WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DA JANNAAYO 2018-KA

0
Wednesday January 03, 2018 - 11:02:45 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DA JANNAAYO 2018-KA

    M/AFRIKA OO SANNADKAN XOOJINAYA TAAGEERADA SOOMAALIYA Ururka Madowga Afrika ayaa soo saaray warbixin Sanadeed ku aaddan wax qabadkoodii Sanadkii tagay iyo qorshaha Ururka ee Sannadkani 2018-ka Guddoomiyaha Ururk M/Afri ka Moussa Faki Mahamat aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M/AFRIKA OO SANNADKAN XOOJINAYA TAAGEERADA SOOMAALIYA Ururka Madowga Afrika ayaa soo saaray warbixin Sanadeed ku aaddan wax qabadkoodii Sanadkii tagay iyo qorshaha Ururka ee Sannadkani 2018-ka Guddoomiyaha Ururk M/Afri ka Moussa Faki Mahamat ayaa ugu horreyn tibaaxay in ay hormaro la ta aban karo ka sameeyeen soo deynta Muhaajiriin Si sharci darro ah loo kala iibsanayay, kuwaas oo uu sheegay in ay guulo ka gaareen sidii ay dib ugu celin lahaayeen Muhaajiriin taasi dalal kii ay ka soo kala jeedeen, iyaga oo kaashanaya hay'adaha Q/ Midoobay iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa war bixinta Sanad laha ku soo hadal qaad ay xaaladda Soomaaliya waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay dardar gelinta dadaalada lagu nabadeynayo Soomaaliya iyo inay xoojin doonaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen soo afjarida khatarta Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

somaaliya ayaa waxaa ku sugan in ka badan 20,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalin ta M/Afrika ee AMISOM, kuwa as oo ku garabsiiya Ciidamada Dowladda dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADA CIIDA MADA AABBIHIIS OO XALAY LAGU DILEY MUQDISHO

Waxaa Xalaya lagu diley gurigiisa oo ku yiil degmada Dharkeynley ee M/Muqdisho Cali Nuur oo ahaa Aab baha Guddoomiyaha Maxkamada da rajada 1aad ee CQS.Col. Xasan Cali Nuur Shuute. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Cali Nuur lagu dhex dil ey gurigiisa oo ku yiil meel ku dhow Su uq Boocle D/Dharkeynley.

Dilka Cali Nuur Shuute ayaa ku soo beegmaysa xilli doraad ay la bila abay dhageysiga eedeymo loo haysto rag la sheegay inay ku lug lahaayeen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee M/Muqdisho.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka Guddoomiyaha Maxkamada cii damada Aabbihiis mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka ka dhacay xalay degmada Dharkeynley ee.Maga lada Muqdisho

AQALKA SARE OO QARAAR KA OO SAARAY WEERARKII GURIGA SENATOR CABDI QEYBDIID LAGU QAADAY

Guddoonka Aqalka sare ee Baarla maanka FS ayaa qaraar ka soo saar ay weerarkii lagu qaaday guriga Senat or Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ka degen yahay M/ Muqdisho. Qaraar ka ayaa lagu amray in maxkamad la soo taago ciidamadii ka qeyb qaatay weerarkii ka dhacay hoyga Senator Cabdi Qeybdiid, waxaana sidoo kale laga dalbaday wasaaradda gaashaan dhiga in si deg deg ah maxkamadu hor geyaan ciidamada werarka fuliyay.

HOOS KA AKHRISO QARAARKA GOLAHA AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:-

TIX:GAS/B10/03/17

Kalfadhiga2aad

Fadhisga22aad

GOALAH AQALKA SARE EE BAARLAM MAAN KAFEDERAALKA SOOMAALIYA

Markuu Arkay: Qodobka19aad ee Dastuu rka FS ee Xeerinaya in aanana la geli karin,la baari karin iyo inaan la basaasi karin Amar Garsoore oo sababeysan la'aantiis;

Markuu Arkay:Qodobka :-Q/78aad ee Dastuurka FS kaas oo xerinaya Xa sanada uu leeyahay Senetoor Golaha Aqalka Sare ee Baarlammaanka F.S.'

Markuu Arkay:Qodobka 99aad ee Xar afkiisa {f}ee Dastuurka F.S.kaasoo u xilsaaraya XFS sugidda nbadgalya da dalka'

Markuu Arkay:Qodobka 126aad ee Dastuurka Dalkaaasoo ku waajibinaya Xukuummadda FS dammanad qaad ista nabada, Gobonimada iyo amma anka JFS iyadoo Adeegsaneynsa cii damadeeda Amniga Qeybahooda kal a duwan;

Markuu Arkay:Gabood-fallada ay Ci idamada Amnigu u geysanayaan Muw aadiniinta isticmaalaya Xaqooda Dast uuriga ah ee lagu siiyey Qodobka 22 aad ee Dastuurka iyo beegsiga Guriga ama hoyga Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare iyagoo ku xadgudbay Ma baa'dida Ciidannimo ee lagu xeeriyey xarfaha {b}{c}iyo {e} farqadda 1aad ee Qodobka 127aad ee Dastuurka Fs.

Markuu tixgeliyey:Saameynta ay gabo od-falladaasi ku yeelanayaan dib u dhiska Dowladnimada Jamhuuriyada Somaaliya gaar ahaan dhinaca xasilo onida nabadgalyada Dalka;

Isagoo ku kulansan: Kalfadhiga 2aad, Fadhigiisa22aad oo ay ka soo qeyb galeensoddon iyolba{32} Senator;

WUXUU GUDDOONSADAY QODOBADA SOO SOCDA:QODOBKA-1AAD:

Maxamadeynta Cidamada weraray Hoyag Senator ka tirsan Golaha Aqal ka Sare

1-Wasaarada Gaashandhiga iyo Talis ka Xoogga waa in ay ku horgeeyaan Maxamadaha Awoodda u leh Ciidma dii geystay weerarkii lagu qaaday Hoy aga Sanator Cabdi Xasan Cawaale {Qeybdiid} si aan waafaqsaneyn Das tuur iyo Sahruucda kale ee dalka u yaalo

Qodobka 2aad

ku dhaqanka Mabaa'dida cid annimo ee Dastuuriga ah Wasaarad da Gaashaandhiga ,Wasarada Amni ga Gudaha iyo Taliska Xoogga Dalka waxaa la farayaa in ay qeybaha ciidan ee hoos yimaada ku tababraan Mab aa'diida ciidannimo ee lagu xeeriaye qodobka 127aad ee Dastuurka FS si looga hortago geysashada gaboodfa llo ee ka dhanka ah Dastuur iyo sharu ucda Dalka iyo in aanana loo adegsan ujeeddooyink aan sharciga waafaqsa neyn. Iyadoo uu ku asteysneyd qoral ka aqalka sare soo saaray saxiixa gud doomiayah iyo taariikhdaba oo ah sida

Muqdisho 31-ka Dicembar 2017-ka       SEN.CABDI XAASHI CABDULAAHI GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA,

9 qof oo ku dhimatay Xabsi ku yaalla Brazil

Ugu yaraan sagaal qof ayaa la di lay, 14 kalena waa ay ku dhaawacme en Rabshado ka dhacay xabsiga ee gobolka Goias ee dalka Brazil. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ku dhawaad 100 maxbuus ay ka baxsadeen Xabsi ga.

Koox Burcad ah ayaa la sheegay in ay Weerar ku soo qaadeen xabsiga , islamarkaana ay ooda ka qaadeen Maxaabiista, sidoo kale ay dab ka qa badsiiyay qeybo ka mid ah Xabsiga.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay baadigoobayaan Kooxihii ka dam beeyay falkaasi oo baxsaday iyo Sidoo kale Maxaabiistii Baxsatay.

Dalka Brazil ayaa waxaa ku yaalla xab siga saddexaad ee ugu weyn adduun ka, waxana ku jira Maxaa biis badan.

MAXKAMAD KU TAAL UK OO 7 SANO XABSI KU XUKUNTAY MUWAADIN SOOMAALIYEED

Maxkamadda M/Swindon ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay 7 sano oo Xab si ah ku ridday Mahad Xasan oo ah Soomaali 23 jir ah kaas oo ku lug la haa middiyeynta gabar u dhalatay UK.

Wiilka Soomaaliga ah ayaa ku dood ayay in uu wiil saaxiib la ah Gabadha ku lahaa £30, oo lacagta Ingiriiska ah,hayeeshee xilliga falka iyada kuma lug lahayn doodda wiilka Soomaaliga ah iyo saaxiibkeed.

Nina Austin, oo 39 jir ah ayaa qalliin looga sameeyay Caloosha waxaana ay isbitaalka ku jirtay dhawr 7a ad,waxaa ay sheegtay in markii uu la bo jeer middida caloosha kaga dhuftay ay dhulka ku dhacday kaddibna uu ka tagayTom Copeland, oo ah Qareenka u doodaya Mahad ayaa sheegay in uu qirtay dambiyada lagu soo eedeey ay,waxaa kale oo uu sheegay inuu Ma had ka soo jeedo Qoys Soomaali ah oo qaxootinimo ku galay Ingiriiska.

Qareenku waxa kale oo uu shee gay in Mahad uusan dambiyo hore u ga galin Ingiriiska sidaas darteedna fal kan ka dhacay loo baahan yahay in si dhex dhexaadnimo ah loo wajaho.

Eedaha kale ee Mahad loo haysto waxaa ka mid ah in uu ka mid ahaa dadka ka ganacsada Daroogada Coc aine-ka,sida uu sheegay James Sca nlon, oo 36 jir ah,kana mid ah Saldhig ga Booliska ee Swindon.

Robert Pawson, oo ah Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in Mahad uu qirtay dhamaan dambiyada lagu ee deeyay ee uu markii hore diiday ,si daas darteedna Maxkamadda ku xuk untay 7 Sano oo xabsi ah

SARAAKIIL KA TIRSANAA AL-SHABAAB OO ISKU DHIIBAY MAAMULKA KOONFUR GALBEED

Wararaka ka imanaya degmada Bu urhakaba ee gobolka Baay ayaa shee gaya in labo Sarkaal oo ka tirsanaa ur urka Al-shabaab isku dhiibeen maam ulka Koonfur Galbeed ee degmada , kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cus maan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed. Raggan oo Al-Shabaab u qaabils anaa dhanka amniyaadka aya a waxa ay ku sugan yihiin xarunta degmada, waxaana gacanta ku haya Guddoomiy aha degmada Buurh ak aba iyo saraaki isha ammaanka Koon fur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Ga lbeed Nuuradiin Yuusuf (Gacma) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in raggan isa soo dhiibay ay dhib ku hayeen sida uu hadalka u dhigay sha cabka Koonfur Galbeed, balse hada ay ka soo laabteen go’aankooda hore.

Wuxuu sheegay maalmahan dambe in ay soo badanayaan ragga Shabaab ka soo goosanaya ee isku soo dhii baya Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay gacmo furan ku soo dhaweyn doonaan, oo shacabko oda ay ka mid noqon doonaan.

Nuuradiin Yuusuf (Gacma) Afhaye enka Maamulka K/Galbeed ayaa dhali nyarada Shabaab ka tirsan ugu baa qay in ay isku soo dhiibaan Maamulka K/Galbeed, si wanagsan lola dhaqmi doono.

XILDHIBAAN JARMAL AH OO LOO HAYSTO ISLAAM NACAYB

Siyaasiyad Jarmal ah ayaa wajaha ysa baaritaan ay ku hayaan booliiska, ka dib markii ay jeedisay hadal kicin ah intii lagu gudo jiray soo dhawaynta sannadka cusub. Beatrix von Storch oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga AfD ee siyaasaddiisu midig-fog tahay ayaa Twitterkeeda ku soo qortay Isnii ntii hadal Islaam nacayb ah.

Booliisa Cologne ayay ku eeda ysay in ay qancinayaan "rag axmuqiin ah oo Muslim ah oo kufsi qori caara ddii ah gaysanaya”, iyada oo arrintaas ku soo qortay barteeda Twitterka iya da oo luuqadda Carabiga adeegsanay sa.Booliiska ayaa ka baaraan dagaya in dacwad lagu soo oogo iyada oo loo haysto nacayb iyo kicin.

Booliiska ayaa fariistaas ku soo qoray Twitterka isaga oo adeegsanaya luuq ado dhawr ah oo ay ka mid yihiin Car abi, Ingiriis, Faransiis iyo Jarmal.

Twitterka ayaa xanibay ciwaankii Sto rch muddo 12 saacadood ah iyaga oo arrintaas kaga jawaabaya qoraalka ay soo dhigtay, bartan ay bulashadu ku xiriirtana waxay sheegtay in ay meel u ga dhacday shuruucdii u taalay.

Booliiska Cologne ee dalka Jarm alka ayaa jariidadda Der Spiegel u she egay inay baarayaan in xildhibaanna du dambi gashay, laakiin wuxuu carab a ku adkeeyay in arrintaasna ay tah ay hab caadi ah.

QM OO WALAAC KA MUUJISAY BURBURIN LAGU HAYO BARAKACAYA ASHA MUQDISHO

Sarkaal sare oo ka tirsan Sa raakiisha QM ee Soomaaliya ayaa Inii ntii sheegay in burburin lagu haayo dhismayaasha barakacayaasha ku nool duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakacayaaha degaanka KM-13.Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soom aaliya, ayaa sheegay in 23 degaan oo hoy u aheyd in ka badan 4,000 oo qo ys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur buriyey agab ay dadkaas lahaaye en iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u ahaa

"Waxaan aad uga murugeysanahay dhibaatadan, iyada oo aan lahayn oge ysiis hore oo ku saabsan dadka bara kacayaasha ah, qaar ka mid ah dad kan barakacayaasha ah waxa ay ka yi maadeen meelo fog, iyaga oo ka soo cararay Abaar iyo Colaad”. Ayuu yiri Peter.

Wuxuu kaloo sheegey inaan la siin barakacayaasha muddo ku filan oo ay agabkooda uga qaataan goobihii ay degenaayeen ka hor intii aysan bur bu rin guryihii ay dadkaasi ku noolaaye en, waxaana hadda bannaanka fadhi ya caruur, dumar iyo dad waayeel ah oo xeryahaas ku noolaa.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada oo dhan in ay ilaaliyaan oo ay caawiyaan dhammaan dadka rayidka ah ee ka cararaya iska horimaadka iyo abaarta, kuwaas oo horey u soo gaarsiiyey wax badan, isaga oo intaas ku daray in hay’adaha bani’aadamnimadu ay diyaar u yihiin in ay iskaashi la yeesha an ayna taageeraan mas’uuliyiinta arr intan.

Sarkaalka QM ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha bani’aadamnim adu ay u ololeynayaan ilaha dhaqaala ha si ay u siiyaan gargaar nafo-badba adin ah dadka ay dhibaatadu same ysey marka lagu daro in ay la shaqee yaan mas’uuliyiinta si loo hubiyo xalka dadka cusub ee soo barokacay.

In ka badan 2 milyan oo qof ayaa had da ku barokacsan Soomaaliya gu ud ahaan abaarta iyo iskahorimaadka, oo ay ku jiraan 1 milyan oo qof oo cusub oo barakacay 2017 oo keliya, taasoo ka dhigan saddex-meelood hal meel 6.2 Milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.

GANTAAL LAGU WEERARAY GAARI MARAY AY DEEGAAN KA TIRSAN GOBOLKA SH/HOOSE

wararka ka imanaya G/Sh/Hoose ayaa sheegaya in duqeyn loo geystey gaari marayay deegaan ku dhow de gmada Ow-Dheegle ee gobolka Sh/ho ose. Duqeyntan oo dhacday duhurnim adii shalay ayaa la sheegay in gantaal lagu dhuftay gaariga oo aan la sheeg in noociisa kaasoo marayay deegaan lagu magacaabo Shan Garre oo qiya astii 3km u jirta Ow-Dheegle.

Sida ay sheegeen dad goobjoogaya al ah gaariga ayaa waxaa saarnaa ill aa lix ruux waxaana labo gantaal oo la gu ridey mid ka mid ah uu ku dhacay gaariga. Illaa hadda lama oga khasaa raha ka dhashay duqeyntan hase ye eshee waxaa la aaminsan yahay in dhammaan dadkii saarnaa gaariga ay ku dhinteen duqeynta.

Lama oga duqeyntan cidda ka da mbeysay, hase yeeshee dowlada Mar aykanka ayaa hore u sheegtay inay ko rdhinayso duqeynta ay ka geysanayo dalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaal iya sanadkan cusub ee 2018.

XUBNO KA TIRSAN GUDDIGA DOORA SHOOYINKA QARANKA OO GAARAY JOWHAR

M/Jowhar ee Xarunta G/Sh/dhexe waxaa shalay tagay Wafdi ka socda Guddiga Madaxa bannaan ee Doora shooyinka Qaranka. Sababta ay u ta geen M/Jowhar ayaa lagu sheegay in uu yahay mid ay latashiyo ku saabsan Doorashada Soomaaliya 2020 ay kula sameynayaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool M/Jowhar, iyag oo hore u soo booqday Gobalada Ma amulada K/Galbeed iyo Jubb aland.

Sidoo kale Xubnahan Guddiga mada xa banaan ee Doorashooyinka Qaran ka ayaa dhageysanaya aragtida Bul sha da qeybaheeda kala duwan iyago ona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin karo.Kulamadan ayaa ujeedadooda tahay wacyigelin iyo in dadka la baro hana anka loo mari doono Door-ashada qofiyo cod oo markii ugu hor-eysay lafil ayo inay ka dhacdo Sooma-aliya.

Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa guddiga Doora shooyinka ka dalbaday in lasoo dara aseeyo qaabka doorashada ay u dhici karto iyo bulshada la baro qaabka ugu sahlan ay uga qeyb qaadan karaan, waxaana fulinta arintaasi dadaal xoo gan ugu jira Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Muqd isho iyo Gobalada dalka ka wada wad a tashiyo arintaasi ku saabsan.

TALIYAHA CIIDANKA X.D.S OO KORMEE RAY XABSIGA DHEXE EE XAMAR

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General C/weli Jaamac Xuseen (Go rod), ayaa waxa uu shalay kormeer ku tagey Xabsiga Dhexe ee Xamar, iya doo ay kormeerkan ku wehlinayeen saraakiil ciidan Taliyaha iyo xubnihii uu horkacayay, ayaa waxaa Xabsiga Dhexe ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Xus een Xasan Cismaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa soo arkay warshadda soo saarta qalab xafiseedka, dharka Ciidanka Asl uubta iyo kan maxaabiista, agabka dhismaha iyo qalabka guryaha. War shadan waxaa ka shaqeeya maxaab iista ku xiran Xabsiga Dhexe, ujeedku na waxaa weeye in lagu baro xirfad ay ku shaqaysan karaan, marka ay xab siga ka baxaan.

Geba-gabadii kormeerkan, ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Taliya ha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliya ha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, oo ka warbixiyay kormeerkoodan.

General Xuseen Xasan Cismaan, Tali yaha Ciidanka Asluubta, ayaa sheeg ay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay soo tusiyeen hawlaha shaqo ee ka socda Xabsiga Dhexe, isla-markaana uu bogaadiyay Gen/Gorod ayaa isna sheegay inuu Xabsiga Dhexe ee Xa mar ku soo arkay wax aad u wanaags an, isla-markaana uu ku faraxsan yah ay hawsha quruxda badan ee ka soco ta Xabsiga Dhexe, waxaana uu shee gay inuu bogaadin

MID KAMID AH GAADIIDKA DAGAALKA CIIDAMADA AMISOM OO AY MIINO KULA QARAXDAY GOBOLKA SH/HOOSE

Mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciid amada AMISOM ayaa saaka ay miino kula qaraxday iyagoo marayay meelu dhexeysa degmada Baraawo iyo Bu ulo Mareer ee gobolka Sh/hoose.

Dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobalka Sh/hoose iyadoo si doo kale la maqlay rasaas xoog leh oo dhacaysa.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ay aa waxa ay ku sheegeen Miinada in ay haleeshay mid ka mid ah Gawaa rida Gaashaaman ee ay wateen ciida mada AMISOM. Sidoo kale Shabaab ka waxa ay sheeg een inuu burburay Gaarigii Qaraxa lala eegtay, sidoo kal ena ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Ciidamii la socday gaariga.

Ciidamada AMISOM ayaan faahfaah in rasmi ah ka bixin qaraxan lagula ee gtay Gobolka Shabeellaha Hoose.

FAAH FAAHIN: AMARADA LAGU SOO ROGAY MAAMULADA MASAAJIDADA IYO XARUMAHA DIINTA

Wasaaradda Awqaafta iyo Arri-maha Diinta Xukuumadda Federa-alka ah ee Soomaaliya, ayaa shalay soo saartay War saxaafadeed ku waj-ahan Maamullada Masaajidda iyo Xa-rumaha diinta lagu barto ee ku yaalla Magaaladda Muqdisho iyo dha-mmaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda oo ko koobnaa 5 qodob ayaa waxaa ka mid ahaa in ay isa soo diiwangeliyaan Ma-amulada Masaajidada iyo xarumaha lagu barto Diinta ee ku yaalla guud ahaan dalka, Maamulada ku sugan Muqdisho waxa ay iska diiwaan gelin karaan Wasaaradda Awqaafta, halka kuwa Gobolada ku sugan ay iska diiwaan gelin karaan Wasaaradaha Awqaafta ee Dowlad Goboleedyada.

Xoghayaha joogtada Wasaa-radda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ah ee So-omaaliya oo u waramay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Masaajida iyo xarumaha Diinta lagu barto ay ma-suul ka tahay Wasaaradda Awqaafta, muhiimna ay tahay dadka ku shaqada leh in lala socdo.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xoghayaha joogtada in wax shuruud ah aanan laga rabin dadka isdiiwaan-gelinaya, mudada la siiyayna ay tahay laba bilood, wuxuuna ku baaqay in amarkan ay qaataan dadka ay ku socoto.

 


RA’IISUL WASAARE KHEYRE:”ANNAGOO JOOGNA SANAD KA YAR AYAAN BIXINAY MUSHAARAADKA SHAQAALAHA”.

R/wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay horumar ka ay ku talaabsatay Xukuumadda in tii ay dhisneyd,waxana uu xusay in dhammaan mushaaraadka shaqaala ha dowlada la bixiyay mudadii koobne yd ee ay dowladiisu jirtay.

R/W-kheyre oo la ha dlay warbaahi nta ay dowladu maamusho ayaa she egay in mudada ay Xukuumadda dhis an tahay inay muuqato rajo wanaags an oo qof kasta oo Soomaali ah ku jirta Mustaqbalka, sidoo kale dhamma an shaqaalaha dowladda in la siiyay Mushaarkooda, keyd dhaqaalana uu dowlada u yaalo. "Waxaan leeyahay shacabka Soom aaliyeed anagu waxa an dalka joognaa in ka yar sanad, san adka intii ka yar eyd waxaa muuqata rajo ah in qof wa lbo oo Soomaaliyeed ay rajadiisa wan aagsanaan doonto Mustaqba ka, sa nadka iyo intii ka yareyd aan joognay qof kasta

Mushaarkiisa wuu qaatay, anagoo bixinay mushaarka oo dhan haddana dhaqaalo gaaraya 20 milyan ayaa do wlada u taala”. Ayuu yiri Kheyre. Md/ Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale ka hadlay sida dunida diyaar ugu tah ay inay XFS kala shaqeyso hormarka dalka dhinac kasta, isagoo sheegay in ay ku guuleysteen saxiixida mashaari icyo waaweyn.

"Anagoo joogna sanad ka yar ayay dunida na leedahay waxaan idin kala shaqeyneynaa sidii dhaqaalaha loo ko bcin lahaa, anagoo joogna sanad ka yar ayaa 200 oo Milyan la saxiixanay dowlada Qatar, anagoo joogna sanad ka yar ayaa dowlada Mareykanka la saxiixanay 300 oo Milyan, anagoo jo ogna sanad ka yar ayaa Midowga Yur ub waxay nagu soo wareejiyeen inaan saxiixno heshiis kasta oo aan geli ka rno oo iyagu aanay go’aan inoo gaari Karin”.

Rwkheyre ayaa sheegay in la daga alanka Musuq maasuqa uu yahay mar kasta ahmiyadooda 1aad, isa goo xus ay in Sharciga la dagalaanka Musuqa ay horgeeyeen Baarlamaan ka sidoo kaena la sameynayo Guddi Madax ba nnaan oo la dagaalanka Mu suq ma asuqa ah"Annaga ka xukuumad aha an dowlada hadda jirta la da galaanka musuq-maasuqa wuxuu inoo yahay sidaan idin sheegay Falsafadii 1aad si da Dhaqaalaha Soomaliya uu yahay midka 1aad ee laga fekero ayuu Mus uq maasuqana u yahay in laga fekero, Baarlamaanka Soomaaliya ayaan u gudbinay sharciga la dagaalanka Mus uqmaasu qa, hadda waxaan rajeyney naa haduu ilaah yiraahdo golaha mar kii ay dha meystireen in aqalka sare iy aguna ay soo dhameystiraan, hadda waxaan xo oga saareynaa inaan dhis no guddi madax banana oo la magac baxay gudd iga la dagaalanka Musu qmaasuqa, Maalintii dhibibada loo taa go guddigaas madaxa banaan oo xuk uumada ka madaxbanaan oo isaga ful iya wax kasta uu u baahan yahay oo ka hor taga musuq maasuqa ah, wa xaan aaminsanahay dalka inuu talaa bo weyn hore u qaadayo”. Ayuu yiri RW/Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay aa shacabka Soomaaliyeed ku ama anay doorka muuqda ay ku leeyihiin hormarka dalka, isagoo ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan si hormar balaar an uu dalka u gaaro.

AGAASIME KOOFI OO KORMEERAY XAFII SYADA BIXINTA BAASABOORKA DOOLOW IYO BELEDXAAWO

Col. Mohamed Adam Kofi Agasima ha Guud HSJ ayaa kormeer ku same yay xafiisyada Bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga ee Magaalooyin ka Doolow iyo Balad Xaawo.

Agaasimaha ayaa saraakiisha ka howlagasha xafiisyadaas kula dardaa rmay in ay bulshada si hufan ugu ade egaan isla markaana ay ilaaliyaan hab ka-ka lagu bixiyo Basaboorka iyo Ka arka Aqoonsiga Soomaliya.

Col.Kofi ayaa kormeer ku sameey ay xafiisyada ku yaala magaalooyinka Doolow iyo Balad xaawo waaxana ka mid ahaa xafiisyada uu agaasimaha kormeeray.

1)Xaafiiska Socdaalka xadka ee Bel edxaawo. {2)Xaafiiska bixinta baasab oorka Dooloow.3)Xaafiiska Socdaalka ee xadka doo loow.Agaasimaha ayaa saraakiisha ka howlagasha xafiisyada as kula dardaarmay in ay bulshada si hufan ugu adeegaan isla markaana ay ilaaliyaan habka-ka lagu bixiyo Basa boorka iyo Kaarka Aqoonsiga Sooma liya sidoo kale in ay si taxadar leh ula socdaan dadka isaga gudbaaya xadka 2da dal ee Soomaliya iyo Kenya.

TRUMP OO KU GOODIYAY IN UU JARI DOONO DEEQDA FALASTIINIYIINTA

Waxaa laga yaabaa in dawla-dda Maraykanku ay joojiso lacagta deeqda ah ee ay siiso Falastiiniyiinta "oo aan rabin in nabadda laga wada hadlo”, ayuu yiri Trump.

Trump ayaa Twitterka ku soo qoray in deeqda uu Maraykanku bixi-nayo uusan ku helin "ixtiraam iyo mah-adnaq toona”

Wuxuu sidoo kale u aqoons-igiisii Qudus uu u aqoonsaday caas-imadda Israa’iil uu ku sheegay in ay miiska wadahadalka nabadda "ka lee-xisay” arrintii kala qaybsanaanta wayn keenaysay.

Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tallaabadaasi ay Maraykanka ka dhig-tay mid aan dhexdhexaad noqon ka-rin.

Tallaabadii bishii Disembar wa-xaa iyadana si wayn u cambaaraysay Qarammada Midoobay, iyadoo 128 dal ay ka soo horjeedsadeen tallaab-adii uu Trump qaatay.

MUXUU MADAXWEYNE TRUMP YIRI?

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dabo socday hadal uu horray u sheegay oo ku saabsaa lacagta deeq-da ah ee ay Pakistan siiyaan, taas oo uu ku sheegay in waxa Maraykanku uu ka faa’iido balaayiinta doolar ee deeqda ah ee uu bixiyo ay tahay "be-en iyo khayaano” oo kali ah.

"Pakistan oo kali ah ma aha dalalka aan bilaashka ku siino bala-ayiinta doolar” ayuu madaxweynuhu ku billaabay Twitterkiisa Talaadadii

SADIIQ WARFAA:-"MA AQBALI DOONO IN TAAKO KAMID AH DHULKEENA AY KENYA QAADATO”,

Xoghayaha guddiga difaaca baarl amaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadi iq Warfaa oo kamid ahaa wafdi ka soc day dowladda Soomaliya oo gaaray gobolka gedo ayaa u sheegay Simba inay tageen halka lagu muransan yahay Waxa uu sheegay in ay la socd een khuburo ku xeel dheer arim aha xuduudaha wuxuuna carabka ku adk-eeyay inay difaaci doonaan taako ka-mid ah dalka oo aysan Kenya ku fiirsan doonin dhul balaarsiga ay wad aan .

Waxa uu sidoo kale sheegay Xogh ayaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa in ay la kulmeen bulshada Degmooyin ka Doolow iyo balad-xaawo islamarka ana ay kala hadleen arrimihii ugu dam beeyay ee dhacay, iyo isku daygii ay sameyeen Ciidamadda Dowladda Kenya ee dhul balaarsiga.

Guddigga difaaca Golaha Shacab ka ayaa kulan ay yeesheen dhawaan waxa ay ku cambaareyeen dhul boob la sheegay inay ka wadaan ciidamada Dowladda Kenya degmada Beled Xa awo ee gobolka Gedo.

Warsaxaafadeed uu gudiga difaaca soo saaray ayey ku baaqeen in dowl ada federalka,maamul goboleed yada iyo shacabka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeesteen.


FARIINTA DUQA MUQDISHO AHNA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BENAADIR EE SANADKA CUSUB.


Anigoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka Benaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho, waxaan dhammaan ummaada Soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda kala jooga, Muqdishaaw-iyiinta, Saaxiibadeenna gobolka iyo bah-wadaagteenna horoma-rineed u rajenayaa farxadda sanadka cusub, waxaana Illaah ka baryayaa in sanadkan uu inoo noqdo mid barwaaqaysan.

TAAAAAAAAAAAABBBBIIIIIDBBBB.jpgHaddii aan dib u milicsano sanadkii la soo dhaafay ee 2017kii, dhammaanteen waxaan marqaati ka nahay in uu ahaa sanad xanuun iyo caqabada badan, balse waxaan qaadnay tallaabooyin wax gal ah.

Soomaaliya waxa ka dhacay weerarkii ugu xumaa oo lala beegsaday Muqdisho oo hooy u ah ku dhawaad saddex milyan oo qof. Xasuuqii 14kii Oktoober aad ayuu u murugo iyo xanuun badnaa, weerarka ma uusan saameynin dadka reer Muqd-isho oo kaliya ee waxa uu saameeyay dhammaan Soomaalida dunida dacalladeeda kala jooga. Dar-eenka iyo taageerada aan ka helnay walaala-heenna iyo saaxiibadeenna iyo bahwadaagte-enna caalamka, waxa uu ahaa mid aan horay loo arag. Gurmadkan waxa uu ahaa tusaalaha midnimada aan la loodin karin, gaar ahaan xilligii adkaa ee naxdin iyo murugada badnaa.

Sidaas darted, waxaan barannay dadkana tusnay in midnimadu tahay furaha guusha wax walbo oo aan ku guuleysannay. Mid-nimadaas ayaan ugu shaqeynay si wadajir ah iyada oo hal-beeg u noqotay wixii aan qabannay 2017kii. Waxaan dib u haabeeynay wixii horay loo beddeli waayay, waxaan bixinnay adeegyada ay dadka reer Muqdisho u baahnaayeen.

Waxaan abuurnay dhaqanka daah-furnaanta innaga oo ka hort-ageyna maamul xumida iyo musuq maasuqa, waxaan dib u habeeynay maamulka maaliyadda oo ay kamid tahay nidaamka casriga ah ee aan warqadaha la isticmaaleynin oo si degdeg ah ay macaamiishu u heli karaan kaas oo ka mid ah adeygyada laga hirgeliyo Soomaaliya. Inaga oo shaqaaleeysiinnay kuwii u qalmay waliba si loo simanyahay. Waxaan diiradda saarnay maamul wana-ag iyo la dagaallanka maamul xumida. Waxaa hubaal ah in uu saameyn ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha wadankeena iyo baahinta adeegyada ay bulsahdeenna u baahan tahay.

Maamul xumida waxay carqaladeeysaa dhammaan dadaallada bulshada loogu daneeyo, sidaa darteed qof walba waxaa waajib ku ah inuu taageero daah-furnaanta, la dagaallanka maamul xumida, iyo ka faa’ideysiga awoodda oo carqaladeeya horumarka wadan-keena.

Aniga oo ilaalinaya ballantii aan qaaday, waxaan markii ugu horreeysay ilaa 1991kii aan dejinnay miisaaniyad sanad barkii ah oo faahfaahsan laguna kalsoonaan karo oo lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadka 2017ka aan hirgelinnay, taas oo maam-ulkeenna ka dhigeysa mid isku filan oo awooda inuu bixiyo adeegyada bulsho ee laga rajeeynayo, sidoo kale waxaan suurtagelinnay maalgelinta nidaamka cusub ee maamulka xogta maaliyadeed si loo hagaajiyo nidaamka dhaqaale ee maamulka, waxaana u diyaarsannahay inaan ku shaqeeyno nidaam daah-furan oo ay nagula xisaabtami karaan dadka aan u adeegeeyno.

Shaqaaleysiintu waa arrin muhiim u ah bulsahdeenna oo tiro ahaan koreysa, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee dhallinyarada. Innaga oo ka jawaabeeyna shaqola’aanta dhallinyaradda, maamulkeygu waxa uu fursado shaqo u abuuray 3,000 oo dhallinyara ah oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho barakacayaal ah. Waxaan rumeeysannahay in ay jiraan dad fara badan oo hal abuur leh una qalmo shaqo in ay gobolkan ku nool yihiin, sidaa awgeed maamulka waxa uu ku soo daray barnaamijyada shaqo abuurka dhalinyaro sameynaayo kor u qaadista awooddeena shaqaalaha, waxaana rajeyneynaa inaan joogteyno barnaamijyada fursadaha shaqo lagu abuurayo sanadkan cusub. Hore u socod:

Sanadka 2018, waxaan daadajaneynaa qaab-helista adeegyada bulsho iyada oo dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka ay ku heli doonaan nidaam casri ah, waxa uuna qeyb ka yahay hagaajinta nidaamka bixinta adeegyada ee aan ku xirneyn xarunta dhexe oo kaliya. Adeegyada ay ka mid yihiin; kaararka aqoonsiga shakhs-iyadeed, dhalashooyinka, shattiyada, fasa-xyada dhismayaasha iyo adeegyada kale ayaa la gaarsiinayaa dhammaan 17ka degmo ee gobolka Benaadir waliba iyaga oo tayo sare leh si degdeg ahna loo heli karo.

Argtideenna fog waxa ay diiradda saa-reysaa joogteynta inaan dadka gaarsiinno adeegyadda bulshada innaga oo hormarineyna tayada howsha dowladda hoose, waa na sii joogteyneynana sanad-kan cusub. Dhinacyada adeegyadaas muhiimka ah ee aan ku dadaaleyno inaan gaarsiinno 17ka degmo waxaa kamid ah:

Hagaajinta ammaanka iyo qeybaaha caddaaladda.

Dhiirigeinta dakhliga.

Dhisidda awooda hay’adaha dowladda hoose iyo maamulka gobolka.

Maalgashiga kaabayaasha horumarka (waddooyinka, biyaha, tubbooyinka qashinka qaada IWM).

Hurumarinta iyo ballaarinta adeegyada bulsho sida waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah.

Waxa ugu weyn ee aan diiradda saareyno 2018 waa in ammaan iyo caddaalad ay ehlaan bulshadda ku nool gobolka Benaadir, waxaana fahansannahay in horumarku uusan arrin siyaasadeed ahayn balse uu ku xiran yahay ammaanka iyo caddaaladda. Maa-mulkeygu waxa uu si adag ugu shaqeynayaa bulshada mag-aaladan iyo gobolkaan innaga oo horseedeeyna aasaaska horm-urka. Qorshayaasha aan dejinnay waxa uu diiradda saarayaa nidaamka deriseynta si looga faa’ideysto sugidda ammaanka.

Sida aad ogtihiinba, waxaan dhammeystirnay wada tashiyo aan ka qabannay 17ka degmo oo ku aaddan aragtida Muqdisho iyo gobolka Benaadir. Waxaan diyaar u nahay inaan dadka la wada-agno wadatashiga ka soo baxay 17ka degmo oo loo yaqaan "Ar-agti-wadaaga Muqdishaawiga”, waxaana ku soo bandhigeynaa waxyaabaha ka soo baxay shirka 7da Janaayo oo aan rajeyneyno in ay ka soo qeyb galaan bulshada qeybaheeda kala duwan si ay qeyb uga noqdaan go’aannada muhiimka ah.

Iskama indha tireyno in ay na horyaalaan caqabado, balse inaan feejignaanno oo aan mideysnaano ayaan ku wajahi karnaa caqabad walba oo na soo food saarto mustaqbalka dhow, innaga oo is wada kaashaneyna.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka ku nool mag-aaladda, Ganacsatada iyo dhammaan bah-wadaagteenna iyo cid walba oo Muqdisho ay hooy u tahay. Dhamaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan howsha adag ee ay bul-shada u hayaan si aan u noqonno garbaha hurumarka. Waa inaan horseednaa tilmaamta is bedelka aan raadineyno si aan ugu bedelno bulshada caddaalad, sinnaan iyo guulo aan wadajir u gaarno. Joogteynta huromurka ayaa ku imaan kara wada shaqeyn iyo midnimo si aan u gaarno nabad waarta.

Gebogabada, waxaan rabaa inaan u sheego bulshada gobolka Benaadir in ay ogaadaan maamulkeenna iyo howl-wadee-nnadeena in ay mar walba idiin heellan yihiin, haddii aad u baah-ataanna aad marwalba nala soo xiriiri kartaan heer degmo iyo heer gobolba, innaga oo aan wada xallin karin dhammaan dhibaat-ooyinkiinna haddana waxaan isku dayeynaa wax walba oo aan awoodno si aan u qabano wax wanaagsan oo la taaban karo. Waxaan rajeynayaa inaan horay u soconno sanadkan anigoo ku faraxsan inaan idiin adeego. Aniga oo fursaddaan ka faa’ideysanayo waxaan idiin rajeynayaa sanadka 2018 caafimaad, nabad iyo baraare. Thaabit Cabdi Maxamed

Duqa Mudisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip