
MADAXWEYNAHA OO KA HADLAY WIXII U QABSOOMAY SADDEXDII SANO EE LASOO DHAAFAY
Hogaamiyaha Somaliya, waxa uu sheegay dhanka ammaanka in wax badan laga qabtay, inkastoo ay jiri karaan gaabis ku yimaado sida loo sugay ammaanka dalka.
Madaxweynaha Somaliya waxa uu sheegay Dowladiisa inay guulo waaweyn ka gaartay dhanka Federalka, isaga oo qirtay shacabka Somaliyeed inaysan wax badan ka fahan saneyn Federalka, balse Dowladda ay wado dadaalo lagu dhameystiraayo Hanaanka Federalka.
Isaga oo hadalka sii wata Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kaloo ammaanay ciidamada Dowladda qaybahooda kala duwan oo uu ku sheegay inay naftooda u hureen xaqiijinta ammaanka, wuxuuna ku faanay inay jiraan Saraakiil kala duwan oo ciidamada ka tirsan oo Jaamacado ka dhigta dalalka dibada.
Madaxweynaha wuxuu sheegay dhismaha Maamul Goboleedyada dalka xilligii la dhisaayay Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed inay jireen caqabado kala duwan oo ku aadan weeraro ka yimaada Shabaab, balse dhaq jalaq aanan loo siinin oo la dhameystiray maamuladaasi.
Wuxuu ku faanay Madaxweynaha 25 sano kadib Dowladiisa inay qabatay imtixaan mideysan oo ay adkeyd in dalka laga qaado, balse iyadoo meelna aanan la weerarin si wadajira ah imtixaankasi loo qabtay.
Dadka Aragtida Fog ee Siyaasiyiinta ayaa Dowladda Xasan Sheekh waxa ay ku dhaliilayaan inaysan wax badan ka qaban Siyaasada Arimaha Gudaha oo aad u liidato, marka loo eego xiriirka kala dhaxeeya Madaxweynaha Maamul Goboleedyada Dowladda Dhexe hoose yimaada.
MADAXWEYNAHA OO KA HADLAY WIXII U QABSOOMAY SADDEXDII SANO EE LASOO DHAAFAY
http://risaala.net/assets/images/utility/thumb-shadow.png Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay saddex sano kadib Dowladiisa waxyaabaha ay qabatay, isaga oo sheegay lixdii tiir ee uu balan qaaday in mid waliba wax laga qabtay