Shirka wada-tashiga Hiigsiga 2016 oo maanta ka furmaya Jabuuti iyo shirkii Muqdisho oo baaqday

0
Saturday December 12, 2015 - 11:13:23 in Wararka by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka wada-tashiga Hiigsiga 2016 oo maanta ka furmaya Jabuuti iyo shirkii Muqdisho oo baaqday

    Shir wada-tashi oo looga hadlayo Hiigsiga sanadka 2016 ayaa maanta ka furmaya Jabuuti,iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan dowladda Federaalka, ergooyin ka kala socota Maamul goboleedyada iyo Ururada Bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir wada-tashi oo looga hadlayo Hiigsiga sanadka 2016 ayaa maanta ka furmaya Jabuuti,iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan dowladda Federaalka, ergooyin ka kala socota Maamul goboleedyada iyo Ururada Bulshada.

Qodobada shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah habka Federaalismka, awood qeybsiga iyo habka loo wadaagayo kheyraadka dalka.

Ergada ka qeyb geleysa shirkan ka furmaya Jabuuti ayaa soo bandhigi doona qodobo la doonayo in la si waafajiyo oo ku aadan nooca doorashooyinka ee Soomaaliya ka dhici kara sanadka 2016 iyo mustaqbalka Siyaasada.

Waxyaabaha laga doodi doono waxaa ka mid ah Baarlamaanka iyo qaabka uu noqon doono, waxaana la filayaa qodobada laga soo saari doono shirkan ayaa lagu soo bandhigo shirarka wada-tashi ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan wada-tashiga ee maanta ka furmaya magaalada Jabuuti ayaa noqonaya kii u horeeyay ee looga hadlo Hiigsiga 2016 ee dalka dibadiisa ka dhaca.

Dhinaca kale waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho oo ay isugu imaan lahaayeen Madaxda dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, beesha Caalamka iyo ururada bulshada.

Lama oga sababaha shirkan uu dib u dhac ugu yimid, iyadoo madax ka tirsan kuwa maamul goboleedyada ay maalmahan ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha uu dib ugu dhacay ay tahaynooca ay noqoneyso doorashada sanadka 2016 oo lagu kala aragti duwan yahay, waxaana shirarkii ka dhacay magaalooyinka dalka ka soo baxay aragtiyo kala duwan.

Shirkan maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho ayaa lagu waday in lagu soo bandhigo natiijooyinkii laga soo saaray shirarkii wada-tashi ee gobolada ka dhacay iyo fikrad uruurintii laga sameeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip