxaas iyo Go’aankooda.

Afhayeenka Ururka Qareenada Soomaaliyeed Abukaate Cali Xalane oo Warbaahinta u Akhrinayay Warsaxaafadeedk ayaa sheegay in aysan jirin wax qoraal ah oo soo gaaray Ururka ee ku saabsan Ganaaxa Sideeda Qareen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in daraad uun ay Warbaahinta ka maqleen Magacaabista Sideed qareen oo loo wakiishay in ay difaacaan Siyaasiga Cabdiaxman Cabdi Shakuur Wars ame.

DOWLADDA KENYA OO DHULKEEDA KU DARSATAY 790 GURYO SOOMAALI LEEDAHAY

Wafdigii dowladda Soomaaliya ee dhawaan kasoo laabtay Gobolka Gedo ayaa Golaha aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya u sharxay wixii ay kusoo arkeen xuduudka kenya iyo Soomaliya.

Waxa ay sheegeen in Silliga ay Kenya marineyso xuduudka uu dhinaceeda mariyey guryo ay Soomaali leedahay oo ku dhow 1,000 Guri.

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa wafdiga tegay Beledxaawo ayaa kulankii Aqalka Sare ee shalay ka sheegay in waxgaradka iyo Odayaasha Beledxaawo ay wafd iga u sheegeen in ilaa 790 Guri oo ay leeyihiin Soomaali ay gudaha Kenya galeen.

Silliga ay Kenya ka dhiseyso magaalada xuduudka ku taalla ee Beledxaawo ayaa la dhisay ilaa 6 KM isagoo ku socda Webiga ilaa magaalada Beledxaawo afkeeda, waxaana Senator Far taag uu sheegay in dhulkaasi aanu ahayn dhulkii hore Kenya uga tirsanaa

MADAXWEYNE GAAS OO DALBADAY IN LA FURO WADDOOYIN MUHIIM OO KU XIRMAY DAGAALADII GAALKACYO.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cwali Maxamed Cali "Gaas” oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa ka hadlay saameynta ay Gaalkacyo ku yeelatay colaadda ku raagtay.

Madaxweyne Gaas ayaa kor meeray qaar ka mid ah waddooyin dib loo howl giliyay oo dagaalada ku xirmay iyo sidoo kale fariismo ay dageyn Ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan la sameeyay, kuwaas oo loogu talagalay amaanka Gaalkacyo.

Gaas ayaa sheegay in ay jiraan waddooyin kale oo muhiim ah kuwaas oo wali u xiran Colaadii Gaalkacyo loona baahan yahay in si deg deg ah loo furo si culeeska ugu yaraado dadka deegaanka.

"Gaalkacyo uma dulqaadan karto colaad waan in aan ka weynaanaa dagaal iyo qabyaalad oo aan la mid noqonaa magaalooyinka kale ee Soomaaliya, waxaan codsanayaa in dib loo furo waddooyinka colaadda u xirmay” ayuu yiri Madaxweyne GaasRa’iisul Wasaare Khayre oo xilalka ka qaaday 3 Wasiir

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaan aaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirada kala ah:

Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caal amiga ah

Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha

Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dibuheshiisiinta

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 3 wasiir oo cusub oo buuxiya xilalka bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah;

Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS;

Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warsh adaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gud aha, Federaalka & DibuHeshiisiinta;

Waxuu magacaabay:

Qodobka 1aad – Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasi irka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 1aad – Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Was aaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & DibuHeshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Qodobka 1aad – Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaarad da Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda

Qodobka 3aad;

Magacaabiddani waxa ay dhaqangaleysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuum adda JFS, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya;.

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR OO KU GACAN SEYREY GO’AANADII SHALAY KA SOO BAXAY MAXKAMADA RACFAANKA

Ina-Shakuur-300x194Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta uu ku leeyahay Muqdisho ayuu ku gacan seyrey dhammaan go’aanadii shalay ka soo baxay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir.

Shirkan jaraa’id ayuu ku cadeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuusan ku aqbalayn go’aanka ka soo baxay maxkamada racfaanka isagoo madaxtooyada ku eedeeyay inay ka dam beyso dilalka qorsheysan iyo maxkamadeynta siyaasiyiinta ka aragti duwan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdishakur ayaa sheegay in dhammaan go’aanka ay gaartay Maxkamada Racfaanka uu yahay sharci darro. Waxana uu xusay in garsoorka dalka uu iska indho tirey dil loo geystay shan ruux oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo uu ku sheegay inay ilaalo u ahaayeen iyo qof kale oo rayid ah 17kiibishii December ee sanadkii hore xilli habee nimo oo ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay is dejiy aan.

"Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo taageerayaashaydaba in ay is dejiyaan cid nooga adkaan karta ma jirto sharciga, sharciga ayaa cid kasta ka sareeya.”ayuu yiri Warsame

Isagoo ka hadlayay go’aanka shalay ay gaaray Maxkamada Racfaanka ayuu yiri:

"Waxaan cadeynayaa inaan aqbalsanayn go’aanka ay maxkamadu shalay ku siisay xeer ilaalinta muddo sagaashan casho ah taasoo xeer ilaalintu ku dooneyso inay ku soo dhoodhoobto waxyaabo been abuur ah, waxaana cadeynayaa in la gaari doono maalin lala xisaabtami doono dhamaan xafiisyada haysta awooda ku takrifalaya, sida xafiisyada garsoorka iyo kuwo fulinta ba.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur.

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkam adda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishak uur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn.

Sidoo kale, Maxkamadda racfaanka ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa.Waxayna safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdira xmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto.

Ugu dambeyntii Waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.

BOGGA CAYAARAHA

CAN KA TEGI MAAYO LIVERPOOL BALSE BISHAN CIDDA UU DOONO AYUU IS AFGARAD LA GALI KARAA

Khadka dhexe waxaa si xoog leh loola xiriirinayey Bianconeri, agaasimaha guud ayaa qiray in ay xiiseenayeen.

Iyada oo uu dhacayo qandaraaska dhammaadka xilli xili ciyaareedkan, waxaa la qabay in bisha Janaayo uu ku soo biiri doono Juve.

Hase ahaatee, wariyaha Sky Germany, Marc Behrenbeck waxa uu hubaa in ugu yaraan Can sii joogi doono Liverpool ilaa iyo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Can ma ogolaan saxiixa heshiis cusub kolkaa waa u fasax in uu bishanba is afgarad hour dhac ah la gaaro cidda uu doonayo.

LEMAR OO UGU DAMBEYN ARSENAL IYO MANCHESTER UNITED KA DOORTAY……?)

Xiddiga Monoco Thomas Lemar waxa uu go’aan ku gaaray in uu ku biro Liverpool oo uu ka doortay Arsenal iyo Manchester United – sidaas waxaa qortay Yahoo Sports.

Arsenal waxa ay isku dayey in ay Lemar xagagii hore la soo saxiixato iyada oo ku fashil antay habeenkii ugu dambeeyey heshiis le’ekaa €95 million, taas waxa ay sabab u noqotay in Alexis Sanchez ku biiri waayo Manchester City.

Liverpool wey xiiseeneysay Lemar xagaagii hore iyada oo dooneysay in ay bedel uga dhigto Philippe Coutinho kaas oo iminkaba la qabo in uu u wareegayo Barcelona.

Laacika Monoco sidoo kale Manchester United waa lala xiriirinayey balse waxa uu doortay Liverpool si uu bedel ugu noqdo Coutinho.

YAAB: CHELSEA OO SOO KIREYSATAY SHAQSI ANTONIO CONTA KA DAWEEYA DABAAL DEGA WAALIDA AH!!!

Antonio Conte ayaa doonaya inuu sanadkan cusub go’aan ka gaaro dabaal dega waalida ah uu sameeyo markay guul gaarto kooxda taa oo jahwareer iyo jir xanuunba u keena.

Macallinka reer Talyaani ayaa iminka sameyn doona Jimcsi nuuca loo yaqaano Yoga ee xasiliya xiska iyo jirkaba.

Chelsea ayaa xitaa macallin ku taqasusay sheekadan u soo kireysay Antonio Conte si ay uga yareyso cadaadiska badan.

"Qofbaa jira waxana kooxda uga mahad naqayaa inaan qof ceynkan oo kale ah halkan ku heysto,” Conte ayaa sidaa yiri.

"Waxaan sameynaa jimicsi jirka lagu fur furayo, dhammaadka jimicsigana waxaan same ynaa 10daqiiqo oo nasiino ah. Tani way fiican tahay.

"Waan ka helaa aad ayaana u xiiseeyaa Yoga, waan ka helaa inaan aqriyo buugaata mow duucyadan ka hadlaya.”.

Antonio Conte, Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ayaa ka mid ah tababarayaasha sida waal ida ah ugu dabaal dega guusha kooxdooda.

Conte oo taa ka hadlayana wuxuu horey u yiri:

"Marka aad kulan sidan oo kale ku dhammeysato waad yare daalan tahay, laakiin isla waq tigaana waad faraxsan tahay haddii aad guul gaartay.

"Maadaama aan sii waynaanayo waxaan bilaabi doonaa deganaan badan waxaana isku dayi doonaa inaan fariisto laga yaabee shan daqiiqo.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan bilaabo inaan fariisto inta lagu guda jiray kulamada.”.

RASMI: TABABARE ERNESTO VALVERDE OO SOO SAARAY LIISKA XIDDIGAHA UU KAGA HOR TAGI DOONO KOOXDA CELTA VIGO

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan wareega 16ka ee tartanka Copa del Reyga.

Barceona ayaa dib u bilaabi doonta xilli ciyaareedkeeda kadib fasaxii jiilalka oo soo dhama aday xiddigaha kooxduna ku soo raaxaysteen fasaxaan soona qaateen nasasho fiican.

Kooxda Tababare Valverde ayaa kulanka u soo gali doona in ay ka aar gutaan kooxd Celta Vigo oo barbaro ku qabatay kulan horyaalka Ah.

Waxa liiskan ka soo muuqday xiddiga reer France ee Dembele kaas oo isha ku haya in uu kulankiisii ugu horeeyay u safto Barcelona tan iyo markii uu dhaawaca ka soo kacay.

Sidoo kale waxa liiskan ku jira Mascherano oo isna taam u ah in uu u ciyaaro kooxda kadib markii uu dhaawacii ka soo kabsaday.

LIVERPOOL OO LA SHAACIYAY QIIMAHA SAXDA AH OO AY PHILIPPE COUTINHO UGA IIBIN KARTO BARCELONA

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa sheegeysa in kooxda kubada cagta Liverpool, ay hor dhi gtay dhigeeda Barcelona, qiimo lacageedka saxda ah, oo ay uga iibin karto laacibkeeda Philippe Coutinho, suuqaan Janaayo, ee hada furan.

Wargeyska The Times, ee kasoo baxa wadanka UK ayaa wuxuu qoray in Liverpool ay Miis ka u saartay Barcelona aduun dhan 133 Malyuun oo lacagta Ingiriiska ah, taasoo ka dhigan 150 Malyuun oo Yuuroo.

Wuxuu sheegayaa Joornaalkaan in hadii ay ogolaato Barcelona, qiimahaas uu Coutinho u soo wareegi doono bishaan Janaayo Camp Nou, islamarkaana uu xiran doono qeybta labaad ee xili ciyaareedkan maaliyada Barca.

Hadii ay dhacdo in Coutinho uu ugu biiro Barcelona lacagtaas ayaa waxay ka heli doontaa Liverpool macaash badan, maadaama uu sanadkii 2013 ay kaga soo iibsatay dhigeeda Inter Milan aduun dhan 30 Malyuun.

Tan iyo xiligaa Coutinho ayaa wuxuu ka caawiyay kooxdiisa guulo badan isagoona u dhaliyay goolal tiro badan, waxaana hada uu yahay mid mustaqbalkiisa uu shaki ku jiro xili uu xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ku dhawaaday inuu baxo.

Kaliya xili ciyaareedkan Liverpool, ayaa waxay ka diiday dhigeeda Barcelona, sadex jeer oo dalabyo ah, waxaana midkaan uu umuuqdaa midkii ugu dambeeyay ee uu ku bixi lahaa ama uu ku joogi lahaa Philippe Coutinho

ENGLAND PREMIER LEAGUE

Arsenal 2 2 Chelsea






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip